Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Security Forces Carry Out Operation in Burco

Recommended Posts

Burco(HWN)Diyaaradii argagaxa gelisay shacabka reer Togdheer ee labada habeen dul heehaabaysay hawada sare ee Magaalada Burco, ayaa laga war helay waxa ay wadday iyo halkii ay ku socotay.

 

Ilo xog xogaal oo hadhwanaagnews xuuraansatay aya u sheegay in Diyaaradani ahayd Diyaarad Daba joogtay kooxo la sheegay inay debedda uga yimaadeen fulinta falal argagaxiso ay ka fuliyaan Gudaha Dalka.

 

Dadkani ay diyaaraddu dabajoogtay ayaa ku soo degey mid ka mid ah xaafadaha magaalada Burco, gaar ahaan xaafad u deggenaa Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Telesom.

 

Abbaaro 10:00 Fiidnimo ee xalay ayay ahayd markii Ciidan Milleteri iyo Bileys isugu jiray ay iskuweer ka qabteen Goobaha ay u bartilmaameedsanayd Diyaradani ee ay sida aadka ah ugu wareegaysay.

 

Diyaaradan oo la sheegay in laga hagayey dhulka isla markaasna ay la shaqaynayeen Qolooyin caddaan ahi ayaa iyadu si weyn ugu dul wareegaysay guri ku yaalla xaafadda Tuurta Gaar ahaan Meel Waxoogaa ka danbaysa Xarunta Candleight.

 

Ciidankan isku weerka ka qabtay xafadahaasi ayaa si adag oo bilaa Naxariis ah u baadhayey Dadka iyo Gaadiidka Marayey aaggaga ay fadhiyeen, waxaana xalay illaa arroornimadii saaka adkayd gelitaanka iyo Marida Waddooyinkaasi ay ciidanku fadhiyeen, Waxaana 4tii Subaxnimo ee Saaka ay ciidanku ka kaceen halkii ay fadhiyeen ,iyadoo ugu Danbayntiinta saqdii dhexe ee xalay ay ciidanku galeen Gurigii ay Tuhunsanaayeen kana kexeeyey kooxo la sheegay in ay Dalka Dibaddiisa ka yimaadeen.

 

Waxa la xidhay oo xabsiga magaalada Burco ku xidhan inta la hubo 3 uu ka mid yahay Ninkaasi xalay gurigiisa la galay oo La yidhaa Saleban Good Abees, Dad kale oo xalay intii Baadhitaanadu ay socdeen la qabqabtay oo uu ka mid ahaa wiilka laxidhay Aabihii Good abees ayaa iyaguna Saaka la soo daayey, waxaana illaa iyo imminka aan wax war ahi ka soo saarin arrinta dhinacyada ay khusayso oo ah maamulka iyo Gobolka iyo Hogaanada iyo saarkiisha ciidanka, iyagoo shacabkuna aad ugu dhegtaagaya ka hadalka arriinkaasi.

 

Gebogabadii xaalada Magaalada Burco ayaa saaka deggen balse hadalhaynta u badan ee saaka ayaa ah ciidanka Xooganaa ee dhex fadhiistay xaafadaha dhex dooda Xalay , hawlgaladii ay sameeyeen iyo diyaaradda saska weyn ku abuurtay dadka oo saaka aad loo hadal hayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawlgal laga Fuliyey magaaladda Burco ,laguna qabtay dad oo ay ka qayb qaateen Sirdoonka Ingiriiska

 

Cidamadda Aminga Soomaalinad ayaa xalay hawlgal balaadhan ka fuliyey magaaladda burco,

 

kaaso oo ay ku qabqabteen ugu yaraad dad gaadhanay ilaa 10 qof.

 

Hawlgalkan ayaa Cidmada Aminga Soomaliland waxa ku wehelinaayey, saraakil ka tirsan Haya’adda Sirdoonka Wadanka Ingiriiska, kuwaso ka qayb qaadanaayeye Hawlgalkan lagu qabqabanaayo, dad lagu sheegay inay xidhiiidh la leeyihiin Wadaada ka dagaaladmaaya Koonfurta soomaliya.

