Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland information minister sends a strong message to the clan rebels.

Recommended Posts

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Oo Ku Eedeeyay Kooxda SSC Masuuliyada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Kalshaale, Digniin Culus U Diray Kooxdaas.

 

 

 

 

Hargeysa (Ramaas) Feb.08, 2011 – Wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta, ku eedeeyay kooxda SSC-da in ay masuul ka ahaayeen dagaalkii ku dhexmaray deegaanada Kalshaale iyo Hagoogane ciidanka qaranka Somaliland iyo maleeshiyada jabhada SSC-da, kaas oo sababay khasaare ballaadhan oo dhimasho iyo dhawaac keenay.

 

Md Xaabsade waxa uu sheegay in kooxda SSC-du ay caadaysteen in falal amni darro ah ay had iyo jeer ka abuuraan deegaamada Buuhoodle iyo Sool, si ay u kiciyeen shacbiga ku nool jiidahaas oo ay ku beer-laxawsanayaan hayb qabiilnimo, waxaana uu sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay difaacada xuduudaheeda haddii la soo wareero, waxaana uu yidhi wasiirku ”Kooxada nabaddiidka ahi waxa ay caadaysteen in ay wax ka soo tuurtuuraan dhulka ay ku sugan yihiin si ay u khal-khalgaliyaan amniga dalka, waxaana ay doonayaan in ay fadqalalo ka abuuraan degaamada Buuhoodle iyo Laascaanood. Waxa ay sidaas sameeyeen markii ay maqleen in Kalshaale la aasayo berkadihii la qoday, ayay bilaabeen in ay dagaal ridaan, waayo haddii kale lacag ka helimaayaan beelaha lacagta u soo dira”.

 

Wasiir waxa isaga oo hadalkiisa sii wada sheegay in kooxda SSC ay dadka ku nool Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle ay ka dhaadhiciyaan in la gumaysto, waxa uu yidhi” kooxdan waxa ay ka dhaadhiciyeen dadka ku nool deegaanada Laascaanood iyo Buuhoodle in la gumaysto, waxaan u sheegayaa shacbigaas in aanay jirin cid gumaysataa waana dad walaalo ah oo wada daga dhulkaas”.

 

Hadalkan ka soo yeedhay wasiir Xaabsade ayaa noqday kii ugu horeeyay ee noociisa ah illaa intii uu noqday wasiirka bishan horaanteedii, kadib markii uu maalintii shalay dagaal ba’ani dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo falaagada SSC-da.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Hanjabaad Kulul U Diray Puntland kuna eedeeyey dagaalka KalshaaleSubmitted by admin on Tue, 02/08/2011 - 14:34

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay in uu

ay si toos ah uga soo qayb gashay dagaaladda ka socda Deegaanka lagu

muransan yahay ee Kalshaale.

 

 

Wasiir

Xaabsade waxa uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay sidii ay

qaranimadeeda u difaaci lahayd, waxaanu u soo jeediyay Maamul Goboleedka

Puntland in ay faraha kala baxaan deegaamada Somaliland, haddii kaleba

buu ku hanjabay in ay kala kulmi doonto cawaaqib xumo aanay dib uga soo

waaqsan doonin.

 

 

 

Sidaasna

waxa uu ku sheegay mar uu maanta xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta,

waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aan idiin sheegayaa in ciidamo

ka socda Puntland ay soo galeen dagaalka, waxaanan leeyahay Puntland oo

aanu isnaqaano, haddii aad ku sii jirtaan waxa aad kala kulmi doontaan

cawaaqib xumo” ayuu ku hanjabay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta

Somaliland Md. Maxamed Cabdi Xaabsade.

 

 

 

Wasiirku

waxa kale oo uu tilmaamay in gaadmadii shalay aroor la soo weeraray

ciidamada Somaliland ay ku dambaysay dhirbaaxo kulul oo ay ciidamada

qaranka Somaliland huwiyeen maleeshiyaadkii soo weeraray “Ciidamada

Somaliland way iska waabiyeen ciidamada, waxaanay badeen jab iyo mahadho

aan yarayn, waxaanan ugu baaqayaa ciidamada Somaliland in ay ka

feejignaadaan cid kasta oo isku dayda in ay hagar daamo gaadhsiiso” ayuu

yidhi Wasiirku.

