Sign in to follow this  
General Duke

2011: The end of the clan empass...

Recommended Posts

Somalina   

RedSea;694699 wrote:
That is a solution, you dimwit. In order to forge long lasting solution you have to be impartial and considerate of all parties whether you agree with them or not.

Mr Waraabe learn how to read first! I was responding to Taleexi's question on what GD as a president would do.

Thank you.

Markuu AS iyo SNM maqlo ayuu soo ordaa...tartiibso bal adigoo wax hubsanaayo yaa ku dhaho...

 

Xaji, TFG aka united qabiils of Somalia...all day everyday!

GD for president! lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waxyaabaha dhaliya khilaafaadka Qabiilka

 

Axad, 13 Feberaayo, 2011 (HOL) – Khilaafaadyada beelaha Soomaalida ka dhex-dhasha intooda badan waxay ku dhashaan siyaabo kala duwan, qaar waxay ka dhashaan dhul la isku qabsaday sida dhul daaqsimeed, dhul degaan ah iyo dhul beereed, kuwaasoo murankoodu mararka qaar uu sababo dagaal khasaare badan dhaliya.

 

Sidoo kale, beelaha Soomaalida qaarkood ayaa awood is-bida iyagoo is-tusa inay ka xoog badan yihiin beel kale oo daris wadaag la ah ama la dagaan ah, taasoo keentay in khilaafaad beelahaas ka dhex-dhasha oo dagaal lagu hoobta uu ka dhasho.

 

Geel kala-dhicista ayaa iyana qayb ka ah khilaafadyada beelaha Soomaalida ka dhex dhasha, waayo geelu wuxuu ka mid yahay hantida ugu qaalisan ee ay Soomaalidu haystaan, qaar badan oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed geelu wuxuu u yahay waxa ugu weyn ee noloshoodu ku tiirsan tahay kuna faanaan, taasoo jirta ayay haddana imaanaysaa in geel la kala dhaco, kaddibna khilaafka ka dhasha ayaa wuxuu gaaraa heerkii ugu sareeyay madaama geela Soomaalida aan laga xigsan karin.

 

Kala guursiga ayaa mararka qaar beelaha qaarkood ka dhex-dhaliya khilaafaad iyadoo beeluhu isku yasaan dhinaca guursiga ee ku salaysan qabiilka, ayna qaarkood diidaan guursiga beelaha kale, waayo qabiil waliba wuxuu rabi jiray inuu gabdhaha quruxda badan iyagu guursadaan ee ma doonaan in gabadhooda qurxoon nin qabiil kale ah guursado ama uu boobo, haddii ay taasi dhacdana dagaal ayaa beelahaasi ka dhex-abuurmi jiray. Iyadoo gabdho kala boobista ay isku sameeyaan beelaha qaarkood ayaa waxay tani qayb ka tahay khilaafaadka beelaha ka dhex-dhasha, inta badan dagaallada ka dhasha dumarka oo la kala boobana aanay si sahal ah ku qaboobi jirin.

 

Odayaasha qabaa’illada ayaa iyagu qaybta ugu firfircoon ka qaadan jiray hurinta dagaallada iyo sii-wadistiisa iyagoo dhaqaalo ku bixinaya ama dhalinyarada beeshooda ku guubaabinaya iyagoo u tusaya in qabiil hebel haddii uu ka adkaado ay ceeb weyn u soo hoyanayso beeshooda.

 

Haddab, sida la-wada ogsoon yahay is-qabqabsiga ka dhasha dhul beereedyada, xuduudaha daaqsinka, kala dhicista geela, kala boobista gabdhaha, is-yasidda, iska guursiga iyo dilalka aanooyinka qabiil ku salaysan ayaa dhammaantood la oran karaa waxay qayb ka yihiin khilaafaadyada ragaadiyay qabaa’illada Soomaalida, waxaana loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii arrimahaas looga siraad kori lahaa.

