Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Jidlbaale Finally Started Crying Like a Baby

Recommended Posts

Buuhoodle Oo Haysa Wadaddii Laascaanood Maalmaha Soo Socdana Gacanta U Galaysa Malayshiyada Hargeysa.

Written by Jidbaale.com

Tuesday, 11 January 2011 15:42

 

Buuhoodle(Jidbaale):- Waxaa maalmahan aad loo hadal hayey xaaladda Cakiran ee ka taagan Buuhoodle , taas oo saansaankeedu u muuqdo xaaladdii ay maraysay Laascaanood markii laqabsaday, iyada oo loolan baaxadweyni ka dhexmuuqday qaar ka tirsan siyaasiyiintii xilligaa ka soo jeeday Laascaanood oo qaarkood u kala adeegayeen labada Maamul ee Hargeysa iyo Garoowe, isla markaana ay adeegsanyeen Canaasiir ay ka marayeen dhinaca Qabyaaladda.

 

Xaaladda Laascaanood:- Jaamac Siyaad , Bahararsame . Ugaadhyahan.

 

Xaaladda Laascaanood waxay maraysay maalmihii ka horeeyey 15.10.2007 mid cakiran oo markii qabyaalad hoose iyo farsamooyin aad u tirabadan la shaaciyey taas oo lagu kala dilayey beelaha aynu kor ku soo xusnay , dhaqaale iyo balanqaadyana ay beelaha Hargeysa u fidiyeen qaar ka mid ah kuwii Laacsaanood Duulanka ku soo ahaa ee ka soo jeeday ***********, waxa uu ahaa wixii ugu danbeeyey ee saacadihii ugu danbeeyey soconayey.

 

Magaalada waa laqabsanayaaye Jaamac Siyaadow , yaanay Bahararsame idiinka Horumarin, Bahararsane waxa uu ahaa yoolku magaalada waa la qabsanayaaye yaanay Jaamac Siyaad Idiinka horumarin waana arrimihii iyo waxyaalihii ay saraakiisha malayshiyada Hargeysa ka dhex fidinayeen kuwii maan gaabka ahaa ee markaa la socday iyaga , iyaguna shacabka *********** ku dhex fidinayeen, taas oo markii danbe keentay in Laascaanood la qabsado , markii lagu guulaystay in *********** dhexdiisa aad loo kala qaybiyo iyada oo labada dhinac ee Hargeysa iyo Garoowe xataa iska kaashanayaan sidii loosii kala dhantaali lahaa midnimada beesha *********** qolada Puntland u tidhaahdo maxaanu samaynaa idinkii ayaa dhabarka naga tooganyee yaanuse la dagaalanaa kuwa naga soo horjeedaa waa Dhulbahantee.

 

Taasina ay markii Danbe keentay Xataa in Ugaadhyahan iyagana lagu dhiiri galiyo in ay Ciidan samaystaan si ay isaga ilaaliyaan ciidanka Jaamac Siyaad iyo Baharsame, oo waxaa maanta Laascaanood ka jiraa ay tahay malayshiyooyin ay kala haystaan Mahad canbaashe oo Jaamac Siyaad ah, Ina Ducaale Dheeg oo UGaadhyahan ah, iyo Cali Diiriye oo Bahararsame , xataa malayshiyaadkaasi ay marba dhinac u hayaamaan marmarka qaarkoodna aad arkaysidba iyaga oo la leeyahay malayshiyaa ka soo baxsatay laascaanood oo soo gashay Garoowe , kuwaa ka tagay Garoowe oo Galay Laascaanood, maanta ay marayso in dawlada Hoose ee Laascaanood iyada oo madax laysu galinayo *********** in laysku hayso waxyaalaha liidnimadu ka muuqato ee ay maanta magacaabaan malayshiyada SNM sida Xoghayaha degmada Laascaanood, iyo duqa degmada oo odayaal intay shirqabtaan lakala safanayaan xubno mid waliba kan kale ka daran yahay u adeegida malayshiyada SNM , sida ina Jeeni yare iyo Ina Awdaahir Xaaji Xasan iyo kuwo kale oo badan.

 

Buuhoodle Reer Hagar Iyo Cali Gari.

 

Wadadii ay qaaday Laascaanood afar sanno ka hor waxaa maanta haysa Magaalada Buuhoodle oo la odhan karo maalmaha Soo socda waxay ku jirtaa Gacanta Malayshiyada SNM, oo wararka ka imanayaa sheegayaan in goobo badan ay ku soo durkeen malayshiyo beeleedyo ka soo jeeda Burco kuwaasoo garab ka helaya malayshiyada SNM ee ay isku haybta yihiin, xaaladda magaalada Buuhoodlena ay aad u qasan tahay.

 

Arrinta layaabka leh ee maanta ka taagan magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay tahay in qorshihii Laascaanood lagu kala qaybiyey shacabkeeda maanta Buuhoodle isla barnaamijii laga fulinayo , waxaase arrinta layaab kale tahay in maanta qorshaha Buuhoodle lagu doonayo in lagu qabsado loo soo maray kii ugu jaahilsanaa isla markaana layska soo horumariyey mid u dhashay deegaanka ***********.

