Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta af-soomaaliga

Recommended Posts

Positive   

Sheekadan oo aan curiyey waqti muddo laga joogo bal aan ku yara rakaadanno oo aan isku dayno in aan fahamno. Erayo badan oo dhaqan soomali xambaarsan baa ku jira ee bal akhri haddaba oo erayada aad garan weydo nala wadaag si aan markaas micnahooda ugu daadegno.

 

Xange

 

Xange wuxuu ahaa nin dhoobi ah oo geela noo raaca. Qurux iyo dabeecad wanaag inta inan rag leeyahay wuu lahaa. Dadkuna inkastoo si dhowrsan ay ula dhaqmi jireen haddana way ammaani jireen wax-qabadkiisa.

 

 

Wuxuu ahaa nin dheer oo aan ku qiyaasi karo afar dhudhun iyo hal taako. Midab maariin dhalaal ah ayuu lahaa. Timo yalax ah oo baarka hore uu malaas ku caseeyey ayaa ilaa dhegihiisa ku soo dhowaa . Weji ballaaran oo suuniyo cufan oo madow ah iyo afkiisa oo ay ka dhex dhalaalayaan ilko cad cad oo had iyo goor caday gumar ah uu ku cadayi jiray ayaad dheehan kartay markaad eegto xaggiisa. Gar aan badnayn oo xaad u badan ayaa ku yiil. Waxaadna arkaysay inuu dhowr iyo labaatan jir weli doob ah yahay.

 

Qaarkiisa hoose meel ka saraysa qiyaas ilaa hal taako miskaha ilaa jilbaha dushooda ayaa wuxuu ku xirnaan jiray saan riyood oo markii la aslay midabkeeda casuusta ahi uu ciidda dhulka dhaahiyey. Kabo cag-ba-cag ah oo saan geel ka samaysan ayuu ku jaambin jiray marka uu soconayo.

 

Anigu inan yar ayaan ahaa oo kuray xoogsaday ah. Afar iyo toban sano bilo ayaa ku dheer ayuu igu oran jiray aabahay.

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa aabahay i weydiiyey inaan arkay Xange oo galabtaas la taagan Qalanjo oo ahayd gabadh walaashay ah oo markaas guurdoon ahayd. Waxaan u sheegay in aan arkay Xange oo hangool dheer oo uu had iyo goor sidan jiray intuu dhulka ku mutay oo markaas isagoo taagan bar-bar u cusday la qoslaya Qalanjo. Aabo oo xanaaq ka muuqdo ayaa mar labaad i weydiiyey in aan ficil muujiyey iyo in kale. Markaan u sheegay in aanan waxba samayn ayuu ul dheer oo dhebi ah oo uu sitay igu caseeyey. Wuxuuna iigu daray " doqon yahow miyaadan ogeyn in ninku uusan walaashaa geyin". Markaan maya ugu jawaabay ayuu mar labaad ila galay ushii iguna waday ilaa ushii dushayda ku dhammaatay dhiigna qariyey jirkaygii oo dhan. Anigoo dhulka aal xanuun awgeed oo ilmada iyo dhiiggu isku darmay ayuu iga dul dhaqaaqy isagoo ku cataabaya" way yaa middi i siiya. Kan in aan gowraco ayaa igu bannaan".

 

Toddobo casho markii nabaradadii la dhayayey oo xooggii igu soo noqday ayaan galabtii dambe ka soo kacay ardaagii lay goglay si aan u soo manjo baxsado isla markaasna aan u soo gurto miro hohob ah oo aan jeclaa in aan caanaha geela ku cuno. Socodkaygii ayaan kula kulmay Xange oo geed ka xabkaysanaya. Markaan u imi ee aan weydiiyey sababta aan loogu oggolayn isagu in uu la haasaawo hablaha geyaankiisa ah ee beesha ayuu isagoo qamuunyeysan oo murugo ku dheehan tahay wejigiisa igu yiri" anigu waxaan u dhashay dadka la hayb sooco".