 

Ilaa hadda ma jiraan Cid masuuliyiin ah oo ka tirsan maamulk gobolka ama booliska gobolka Togdheer oo ka hadashay Arrintan, hase yeeshe hawlgalkan ayaa ka danbeeyey, ka dib markii habeenimada jimcuhu soo galaayey ay diyaarad aan la garanayn nooceeda kuna duulaysay Joog hoose, guuxeeduna ahaa mid argagax ku abuurya Bulshadda ay dul Heehaabaysay Magaaladda Burco, taas la sheegaayey inay ku raad joogto dad soo galay magaaladda Burco.

 

Hawlgalkan dadka lagu qabqabtay waxa ka mida Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Magacaabo Saleebaan Maxamed Xuseen Naaleeye , waxaana dadkii la qabqabtay loo dhaadhicieye magaalada Hargaysa sila xalay Saqbadhkiiba.

 

 

 

TogdheerNews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa(HWN):- Xukuummada Somaliland ayaa maanra markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ka soo qabqabteen Xalay Shan nin oo uu ku sheegay inay ku eedeysan yihiin argagixiso iyo falal amni-daro ah.isla markaana loo soo dhaadhiciyey Maanta Magaalada Hargeysa.

sidaa waxa uu ku sheegay maanta Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cismaan Garaad Soofe, mar uu u waramayey idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ee Magaalada Hargeysa

Md. Cismaan Garaad Soofe waxa uu sheegay inay muddo nimankan ay daba socdeen,isla markaana ay xalay gacanta ku soo dhigeen. Waxaanu xusay inay shanta qofba yihiin Soomaali.balse wasiirku ma kala cadeyn inay koonfurta Soomaaliya u dhasheen iyo inay Somaliland u dhasheen midna.

Wasiir Ku Xigeenka arrimaha Guduhu waxa uu tilmaamay in nimankan maanta loo soo gudbiyay Magaalada Hargeysa, oo baadhitaankooda laga bilaabo.

SI kastaba ha ahaatee, labadii habeen ee aynusoo dhaafnay waxa magaalada Burco la sheegay inay Diyaarad dul-heehaabayso, taas oo cabsi weyn ku beertay dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Wallahi this is big time ceeb! Somaliland is instigating fitna in the region. Anytime a state authorizes outsiders to hunt down members of the Religious groups in our country then trouble looms in the form of natural disasters.

 

Ceebay Tacaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco (Sunatimes) Ten suspected Al-shabab members were arrested in a joint security operation that was carried out by Somaliland and American security officials in Burao, the capital of Togder region.

 

The operation was carried out last night in a special manner as airplanes and other military equipments were used.

 

Residents of Burao said they saw low flying airplanes supported by security officials on the ground on Friday night. However, Burao town is now reported to be calm, although some of the residents have panicked during last night�s operation.

 

Some Somaliland police officers who requested not to be mentioned said the Al-shabab suspects were later taken to Hargeysa for further questioning.

 

Reports indicate that the security officials who carried out the operation were looking for some well known Al-shabab members who had arrived in Burao town a few days ago. However, there are no further details on the operation and as well the arrested suspects still remain unidentified.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So now American forces from Djibouti are doing operations in Burco???

 

Did they catch Sheikh Atom's and his bodyguards and have they cleared Godane's training cell in Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Loool @ on the ground, what about on air of Burco?

 

 

Americans are doing the operations in Burco waryaa, so stop your nonsense.

 

 

Faroole's son has done damage, he finger points at you and your helleluvah admin in Hargeisa are quick with their butts to impress, but this is not enough the PIS will keep the pressure on and uncover more looolz

Share this post


Link to post
Share on other sites

which part of the news you did not understand now ??? ,,,,,,,,,,

 

the Al-shabab suspects were later taken to Hargeysa for further questioning.

Share this post


Link to post
Share on other sites

RedSea;687768 wrote:
Wallahi this is big time ceeb! Somaliland is instigating fitna in the region. Anytime a state authorizes outsiders to hunt down members of the Religious groups in our country then trouble looms in the form of natural disasters.

 

Ceebay Tacaal.

All you ever do is complain Bro. You can't complain about Riyaale anymore :) . No place for extremists in SL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this