 

Waxaana qorshahan haatan lagu qabsanayo magaalada Buuhoodle Fulinaya Mahad Canbaashe oo kulan la yeeshay xubno ka mid ah ku maangaabka ah ee lagu adeegto oo ka soo jeeda Beesha Reer Hagar una sheegay in magaalada la qabsanayo ciidan Cali Gari u badana lagu qabsanayo , ee inta aanu Cali Gari magaalada qabsan Ciidan samaysta aad magaalada dhinaciina uga qabsataan, markay kuwaasi ka tageena u yeedhay, kuwo Maan Gaab ah oo iyaguna Cali Gari ah una sheegay in Reer Hagar Siilaanyo la xidhiidheen magaaladana ay qabsanayaan sidaasi daraadeedna aysan haboonayn in laydinka hor qabsado.

 

Waxa kale oo ay wararka Buuhoodle ka imaanayaa sheegayaan in kuwo dhaqaale loo balan qaaday oo uu ka mid yahay Ina Bashiir Baydan iyo Dayib qaadka magaalada ina afdiinle uga wakiilka ahi ay dagaal ula tageen rag *********** ah oo aan ka soo jeedin Cali Gari Iyo reer Hagar isla markaana ay u sheegeen in ay deegaanka iska baxaan oo ay arsaaqdii iska hortaageen.

 

Xaaladda maanta ka taagan Buuhoodle waa sawirka sidaas ah waxayna maraysaa sidii ay u ekayd xaaladda magaalada Laascaanood, oo maanta aan wax rajo ah laga qabin in laga saaro malayshiyada SNM, madaxna ay iskula jiraan Jaamac Siyaad, Bahararsame, Iyo Ugaadhyahan ayna isku haystaan Xoghayaha Laascaanood yaa leh.

 

Inkasta oo shacabka badankiisu dadaalayaan hadana marka dhaqaale laga soo qarqinayo Hargeysa iyo Rag magac iyo deegaan lawadaaga ay dhabar jabin ku hayaan, ayna u dheertahay odayaal markay doonaan u gacan haadiya Cadowga waxaa la odhan karaa iska caabinta shacabku ma sii jiri karto, Laascaanoodba shacabka badankiisu waa ka soo horjeedeen , Laakiin kuwii deegaanka u dhashay ee cadowga soo horgalay iyo cududii cadawga oo iswata ayaa muquuniyey , maantana waa saansaanka ka muuqda Buuhoodle oo ay sal dhig u tahay in Cali gari Iyo Reer Hagar Laysku Xuuxiyo, mase noqon doonaa shacabka Buuhoodle mid arrintaas Dhugmo u leh.

 

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

in the begin of '90.

 

Sub-clans started to fight eachother and claim authority of towns and finally they made peace, compramised and handed over all the authoriy to the Somaliland goverment.

 

This has happened also in Las Anood and will happen in Buhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

Qodax Qorax;686966 wrote:
.... iyada oo loolan baaxadweyni ka dhexmuuqday qaar ka tirsan siyaasiyiintii xilligaa ka soo jeeday Laascaanood oo qaarkood u kala adeegayeen labada Maamul ee Hargeysa iyo Garoowe, isla markaana ay adeegsanyeen Canaasiir ay ka marayeen dhinaca Qabyaaladda.

 

.... dhaqaale iyo balanqaadyana ay beelaha Hargeysa u fidiyeen qaar ka mid ah kuwii Laacsaanood Duulanka ku soo ahaa ee ka soo jeeday ***********,

 

Magaalada waa laqabsanayaaye Jaamac Siyaadow , yaanay Bahararsame idiinka Horumarin, Bahararsane waxa uu ahaa yoolku magaalada waa la qabsanayaaye yaanay Jaamac Siyaad Idiinka horumarin waana arrimihii iyo waxyaalihii ay saraakiisha malayshiyada Hargeysa ka dhex fidinayeen kuwii maan gaabka ahaa ee markaa la socday iyaga .......

 

Jidbaale.com

Cabaadku waxba tadhi mayoo ciddanka qaranka way ka go'an tahay inay xuduudda gaadahaan ama Bugland u yeedha ama reer hagadh u yerat.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Madigaa qabyaalad qof leh iska daa.. Waa aduun waalan walee.. Plus if anyone one cry, successionists cry most in everywhere around the global. Waa nala xasuuqay, we ar the orphans of the queeen, caaac..

 

Anyway, I don't see any new development that turns your mood into celeberation about this issue. Duqa Siilaayo wuu tiraabay but aint going to change a thing on the ground. As far I know, your illegal clan militia couldn't hold Widhwidh anymore and they vacated. That is the news.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A khadar i don't talk about qabyalaad it's you guys who brag about qabyalaad day in day out iyo reer hebel just read jidbaale and you see the clanish mentality of yours . Second i am not the editor of Jidbaale you should contact them. And last but not least Somaliland national military is heading to secure the last section of the buhoodle region and to clean the rebels once and for all the army will be based in Kalshaale hagoogane and maygaagle as the president said. Ciidanka qaranka did not vacated widhwidh they just placed some of their troops in the buhoodle region it's called a tactical military move. We have Troops in ahdicahdeeye kalabaydh and oog in the sool region. i wonder what the rebels will do next we know how to deal with rebels.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this