 

Waxaa kediso iyo ammakaag igu noqotay markuu Xange sharaxaad dheer iga siiyey sida ay ku timi iyo taariikhda arrintan hayb-soocu. Sababta ay waxa cusub iigu noqotay waxay ahayd iyadoo aan la soo koray hooyaday oo aan kula noolaa meel godan ah oo buuro ku wareegsan yihiin oo afarta xilli ee sannadkaba barwaaqo ah roobkuna uusan ka qaadin isla markaasna ka go'nayd dadka intiisa kale. Annagoo ka koobnayn ilaa shan boqol oo qoys oo isku beel ah cid kalena aysan tarrixin ayaa buuraha nagu wareegsani sababeen in aan dad kale noo soo gudbin.

 

Madaama aabahay oo markii horeba aan i soo korsan uu haddana dilkan ii geystay waxaan go'aansaday in aanan arrintan hayb-sooca isaga waxba ka weydiin.

 

Labaatan casho markii laga joogo maalintii aabahay i dhengedeeyey oo nabaradii bogsadeen ayaan maalintii dambe intaan buraashad biyo ka buuxsaday ku jarmaaday nin sheekh ah oo dadka qaarkood weli ku sheegi jireen oo hal cabbaar ah oo barqo socod lagu gaari karo deggan. Sheekha oo cimrigiisa lagu sheegayey inuu kor u dhaafay boqol iyo toban sano ayey dadku aqoontiisa diinta ka sokow waxay ku sheegayeen inuu taariikho badan hayo.

 

Markaan sheekhii u imi oo caano geel iyo hilib ari uu iga dhergiyey wacdi, qisooyin diini ah iyo quraan akhrisna iigu dhex waday waqtigii marti soorka ayuu i weydiiyey muraadka ugu weyn ee aan ugu imi. Markaan u sheegay in aan doonayo inuu iga jaahil bixiyo arrinta hayb-sooca ayuu wuxuu ii sheegay in arrinta hayb-soocu ay ku timi sidan soo socota.

 

"waqti hore oo dhowr boqol oo sano laga joogo waxaa jiray", ayuu yiri," beel xoolo iyo aqoonba Ilaahay siiyey oo markaas xukumi jirtay beelaha kale. Beesha wax xukumi jirtay oo u habaysnayd qaab dawladeed waxay lahayd shaqaaleheeda soo saara waxyaabaha kale duwan ee ay bulshada iyo dawladdu u baahan yihiin. Beesha wax xukumi jirtay waxay lahayd ciidan nabadgelyada ilaaliya, kuwo dharka tola, kuwo kabaha tola iyo kuwo birta tuma iwm. waxaa ay xukumi jirtay oo maamulkeedu ku fidsanaa dhammaan dhulka soomaalidu degto. Waagii dambe ayaa dadkii la xukumi jiray oo in yar oo maamulka la shaqaynaysay mooyaane inta kale xoolo dhaqato ahaayeen ku kaceen dawladdii. Dagaal dheer oo lagu riiqday markuu dhacay ayaa dawladdii laga adkaaday."

 

Sheekhii hadalkii wuu sii waday oo wuxuu yiri " Beeshii laga adkaaday ayaa lagu xukumay in marka hore wax alle wixii xoolo iyo hanti kale ah ee ay leeyihiin ku wareejiyaan beelaha adkaaday. Waxaa kale oo lagu xukumay in ay oggolaadan in la qaybiyo oo dhammaan beelkasta oo adkaatay qayb beesha laga adkaaday ah ay ku biirto, mar dambena aysan dhul u gaar ah oo ay deggaan yeelan. Ugu dambayntii waxaa lagu xukumay in aysan xoolo sida geel, ari iwm. yeelan karin isla markaasna aysan is-guursan karin beelaha ay ku biireen".

 

Isagoo u eg wax murugaysan oo kale oo raba in uu hadalka soo gunaanado ayuu wuxuu yiri " si ay haddaba u badbaadan ayey oggolaadeen shuruudihii lagu xiray. waqtigan aynu joognona waxay sidaas ku noolaayeen dhowr boqol oo sano. Marka arrintu siday ku bilaabatay in la ilaabay baa jirta".

