Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Hay'adda UYS oo siminaar ugu Qabatay Magaalada Muqdisho in ka badan 100-haween ka socday qeybaha Bulshada

hawenka-siminar-yts.jpg

hawenka-siminar-yts_1.jpg

hawenka-siminar-yts_2.jpg

hawenka-siminar-yts_3.jpg

hawenka-siminar-yts_4.jpg

hawenka-siminar-yts_5.jpg

hawenka-siminar-yts_7.jpg

hawenka-siminar-yts_8.jpg

hawenka-siminar-yts_9.jpg

hawenka-siminar-yts_10.jpg

 

Hey'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed UYS ayaa siminaar ugu qabatay Magaalada Muqdisho in ka badan 100-haween ka socday qeybaha bulshada, iyadoo siminaarkan looga hadlayay qaabka Ubadka looga bad baadin karo adeegsiga dagaalada iyo sida looga hortagi karo guurka qasabka ee Haweenka.

 

Siminaarkan oo ahaa qeybtii labaad oo Hey'adda UYS ay u qabato haweenka ayaa waxaa ka qeyb galay mas'uuliyiin Baarlamaanka, haween ka socday Ururada Haweenka iyo Gudiga Haweenka ee Hey'adda UYS.

 

Gudoomiyaha degmada Wardhiigley ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Gudoomiyaha Gudiga Haweenka UYS Deeqo C/qaadir Axmed oo siminaarka furtay ayaa ugu horeyn waxay ka hadashay sidii caruurta looga bad baadin lahaa adeegsiga dagaalada, iyadoo xustay in caruurta ay yihiin kuwo ugu nugul u adeegsiga fikradaha qaldan.

 

Deeqo C/qaadir Axmed oo soo qaadatay dilkii Usama Bin Laden saameynta uu ku reebi karo Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in hadii uu Usama dhintay aysan fikradiisa wali dhiman, isla markaana ay shaqeyneyso, waxaana ay tilmaamtay in Usama hortiis aanay caalamka dhibaato iyo qarax ka jirin sida ay hadalka u dhigtay.

 

Waxaa ay uga mahad celisay Hey'adda UYS kaalinta ay ka qaadato isu keenida bulshada qeybaheeda kala duwan iyo sidii ay ugu sameyn laheyd howlo baraarujin ah oo ku aadan sidii lagaga hortagi lahaa fikradaha qaldan.

 

Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Haweenka ee UYS Xaawo Cali Maxamuud (Xaawo Kiin) oo siminaarka ka hadashay ayaa sheegtay in Hey'adda UYS ay isku xil saartay sidii loo baraarujin lahaa ubadka, isla markaana looga hortagi lahaa u adeegsiga dagaalada.

 

Mar ay ka hadashay guurka qasabka ee haweenka loo sameeyo ayay tibaaxday in taasi ay horseydeyso inuu dumo gurigii aqalka, hadii gabadha lagu qasbo nin aanay raali ka aheyn, waxaana ay cadeysay in dhaqanka aanay qasab noqon karin, isla markaana uu ku imaanayo furiin deg deg ah.

 

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay xubnaha Gudiga Haweenka UYS oo ay ka mid ahaayeen Carfoon Wehliye Siyaad, Luul Warsame Guuleed, iyo Faadumo Axmed Geeddi oo dhamaan sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyi gelin joogto ah, isla markaana la sameeyo xarumo dhaqan celin ah oo caruurta la marin habaabiyay la isugu keeno.

 

Raxmo Dahir Maxamed oo iyana ka mid ah Gudiga Haweenka ee UYS ayaa sheegtay in muhiimada isu imaatinkan oo kale inay yeelan karto is faham bulshada dhexdeeda iyo isku duubni rasmi ah oo ay ka qaataan sidii nabada iyo horumarka uga shaqeyn lahaayeen.

 

Mar ka hadashay khilaafka u dhaxeeya Dowladda kaalinta haweenka ka qaadan karaan heshiisiinta, iyadoo cadeysay in haweenka door weyn ka qaadan karo in haweenka ay heshiisiiyaan, waxaana ay u xustay in lagama maarmaan ay tahay in haweenka ay u shiraan koox koox, si xal looga gaaro, waxaana ay tilmaamtay in haweenka aysan sal ku laheyn khilaafka.

