Sign in to follow this  
A_Khadar

Col. Axmed Maxamed Dalbac Oo Ku Biiray Ciidamada SSC-

Recommended Posts

A_Khadar   

Buhoodle,(lasanod Online)- Col. Axmed Maxamed Dalbac oo horey uga tirsanaan jiray saraakiisha Somaliland, islamarkaana kasoo jeeda deegaanada SSC..

mn.jpg

white.gif

 

ayaa maanta si rasmi ah uga baxay ciidamada Somaliland isagoo galabta ku soo biiray ciidamada SSC ee deegaanka buuhoodle ku sugan.

Col. Dalbac ayaa ka goostay maamulka somaliland isaga oo watay gawaadhi tikniko ah oo gaadhaya 7 iyo ciidamo 240 oo askari

 

Waxaana la sheegey inuu sarkaalkaasi u dulqaadan waayey hadaladda iyo talabooyinka ay qaadeen maamulka Somaliland,waxaana uu sheegey in xaaladii dagaal isu bedeshay mid Qabiil.

 

Sarkaalkan lagu magacaabo Col. Axmed Maxamed Dalbac,waxaa uu sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay inuu shacabkiisa la safto,waxaana uu ciidamada Somaliland ee degaankaasi la soo dhoobey ku tilmaamay kuwo qabiil balse aysan ahayn maamul amase wax loo dul qaadan karo oo maamul dhexe ku shaqeyn kara.

 

Col: Dalbac waxaa uu maanta sheegey inuu mawqifkiisu cad yahay isla markaasna uu diyaar u yahay inuu difaaco degaanka Kalshaale, dagaalna kala hortago ciidamada Somaliland oo saacado ka hor ka tirsanaa,waxaana uu sheegey inuu dhamaan hayo khariirada dagaalka ee ay dhigeen ciidamada Somaliland ee ku sugan degaanada ku dhaw Kalshaale.

 

white.gif
Xafiiska Wararka Lasanod Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

DSCF0796-300x225.jpgSarkaal sare oo hore uga tirsanaan jirey Ciidamda Somaliland ayaa kasoo baxay Ciidamadaasi, isagoo sheegay inuu la mowqif yahay shacabka Buuhoodle,

DSCF0787-300x225.jpg

sarkaalkani oo lagu Magacaabo Col Axmed Maxamed Aadan ‘dalbac’ ayaa lasoo galay ciidamo gaadhaya 250 askari, iyo 12 gaadhi oo tikniko ah,

DSCF0750-300x225.jpg

waxaana sarkaalku sheegay in ay somaliland isaga soo baxeen isaga Iyo Ciidamadiisu kadib markii ay u adkaysan waayeen, dhibaatooyinka ay Ciidamda Somaliland ku-hayaan dadka shacabka ah ee Goboladda sool. sanaag iyo cayn. iyagoo dhowaan dad shacab ah ku xasuuqay deegaanka kalshaale, sida uu hadalka u dhiagy,

DSCF0783-300x225.jpg

Kumanaan kamid ah dadweynaha kudhawan magaaladda Buuhoodle, oo isugu jira, cuqaal, isimo, waxgarad, ururadda bulshadda, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada buuhoodle, ayaa siweyn ugu soo dhoweeyey magaalo Madaxda Gobolka Cayn ee Buuhoodle,

DSCF07871-300x225.jpg

Dadka soo dhoweynayey sarkaalkan ayaa kaga hortegey tuuladda shangale oo katirsan Gobolka Cayn, taasi oo 5 km dhanka waqooyi ka xigta magaaladda Buuhoodle ee xarunta Gobolka cayn,

DSCF0778-300x225.jpg

Hadaba dadweynahaaasi ayaa usoo gelbiyey dhanka magaalada buuhoodle isagoo kumanaan dad ah kula hadlay fagaaraha kubadda cagta ee magaaladda buuhoodle,

DSCF0784-300x225.jpg

sarkaalkan ayaa sheegay inuu difaacayo deegaankiisa isagoo shacabka Gobolka cayn ugu baaqay inay isdifaacaan sida uu hadalka u dhigay,

DSCF0739-300x225.jpg

Iskusoo wadaduuboo colnel ka ayaa noqonaya kii ugu danbeeyey ee kasoo gala maamulka somaliland iyadoo uusan xiligan jirin shaqsi kamid ah shacabka gobollka cayn oo katirsan ciidamada maamulka somaliland, waxaana sarkaalkani imaatinkiisa aad usoo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshadda buuhoodle,

DSCF0771-300x225.jpg

xasme xasan geelle

buuhoodle soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

actually according to voa Somali he joined puntland and according to widhwidh he joined SNM ;)

 

Hadalkii Xaabsade iyo Dalbac soo galay buuhoodle maxaa xidhiidh ah oo ka dhaxeeyay. (Halkan ka dhagayso Xaabsade Hadalkiis Hargaysa uu ka yidhi Buuhoodle waan tagayaa)

By nuur on Feb 09, 2011 with Comments 0

 

ShareXaabsade oo baryahanba ku mashquulsanaa rag uu soo galayo buuhoodle ayaa hada soo diray Dalbac oo ay isla qabteen Magaalada lascanood mudo sadex sanno kahor.