 

Intaan cabbaar garka iyo gondaha feker isgeliyey baan ku dhiiraday oo iri" Sheekh arrinta nasabnimada ka warran ee oranaysa soomaalida qaar baa ka dhaladsan kuwa kale".

 

Intuu ilka caddeeyey sheekhii ayuu si gaaban laakiin xoogan u yiri "Soomaali oo dhammi waa nasab." intuu aamusay oo cirka oo ay buuxiyeen fadad daruur ah oo aad mooday inay curan doonaan goor dhow sare u jaleecay ayuu yiri" Sheekooyinka nasab darrida waxaa la sameeyey markii labo ilaa saddex fac laga soo wareegay markii dawladii qaabka ilbaxa wax u maamulaysay ay xoola dhaqatadu ka adkaatay. Dhab ahaantii nasab darradu ma jirto".

 

Wuu sii waday hadalkii oo intuu yara xamaartay oo fartiisa murdisada dhulka ku xariiqay sidii isagoo wax xisaabinaya ayuu yiri" anigu boqol iyo dheeraad baan jiraa, aabahay isaguna boqol iyo dheeraad ayuu jiray markuu dhintay, awoowgayna da' boqol dhaafsiisan ayuu ku dhintay. Saddexdaas boqol iyo dheeraadkaas oo waxna aan toos u ogahay waxna aabahay ii soo gudbiyey baan kula horfadhiyaa. Arrintu sidaas aan kuu sheegay weeyaan waxayna ku salaysan tahay in dadka la kala sooco si markaas ay qaar ay u sed bursadaan".

 

Intuu fahamkii igu soo degay ayaan is maqlay anoo leh " oo arrintuba waa sed bursi" !!!!!!!

 

Sheekhii kama jawaabin isla hadalkaygii ee aamus ayuu iigu jiibiyey isagoo laakiin madaxa ii ruxaya. Markaan caano dheeraad ah iyo hilib idaad oo macaan ka sii dhergay ayaan ku soo carraabay reerkayagii.

 

Intaan dhexda ku soo jiray oo dhan waxaan ku hadraayey" waar yaa dadka wax u sheega, waar yaa dadka wax u sheega, waar.........

 

Dhammaad.

 

Erayada iyo weedhaha/weeraha aan calaamadiyey u fiirso oo eeg in aad garanayso. Haddii aad nala wadaagi karto macnaha erayada ama weedhaha/weerahana way kuu furan tahay. Gunaanadkii si aan u kobcino aqoonta Af-soomaaliga aan sheeko xariiradan akhrino oo fahamno xikmadda ay tebinayso.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waxaan u daayey fasiraada ereyadaas aqoonyahanada luqada ku dheereeya.

 

Xigmada sheekadan sida aan u fahmey, waxay ka hadleysaa sida Soomalida ay ula dhaqmaan beesha la hayb sooco, waa dhaqan ilaa iyo maanta aan ku dhaqano. Runtiina haddii la weydiiyo kuwa ka faana beeshaas sababta ay ugu faanaan ama u haybad soocan, ma kuu sheegi karaan waayo waalidkooda ayey ka dhaxleen fikirkaas. Jaahilnimo awgeed ayaa sababtey in bini'aadamka la ka sooco ama la yiraahdo "ma guursanayno kuwaas". Waxaana ka sii daran nin saa u qurux badan oo lagu nacaayo beeshu ka soo jeedo intii la fiirin lahaa dabeecadiisa iyo sida uu dadka ula dhaqmo. Xukun lagu fududaadey iga dheh.

Marka aqoonto waa lama huraan. Sidaas ayaan u fasirtey...