 

Sidoo kale waxaa ay tibaaxday in Haweenka ay yihiin hogaanka bulshada, isla markaana gacan ka geysan karaan xalinta khilaafaadka, maadaama ay xustay in haweenka ay raggu qiimeeyaan, iyadoo tilmaamtay in haweenka ay door ku lahaayeen xoriyada dalka, waxaana ay intaa ku dartay in haweenka ay yihiin kuwo dahabkooda u gaday Ragga si xornimo loo gaaro.

 

Ugu dambeyn Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko oo soo xiray siminaarka oo aqriyay qaar ka mid ah qodobadii siminaarka ayaa sheegay in Haweenka ay door ku leeyihiin wacyi gelinta bulshada, isagoo ku ammaanay Hey'adda UYS dadaalkeeda ku aadan horumarinta Bulshada.

 

Xildhibaanka oo mid mid u aqriyay ajandayaasha siminaarka ayaa soo qaatay in xilligan dagaalada ka socda dalka ay yihiin kuwo qasab ah, isla markaana uu sheegay in hada gabdhihii soomaaliyed la leeyahay naftaa ku jeclaatay, taasoo uu qeexay in guurka qasabka aanu ku dhismi karin qoys.

 

Cali Seeko ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Hey'adda UYS uu horay u arkay iyadoo siminaarka u qabatay odayasha dhaqanka hadana ay doorka saareen haweenka iyo sidii ay ugu qeyb galen laheyd baraarujinta bulshada qeybaheeda kala duwan, si caruurta la marin habaabiyay ee la geliyay fikradaha qaldan looga saaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Cisbitalka Daarushifa oo deeq Dawo ah gaarsiiyay MCH-ka Xamarweyne

Maamulka Cisbitalka Daarushifa ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deeq Dawo ah iyo sheeybaar lacag la’aan ah gaarsiiyay MCH-ka degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

 

Deeqdan Cisbitalku gaarsiiyay MCH-ka Xamarweyne oo isugu jirtay Dawo iyo baaritaan lacag la’aan ah ayaa loogu talagalay dadka danyarta ah ee ku sugan degmadaasi, kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashka dawada iyo baaritaankaba.

 

Agaasimaha Cisbitalkaasi Shariif Xuseen Rooble, ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeedada ay halkaasi ay u geeyeen deeqdaasi ay tahay, in Cisbitaalka uu *****lo qeyb ka mid ah baahida caafimaad ee ay qabaan dadka danyarta ah ee ku sugan degmada Xamarweyne.

 

Qoysas farabadan oo danyar ah ayaa la ildaran cudurro iyo gaajo, kuwaas oo aysan baahidoda *****li Karin gargaar kooban, waxaase hubaal ah hadii ummada Soomaaliyeed ay is gargaaraan la badbaadin karo nolosha kumannaan qoysas ah oo haatan la ildaran macluul iyo cudurro kaladuwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dood Wadaag ku Saabsan Doorka Dhalinyarada ee Horumarka iyo Nabada oo Muqdisho lagu Qabtay

 

Muqdisho (RBC Radio) Dood wadaag ku saabsan kaalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Nabada iyo hormadka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dood wadaagaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xisbiga Nabada iyo Haormarka Garabkiisa Dhalinyarada waxaana ka soo qayb galay dhalinyaro badan.

Dhalinyarada ka soo qayb galay kulanka ayaa waxa ay u badnaayeen dhalinyarada Waxbarta oo dhigta jaamacadaha magaalada Muqdisho iyo waliba Dhalinyaro Aqoonyaho ah.

Sidoo kale Dood Wadaaga maanta ayaa waxaa ka soo qaybgalay Dad Aqoonyahano ah Siyaasiyiin iyo Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo aad u badan.

Dood ayaa waxaa si aad ah loogu lafa guray kaalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Nabada iyo Hormarka Dalkooda Dadkooda.

Sidoo kale waxaa lagu soo haday qaaday taariiqda Dhalinyaradii Soomaray wadanka Soomaaliya iyo sida looga baahanyahay in haatan dhalinyarada jirta ay ku daysadaan.

Cali Yaasiin Cali oo ah gudoomiyaha garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Nabada iyo Hormarka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu Faah Faahin ka bixiyay Sababta ay u qabteen Dood Wadaaga maanta.

