Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.

Recommended Posts

Qudhac;686018 wrote:
No dear some people wish LA was a ghost city for their own twisted political gain but its actually prospering no more clan murdering no more lawlesness...

 

Indeed .................. Rag bay dhiigga dadka ugu dhashaa oo ku naaxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

(Widhwidh) Ciidamada qaranka Somaliland oo maaanta saldhigyo cusubna ka yagleelay Kalshaale iyo nawaaxigeeda eeh degaanka buhooodle .

Wararka naga soo gaadhayaa deegaankaasi ayaa waxay sheegayaan in ay maanta ka guureen cutubyo ka tiirsan ciidanka qaranka oo aagooda Widhiwdh Ciidamadasi Somaliland ee saldhigyadoodu mudadan dambe aha widhwidh . Ciidamadii aagaasi degenaa ayaa lagu daad guray inta u dhexeysa Kalshaale,Meygagale ilaa Qorilugud hagoogane ,Guurida Ciidamadan ayaa kadambeysey Go'aamadii uu soo saarayMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxammad Maxamuud Siilaanyo oo ay ka mid ahaayeen in Kalshaale iyo deegaankaasi yahay Saldhig ay yeelanayan Ciidanka qaranka. Isku soo wada duubo dhaq dhaqaaqan ciidan wuxu ka danbeyey mar ay abaaro ba'aani dalka ka jiraan. warar kale naga so gaadhaya degaanka holhol eeh gobolka sool aya la sheegey in ciidanka qaranka aaga sool na heegan la galiiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malayshiyadda SNM Oo Ciidamadii Widhwidh U Raratay Kalshaale.

Wararka naga soo gaadhay deegaanka Widhwidh Iyo Kalshaale ayaa waxa ay xaqiijinayaan in malayshiyada SNM ay ka guureen intooda badan deegaanka Widhwidh iyaga oo lagu daad gureeyey dhinaca Kalshaale.

 

Arrintan ayaa waxa y ka danbaysay Hadal uu soo saaray Hogaamiyaha Malayshiyada SNM Siilaanyo oo deegaanka Kalshaale iyo aagiisa sheegay in ay degayaan malayshiyaddaha SNM , deegaanka Widwidh ayaa sida la sheego lagaga yimi Qayb ka mid ah malayshiyadda SNM iyada oo malayshiyada inteeda badan loo raray dhinaca Kalshaale halkaas oo lagu xoojinayo beesha Bariga Burco iyo iyada oo Ciidanka qoshihiisu yahay sidii Magaalada Buuhoodle loogu weerari lahaa.

 

source Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

War degdeg ah live maygaagle(MGN)waxaa iminka warkan noo soo diray weriyahayaga saalax cali coomay.

 

Ayaa waxa uu noo xaqiijiyey in laba guuto oo ah ciidanka lugta,oo ka tirsan ciidanka qaranka somaliland ay u dhaqaaqeen dhinaca widhwidh abaaro sideedii fiidnimo ee

caawa 14/1/11.Iyaga oo ku gaashaaman,baabuurta dagaalka,beebeeyo,iyo madaafiicda goobta,wuxuu soo sheegay in ay aad iyo aad u hubaysan yihiin.weriyuhu wuxuu sheegay,in uu isku deyey in uu la xidhiidho taliya sare,balse wey u suuroobi kariwayday,dhinaca farsamada.

Balse askari ka tirsan dhinaca saadka oo la yidhaa calishuuro,ayaa u xaqiijiyey in soo socdaan ilaa 8 guuto,oo loogu talo galay,buu

 

yidh holhol,tukoraq,widhwidh,buuhoodle,maygaagle,lascano iyo adhicadeeye.balse wax faahfaahin ah oo dheeraad ah,wuu diiday in uu bixyo,wuxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey,sxb waa sir milatri ee miyaad i xidhaysaa,igadaa docadocaynta badan nabad gelyo.wixii war ah ee soo kordha kala xidhiidh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Itoobiyan ah oo Gudaha u soo galay Magaalada Buuhoodle

By nuur on Jan 22, 2011

ShareWararka caawa ka soo baxaya magaalada buuhoodle ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay gudaha u soo galeen Magaalada Buuhoodle ee Xarunt Gobolka Cayn……………………….

Warar hada naga soo gaadhay ayaa sheegay in ciidaman Itoobiya ay guraha kala baxeen dhalinyaro iska hurada oo aan waxba galabsan sida warku nagu soo gaadhayo.

 

Wararkii oo faahfaahsan kala soco Radiowidhwidh saacadaha soo socda

Share this post


Link to post
Share on other sites

war deg deg ah dagaalki deeganka hagoogane oo is taagay iyo ciidanka qaranka oo hada gacanta ku haya deeganadii lagu dagaalamay iyo khaasaraha ila hada la ogyahay

 

wararka isa soo taray ayaa sheegeya inay dagaaladi galabta ku dhexmaray cidanka qaranka somaliland iyo jabhada ssc ay haatan istageen wararka aya intaasi ku daraya in ciidanka Somaliland eeh ku sugan deenada hagoogane uu khasaara dhankooda soo gaadhay u haya 2 askari oo dhimasho ah iyo halka askari oo dhawac ah inkasto anay jirin warar xaqiiqo ah eeh la xidhidha khasaara dhabta ah eeeh ka jirta.