 

Waad ku mahadsantahay threadkan qiimaha leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

hayb soocu waa arin fog waana lga gudbi karaa sida ugu sahlan haddii diinta la barto.

dadka la hayb sooco qudhoodi dad kaloo soomaaliyeed bay sii hayb soocaan,sida reer wabiyeedka,,,, aduunkoo dhanbay ka jirtaa arintan.

hadii matalan gabar loo diiday mid ogol buu helayaa ileen aygaba gabdho waa u dhashaane, maxaa maskiin dulman ka dhigay?dumarka soomaaliyeed waa isku mid, mid saliid ku qubaysata ma jirto.

waa qiso cajiiba mahadsanid somalina.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Salama calaykum dhammaantiin.

 

Marka hore waad mahadsan tihiin Somalina iyo Gooni. Labo fikradood oo mid kastaa gaarkeeda u wanaagsan tahay baad bixiseen laakiin marka sida aan anigu wax u arko la eego waxaan ka hadlayaa inaan qof hoos u eegin qof kale; karaamada qofka, iyo taadaba, inay markasta inoo muuqato weeyaan. Sidaas baynu bulsho caafimaad qabta oo waartaa ku dhisi karnaa.

 

Marka labaad micnaha erayada waa laga gaabiyey ma is tiri?

 

Haddaan bilaabo macnaha erayada:

 

Dhoobi= Nin shaqaale ah oo geela raaca.

Dhudhun= Gacanta laabatada ilaa fardhexada inta u dhaxaysa.

Taako= (cabir) Fogaanta u dhaxaysa suulka iyo murdisada marka la kala bixiyo.

Malaas= Nooc dhagax aad u jilicsan oo jaale/hurdi ah oo inta la qooyo timaha lagu aslo.

Cufan= badan, buuxa, toonsan.

Suuniyo= timaha labada indhood dushooda ku yaal.

Gumar= magac loo yaqaan geed.

Dheehasho= daawasho, eegis hubsiino ku jirto, eegis u bogis ku jirto.

Xaad= nooc timo ah sida timaha ugu horeeya ee garka oo marka dambe isu bedela midab kale.

Aslay= Asal waa nooc jirif ah oo biyo lagu milay lagu midabeeyo saamaha. Aslay waa ficil; asal la mariyey.

Cag-ba-cag= Kabo aan bidix iyo midig kala lahayn.

 

Halkaas baan ku joojinayaa markan.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Af-soomaaliga faraha gacanta waxaa lagu yiraahdaa: faryaro, faadumo, fardhexo murdiso iyo suulgomod. Murdisadu waa farta ku xigta suulka. Dumarkii hore ayaa ku isticmaali jiray in haanta caanaha subagga ku hara ama digsiga heenka ku hara fartaas suulka ku xigta ay ku murdiyaan. Magacu halkaas buu ka yimi.

 

Waxaad soo waddaa erayga murdis waa maxay?

 

Waxaa weeye tusaale suugo ku dheggan dheri/digsi ama saxan cunto laga laastay marka aad hal far, murdisada, ku nadiifiso; isla markaas ay fartu carabk ku reebto wixii ay ka soo xaartay digsiga ama saxanka.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Micnaha erayada haddaan sii wadno:

 

kuray = wiilasha cimrigoodu u dhaxayo 10 - 16 sano.

guurdoon= raba in uu guursado; gaaray cimri uu ku guursan karo.

hohob = geed magaciis.

xabag = dhacaan qalalan oo geedaha qaar dushooda laga gurto oo la cuno.

xabkaysanaya= cunaya xabag.

haasaawe = sheekaysi; nooc sheekaysi oo dhexmara gabar iyo wiil ama nin iyo naag aan xaas ahayn.

qamuunyeysan = nooc dareen oo laga arko qofka gaar ahaan wejigiisa markuu calool xun yahay.

murugo = nooc dareen oo qofku muujiyo markuu waayo ama heli waayo wax uu aad u jecel yahay, tusaale marka qof uu jecel yahay dhinto..

dheeh = *****l; midab.