Waxa uu Sheegay in Dood wadaagaan loogu Talagay in la arko kaalinta Dhalinyarada ay ka ciyaari karaan Hormarka iyo Nabada iyo in Dhalinyarada la tuso in ay fikiri karaan.

“Waxaan ugu Talagalnay kulankaan in Dhalinyarada Soomaaliyeed ay isku yimaadaan oo ay fikiraan oo ay noqdaan dad waxqaban kara”… ayuu yiri gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Hormarka.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Dood wadaaga Xildhibaan Dr. C/qaadir Macalin Maxamed Geedi waxa uuna sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay fikiraan isla markaana uu waajib ka saaranyahay dalka iyo waliba umada.

Xildhibaankaan ayaa waxa uu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay qaban karaan waxbadan hadii ay fikiraan oo ay isku xirmaan.

Xildhibaan Dr. C/qaadir Macalin ayaa waxa uu sheegay in Dhalinyaradii SYL ay wax badan u soo qabteen dalka isla markaana looga baahanyahay dhalinyara iminka in ay ku daysadaan dhalinyaradaasi oo kale.

Ugu Danbayntii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Dr. Maxamed Nuur Gacal waxa uu SHeegay in haatan dalka uu ku jiro Bur bur baahsan isla markaana loo baahanyahay dhalinyaro kifirta oo maskax wanaagsan leh.

Si kastaba ha ahaatee kulankaan ayaa waxa uu hor dhac uu u ahaa munaasabad lagu xusayao maalinta Dhalinyarada SYL oo ku aadan 15 bishaan May.

3134.jpg

2146.jpg

599.jpg

4122.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo tagay Washington hadalna ka jeediyay machadka nabadda

 

Jimce, May 13, 2011(HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray caasimada dalka Mareykanka ee Washington DC ka dib markii uu shirkii Golaha Ammaanka ee QM uu soo gabagaboobey galabtii Arbacada 11ka May 2011.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa Khamiistii 12kii May 2011 booqday xarunta nabadda ee loo yaqaano (US Institute of Peace) oo uu halkaas khudbad dheer ka jeediyey. Khudbadii Ra'iisul Wasaaraha oo inteeda badan ka hadleysey nabadda iyo baahida ay Somalidu u qabaan nabad waarta, sababaha uu u aqbalay xilka isagoo goob nabad ah joogey, waxuu kaluu sheegay in Dowladda ay horumar baaxad leh ka sameysey dhanka nabadda. RW ayaa u mahadceliyey David Smock iyo hay'ada USIP oo oggolaatay inay 40 Somali ah siin doonto tababar la xiriira xalka dagaalka. Fadlan fiiri lifaaqa oo ah khudbadii RW oo English ah.

 

Ra'iisul Wasaaraha Somalia ayaa sidoo kale Khamiistii 12 May 2011 kulamo la qaatay Senaterada kala ah Leiberman oo horey u ahaa musharax Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka, Senator Charles E. Schumer, Senator Richard G. Lugar, iyo Senetaro kale oo ay ka mid ahaayeen Senator King.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa maalmahan ku sugan dalka Mareykanka isla markaana wada dadaalo ku wajahan sidii Dowladda Mareykanka ay u labolaabi laheyd taageerada DFKMG ah. Ra'iisul Wasaaraha ayaa dhammaan Senetarada oo uu sida gooni goonida ah ula kulmay u sheegayey in Mareykanka uu yahay Dowladda aad u saacida DFKMG ah, ha yeeshee uu sheegay in loo baahanyahay in Mareykanka uu qaato kaalin hoggaamineed ee ku wajahan sidii loo xalin lahaa xaaladda Somalia si dalka loogu soo dabaalo nabad.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in loo baahanyahay in Somalia la siiyo mudnaanta la siiyo Afghanistan iyo Iraq oo uu sheegay in xaaladda dalka ay aad u liidato, kooxaha xag jirka ah ama argagixisada ahna ay ka faa'iiseysan karaan haddii aan DFKMG ah lagu saacidin sidii ay u heli laheyd kaalmo dhaqaale oo ku filan inay kula dagaasho kooxaha argagixisada ah.

