Sign in to follow this  
Siciid1986

Somaliland Budget Goes UP 45%

Recommended Posts

Somaliland budget increased by 45% in 2011 compare to 2010

 

 

Maaliyadda Oo G. Wasiirrada u Gudbisay Miisaaniyad Ka Badan 45% Tii Kal Hore

January 24th, 2011 Comments Off

 

Hargaysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa shalay golaha wasiirrada u gudbisay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2011 ee xukuumadda dhexe, kaas oo sida la sheegay miisaaniyaddii sannadkii hore ka badan 45% .

 

Ma jiro war rasmi ah oo wasaaradda maaliyaddu ay ka soo saartay tafaasiisha odoroska miisaaniyadda, hase yeeshee, ilo xogogaal ah oo aanu ka helnay wasaaradda maaliyadda ayaa sheegaya in shalay wasaaraddu u gudbisay golaha wasiirrada, si ay u guda-galaan ansixinta miisaaniyadda, kadibna loo gudbiyo maalmaha soo socda aqalka Wakiillada.

 

Miisaaniyaddan ayaa la sheegay in ay miisaaniyd sannadeedkii hore ka badan tahay boqolkiiba shan iyo afartan iyada oo aanay jirin wax cashuuro ah oo xukuumadda cusubi ay kordhisay.

 

Miisaaniyaddan ayaa xooga saartay mushahar kordhinta shaqaalaha dawladda iyo ciidamada oo loo kordhiyay 100 %, (Boqolkiiba boqol), waxa mushahaarooyin loo qoray 1500 oo macalin, 400 iyo dheeraad ka mida hawl wadeenada caafimaadka iyo shaqaale badan oo loo qoray wasaaradda diinta iyo Awqaafta, isla markaana ay jiraan qaar kamida Hay’adaha dawliga ah ee uu madaxwaynuhu curiyay aasaaskooda, oo loo qoray shaqaale kala duwan, sida Hay’adaha maamul wanaaga iyo ilaalinta tayada agabka.

 

Wasaaradda ayaa odorosaysa in lacagtan ay kordhiyeen ka soo bixi doonto cashuurihii ku baaqan jiray ganacsatada waawayn, sida shirkadaha isgaadhsiinta, xawaalada iyo maal-qabeenada.

 

Miisaaniyaddan ayaa ka duwan miisaaniyadihii hore, waxaanay noqonaysaa guul wayn oo u soo hoyatay wasaaradda maaliyadda oo kordhisay mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamada, iyada oo aanay jirin cashuuro lagu kordhiyay dadwaynaha.

 

Cumar Maxamed Faarax

 

Somaliland>org/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Not a bad new given that it is all relative. Teeda kale haddii reerkiinoo dhami mujaahid noqday yaa munaafiqiin ah, war reerka qaar tuugada ku dar hadda aniga waa iga talo uun ee sidaadii sharaxaad dheer ha ii gelin :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji, how much will get Sool, Sanaag and Buhoodle from the budget increase? You know Rayaale's administration Invested a big percentage from all goverment revenues in Sool and Sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Herer   

Xaaji Xunjuf;689872 wrote:
Mujaheed Maxammad xashi cilmi to present the full budget of Somaliland 2011

what kinda of mujahid he was?????????????

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this