Dheehan = ficilka erayga dheeh

ammakaag = la yaab;fajac

beel = dad reer miyi ah oo degaan urursan deggan; isku qabiil.

tarrixin = aysan ku jirin; aysan ku darsanayn.

hangool = qori dhinac labo faraar ku leh oo loo isticmaalo in dhirta qodaxda leh ama wixii kale la iskaga qabto si aysan kuu soo gaarin.

caseeyey = midab cas/gaduudan la mariyey; la garaacay oo dhiig laga keenay qof;

ila galay = ila dhacay sida ul; ila tegey si khasab ku jiro meel qarsoon.

cataabaya = calaacalaya, ku hadlaya erayo muujinaya arrin uusan raali ka ahayn isla markaasna uusan waxba ka qaban karin.

Godan = meel labo buurood u dhaxaysa.

buraashad = weyso; weel-biyood safarka ama marka qofku salaada uu isu diyaarinayo biyaha uu ku weysaysanayo ku shubto.

jarmaado = nooc safar oo ku beegan salaada hore intaan qoraxdu soo bixin ama intaan dadka iyo xooluhu saani u soo toosin.

barqo socod = meel lagu gaari karo saddex ama afar saacadood ka yar; meel cabaar jirta; meel aan fogayn.

 

Insha-Allah erayada haray qormo dambe ayeynu ku dhammaystiri doonnaa.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

toosiyow bal erayadaana noo soo fiiri

1- gabadane

2- xigsiisan

3- xiskiisan

4- geyre

5- ceelalyow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Gooni "noo soo fiiri" markaad tiri sax baad ahayd waayo hal cabbaar ah baan raadiyey micnaha erayada gaar ahaan erayga ceelalyow.

 

Hadal iyo howrar haddaan is-bilo waxaan erayada ku micnayn lahaa sidan:

 

1. Gabadane,gabadano= Biyo loo yaqaan sayax oo habeenkii qooya cawska, caleenta dhirta iyo dhulkaba waqtiga dayrtu sii baxayso oo qabow badanna jiro.

 

2. Xigsiisan= gabar labaad oo qoyska xididka ahi siiyo nin gabartiisii hore ay ka dhimatay.

 

3. Xiskiisan=xigsiisan( haddii uusan xiskiisan lahjad ahayn erayga saxda ahi waa xigsiisan).

 

4. Geyre= magac qof lab ah.

 

5. Ceelalyow= la xiriirta abaar, dhaan iyo xoolo waraabin. waqti dhib badan; waqti adag.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Soomaali in aan si fiican u aqaaney baan moodayey sheekadaan shaki baayba u galisey.Words such as these– can be confusing.:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

toosiye waad asiibtay,,, erayga ceelalyow sidaan u filayo inuu u taaganyahay xoolaha miyigu siiba lo'da inay dib ugu baxsadaan ama u ceelalyooto meeshii ay biyaha ka cabbi jirtay,,sidaad u sheegtay marka abaartu dhacdo.

 

erayga xiskiisan wuxuu u taagan yahay hadaanan khaldanayn xiskin

xoolaha siiba geella in loo yare kaadiyo loo nasiyo ka dib markuu soo xaroodo habeenkii intuu ka xiskimayo,ka dibna caano lagasoo liso ama maalo.

 

geyre waa sax magacaa waxaa loo bixiyaa ragga ama magac nin micnihiisana waxaan u filayaa inuu yahay dhaxan habeenkii soo dhacda marka laga baxo fiidka lana gaarin saqda dhexe ama saq badhka sida dadka qaarkii u yaqaanaan, laga yaabee in dadku aysan isku si u aqoon,balse waa isu dhawyihiin soomaalidu.

toosi toosiyow:)

 

kuwana noo soo fiiri

1- tanaad

2- tigaad

3- tumaati

4- turuq

5- toobiye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Mar haddaad tiri toosi Toosiyow erayga xiskiisan anigu waxaan u aqaan xigsin oo sidaad adba tiri u taagan xoolaha siiba geela in loo yare kaadiyo markuu soo xaroodo habeenkii intuu ka xigsimoonayo,ka dibna caano laga soo liso ama maalo.