 

Ra'iisul Wasaaraha Somalia ayaa habeenkii Khamiista 12ka May ka qebygalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay jaaliyadda Virginia ay soo abaabuleen. Xafladan ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiinta jaaliyadda Virginia. Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladda La Taliyaha Sare ee Ra'iisul Wasaaraha Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo halkaas ku soo bandhigay filim ama documentary la xiriira waxqabadka Dowladda oo si heer sare ah loola dhacay.

 

Ugu danbeyntii Ra'iisul Wasaaraha ayaa halkaas ka jeediyey khudbad dheer kana codsaday Somalida US inay kaalin mug leh ka qaataan sidii dalka dib loogu dhisi lahaa. Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey shirkii Golaha Ammaanka ee QM waxuuna sheegay in muddo kororsigii baarlamaanka uusan aheyn mid sharciyeysan, loona baahanyahay in dhammaan hay'adaha Dastuuriga ah ay ka wada hadlaan isla markaana ay isku raacaan sida ugu habboon ee looga gudbi karo marxaladda kala guurka ah.

 

Afhayeenka Xukumadda KMG ah

Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda Jabuuti oo sheegtay inay ciidamo nabad ilaalinta ah u dirayso Soomaaliya bishan dhammaadkeeda

 

Sabti, May 14, 2011 (HOL) – Dowladda Jabuuti ayaa laba guuto oo ciidamo ah u diraysa daka Soomaaliya, si ay uga qaybqaataan howlgalka nabad ilaalinta ee ay Midowga Afrika kawadaan Muqdisho, sida uu sheegay warsiirka arrimaah dibadda ee dalkaas Maxamuud Cali Yuusuf.

 

Wasiirka oo warramayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in ciidamadan ay horay u ballanqaadeen inay u dirayaan Soomaaliya, ayna ka go'an tahay inay ciidamadaas u diraan Soomaalia, si ay uga qaybgalaan howlaha nabad ilaalinta ee AMISOM.

 

"Horay ayaan u ballanqaadnay inaan ciidammo u dirno Soomaaliya, waxaana hadda dhameystirnay tababarka ciidamadaas iyo qalabeyntooda, bishan dhamaadkeeda ama bisha soo socota horraanteedana waxay gaarayaan Muqdisho," ayuu yiri Mr. Yuusuf oo mar kale loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti.

 

Dowladda Jabuuti ayaa taageersan dowadda KMG ah ee Soomaalia oo lagu soo dhisay dalkooda, iyadoo wasiirku uu xusay in hadalkiisan uusan la mid ahayn kuwii ay horay loo sheegay oo ay ka go'an tahay inay ciidamo u diraan Soomaaliya.

 

Mar la weydiiyay cabsida ay ka qabaan in Xarrakatul Shabaab ay beegsato dalkooda maadaama ay sannadkii hore qaraxyo khasaare badan geystay ay dalka Uganda oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ay ka geysteen ayaa ku jawaabay:

 

"Haddii aan ka baaqsano inaan ciidamo dirno iyo haddii aan dirno kooxdaas ma filayo inay naga joogsanayaan, waayo waxaan ogaannay markii ay Hargeysa qarxiyeen in aysan jirin meel ay dhaafayaan, waxaana qabnaa inay waajib tahay lala diriro," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti.

 

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda DKMG ah isagoo xusay in iyagu ay qabaan in xilligan aan la qaban doorasho, isla markaana laga shaqeeyo sidii lagu nabadeyn lahaa Soomaaliya, isagoo xusay inay fikirkaas dunida oo dhan u gudbiyeen.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasaaradda Caafimaadka oo xarun caafimaad ka furtay degmada Boondheere

 

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xarun Caafimaad oo MCH ah maanta ka furtay Degmada Boondheere ee G/Banaadir.

 

Munaasabadii furitaanka MCH-kaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha degmada Boondheere, iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda Caafimaadka.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Libaax Ibraahin oo xariga ka jaray MCH-kaasi ayaa ku guubaabiyay howlwadeennada Xafuntaasi Caafimaad in ay si daacadnimo ah ugu adeegaan dadka tabaaleysan ee ku dhibaateysan degmadaasi.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa intaa ku daray in Wasaaradda Caafimaadku ay bil kasta dawooyin u qeybiso MCH-yada ku yaala G/Banaadir, sidaasi darteed loo baahanyahay in MCH-kani noqdo mid u adeega bulshada u baahan adeegyada caafimaad.

