Sign in to follow this  
A_Khadar

Dagaal ka dhacay Kalshaale iyo wareysi aanu la yeelanay mid ka mid ah goob joogayaashe, sidoo kalena

Recommended Posts

A_Khadar   

Dagaal ka dhacay Kalshaale iyo wareysi aanu la yeelanay mid ka mid ah goob joogayaashe, sidoo kalena waxaanu wareysi la yeelanay Gud. Ku xigeenka SSC Col. Cali Sabareey.

 

Buuhoodle (SPR): Mid ka mid ah rayidkii ku sugnaa deegaanada uu dagaalka ka dhacay ee haatan ku sugan deegaanka Hagoogane ee u muuqata Kalshaale ayaa waxaa uu idaacada SPR uga waramay dagaalkii ka dhacay Kalshaale oo ay isku maandhaafeen ciidamada SSC iyo ciidamada S/land.

 

Sidoo kale waxaanu wareysi la yeelaney Gudoomiye ku xigeenka maamulka SSC Col. Sabareey oo ku sugan deegaanka Meygaagle oo aan ka fogeyn deegaanka Kalshaale ayaa idaacada SPR uga warbixiyey sida uu dagaalka u dhacay iyo qasaaraha inta la ogyahay ilaa iyo hada.

 

Waxaa xusid mudan in ay idaacada SPR xiriir la sameysay dhanka S/land isla markaana wali aysan u suuroobin. Wixii ka soo kordha kala soco www.spr.fm

 

Listen WARYSIYO:

 

http://spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=835:dhagayso-dagaal-ka-dhacay-kalshaale-iyo-wareysi-aanu-la-yeelanay-mid-ka-mid-ah-goob-joogayaashe-sidoo-kalena-waxaanu-wareysi-la-yeelanay-gud-ku-xigeenka-ssc-col-cali-sabareey&Itemid=121

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Khasaare ka dhashay Dagaal dhexmaray Somaliland iyo SCC

 

Isniin, 31 January 2011 (HOL)- Sagaal qof ayaa dhintay, toddoba kalena waxaa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, kaddib markii uu dagaal dhex maray ciidamada Somaliland iyo SCC.

 

Dagaalkan oo ka dhacay agagaarka deegaanka Kalsaale ee bariga Burco, ayaa ka bilowday deegaano ku dhaw deegaanka Kalshaale oo ay hore ugu dagaallameen laba Beelood oo walaalo ah oo halkaa wada degaa. Walow dhinac ka mid ah labada dhinac uu dhinaca kale ku eedeeyay masuuliyadda dagaalka, haddana ma jiraan warar si madax bannaan u xaqiijinaya xaqiiqada dagaalkan.

 

“Ciidamada qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Kal-shaale iyo Maygaagle ayaa laba kor joogto oo ka kala tirsan labada beelood ee Qori-lugud iyo Buuhoodle oo is -rasaaseeyay kala dhex galay, kadibna ciidanka qaranka ayaa ciidamadii beesha Buuhodle ee fadhiyay Hagoogane weerar ku soo qaaday, dhimasho badana u geystay, ilaa hadda intaanu ognahayna waxa dhinacan ka dhintay todoba qof afar qof oo dhaawac ahna magaalada (Buuhoodle) ayaa la keenay,”sidaa waxa Wargeyska Haatuf Khadka telefoonka ugu sheegay afhayeenka SSC Cabdirisaaq X Bakayle.

 

Dhinaca kale, mar aanu isku daynay inaanu xog ka helno dhinaca Xukuumadda Somaliland, noomay suurtogelin in aanu helno masuuliyiinta ay khusayso.

 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadashay dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanka Kalshaale,waxaana ay dawladu sheegtay in dagaalkaasi uu yahay mid xasuuq ah oo loola danleeyahay shacabka gobolka Ceyn ee Puntland,iyadoo sidoo kalena ay dawladu sheegtay in Somaliland ay wado qorshayaal ay shacabka Puntland ku xasuuqayso.

 

Wasiirka Wasaarada Amniga ee dawlada Puntland Jen,Yuusuf Axmed Kheyr ayaa dagaalkan si kulul uga hadlay,waxaana uu Wasiirku sheegey in Puntland ay diyaar utahay difaacista shacabkeeda,isagoo Somaliland ugu baaqay inay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo deegaanada ay colaadu kajirto,waxaana uu muujiyey sida ay Puntland uu u taabtay dagaalkii u danbeeyey ee ciidanka Somaliland & dadka deegaanku ay isaga horyimaadeen.

 

Yuusuf Axmed Kheyr Wuxuu canbaareeyey qabqabashadii ay ciidamada Somaliland ay deegaanada qaarkood ka qabqabteen dad kusugnaa kuwaas oo la geeyey magaalada Burco iyagoo lagu eedeynayo inay ahaayeen gurmad dagaal,waxaana uu talaabadaasna ku tilmaamay mid aanan loo dulqaadan Karin,wuxuuna ku celceliyey in Somaliland looga baahanyahay inay derisnimada Ilaaliso si deg deg ahna faraha ugala baxdo xaalka Kalshaale & guud ahaanba gobolada xuduuda kuyaala oo ciidamo badan ay soo dhoobtay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Odayga reer miyiga pissed off. He presents SNM as a government entity. How naive he was when he expected them to be fair. I heard he is one of those oday who is on their payroll.. He sounded shocked now when he finds out that they fought along the side of their clansmen.

