Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Its the Clash of the TITANS: Banadir [Mogadishu] Vs Bari[Bosaso]

Recommended Posts

astaanta_20101-300x240.jpg

 

Insha Allah, on Friday December 31 2010. On the very last day of the year, there will be a meeting of the Giants, the Somali regional super powers. Mogadishu the old capital is to take on Bosaso the new rising city of the North East.

This monumental game of games will take place in the capital of Garowe. You could not write a better script if you tried.

 

These games have been a showcase of what Somalia can be if the people tried to work together..

 

Insha Allah the final will be memorable, peaceful and may the best team win.

 

Somalia Hanoolaato

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gobolka Bari u soo baxay ciyaarta final-ka, waxaana ay cashar u dhigeen kooxda Kismaayo

Posted: 2 hours ago | 26 comments

Xulka gobolka Bari ayaa galabta usoo baxay Wareega Final-ka ee ugu dambeeya tartanka ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee kasoconaaya magaalada caasimada u ah Puntland ee Garoowe. Ciyaarta galabta ayaa dhexmartay xulalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gobolka Bari u soo baxay ciyaarta final-ka, waxaana ay cashar u dhigeen kooxda Kismaayo

December 29, 2010 | 28 comments3

Share

 

Xulka gobolka Bari ayaa galabta usoo baxay Wareega Final-ka ee ugu dambeeya tartanka ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee kasoconaaya magaalada caasimada u ah Puntland ee Garoowe.

 

Ciyaarta galabta ayaa dhexmartay xulalka kubadda cagta ee gobolada Bari iyo Jubadda Hoose,waxaana uu ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare iyadoo ay kasoo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo labada dhinac kala taageerayay waloow ay u badnaayeen Bari.

 

Xulka gobolka Bari ayaa qaybtii hore ee ciyaarta markii ay bilaabmatay waxaa ay dhaliyeen gooshii kowaad,waxaana u saxiixay Ciyaaryahanka lagu magacaabo Amiin.

 

Qaybtii dambe ayaa markii la iskusoo noqday xulka gobolka Bari sii wateen ciyaartooda u badnayd weerar,waxaana ay u muuqatay mid ay awood u sheegteen xulka Jubadda Hoose,iyadoo qaybtii dambe dhaliyeen labo gool oo dheeraad ah kaas oo ay kala dhaliyeen laacibinta Zaki iyo Samiir.

 

Xulka Jubadda Hoose oo iyagu gebi ahaan ka niyad jabay in ay ciyaarta galabta badiyaan ama wax natiijo ah la yimaadaan ayaa waxaa ay dhaliyeen hal gool oo caato ah,balse 90-daqiiqo ee ciyaartaan waxaa ay kusoo dhamaatay 3-1 oo ay gobolka Bari ku badisay.

 

Xulka gobolka Bari ayaa u gudbay wareega u danbeeya ee Final-ka,waxaana maalinta jimcaha oo ku beegan 31/December/2010 wada ciyaari doonaan xulka gobolka Banaadir oo shalay rigooreyaal uga adkaatay xulka gobolka Nugaal.

 

Ciyaartii galabta ayaa saadashu u badnayd in ay badin doonto xulka Jubadda Hoose oo iyagu 9-jeer qaaday koobka gobolada Soomaaliya.

 

Sawirada iyo Video-ga waan soo gudbin doona Insha’allah

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxda Gobolka Banaadir oo u gudubtay Final

29 Dec 29, 2010 - 4:16:50 AM

 

Cayaar ka tirsaneyd Sami-finalka Tartanka 18-aad ee Kubadda Cagta Soomaaliya, ayaa 28,12,2010,ka dhacdey Garoonka Mire Awaare ee Caasimada Garoowe Puntland.

 

Cayaartan oo u dhexeysay Gobollada Nugaal (Garoowe) & Banaadir (Muqdisho) ayaa waxaa 5-4 goolal Rigoolayaal ku guulaysatay kooxda Gobolka Banaadir.

 

Cayaartan ayaa ahayd mid ay labada gobol ku soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan waxaana cayaartu intaysan Rigoolayaal gaadhin ay labadan kooxood isla dhaafiwaayeen 1-1, inkastoo lagu daray labaatan (20) daqiiqo oo ka baxsan 90-ka daqiiqo ee cayaarta loogu talagalay.

 

Banaadir ayaa final-ka la cayaari doonta kooxda ku adkaata cayaarta dhex mari doonta Kismaayo & Boosaaso oo maanta isku arkaya garoonka Mire Awaare.

 

Dhinaca kale orod yahanka caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Mudane Cabdi Bile Cabdi oo oo shaley soo gaadhay caasimadda Garoowe ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka.

 

Waxana markuu soo galay u istaagay dhamaan madaxdii cayartan dawanyey iyo dadweynaha ,waxaana uu qaybtii dambe daawaday cayaartan.

 

Cabdi bile Cabdi waxaa uu noqday qofkii ugu horeeyay ee Somali ah oo ku guuleestay tartanka oradka caalamiga ah 1500 meter, tartankaasi oo lagu qabtay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga sanadkii 1987-dii.

 

Cabdi Bile Waxa uu Garoowe u soo gaadhay daawashada tartankan qiimaha badan oo ay ku ku hardamayaan gobolada Somalia.

 

Irbad, GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Governor of Banadir Tarzan to attend Final in Garowe...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Qaybgalaya Daawashada Gabagabada Ciyaaraha Soomaaliya

December 29, 2010 | 1 comment

Share

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee DKMG ah ee Soomaaliya Maxamuud Axmed “Tarzan” ayaa la filayaa in uu qayb ka noqdo mas’uuliyiinta daawan doona gabagabada Ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo lagu wado in ay (31.12.2010) ay ka dhacaan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland xili gobolka Banaadir uu u soo baxay gabagabada Ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee maanta.

