Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garowe authorities arrest ssc defence rebel leader

Recommended Posts

Galkacyo,(Lasanod Online) Xoghayaha Gaashandhiga SSC, Yaasiin Cali Tamaad ayaa maanta maamul goboleedka Puntland Waxay ku xidheen Magaaladda Galkacyo dhinaca Maamulka Puntland..

 

 

xili uu ku sugnaa hotel uu ka deganaa.

 

Waxaana uu ku jiray nasasho gaaban isaga oo u soo socday dhanka gobolka Cayn, gaar ahaan magaaladda buuhoodle oo xiligan ay ka jiraan abaabul dagaal oo ka dhan ah maamulka Somaliland.

 

Sida Warar lagu kalsoonyahay ay sheegeen in ciidamo ka tirsan maamulka puntland oo laba tikniko ah siday ka kaxaysteen hotelkii uu ka deganaa magaaladda Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, mana jirto war ka soo baxay maamulka puntland oo la xidhiidha xadhiga Xoghayaha difaaca SSC.

 

Maalmo ka hor bay ahayd markii uu xoghayaha difaaca SSC uu shir jaraaid ku qabtay magaaladda muqdisho oo todobaadadii ugu dambeeya ku sugnaa isaga oo xiligii uu shirka jaraaid qabanayay sheegay inay qorshaynayaan in si deg deg ah oga saari doonaan maamulka Somaliland iyo ciidamo beeleedka kusoo duulay kalshaale.

 

Weli ma cadda in labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ay iska kaashadeen xadhiga xoghayaha difaaca SSC oo isaga hadda u waday bulshadda SSC hawlo baaxad weyn dhinaca ciidamada iyo difaaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

The man is free, ee qashinka joogi X xudhufow.. I heard that your clan rebel militia arrested a TFG deputy minister in Hargaysa. What a attension seeking lot.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Sidee u dhacay Xadhigii Col: Tamaad ee Maanta, Yaase ka danbeeyey, xageebuuse hada ku sugan yahay?{Warbixin}.

 

Xoghaya Gaashaan dhiga ee maamulka SSC Col: Yaasiin Cali Abdulle{Tamaad}, ayaa maanta waxaa uu aroornimadii hore ka soo kicitimay magalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Markii dayuuradii sidey ay ka soo degtay magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa gacanta ku dhigay Tamaad ciidamo laga so diray magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulka Faroole.

Ciidankan oo la sheegay in amarka xadhiga Tamaad uu soo siiyey C/raxmaan faroole oo ah Madaxweyne maamulkaas, ayaa waxay jeelka u taxaabeen Col: Tamaad, ayagoo u sheegay in lagu amray in waxkastoo wax tari kara shacabka gobolka Cayn ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka SNM ee duulaanka ah laga hortago. Tamaad ayaaa intii lagu soo waday jeelka wuxuu xidhiidh la sameeyey Hogaamiye ku xigeenka hogaanka SSC ahna ku simaha Hogaamiyaha Col: Cali Xassan Ahmed{Sabarey}, kaasoo uu uga warbixiyey xaaladiisa. Waxaana Col: Sabrey oo wata ciidamo fara badani ka soo ambabaxay maagaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Mudane Sabarey wuxuu sheegay in maamulka iyo shacabka SSC toona aysan aqbali kareyn in la ilhaameysto mas’uul xil u haya deeganada SSC, ayna lee yihiin tamarteeda in ay soo furtaan. Arintan ayaa waxaa si weyn uga hortagay Odyaal, Siyaasiyiin iyo dhamaan qaybaha bulshada gobolka Mudug oo ku qanciyey ciidankii Sabrey ee SSC in ay dib u noqdaan, isla markaana ay soo daayeen oo xoriyadiisii dib ugu soo celiyeen Madaxa Difaaca ee SSC Col: Tamaad.

Waxayna sheegeen hadeey yihiin bulshada gobolka Mudug in aysan ogoleyn in lagu dhibaateeyo cid ka tirsan maamulka SSC iyo guud ahaanba shacabka *********** ee dagaalka adag kula jira maleeshiyaadka beelaha SNM ee is baahaysanaya.

Col: Tamaad ayaa hada ku sugan Hotelka Taar, ee magaaalada Gaalkacyo, wuxuuna xidhiidh la sameeyey Hogaamiye ku xigeenka SSC, asagoo ku qanciyey in ciidanka dib loo celiyo, waxaan wararkii ugu danbeeyey sheegayana in Sabrey iyo ciidankiisiiba ay dib uga weecdeen deegaanka Bur salaax oo ay galabta goor gaaban soo gaadheen.

Col: Taamaad ayaa la sheegay in caafimaadkiisu Taam yahay isla markaana hada uu si xor ah u dhex mushaaxayo magaalada Gaalkacyo.

Shacabka gobolka Mudug, ayaa waxaa lagu xasuustaa sidii Tolnimada lahayd ee ay u gacan qabteen dhawaacii dagaalkii Kalshalle kuwaasoo la geeyey Cusbitaalka weyn ee Gaalkacayo, ayagoo Hiil iyo hooba dul dhigay, waxayna wacad ku mareen in aysan waxba kala hadhi doonin gacan qabashada Walaalahooda, waxayna arintani muujinaysaa sida shacabka maamulka sadexda gobolka ka sii Laad laada iyo shacabku ugu kala duwan yihiin. Ayadoo aad moodayso in shacabku hada ay ciyaarayaan boos fiican.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

looooooooool You guys must be so desperate, you want us to believe that Col Sabareey will leave Cayn and SNM and go to Galkacayo to fight, this must be your prayer that SSC will leave you alone and start internal war with PL. sometimes you need to have a little dignity, Mudug is the last place that anyone from SSC( the group) will be harmed.Col Sabareey have more important issue to deal and that is Silaanyo and his militia, BTW where is your source.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;695878 wrote:
The man is free, ee qashinka joogi X xudhufow.. I heard that your clan rebel militia arrested a TFG deputy minister in Hargaysa. What a attension seeking lot.

adeer anigu warka uun baan so tabiyey ha i cadhoon,, and yes Somalia TFG officials will be arrested in Somaliland if they set foot on our soil that's nothing new.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lmao......classic

 

Xaji maanta waa historic day! the National Xabsi Day!

Kaad xirteen ONLF supporter miyuu ahaa? it makes sense now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Xaaji Xunjuf;695904 wrote:
^^ kee awoowo maanta dhowr nin bala xidhay eh:D

 

:D:D:D:D:D:D

 

This made me laugh,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,Xaaji caruurnimadadii waligaa imbili ma ciyaartay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;695905 wrote:
lmao......classic

 

Xaji maanta waa historic day! the National Xabsi Day!

Kaad xirteen ONLF supporter miyuu ahaa? it makes sense now.

Haa mid ONLF ah wu ku jiray Mid heblayo sportiga u qabilsana TFGa:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol...Marka waa labo miyaa? mid waa reer Togdheer midna waa SomaliGalbeed miyaa?

Maxaa loo xirey? Farmaajo maxaadse u xiri weyseen? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this