 

Yeah Taleexi, aggressors will be the losers the end of the day. God doesn't like ugly. SSC and in this particular one, reer Buhodle will over come this. Few killed and few others taken as prisoners will never detour their destiny of Somali Unity and gobonimo..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi;691769 wrote:
SL Militia may seem to have the upper hand on the surface but the genuine freedom fighters will be Victorious.

Ciidanka qaranka is not the aggressor here the Somaliland army is just there to protect the people from fighting

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Really, ciidamda qaranka kulahaa.. Oday indho adayg ileen adigaa dhameeyey.. What happened yesterday is far different than that and it was expected.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Listen two subclans fought between kalshaale and hagoogane the Somaliland army were briefed on this development they went there foolish clan Militia From Buhoodle attacked the Somaliland army and a Military vehicle it was merely self defence from the Somaliland army they went up to the place just to stop the two clans From Fighting.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Dagaalkan maanta dhacay ayaa waxaa uu markii hore bilowday subaxnimadii hore ee saaka waxaana deegaanka kalshaale isku rasaaseeyey laba kor-jooge ama ilaalo oo ka kala socota ciidan beeleedka buuhoodle iyo midka bariga burco, dagaalkaasi ayaan dhalin wax khasaare ah, intaasi kadib ayaa galabta saacadu markii ay ahayd abaaro 3:50 daqiiqo waxaa weerar kusoo Qaaday fariisin ciidan beeleed-ka Buuhoodle leeyihiin ciidamo ku hubaysan gaadiidka Dagaalka kuwaasi oo hoostaga Maamulka Somaliland.

 

Dagaalkani oo socdey mudo saacada ah kaasi oo gabalku ka dhacay ayaa waxaa la sheegayaa inuu dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaasi oo soo gaarey labada dhinac.

 

Inkasta oo ay adag tahay in si rasmi ah loo ogaado khasaaraha dagaalku dhaliyey maadaama weli dhinacyadii is diriray iska aag dhow yihiin, hadana waxaa la tilmaamayaa inuu Khasaare Badani Jiro.

 

 

 

Jawiga Magaalada Buuhoodle ayaa ah mid aad kacsan, gebi ahaanba waxaa xiran goobaha ganacsiga, sida Makhaayadaha laga cunteeyo, meelaha laga sharaabo,Iyo goobaha kale ee la isugu tago, dariiqyada Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa tuban dadweyne aad u tira badan kuwaasi oo u badan haween Iyo caruur, waxaa soconaya gaaadiid ka noocyadiisa kala duwan kuwaasi oo kusii jeeda deegaanka dagaalku ka dhacay ayna saaran yihiin ciidan beeleed kasoo jeeda gobolka cayn.

 

dhakhtarka magaalada Buuhoodle ayaa waxaa la soo gaarsiiyey hal qof oo dhaawac ah waxaana la sheegayaa in ay hada kusoo wajahan yihiin tira kale oo dagaalka kusoo dhaawacmay , dhimasho ayaa la tilmaamayaa inay jirto labada dhinac walow aan la xaqiijin karin tirada labada dhinac ka dhimatay.

 

 

 

Marka la iskusoo wada duubo dadweynaha Magaalada Buuhoodle Iyo Guud ahaanba Gobolka Cayn ayaa Caawa ah kuwo Colaad ku soo hoy’dey, waxaana saacadaha soo socda la filayaa inuu dhaco dagaal ka khasaare Badan midka galabta dhacay, mana muuqato saansaan dagaalku baaqdo oo ka socda labada dhinac, Ciidamo Beeleedka Gobolka Cayn ayaan Iyagu wax garab ah ama Taageero ah ilaa hada ka helin wax maamul ah, halka Ciiidan beeleedka Bariga Buco ay garabsanayaan Maamulka ay hoostagaan ee Somaliland.

 

Khadar Cawl Ismaaciil

 

Idaacadda Daljir Buuhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Bariga Buco ay garabsanayaan Maamulka ay hoostagaan ee Somaliland

.

 

halkaa waxaa ku cad in habar wacasho dhacday

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buunbuunis badanaa, why are we blowing things out of proportion? For the record, the other tribal militia were initially just as pissed off about the S/land army's presence there. They were however smart enough not to take on the S/land army, otherwise many of them would've ended up on the back of trucks all the way to burco where they would face criminal charges, lol. The Buuhoodle militia on the other hand, were already prepared for this, they knew what the outcome would be if they confronted the national army, and thats precisely what they wanted to happen for propaganda purposes. It seems to be working a bit so far, but we hope things calm down.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

dagaalku marna waa xaq marna waa xaq daro,guriga dagaalku ka socdo waa sool barbara maahan,

reer sool ha isku tashadeen,,, walaalahood puntland labo dagaal oo kale ayaa ku furan gudniinka fircooniga, iyo barakacayaasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

;);)

walaalahood puntland labo dagaal oo kale ayaa ku furan gudniinka fircooniga, iyo barakacayaasha

Alle ha qaboojiy but the forcast doesn't look good in that area..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulmiye   

Oo waxa meeshan qoriga la isu wada-qaatay? waar shir waa in jabuuti lagu qabto- si howshan loo fuliyo oo dhinac walaba dakharku qabo loo daweeyo:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this