Sign in to follow this  
Somalina

Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo la xiray

Recommended Posts

Herer   

Boqor raabi wuxu ka soo jeeda landheerada boqorada somaliland.Old Man must stop this wave of arrests against those who attempt to express themselves freely.

 

Just have a look when reer KULMIYE use to cry when some of their members are thrown to jail.

 

XISBIGA KULMIYE OO WARSAXAFADEED KA SOO SAARAY MID KA MID AH TAAGEERYASHIISA OO LA XIDHAY CANBAARYEYNA XADHIGIISA

 

http://www.togaherer.com/2009/12/20/xisbiga-kulmiye-oo-warsaxafadeed-ka-soo-saaray-mid-ka-mid-ah-taageeryashiisa-oo-la-xidhay-canbaaryeyna-xadhigiisa/

 

XISBIGA MUCAARADKA AH EE KULMIYE OO KU HANJABAY IN AANU DIB UGU DULQAADAN DOONIN MASUULIYAD DARADA AY XUKUUMADU KU DHAQANTO

 

 

http://somlandnor.wordpress.com/2008/05/06/xisbiga-mucaaradka-ah-ee-kulmiye-oo-ku-hanjabay-in-aanu-dib-ugu-dulqaadan-doonin-masuuliyad-darada-ay-xukuumadu-ku-dhaqanto/

 

Xisbiga KULMIYE Oo Ka Digay Xadhiga Maxamed Xaashi

 

http://www.geeska.net/index2.php?option=com_content&do_pdf=1&id=898

 

http://kulmiye.org/296/xisbiga-kulmiye-oo-cambaareeyey-kootada-ganacsiga-xoolaha-loogu-xidhay-al-jaabiri-iyo-xadhigga-guddoomiyaha-guddida-ganacsatada-xoolaha/

 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo Cambaareeyay Muwaadin Saddex Cisho Berbera ugu Xidhan Gudida Nabadgelyada

 

http://www.sonna.net/content/xoghayaha-guud-ee-xisbiga-kulmiye-oo-cambaareeyay-muwaadin-saddex-cisho-berbera-ugu-xidhan-g?page=986&order=title&sort=asc

 

KULMIYE Oo Sharci-Daro Ku Tilmaamay Xadhigga Axmed Xaashi Oday Oo Mudo 3

 

Maalmood Ah Xabsiga Ku Jira

 

http://saxafinews.com/index2.php?option=com_content&do_pdf=1&id=80

 

Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay Inuu Hakinayo Wadashaqayntii Ay La Lahaayeen Madaxweyne Riyaale: Warmurtiyeed Xisbigu Kaga Hadlay Xaaladda Dalka

December 13, 2007

 

http://somalilandhorta.com/news/2007/Dec/news07121305.htm

 

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo Xukuumadda Somaliland Xabsiga u taxaabtay

 

http://www.hiiraan.com/news2/2009/jan/wararka_maanta10-5485.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumada Siilaanyo oo u diiday in la soo booqdo Boqor Raabi oo xidhan xukun la’aan maalintii 18aad

Written by Qaran news

Feb 07, 2011 at 05:44 PM

 

Hargeysa (Qaran news)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo kamid ah Madaxdhaqameedka Magaca ku leh Somaliland kana soo jeeda gobolka Hargeysa ayaa maalintii 18aad ku xidhan xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa iyada oo aan wax Maxkamad ah la horgeyn.

 

Boqor Raabi oo Maalintii Khamiistii ee 20-kii bishii aynu soo dhaafnay Ciidamadda boolisku u taxaabeen xabsiga isagoo ku sugan gurigiisa ayaan ilaa hadda wax Maxkamad ah la horgeyn isla markaana laga mamnuucay in Caa’iladiisa iyo dadka kaleba ku booqdaan Xabsiga.

 

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi-Kabaal) oo warbaahinta la hadlay wax yar kadib markii xabsiga loo taxaabay Boqor Raabi ayaa xadhigiisa u nisbeeyay warar saxaafada lagu baahiyay oo uu sheegay in Boqorku wax kaga sheegay Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana uu wax ugu dhimay Maamuuska (Immunity) uu Qaranku huwiyay, hase yeeshee war intaas ka faahfaahsan oo kusaabsan xadhiga Boqor Raabi Xukuumada kama soo bixin.