 

Khilaafadyadaas qaabka ugu sahlan ee lagu xalin karo waa ku dhaqanka shareecada Islaamka, maadaama ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed ay yihiin dad muslim ah, Ilaahayna uu u soo dejiyay dastuurka Qur’aanka Kariimka si ay isugu maamulaan uguna dhaqmaan, iyadoo weliba Soomaaliya ay isku dhaqan, isku diin, isku midab iyo isku af tahay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maxaa la dholacadeyneysaa saacadan? Kuwii coffee shopka shiishada la fadhiyey with their cadaan khamiisyo goormey banaanbaxaayaan? boqortooyadaas oo kala jabta oo dhulka jiidameysa waan jeclaan lahaa one of these days...casiir cabayaasha tihiin maxaan dhahaa. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

A single Somali state must be recreated, with rights for every single Somali regardless of clan, ethicity and region.

How many country on world do you know with old dream greater..... check the list of all those greater movement which dies without result. Every country in that list (exp Somalia) drop greater ideology and chose to live peace with their neighbors (Ficil iyo Faaido meel ma wada fadhiistan). Intaanad ka toosin riyadii Somaliweyn wallee dhibi way kuu taalaa.

 

Irredentist movements

 

Greater Albania

Greater Balochistan

Greater China

Greater Croatia

Greater Finland

Greater Germany, an expression of pan-Germanism; compare pan-Slavism

Greater Hungary

Greater India

Greater Indonesia

Greater Iran

Greater Israel

Greater Italy

United Macedonia

Greater Mongolia

Greater Morocco

Greater Netherlands

Greater Portugal

Greater Romania

Greater Serbia

Greater Somalia

Greater Syria

Megali Idea (Greece)

Pan-Turkism

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

General Duke;694559 wrote:
The Somali war has now entered its 20th year.

"Man was born free, and he is everywhere in chains.

 

The Somali people deserve a better tommorrow and no longer can we except the status quo.

Its time to rethink what is in our interest, what is it that we want for ourselves and for our families ad people. Credible leaderhsip must take root in this nation...

 

A single Somali state must be recreated, with rights for every single Somali regardless of clan, ethicity and region.

 

We must reclaim our nation from the forces that want to continue to controll it. The UN, other NGO's and those parasitic leaders who want to hold us in bondage.

 

I agree with you Duke our people of Somalia deserve better, Somalia will come back stronger, more united, more developed, more peaceful, more and more Insha Allah

 

God Bless Somalia,

 

Hanoolatu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

RedSea;694699 wrote:
That is a solution, you dimwit. In order to forge long lasting solution you have to be impartial and considerate of all parties whether you agree with them or not.

:):):)

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

RedSea;694696 wrote:
correction: " Dugsi Ma leh qabyaladii, waxay dumisoo mooyaa neh".

 

If everybody suddently stopped supporting his/her warlord who knows where somalia would be by now. It starts with us.

 

Red sea, you are right 100%, how you if you start and lead by example? Will you stop supporting Warlord Siilaanyo, and stop supporting the clan project of Somaliland ???

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Somalina;694775 wrote:
Maxaa la dholacadeyneysaa saacadan? Kuwii coffee shopka shiishada la fadhiyey with their cadaan khamiisyo goormey banaanbaxaayaan? boqortooyadaas oo kala jabta oo dhulka jiidameysa waan jeclaan lahaa one of these days...casiir cabayaasha tihiin maxaan dhahaa.
:)

wey soo socotaa ha sugi waayin:D

 

'Liibaan';694857 wrote:
Wiil cusub waa Somalidiiid, he wants to divide into mini tribal states

Sidaa bey ku waanagsanaan laheyd ma is tidhi?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ma dano ayaa is-diiddan mise dadkaa is-diiddan?

 

Isniin, 14 Feberaayo, 2011 (HOL) – Dadka deegaanka qura wadaaga waxaa mararka qaar ka dhex-dhasha khilaafaad ka dhasha sad-bursi iyo wax isu quurid la’aan ku salaysan dan ama siyaasad, marka waxay isweydiintu tahay ma dano bay dadku isku diidan yihiin, mise dadkii baaba is neceb oo aan is rabin.

