Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Its the Clash of the TITANS: Banadir [Mogadishu] Vs Bari[Bosaso]

Recommended Posts

Ouch is all i can say. We're (Jubada Hoose) out but insha'allah next time. War heedhe naga daaya muranka ee the tournament itself is an accomplishment for all somalis. I am with Banaadir if it comes between Bari and Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As we all the know tomorrow is the final of the 18th Somali regional tournament. So let's first all congratulate the Somali FA and the state of Puntland for the wonderful organisation and excution of this tournament.

 

Obviously the final is between Bari Vs Banaadir, I will therefore passionately and provocatively cheer for my Bari team ( hope you can forgive me for my BS) against the likes of Somalina, Gheele and nuune who I hope will do the same. My commeserations to all the supporters of the other regional teams that were eliminated from the tournament, well done to them and I hope you wouldn't stop there but enjoy the game tomorrow by supporting either Bari or Banaadir.

 

 

Lastly my sincere pity goes to the secessionists who blocked the young players from the three NW Somalia regions to participate in this highly successful, highly organised and enjoyable and that which was fun and amazing for the young teams to play infront of thousands of audiences and officials while representing their respected regions recieving applause and cheers, a life time and wonderful experience. I hope it doesn't end there for the boys but opens more opportunities for them.

 

 

Aah itaas kabacdi, or Amaa bacdu...

 

And my comments start right here right now, Iga leexda marka aan bilaabee kooxdeeyda inaan udifooseeyo, akhiyaarta ha ubixina oo iskaga adkaysta cantarbaqashkeeyga loool

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Final of...

astaanta_20101.jpg

 

Date: Tomorrow Friday 31st of Dec 2010

 

Location: Mire Awaare Footbaal Ground, Garoowe

 

 

 

Teams:

 

Banaadir vs Bari

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahough we have one of the best teams in the tournament and the best midfield attackers like Zak, Samiir and Yasim

 

However..... to watch for the dangerious, the best dribler and arguably the best player of the tournmanet (until FA announces it), trained on the streets and xeebta of Bosaaso, the wonder boy and talent from the coastal city of great Bosaaso - Daacad

 

DSC04697.jpg

Somali Best Player of 2010

Share this post


Link to post
Share on other sites

Falanqeynta Ciyaarta Kamadanbeysta ah ee Banaadir vs Bari

December 30, 2010 | 10 comments

Share

 

Waxaa Maalinta Jimacada ah ciyaar xiiso badan isaga hor imaan doona gobolada Banaadir iyo Bari, ciyaarta ayaa iska leh xiiso gaar ah maadaama, ay tahay ciyaarihii u horeysey muddo 23 sano ah la qabto.

 

Labada gobol ayaa ka soo baxay 15 gobol oo ku tartamaayey horyaalka gobolada Soomaaliya, waxaana meesha ka maqnaa saddex gobol oo hoostaga maamulka Somaliland.

 

Gobolka Banaadir waxa uu ka kooban yahay 15 degmo, waana xaurntii ama caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho, waxa ay ahayd magaalo iyo gobol dhismaayey muddo dheer isla markaana 20-kii sano ee u danbeeyey ku jirey bur-bur iyo dagaallo sanadwalba cayn ah.

 

Gobolka Banaadir waxa uu caan ku ahaa ciyaaraha, waxaa ka dhisnaan jirey naadiyaashii dalka, Sida Horseed, Waxool, Wegad, Madbacadda iyo qaar kale oo badan, waxaana u suurta gashey in uu mar ama labo noqdo ama qaado koobka ciyaaraha gobolada Soomaaliya, isaga oo ahaan jirey midka mar walba martigeliya 8-da gobol ee ku tartama ciyaaraha gobolada Soomaaliya.

 

Gobolka Bari waxaa la dhihi jirey waagii hore gaariwaa, malahayn jid laami ah, dekad iyo laydhka koronta waxaa dadkiisu u hayaameen dhanka Muqdisho halkaas oo adeegkasta oo qofku u baahan yahay loo aadi jirey, sida duulimaadka, dalkugalka caalamka (Visa), qaadashada baasaboorada iyo oggolaansha wadida gaariga, (Driver licence) caafimaadka iyo adeegyo kale oo badan muddo ku siman 40 sano ayaa shacabkii ku dhaqnaan jirey gobolka Bari ay u guurayeen dhanka Banaadir.