 

 

 

Wuu

sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi “kooxada nabaddiidka ahi waxa ay

caadaysteen in wax ka soo tuurtuuraan dhulka ay ku sugan yihiin is ay

khal-khalgaliyaan amniga dalka, waxa ay doonayaan in ay fadqalalo ka

aburaan mandaqada Buhuudle iyo Laascaanood waxa ay sidaas sameeyeen

markii ay maqleen in Kalshaale la aasayo barigihii la qoday, ayay

bilaabeen in ay dagaal ridaan, waayo haddii kale lacag ka helimaayaan

beelaha lacagta u soo dira”ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Somaliland

 

 

 

Si

kastaba ha ahaatee labada dhinac ee isku haya degaanka ayaa guulo ka

sheeganaya dagaalkii shalay ka dhacay Kalshaale, waxaanay wararka ka

imanaya maanta uu yahay mid xasiloon

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Xaaji Xunjuf;693718 wrote:
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade

'wasiirka warfaafinta kulahaa wasiir gani'!

SEMA the greedy minister, i think that word is suitable to use sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxa ay sidaas sameeyeen markii ay maqleen in Kalshaale la aasayo barigihii la qoday, ayay bilaabeen in ay dagaal ridaan, waayo haddii kale lacag ka helimaayaan beelaha lacagta u soo dira

 

:D :D .. I told you inuu mashruuc yahay dee

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   
Odayga worries so much if thing continue this way, he is in big shit. This was his last attempt. So let blow the hot air if that buys him few more kg of Qat..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddaanu Nahay Reer Sool, Sanaag Iyo Cayn Kama Ogolin Inay Dhulkayaga Ka Taliyo Nabad-Diidku, Puntland Hadday Faraha Kala Bixi Weydo Way Ka Shalayn Doonaan”

Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade

 

Hargeysa, February 9, 2011 (Haatuf) - Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi galinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maamul goboleedka Puntland ku eedeeyey inay faro-galinta ku hayaan Somaliland, kaas oo tilmaamay in Maleeshiyada Nabad-diidka Buuhoodle ee doraad weerarka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiya aaga Buuhoodle ay Maleeshiyada Puntland shidaal ku soo caawisay Maleeshiyada Buhoodle.

 

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sidoo kale ugu baaqay Puntland inay joojiyaan farogalinta ay ka wadaan dhulka Somaliland, haddii kale ay ka qoomamayn doonaan.

 

Ugu horayn Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo ka jawaabayey haddalkii ka soo yeedhay kooxda nabadiidka ah, waxa uu yidhi “Sida laga warqabo aaga Kal-shaale oo ah deegaanada Buuhoodle waxa ka dhacay dagaal ay iskaga hor yimaadeen Maleeshiyada nabad-diidka Buuhoodle iyo Ciidanka Qaranka Somaliland, dagalkaas dhaawac badan iyo dhimashaba wey ka dhaceen, xaga Buuhoodle waxa la sheegayaa 12 qof inay ka dhinteen, xagan Ciidanka Qarankana waxa dhintay shan qof, dhaawucuna wuu badan yahay dhinac kasta”.

 

S: Sideed u aragtaan dawlada ahaan dhibaatadan dhacaysa ee soo noqnoqotay, Wasiirka Warfaafinta ayaad tahay, odayna waad tahay siyaasiya oo oo deegaankaa waliba ka soo jeed?

 

J: Arintaas waxaanu u aragnaa, dagaalkaas dhacaya waxa wada nimanka nabadiidka ah ee isku sheega SSC reer Buuhoodle-na dhibaato ku haya, dadka reer Buuhoodle kuma jiraan dhibaatadaas manay ogolayn, ciidankaa (nabadiidka) uma ogola, ciidankaasina cid deegaanka ah oo cid ka wakiil ah maaha, dagaalkani wuxuu ka dhacay Kal-shaale oo uu madaxweynuhu laba jeer amar ku bixiyay inuu noqdo Xoolo daaqee, markii hore-na yidhi meeshaas daaqeen baanu ka dhigaynaa ciidamaduna ha ku kala dhex jiraan labada qolo, intaana biyaha ha ka sii cabeen, markii dambana markii taa lagu qanci waayay isagu gacantiisa ku amray kharashkiina la bixiyo, markii ay ******** in sidaas la sameeyay oo amarkaasi baxay ayay dagaalka soo qaadeen, nimankaasina waa niman nabad diid ah, reer Buuhoodle-na niman matala maaha, reer Laascaanood-na ma matalaan qolo walba waxa ku hayaan dhibaato, haddii aanay dhibaatadaasi dhici lahayna reer Buuhoodle weyba eryeen oo umay ogolayn inay dhulka soo galaan.

