Sign in to follow this  
The Zack

Sheekh Sharif to Resign?

Recommended Posts

The Zack   

Sheekh Shariif oo laga yaabo in uu Maro Wadadii uu xilka isaga Casiley Cabdulaahi Yuusuf

 

shariif3.jpg

 

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeenkii Arbacada saqdii dhex mar ahayd tahay waxaa la sheegay in uu si qarsoodi ah ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho sida ay noo sheegey rag isaga ku dhow dhow isagoo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii ay u yeereen wakiilo ka socda beesha caalamka oo maalmahan ku suganaa Magaalada Nairobi iyadoo Safarka Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ku soo beegmey Xilli Magaalada Nairobi ay ka socdaan shirar ay leeyihiin qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka iyo Siyaasiin Caan ah, waxaana Garwadeen ka ah shirarkaas Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee DFKMG Soomaaliya Cali Max’ed Geedi ayagoo oo ka arrisanaya sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin lahaayeen in Sheekh Shariif xilkiisa uu ku ekaado 31-ka Jaanaayo oo ah xiligii Jabuuti lagu doortay. Waxaana shir ka mid Shirarkaas lagu waramey in lagu kala dareerey ka dib rag aan lagu Casuumin ay ka soo qaybgaleen kuwaas oo la sheegey inay buuq iyo Dagaal halkaa ka sameeyeen.

 

Warar aanu ka helnay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay sheegayaan in intii uusan Sheekh Shariif ka ambabixin Magaalada Muqdisho uu kullan la qaatay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey isagoo ka codsaday in uu kullan isugu yeero xildhibaanada Baarlamaanka hase yeeshee arrinkaan waxaa maqlay Guddoomiyaha Baaralmaanka Shariif Xasan waxa uuna u sheegay in shir uusan la socon aan la qaban Karin.

 

shariif1.jpg

 

shariif2.jpg

 

Read the rest here..

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Showqi, Somalitalk waa reliable, been cad ayagoo qora ma arkin wali sxb. UN-ta iyo intaranashnaaal kumuunity-ga baa geysatay odayga meesha, iney ka qaadaanna waa macquul.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Zack, taasi waa macquul. Waa hadii ay balantu sidaas ahayd!!! Shariifka wali waxaa ku daba-dhagan Shariif Xasan ayaan u malaynayaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Showqi;691106 wrote:
Zack, taasi waa macquul. Waa hadii ay balantu sidaas ahayd!!! Shariifk wali waxaa ku daba-dhagan Shariif Xasan ayaan u malaynayaa?

Shariif Xasan waa nin xagxagasho badan horta laakiin arintan waa wax isaga ka weyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AS long as the NGOs in Nairobi and the so called International Community are calling the shots, this game will never change. Somalis will keep squabbling on petty things and those men(in suits) in Nairobi will keep pocking on the poor Somalis. Sad, but the truth...Let it roll.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

LOL@Oba.. taageera ahaa. If Sharif is not leading the country to where it belongs to then he needs to step aside..wuu sii soconaa sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this