 

Gobolka Bari waxa uu ka kooban yahay 6 degmo (marka la eego sharcigii soomaaliya 1990), kuwaas oo kala ah Bosaso, Qardho, Qandala, Iskushuban, Caluula iyo Bandar Bayla, waxaana gobolka ahaa gobolka ugu baaxadda weyn ee Soomaaliya.

 

Xarunta gobolka Bari ee Bosaso waxa ay nasiib u yeelatay muddadii malayshiyaadku duminayeen dabaqyadii laga dhisey caasimadda Soomaaliya in Bosaso nasiib u yeelato in iyada dabaqyo dhaadheer laga dhiso, waxaana ay muadadaas 20 sano ah noqotey midkamid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya uguna bilicda san, isla markaana lagu tilmaamo kuwa ugu dhaqaalaha badan.

 

Tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee Soomaaliya sanadka 2010 oo ah kii 18aad ayaa waxaa nasiib u yeeshay in ay marti geliso caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana ka soo qaybgalay 15 gobol, waxaa ciyaaraha ka haray 13 gobol oo ay ku jiro gobolka Nugaal ee martida loo ahaa.

 

Gobolka Banaadir ayaa wareegii hore e ciyaaraha ku soo baxay si qiil qiil ah, waxaana kooxdoodu ahayd kooxda dhimashada maadaama ay kuwada jireen Mudug, Sool Banaadir iyo Gedo, gobolka Banaadir ayaa isagu ka guuleystey gobolka Gedo oo keliya waxaana ay goolka guusha la yimaadeen xili danbe oo loo malaynaayey in ciyaartana ay bareejo gelidoonaan sida kuwii ka horeeyey, waxayna ku soo baxeen 5 dhibcood oo keliya. Wareega 8-da ayaa gobolka Banaadir ciyaar adag la ciyaareen gobolka Hiiraan iyaga oo daqiiqadihii u danbeeyey ka dhaliyey hal gool, Wareega Semi finalka ayaa gobolka Banaadir ku soo baxay rikoorayaal taas oo ay ku rebeen gobolka Nugaal ee martida loo ahaa.

 

Gobolka Bari ayaa isagu si xarago ah ku soo baxay kadib markii ay labadii ciyaarood ee u horeysey ay badiyaan, tii saddexaadna bareejo la galeen gobolka Shabeelada Dhexe waxaana ay sidaas ku urursadeen 7 dhibcood, sidoo kale waxa ay labo gobol oo adag ay ku soo jireen wareega 8-da iyo Semi finalka oo ay ka badiyeen gobolka Jubada Hoose oo isagu hantey koobka muddo 8 jeer ah.

 

Macalinka wata gobolka Banaadir waxa uu ku tilmaamey ciyaaryahanadiisa in ay la mid yihiin kuwa xulka Talyaaniga oo kale kuwaas oo ciyaarihii adduunka ee sanadkii 2006-dii si kuf oo kac ah ku yimid Finalka kadibna qaadeen koobka

 

Macalinka Xulka gobolka Bari ayaa isagu aaminsan in ciyaaryahadiisu ay yihiin kuwo dhinac kasta ka dhisan isla markaana iska leh awood ay ku maamulaan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.

 

Si kastaba ha ahaatee waa markii u horeysey ee gobolka Bari uu heerkaas ka gaaro ciyaaraha gobolada Soomaaliya, waxaana ay la yimaadeen ciyaaryahano soo jiitey indhaha dadka daawanaayey, waxaana ay noqon doonta mid ku qoronta taariikhda Soomaaliya haddii gobolka Bari ay noqdaan sanadkan horyaalka Gobolada Soomaaliya ee kubadda cagta.

 

Dhanka kale Ciyaarahan ayaa dadka qaarkiis ugu yeeraan Rajadii nabadda ee Soomaaaliya, waxaa soo noqdey waxyaabo badan oo nafsaddu ilowdey, waxaana la wada muhanayaa waayo waayo iyo qarankii Soomaaliya, waxaana dhici karta in ay fure u noqoto ishdexgalka bulshada kala abaajiday mudadda dheer.

 

Cabdirisaaq Shiino

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this