 

Erayada cusub haddaan u gudbo:

 

 

1- tanaad= taajirnimo, nimco, barwaaqo, meel sare gaaray.

2- tigaad= caws iyo naq cusub oo si wanaagsan u baxay kadib markuu roob soo noq-noqday da'ay.

3- tumaati= tumis; waxyeelayn culus ee qof; shay loo isticmaalay in qof lagu waxyeeleeyo sida middi, waran ama af.

4- turuq= mudis. tusaale maxaad ku turuqday?

5- turruq= istaagis ay ka muuqato diidmo ama canaad, tusaale maxaad la turruqan tahay waxaas noo soo qabo

6- toobiye = jid, waddo, dhabbe; soo ururiye sida toobinka.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

ismaannan garan waayin toosiyow waanu kaa faa'iidnay

kuwana ka fudud

 

1- cilcilow ama cilalow

2- birqin

3- baaqin

4- heerran

5- cucub

6- guunyo

7- gadaw

8- qadaw

9- galoof

10-gaawe

waxaan kale oo xasuustay gabay dugsiyada sare lagu qaadan jirey qarnigii hore

guuraha wuxuu ceelalyada gaba dalooba goortii sidkeedii go'ee gugu barwaaqoobo,,,,,,

eraygaas ceelalyo waxaan kaloo filayaa inuu noqon karo ragga kasii hor mara waraabka oo wax sii diyaariya,wadaanta iwm.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Kuwan baa ka fudud?

 

Waxaan is lahaa hadda imtixaankii Gooni wuu dhammaaday oo shahaado sharaftii ayaa soo kolo-kolo leh adiguna tan baad keentay. Walle arrinkaaga waa lagu raagi.:)

 

Markaan erayada aad qortay indhaha ku dhuftay oo aan arkay in ay nolosha baadiyaha oo dad badan oo aan ku jiraa ay ka raageen badi ku aroorayaan ayaa indhahaygu ku nasteen erayga galoof oo aan gartay in uu geela la xiriiro laakiin aanu micnahiisu ii bixin.

 

Waxaa igu soo maaxatay sheekadii waraabaha yiri Aamin hala ii bixiyo ee hal iyo nirig inta la raaciyey hashiina naasihii ka goostay nirigtiina faruuryihii ka cunay ee galabtii geela ku soo carraabiyey hees ay ku jireen tuducyadan soo socdaa:

 

Helayaa geelu galabtii,

helayaa galoof iyo guran,

helayaa ganiyo irmaan,

ma isu kala guray.

 

Galoof markaas ma geela dhidig ah ee aan rimanayn baa ayaan is-weydiiyey. Alaylehe taas Gooni u daa ayaan go'aansaday.

 

Macnaha erayada:

 

1-cilcilow ama cilalow= aragtidu xun tahay; himse-himse ah; makhribka inta shaacu madoobaan; waaberiga intaan qoraxdu soo bixin oo qof iyo geed aan la kala garan.

2- birqin= yar; muuqaal yar; naanays qof lab ah ( bal halkaas ku dar xaajiyo marka la leeyahay birqin baad ku adimaysaa waa maxay waxaas yare ee la hadal hayaa. Ma ashuun/ jalxad baa mise waa wax ka yar? Taas jilci).

3- baaqin, baaq= soo jeedin; ugu yeeris; gacan haadis.

4- heerran= haddii aadan u jeedin heerin ma garan eraygan.

5- cucub= maqaar; wax aan jirin; wax asal ahaan aan ahayn waxa lagu sheegayo; wax mala-awaal ah.

6- guunyo= xoolo

7- gadaw, saabka haanta( Halkaas sax ).

8- qadaw= midabada geela mid ka mid ah; midabo isku darsan oo gaduud/casuus iyo caddaan ah; geed magacii.

9- galoof= geela aan rimanayn; maran( halkaas bal sax).

10-gaawe= haruubka geela lagu liso; harubgaal.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this