 

Guddoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Gudoomiyaha Degmada Boondheere C/llaahi Xirsi Wardheere Istakiin oo ka hadlay Munaasabadii furitaanka MCH-ka ayaa muujiyay ahmiyadda uu bulshada u leeyahay, iyagoo ballanqaaday in dhankooda ay gacan ka geysan doonaan habsami u socodka howlaha MCH-ka.

 

Furitaanka MCH-kani ayaa qeyb ka ah dadaallada ay wasaaradda caafimaadku ugu jirto wax ka qabashada baahida caafimaad ee ay qabaan dadka danyarta ah ee ku dhaqan degmadaasi.

MCH-7.jpg

MCH-6.jpg

MCH-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

How a modest council worker from Camden came to be the Mayor of Mogadishu

 

Mohamed Nur is on a mission to clean up the world's most dangerous city - and is using King's Cross as his model for Mogadishu in Somalia, reports Colin Freeman

 

If any mayor in Britain fancies twinning their town with Mogadishu, now is a good time to apply. The war-torn capital of Somalia may not be as handy as some places in France and Spain, and exchange visits will involve donning flak jackets rather than touring vineyards. But they will be guaranteed a warm welcome by their opposite number, Mohamed Nur, who is not exactly flooded with offers at the moment.

"No other city is willing to twin with us at present," complains Mr Nur, 56, who has arguably the most dangerous job in local government on the planet. "But if one did, we'd be very grateful. It's all very well for wealthy cities to twin with other wealthy cities, but it would really be better for them to twin with a poor one."

Should any bold civic leader ever find themselves in Mr Nur's mayoral parlour, however, they will meet a man who is surprisingly fluent in town hall-speak, be it single regeneration budgets or "zero tolerance" zones. For unlike most of those who have lorded it over Mogadishu in the last two decades, he is not a gun-wielding warlord, but a former business advisor to Islington Council in north London, where and his family fled after the Somali government's collapse in 1991.

In recent weeks he has been back in Britain, doing a speaking tour to encourage fellow expats to follow him home and help rebuild Mogadishu, where he himself took office last July. After 20 years of almost constant warfare and failed international peace plans, it is a task that the outside world has largely given up on; in the view of many of the weary diplomats who have tried, even a giant ASBO probably would stand little chance of containing Mogadishu's warring clans. Yet despite having no experience of office beyond a failed attempt to win a Labour council seat in Camden a few years ago, Mr Nur is credited with making remarkable progress - bringing the city back to its knees, if not quite its feet.

Some, like his United Nations backers, think he is brave. Some, like his wife Shamis back in London, think he is mad. And some, like Somalia's al Shebab Islamic group, think he should be beheaded. But whatever the odds against him, he is confident his regeneration program will succeed. After all, he argues, if it worked in London's King's Cross, it can work anywhere.

 

Hang on. King's Cross in London? A model for Mogadishu? Very much so, says Mr Nur. The area around what is now the Eurostar terminal lies just down the road from his old council flat in Camden, and used to be one of the diciest in the capital, with drug dealers, muggers and prostitutes operating amid the squalor. But with the building of the new terminal came cleaner, better-lit streets, which flushed out the undesirables and tempted in smart new shops, restaurants and residents - a ruse Mr Nur is now trying in Mogadishu.

"I was living here when King's Cross was very dirty, with houses that were empty and run down, and lots of drug dealing, crime and prostitution," says the father-of-six, who gained British citizenship in 2001.

"But when they regenerated it a few years ago, all that disappeared, and hotels, restaurants and shops opened. I realised that if you keep an area clean and well-lit, then a lot of bad things will disappear."

Those who know their town planning theory as well as Mr Nur does will recognise this as the so-called "broken windows" strategy, famously pioneered by New York mayor Rudolf Giuliani, which holds that the more run-down a city is, the less inhibited its resident criminals feel.

Yet even Mr Giuliani, who slashed crime rates in the 1990s, might have baulked at the task facing his Somali counterpart. The dusty streets Mr Nur now controls have long been a byword for urban anarchy, as dangerous and chaotic as Baghdad or Kabul at their worst, and without any Western superpowers trying to patch things up. The last time the Americans tried, it ended in the "Black Hawk Down" tragedy of 1993, with the corpses of US servicemen dragged through the streets by a mob.