 

Wasiirul Dawlaha Maamul-Wanaaga Puntland ahna Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Ciyaaraha gobolada Soomaaliya Maxamed Faarax Ciise “Gaashaan” oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir codsigiisa uu soo gaarsiiyey dawlada Puntland isla markaana ay ka aqbaleen.

 

Wuxuu intaasi ku daray in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ka mid noqon doono saraakiil kala duwan oo u soo daawasho tagaya Cayaaraha gobolada Soomaaliya.

 

Dhanka kale Maxamed Faarax Ciise “Gaashaan” ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah oo ku beegan 30.12.2010 ay u diyaariyeen Ciyaaryahanada Soomaaliya xaflad kooban oo ay soo agaasimeen ardeyda dugsiga Salaaxudiin oo ka mid ah goobaha waxbarashada ee kuyaala magaalada Garoowe.

 

Mudane Gaashaan ayaa sheegay in fariinta ay xambaarsan tahay ruwaayadaasi ay salka ku hayso:

 

In dhalinyarada ay ka qayb qaataan dib usoo celinta nabada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

In dhalinyaradu ay wacyi gelin u sameeyaan dhalinyarada dhigooda ah.

Si kastaba ha ahaatee Ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo ku dhow heer gabagabo ah ayaa la filayaa in maalinta berito ah ay wada kulmaan gobolada Bari iyo Jubada hoose oo gobolkii badiyaa uu koobka kula baratami doono gobolkaasi Banaadir.

 

Jamal Hasan Abdi

Sporst News Desk

Horseed Media

Boosaaso,Puntland You must act as though it is impossible to fail..... Ashanti Proverb

Share this post


Link to post
Share on other sites

CIYAARIHII GOBOLLADA: Bari Vs Jubadda Hoose

 

Arbaco, 29 December, 2010 (HOL) − Xulka gobolka Bari ayaa galabta u soo gudbay wareega Final-ka ee gaba gabada tartanka ka soconaya magaalada Garowe ,ka dib markii ay ka bidiyeen xulka gobolka Jubada Hoose.

 

Labada kooxood ee kulmay ayaa labaduba muujiyay ciyaaro aad u wanaagsan,hase ahaate gobolka Jubadda Hoose ayaa u muuqday mid looga awood roonaa ciyaartii oo dhan

 

Waxaa kooxda gobolka Bari Gooshii koowaad u saxiisay qaybtii hore ee ciyaarta mid ka mid ciyaaryahanada dhanka weerarka uga safta oo lagu magacaabo Amiin.

 

Markii la isku soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa hadana gobolka Bari waxa ay la yimaadeen labo Gool oo aan waqti badan kala danbayn ,halka Jubadda Hoose ay la yimaadeen hal Gool oo qura ,kaasi oo aan wax badan u ku kordhin rajadoodi la xiriritay in ay koobka ku guulaystaan.

 

Ciyaartii galabta ayaa ku soo dhamaatay Bari 3- 1 Jubadda Hoose ,waxaana natiijadan ay niyad jab badan ku abuurtay boqolaal taageerayaal ah oo u soo daawasho tagay ciyaarta.

 

Waxaa koobka oo idil ka haray hal ciyaar oo ah Final-kii koobka lagu qaadi lahaa ,waxaana maalinta Jimcaha ay dhexmari doontaa xulalka Bari iyo Banaadir ,lamana saadaalin karo cidda ku guulaysan karta koobkan,iyadoo maalinta bari ah ay kooxaha isu soo baxay isu nasan doonaan

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

boston@hiiraan.com

Boosaaso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

I don't know about you General, but in any tournament I want the team I'm supporting to win. My first team was eliminated, and now that my second team has reached the final, I would love it if they won. So go Banaadir, but, of course, I will wish the Bari team all the best as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thank you General Duke for this thread, the final deserved a thread of its own, so I salute you sir.

 

 

Bari here come, Banaadireeey bal maxaad haysaa? loooooool

 

It will be a great game to watch between the two Titans on Friday insha'alah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Im just chilling on a little corner wearing my Bari tea shirt by the sea staffing in some Kalluun, Aah I feel so great but commiseration Jubbada Hoose and Nugaal they played great game.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu and Bossaso teams to compete in Somalia football final

29 Dec 29, 2010 - 9:48:34 AM

 

Teams from two major cities in southern and northern Somalia will compete for the first national football cup held inside Somalia in 23 years, Radio Garowe reports.

Somali national football tournament in Puntland/Dec. 2010

The sports tournament is being jointly organized by the Somali Football Federation, the Somali Olympic Committee and the Puntland government, which administers the stable northeastern Somalia regions.

 

The sports event is being played at Mire Aware Stadium in Garowe, the capital of Puntland State of Somalia. On Tuesday, teams representing Nugaal (Garowe) and Banadir (Mogadishu) regions competed in the semi-final. The matched with each team scoring one goal.

 

An extra period of 20 minutes was added and no team scored, leading to penalties in which the Banadir team won 5-4. On Wednesday, teams representing Lower Jubba and Bari regions competed in the second semi-final. Bari (Bossaso) team scored 3 goals in the first half, while the Lower Jubba (Kismayo) team scored one goal in the second half.

Fans expressed their joy to watch the final game, scheduled to be played on Friday between Banadir and Bari, representing Mogadishu and Bossaso, respectively.

 

RELATED:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this