 

Soomaalida oo badankeed ahayd reer guuraa waxaa dhibaato ay ku qabteen daaqsinka iyo biyaha, sidaas darteed ayaa marka baadka iyo biyuhu ku yaraadaan waxaa dhici jiray khilaafyo iyo iska horimaadyo, qabiil walibana wuxuu ku dadaali jiray inuu helo dhul ballaaran oo xoolihiisu u daaqsin tagaan, taas ayaana la oran karaa wax isu quurid la’aanta ama daneysi gaar ah.

 

Sida runta ah dadku isma necba laakiin waxay isku diidan yihiin dan, waayo qof waliba ama qabiil weliba waxa dantiisu tahay kaliya ayuun buu doonayaa inay u fulaan ama uu fushado.

 

Marka laga hadlo siyaasadda is-diiddan ee Soomaliya ayaa waxaa la oran karaa waxay ku salaysan tahay dan shaqsi ama kooxo gaar ah, waayo siyaasiyiinta Soomaalida ee is-diidan waxay isku diidan yihiin xukun oo qof waliba uu si shaqsi ah isagu iskula doonayo ama kooxda uu taageersan yahay la doonayo taasoo ah dan gaar ah iyadoo meesha ay ka baxday dantii guud ee dalka iyo dadka.

 

'Cadkanow ku cunay ama ku ciidee' waa halheys inta badan siyaasiyiinta Soomaalida laga hayo mana ku xisaabtamaan in kursigu yahay mid qura qof kaliyana uu madaxweyne ka noqonayo.

 

Qabyaaladda ayaa qayb ka ah waxyaabaha keena wax isu quurid la’aanta iyo in qabiil weliba dantiisa mooyee uusan ka shaqeyn danta qabiilka kale ee la jaarka ah ama dantu kawada dhexeyso.

 

Qabayaaladdu waxay qofka bartaa inuu qabiilkiisa oo qura wax la doono, isla markaasna kuwa kale uu wax u quuri waayo, qof waliba wuxuu isla rabaa in qof qabiilkiisa ah uu noqdo kan taliya ee aanu noqon kan loo taliyo.

 

Danaysiga shaqsiga iyo tan qabiilka ayaa la oran karaa waa arrinta ugu weyn ee Soomaalida ka hor-taagan inay gaarto ama hesho Qarannimo, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa madaxweyne kasta oo la doorto qolada koowaad ee taageerta waa qabiilkiisa, halka kuwa kalena ay wax uun ka sheegayaan amaba ay diidayaan 'cadkaanow ku cunay ama ku ciidee' ayayna siyaasiyiinta Soomalidu halqabsi ka dhigteen.

 

Danaysiga gaarka ah iyo in adiga kaligaa aad wax isla rabto waa astaanta lagu yaqaano Soomaalida arrintaasoo ah arrin aan fiicnayn, waayo ma dhacayso in qof kale oo aan adiga ahayn ama qabiilkaaga ahayn aad wax u ogalaato.

 

Waxaa dhacda in qof ama koox qabiil gaar ah ay dad kale ama qof kale oo aan ku qabiil ahayn ula macaamilaan ama ula dhaqmaan si ka baxsan bini’adannimada, iyadoo la is qaraabaysanayo ama la is qabiilaysanayo, taasoo ah dulmi ku yimid danaysi gaar ah, iyadoo qofka ama kooxdaa lagu riixayo koox gaar ah oo uu ka tirsan yahay ama qabiil gaar ah oo uu yahay taasoo qofku ku waayayo xaqiisa qabiilkiisa awgii.

 

Hadaba dadku isma diidana ee dano ayaa is diidan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiil cusub waa Somalidiiid, he wants to divide into mini tribal states

Liibaan ma aha somalidiid ama somalidoon we can all have best wishes but reality is diffrent

Waxan aan kuu sheegay waa Imisa qoomiyadood oo ay xuduudo kala jarjareen ayaa aduunka ka jira dhamaantoodna waxay ku riyoonayeen greater ... balse dantaa u run sheegtay oo sharcigii caalamka u yaalay ayay u hogaansameen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this