Since then, Mogadishu has been a battleground for warlords, clan gangsters and now Taliban-style Islamists, with bombings, shootings, and kidnappings a daily fact of life. Today, the once-beautiful port on the Indian Ocean has not just lots of broken windows but an entire broken population, collectively traumatised by an all-too-unbroken conflict.

"Mogadishu is the city I grew up in, the place I love, and it always made me angry the way the warlords cut it into fiefdoms," explains Mr Nur, who got the job after joining a Somali diaspora group trying to rebuild the country.

"The problem is that today, the people have simply got used to living in violence, dirt and fear, and they cannot imagine another life. I want to change that."

Armed with a monthly budget of just roughly £35,000 - what some British town hall chiefs take home as a personal salary - Mr Nur has focused on small but visible changes, clearing the streets of garbage and setting up proper streetlights. Providing proper policing is important as well, of course, but the three are inter-connected, he argues. Less trash leaves fewer places for Islamists to hide roadside bombs in, while round-the-clock lighting lets shops and businesses open late - in turn creating jobs. In the past four months, he claims, there have been no suicide bombs or roadside bombs on his turf, "only hand grenades thrown into the streets". Which, by Mogadishu standards, is pretty good.

"For 20 years nobody believed anybody could do anything," adds the mayor, who, true to his grasp of town hall jargon, has urged fellow Mogadishans to "think outside the box". "But security, clean streets and good lighting are all inter-dependent, and will build the morale and confidence of the people."

Predictably, such benign intentions have not endeared him to everyone in the city, which remains divided between the forces of the UN-backed Transitional Federal Government and those of al Shebab, who impose a brutal Taliban-style regime in areas under their control. He received his first death threat from al Shebab on just his second day at work, having undiplomatically denounced them as "a bunch of criminals". But he has also made powerful enemies elsewhere, from the town hall deputies he sacked for corruption, to the wealthy arms dealers who fear his plans for a safe city will put them out of business. Unfortunately, being the mayor involves plenty of meet-and-greet sessions with the public, where it is too easy to bump him off.

"When I first took the job, I told my wife to prepare for the prospect that I might be assassinated by the Shebab," says Mr Nur, who is guarded by 15 bodyguards by day and keeps a pistol and Kalashnikov under his bed by night.

"But I also get threats by mobile phone from people within the areas that the government controls. They will let me know I am being watched by telling me what I am wearing and who I am sitting next to, and that I will be dead in a few minutes' time. The first time I had that, I was so scared I couldn't sleep, but after a while I just started laughing about it."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

In somewhere like Mogadishu, such threats are not mere bluster. Recently, Mr Nur staged an outdoor music festival - an idea borrowed from former London mayor Ken Livingstone, whose maverick political style he has long admired - only for it to be attacked by gunmen. Four people died, including the leader of the festival's marching band. The chief suspect, moreover, turned out to be not the Shebab, who ban music in their fiefdoms, but another former mayor, who has since been arrested.

Despite such setbacks, Mr Nur claims to be on the way to turning Mogadishu around. As of now, the government and its back-up troops from the African Union lay claim to some 60% of the city, with growing numbers of residents flocking to their turf because it is preferable to life under the Shebab.

That in itself has caused its own mini-refugee crisis, not that that has stopped Mr Nur trying to get the little things in life right. True to the ethos of Mr Livingstone, whom he has met with during his visit, he now also has his beady eye on Mogadishu's motorists, for whom a life free of traffic wardens has been arguably one of the few consolations of the last 20 years.

"From this month on, anybody who drives in the wrong lane or with heavy loads or without lights can expect a fine," he warns. "I want Mogadishu to become like a normal city again, where people cannot just be allowed to drive however they want."

Mr Livingstone would no doubt approve, and if he is re-elected as mayor of London next year, Mr Nur is quietly hopeful that he might give that town twinning plan some serious thought. The real benchmark of success, though, will be if he can ever persuade Mrs Nur to come and join him.

"My husband keeps asking me if I can go out there," she says, cautiously. "But last time I went, I only stayed five days and couldn't go out on my own. We will have to see how things go."