Xaabsade iyo Dalbac ayaa ah labo nin oo aad isugu dhow oo ka soo wada shaqeeyay qabshadii Magaalada lascanood, Waxaana hada billowday shabashadii Buuhoodle oo mudo dheer la sugayay in marka hore la dhex gallo magaalada Buuhoodle.

 

Xaalada Dalbac ayaa ah mid looga naxo markii uu soo galay buuhoodle waxaana hubaal ah inuu wali la shaqaynayo maamulka SNM iyo saaxiibkiis dhow ee xaabade.

 

Dhinaca kale Xaabasde oo si cad u sheegay innuu xidhiidh fiican ka dhaxeeyay isaga iyo odayaasha reer buuhoodle, Waxaana is waydiin Mudan Ma xaabade ayaa Run sheegaya mise odayaasha ree buuhoodle.

 

Isku soo wada duub hadii aan Dalbac hubkana laga dhin, isagana waan waxba loo dirsan buuhoodle way badbaaysaa, balse hadii ciidamo loo dhiibo waxaa bilaabanaysa inuu si wacan ulla shaqeeyo maamulka SNM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

According the above pics is neither but joined to his people.

XX. Are you relying on the lost men in Hargaysa (likes Xaabsade) or you beleive the above avidences. If Dalbac joins to puntland/ssc, you can argue one or the other if that makes you feel better but the man is no longer on your side rather against you. That is the facts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beyond the propaganda we are seeing here and on other websites, I wonder what the SL admin really thinks about the situation? Surely the last 30 years has provided enough evidence that neither force nor fighting works on Somalis? Nin aan madax banaaneyn iyo qori cabaysan ma kala foga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;693954 wrote:
According the above pics is neither but joined to his people.

XX. Are you relying on the lost men in Hargaysa (likes Xaabsade) or you beleive the above avidences. If Dalbac joins to puntland/ssc, you can argue one or the other if that makes you feel better but the man is no longer on your side rather against you. That is the facts.

Just like Mustafe galaal and we know where he is right now ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Muse Galaal, Dalbac, and ina Canbaashe are only in your side for the peace time. The next fight even Xaabsade will change side. because they are not separist

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

That is what XX can't comprehend. Plus whether they are with you or without you, it won't change a thing about the people's destiny. No successionist as long they live.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Dalbac oo Somaliland iska soo dhiibay

 

 

Wednesday, 09 February 2011 08:38 | Written by Buhodle.net

debebax2_240x146_244b0f3cdb8af7c2891c239 soo dhaweyntii Dalbac

 

Ninka lagu magacaabo Dalbac oo hore uga tirsanaan jirey ciidamada maamulka Somalidiidka ah ee SNMta ayaa maanta isu soo dhiibay ciidmada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee xaruntoodu tahay magaalada Buuhoodle. Dalbac oo lagu tilmaamo Ina Xaabsadaha ciidamada oo intaanu u gelin maamulka Soomaalidiidka ah ka hor ka tirsanaan jiray kuwa Puntland ayaa dad badani iswaydiinayaan waxa uu ku soo kordhin doona ciidamada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo hada ku jira hawl culus oo ay dhulkooda dib ugu hananayaan.

Dalbac waxa uu ciidamada maamulka Soomaalidiidka ah ee ka taliya magaalada Hargeysa maanta kala soo galay lix gaadiid ah oo afar ka mid ah lagu tilmaamay kuwa tiknikada ah oo ay saaranyahiin qoryaha sida qumaatiga ah loogu dagaalmo.

Ninkaa sarkaalka ah iyo ciidamadiisa ayaa maanta si aad u balaadhan loogu soo dhaweeyey badhtamaha magaalada Buuhoodle oo ay ku sugayeen dadweyne aad iyo aad u tiro badan wateyna calamo iyo caleemo qoyan.

Dadweynaha goobahaa isugu yimid ayaa badankoodu ka doodayeen waxa uu mudane Dalbac soo kordhin karo maadama uu daawede wanaagsan ka ahaa dagaalkii kululaa ee maaltii doraad ahaa ka dhacay degaanka Kalshaale.

Sarkaalka ayaa sida la xaqiijinayo ka fogayn goobta dagaalku ka dhacayey oo ku sugnaa meel u dhaxaysa magaalooyinka Maygaagle iyo Sooljoogto oo dhowr iyo toban kiilomitir u jirta degaanka Kalshaaale ee dagaalku ka soconayey.

Hadaba Dalbac soo gelye ma damiir cusub baa loo iibinayaa oo uu kaga leexdo wadooyiinka khaldan, jawaabtu waa maya ee waxaa kaliya oo la danaynayaa afarta gaadhi ee qoryahu saaranyahiin ee uu kala soo galay maamulka Hargeysa.

Ninkii hore u lumi jireyna waxaa laga hayaa “maxaa helidayda lagaga farxayaa beriba waan lumiye” taana waxaa la mid ah dalbaca maanta ka soo galay maamulka Somaliland daawanayeyna xasuuqii dadkiisa iyo dalkiisaba lagu samaynayey.

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this