 

S: Hogaamiyaha kooxda SSC Xaglatoosiye saaka mar uu BBC-da ka hadlay waxa uu sheegay inuu soo weerary ciidan beelaysani ay doonayaan in deegaankoodii ka qabsadaan, taas maxaad ka odhan lahayd?

 

J: Ciidankaasi isagaa wax weeraray ee lama weerarin, iyagaa ayaamahaas oo dhan weerarka hayay mar walba, iyagaa wax soo tuur-tuurayay mar walba iyagaa ciidanka la dagaalamayay, Xaglatoosiye-na madaxweynena maaha cidna masuul kama aha, mana ogolin inuu dhulka ka taliyo, haddaanu reer Laascaanood, Sanaag iyo Cayn nahay kama ogolin inuu dhulkaa ka taliyo, ciidankaasina ciidan jira oo na matala maaha, waxaanu ummada u sheegaynaa ciidankaasi (nabadiidku) inuu dhibaato ku hayo dadkaa, waxaanu leenahay ciidankaasi ha la iska weeciyo, reer Buuhoodle odayaasha waanu wada hadalnay, waxay leeyihiin ciidankaasi nama matalo’e yaa naga kexeeya ayay leeyihiin, iyaguna waa ciidan yar oo halkaas isku urursaday oo aan caaqiibo kale haynin.

 

S: Laakiin ciidan yar maaha shalay (doraad) markuu dagaalku dhacay wararka dhex dhexaadku waxay sheegayaan in markii hore ciidanka Somaliland ee xooga badnaa markii hore ay kaga horeeyeen dagaalka, taas maxaa ka jira?

 

J: Ciidankaasi (nabad diidku) ma badana, laakiin dadkii magaalada joogay ee dhalinyarada ahaa ayaa waxa lagu qanciyay dhulbaa la inaga qaadayaa oo la inaga baabinayaa oo Somaliland baa inaga boobaysaa oo beelo inaga boobayaan aan waxba ka jirin, markaa ciidanku maaha ciidan rasmiya ee waa ciidan ka soo orday Tuulooyinka iyo magaalada, oo odayaashii maqli waayay, subaxnimadii baanu odayaasha wada hadalnay, waxay yidhaahdeen anagaa hadda u tagayna oo meesha ka saarayna ee nagu ogaad, markay u tageena waa kaa dagaalkii bilaabmay.

 

S: Ma is leedahay dadkiibaa la idinka dheereeyay haatan, Axmed Cabdi Xaabsade markii hore Laascaanood Puntland iyo Somaliland isku haysteen adiga hogaaminayay oo dhinaca Somaliland taageersanaa dhibaatadu wey yarayd oo marka la eego shacbi badan baa soo dhaweeyay dhinaca Somaliland, laakiin hadda ma is leedahay dhinacaasay u badan yihiin, siday doontaba ha ahaatee dadkii inaad kasbataan baa loo baahan yahay, siday kula muuqataa?

 

J: Dadka inaanu kasbanaa loo baahan yahay oo aanu dadka soo dhaweyno, oo aanu dadka dhaqno oo wax u qabano, laakiin arrintani arin iska dhacay weeyaan oo ay ka dhacay markii hore laba beelood oo wax is yeelay oo muran dhul dhexmaray, ka dib meeshii waanu baabinay, markaa imika odayaashiina wey ila soo hadleen oo waxay yidhaahdeen badad baanu rabnaa, waxaanu rabnaa in la heshiiyo, nimankaas (kooxdaa nabad diidka) anagaa iska saaraynee idinkuna nala saara, talaabaananu ka qaadaynaa, meel fog-na ma kala joogno waananu is naqaana, waxaanu leenahay hadaydaan joojin waad ka shalayn doontaan.

 

S: Marka hore maad wada hadal ku daydaan intaad hanjabaysaan, miyaanay ahayn in wada hadal yeelataan, shalayna (doraad) madaxweyne Axmed Siillaanyo wuxuu sheegay inuu doonayo in Puntland xidhiidh ganacsi dhex maro, taa sideed u aragtaa?

 

J: Anagu nabad baanu ugu baaqnay oo intaa ugu baaqaynay oo waxaanu ilaalinaynay inaan waxba naga gaadhin, laakiin haddii faro galinta (Puntland) nalaga deyn waayo dul qaadan mayno, waanay ka shalaayi doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this