Dhanka kalena jabhada qabilka ssc oo lagaga gacan sareeye dagaaladi galabta ka dhacay deeganka hagoogane ayaa lagu so waramaya inay dhimashadu gaadhay 5 askari halka dhawacu ila iyo hada so gaaadhay magaalada Buhoodle lay xaqiijiyey 2 askari

Dgaaalka ayaa gabi ahaanba istaagay wixi ka dambeyey salaadii cishaha eeh cawa waxana wararku sheegeya inay jiraan khasaara inaaasi ka sii badan oo ka dhashay dagaalki galabta ka dhacay deegaanka hagoogane

qaar ka mid ah saraakisha ciidanka qaranka oo ku waramay shabakada wararka eeh caynabo aya xaqiijiye inay la wareegen goobo saldhigyo horey ugu ahaan jiray kooxda jabhada ssc kuwasi oo ay maanta ku gacan sareyeen

Inkasto oo uu sarkaalkuii xaqiijiyey khasaara badan oo ay gaashsiyeen ciidamada jabhada ssc ayaa waxanu sheegin tirada dhimashada ah eeh so gaadhay ciidamada qaranka Somaliland walow uu ii xaqjiiye inay jiro hal askari waxan warar sheegeyn inay dhimashado kooxda ssc lagu so waramaya inay intaas ka badanyahay

dhanka kalen dooxada xargaga ayaa lagu so waramaya inuu saaka halkaasi iska hor imaad ku dhexmaray laba beelood oo waalaalo ah sla markaana wado dege deegaankaasi wararka aanu ka heleyno ayaa sheegeya inay khasara dhawacyo kale gaadhay laakin anay wax dhimasho aanse ay jirin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Kalshaale oo istaagy iyo khasaaraha ka dhashay.

Sunday, 30 January 2011

Burco(Togdhnews)-Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay degaanka kalshaale,ee u dhaxeeya degmada Buuhoodle iyo Qorulugud,

kaasoo la sheegay in u dhexmaray ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyo beeleed ka soo jeeda degaanka Buuhoodle.

 

 

Dagaalkan oo istaagay makhribkii caawa ayaa ,Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka jiida hore u sheegeen TogdheerNews, in ciidanka Qaranka somaliland ay kaga dhinteen laba askari halka laba kalena ay kaga dhaawacmeen,Islamrkaana ay ku qabteen afar ka mid maleeshiyo beeleedkii dagaalku dhexmaray,dhinaca wararka laga helayo dhinaca Buhoodle ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawacba ay jiraan dhinacooda balse lama oga tirada dhabta ah,iyadoo wararka qaarkood sheegayo in dhaawac badan la gaadhsiiyay Cisbitaalka Buhoodle,iyo dhimasho ilaa far qofa.

 

 

Ilaa hada ma jiraan masuuliyiin ka tirsan xukuumada somaliland oo ka hadashay dgaalkan ka dhacay degaankaasi kalshaale.

 

Wararka dgaalkan oo faahfaahsan dib ayaan idinkala socodsiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Ugu Dhimashada Badnaa Oo Galabta Ka Dhacay Deegaanka Kalshaalle

January 30th, 2011 Comments Off

 

Tirada Maxaabiista Laga Qabtay Malleeshiyada Buuhoodle

 

Kalshaalle(Somaliland.Org)- Dagaal sababay khasaare balaadhan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay deegaanka Kalshaalle ee u dhaxeeya degmooyinka Qori lugud iyo Buuhoodle, kadib markii ay rasaas Is weydaarsadeen laba sahan oo ka kala socday labadii maleeshiyo beeleed ee hore ay iska hor imaadyadu ugu dhex mareen deegaankaasi.

 

Maleeshiyo beeleedka ka socday Buuhoodle, ayaa Gaadhi ay saarnaayeen labada sarkaal ee ugu sareeya ciidanka Qaranka ee ku kala dhex jiray beelahaasi ku riday Qoriga Sabanka , in kasta oo la sheegay inaanay khasaare soo gaadhin saraakiishaasi, waxaana sidaasi ku bilaabmay dagaal qadhaadh oo dhex maray ciidamada qaranka iyo maleeshiyadii Beesha Buuhoodle waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qadhaadh oo la isku gabal dhacsaday.

 

Siday sheegeen wararka ka imanaya deegaankaasi, waxa dhinaca Buuhoodle ka dhintay 4 qof, halka 18 kalena la sheegay in maxaabiis ahaan loo qabtay, hase yeeshee waxa warku intaasi ku darayaa in khasaaruhu intaasi ka badan yahay.

 

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan Ciidamada qaranka oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa Idaacada BBC-da u sheegay in dhinacooda uu dagaalkaasi kaga dhinteen laba askari halka mid kalena ka dhaawacmay.

 

Sarkaalkaasi wuxuu intaasi ku daray in Ciidanka Qaranku ay qabsadeen meel la yidhaahdo Hagoogane oo uu tilmaamay inay saldhig u ahayd Maleeshiyada soo duushay.Labada dhinacba waxay isku tuurtuureen cida weerarka soo qaaday.

 

Deegaanka Kalshaalle oo ay isku hayaan laba beelood oo ka soo kala jeeda deegaanada Buuhoodle iyo Qori Lugud ayaa salka ku haya muran dhul, waxaan hirgelin go’aamo xeer beegti madax banaani ay ka soo saareen xiisada iyo Colaadda ka taagnayd deegaankaasi.

 

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo horaantii bishan uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu qoraal uu soo saaray ku sheegay in deegaankaasi yahay soone ciidan isla markaana ugu baaqay labada dhinacba inay joojiyaan Barkadaha ay halkaasi ka qoteen wixii kharash ka galayna ay xukuumaddu bixin doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this