 

Dhinaca kale Xadhiga Boqorka ayaa isla maalmahaasba sababay Mudaharaad ay shacabka Koonfurta Hargeysa ee uu boqorku ka soo jeedo kaga gadoodeen xadhiga bilaa sababta ah ee lagula kacayo Madax dhaqameedka, sidoo kale ilo wareedyo ku dhawdhaw xukuumadda ayaa Shabakadda Togaherer.com u sheegau in Aqoon yahanka iyo Odayaasha dhaqanka ee Beesha Boqorku ka soo jeedo ay waanwaan la gaeeny Madaxtooyadda iyada oo shir albaabadu u xidhan yihiin oo la yeesheen Madaxweynaha kaga dalbaday in si dhakhso ah Kiiska loo haysto Boqor Raabi loo hor keeno Maxkamad ama Xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee ilahaasi ma sheegin go’aanka Madaxweynuhu qaatay. “Odayaashu maanta (Sabtidii ayay Madaxweynaha u tagayeen” Sida waxa yidhi Wiil uu dhalay Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo togaherer uga xogwarramay Halka ay marayso waanwaanta Xukuumadda iyo Ergada Boqorku, waxaanu intaa ku daray in aanay ilaa hadda aanay u muuqan wax go’aan ah oo Madaxweynuhu ka qaatay Kiiska Aabihii balse uu ballanqaaday in uu ka hawl galayo.

 

Khaalid Boqor Raabi waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay Xaalada uu ku sugan yahay aabihii iyo Xayiraada lagu soo rogay inJeelka lagu booqdo “ Lama Ogola in loo galoba, jeelkan lama galo ayay yidhaahdeen , marka loo gaynayo cuntada iyo waxyaabaha kale ee uu u baahan yahay askarta ayaa kaa qabanaysa oo u gaynaysa ee adigu ma geli karaysid.” Ayuu yidhi Khaalid, waxaanu intaa ku daray “awal hore Sabtida iyo khamiista ayaa la ogolaa in la booqdo maxaabiista laakiin hadda waxay yidhaahdeen waa la joojiyay oo looma tegi karo”.

 

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka hadlay Xadhiga Xukuumaddu kula kacday Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi, iyo qaabka loola dhaqmayo Dadka ka soo horjeeda siyaasadda xukuumadda oo u muuqda mid sharciga ka baxsan.

 

Wasiir Gaboose waxa uu si indho isku qabad leh uga jawaabay Su’aal laga weydiiyay xadhiga boqor Raabi kaasi oo uu ku marmarsooday in arrintaasi u taallo Hay’addaha Garsoorka oo aanu faro gelin Karin.

 

Wasiirka oo lagu marti qaaday barnaamij Su’aalo lagu waydiiyo masuuliyiinta oo ka baxa Idaacada Codka Maraykanka waxa kale oo uu ka hadlay xaaladaha amaanka dalka iyo dadkii laga soo qabqabtay Burco ee lala xidhiidhinayey Argagixisada.

 

Su’aal kale oo la weydiiyay Wasiirka oo u dhignayd, waxa ray’igiisa lagu xidhay Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo Wasiirka Arrmaha Gudaha Dr. Gaboose ka jawaabayay, waxa uu yidhi “Sharcigayagu ma kala laha Boqor iyo Miskiin, Laan-dheere iyo Laan-gaab inaanu Xoriyaadka asaasiga ah u ilaalino Muwaadinka qasabay nagu tahay, isagana waajibaa lagu leeyahay, dalkani hay’addo Garsoor iyo sharcibuu leeyahay, anagu maamul ahaan Garsoorka ma faro galin karno”

 

Sidoo kale Weriye C/shakuur X. Maxamuud Muuse (Heersare) oo kamid ah Suxufiyiinta da’da yar oo Wasiirka weydiiyay sababta xukuumadda madaxweyne Siillaanyo ay xadhiga iyo cabudhinta ugu abaal gudayso Suxufiyiinta, kuna xukumayso Xeerka ciqaabta guud waxa Dr. Gaboose yidhi “Dimuquraadiyadu jirimayso haddii la waayo Saxaafad xor ah, waxa naga go’an in Saxaafadu noqoto xor, laakiin Suxufigu kama baxsanaa Muwaadiniinta kale ee dunuubta gala, hadduu sharafta iyo karaamada qof kale wax yeelo, muwaadiniinta Xeerarka lagu qaado ayaa lagu qaadayaa, haddaanu nahay xisbiga Kulmiye waxaanu Saxaafada u haynaa inaanu abaal, Sharaf iyo Cisi aan la ilaabi Karin u hayno Suxufiyiinta, waayo wakhtigii ay adkayd ee Kulmiye tartamayay ee dalkani tirsanayay din u dhaca, Askarigii safka koowaad ku jiray halkuu qoriga ka ridayay, isaguna qalinka ka ridayay Suxufigayaga ayuu ahaa”.

 

Xigasho: Togaherer

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

[quote

Marka, soo daaya odeyga, cidina muu dilinee. Kuwii Ruushkaba waad sii dayseenee...lol

somalina waxad ilowdey odeygii Germany ahaa ee wacdaraha kadigey hargaysa lol...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this