Colin Freeman's book about Somalia, "Kidnapped: life as a hostage on Somalia's pirate coast", will be published by Monday Books in June.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare oo Booqasho ku Tagay Dalka Turkıga

 

Wasiirka_Waxbarashada_Som_Turkiya_1.JPG

 

Wasiirka Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya Dr. Abdinur Sheikh Mohamed ayaa booqasho ku tagay dalka Turkiga isagoo la kulmay dhiggiisa wasaaradda waxbrashada Turkiga ayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal u dhaxeeya, isla markaasna loo kordhin lahaa deeqaha waxbarsho ay bixiso dowladda Turkiga. Wasiirku waxaa uu la kulmay madax badan oo ka socotay hay’adaha dowladda u qaabilsan arrimaha horumarinta iyo dalladaha waxbarashada isagoo ka warbixiyey horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha waxbarshada.

 

Dr. Maxamud waxa kale ee uu ka qeybgalay xaflad casho ah oo uu kula kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barata dalka Turkiga iyo madaxda safaaradda Soomaalida u fadhisa Dalka Turkig a. Dr. Maxamud isagoo la hadlaya ardayda ayuu wuxuu soo gaarsiiyey tahniyad uu ka sido dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Ahmed iyo Ra’iisal Wasaare Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo isla markaana ka warbixiyey dadaalka ay dowladda ugu jirto in kor loo qaado tayada waxbarshada dalka.

 

Wasiirku waxa uu dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda waxbarasho ee dalka Turkiga, kuna guubaabiyey ardayda in ay dadaalkooda waxbrasho kordhiyaan oo ay ku soo laabtaan dalkooda marka ay dhameystaan waxbarshadooda kaasoo u baahan aqoontooda iyo khibradahooda si loo haqabtiro baahida ba’an ee ka jirta dalkooda hooyo. Dr. Maxamud waxaa uu nasiib xumo ku timaamay in ay wadanka Turkiga arday aad u tiro yar ay wax ku bartaan marka loo eego sida Pakistan iyo Sudan iyadoo loo nisbeeyo in arday badan ay dalkaan ka tahriibeen ayna lumiyeen fursado waxbasrasho . Wasiirku wuxuu ku rajo weyn yahay in Soomaliya loo kordhiyo deeqaha waxbarasho oo horay u ahaan jiray 10 kursi. Sidoo kale wasiirku wuxuu diirada saaray in aysan dhici doonin in wax musuqmaasuq ah iyo garab anaan lagu keeni doonin ardayda hadda ka dib. Wassirku wuxuu gaarsiiyey dowladda Turkiga iyo ardaydaba in wasaarada waxbarashada Somaaliya ay bisha june qaadi doonto imtixaan mideeysan oo ardaydu ay ku heli doonaan deeqo waxbasrsho dalka gudahiisa iyo dibeddiisaba.

 

Sidoo kale, jaamacadaha sida gaarka loo leeyahay ee dalka Turkiga ayaa iayagana balanqaad u sameeyey wasiirka in ay ugu deeqayaan Soomaaliya deeqo waxbasrasho, taasina waa guul u soo hooyatay ardayda soomaaliyeed.

 

Wasiirka intii uu joogay dalka Turkiga waxaa uu booqday goobaha taariikhiga ee magaalooyinka Ankara iyo Istanbuul isagoo xaqiijiyey horumarka ay gaareen walaalaheen reer Turkey in ay ku dayasho mudan tahay.

 

Wasiirka_Waxbarashada_Som_Turkiya_2.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ciidamada Dowladda KMG ah oo isku hareereeyay Suuqa Bakaaraha iyo fariisimo hor leh oo ay ciidamada Dowladda la wareegeen

 

Dagaalka_Waqooyiga_Muqdisho_0.jpg

 

Waxaa saakay Dagaallo xooggan ka dhaceen magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamada Dowladda KMG ah, kuwa Ahlu Sunna oo garabsanaaya Ciidamada AMISOM ay la wareegeen deegaano hor leh oo magaalada Muqdisho ah.

 

Deegaanada ay Ciidamada Dowladda KMG ah ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah hareeraha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaalku galay maalintii afaraad waxaana dagaalladaas ay saameyn ku yeesheen ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo dadku ay awoodi waayeen inay tagaan suuqaasi.

 

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho oo soo cusboonaaday kaddib markii ciidamada Dowladda ay weerareen fariisimo ciidamada Al-Shabaab ay ka degenaayeen saddexdaasi degmo.

 

Dagaaladii saakay ka bilowday xafadahaasi ayaa waxaa la sheegayaa in ciidamada huwanta Dowladda KMG ah ay qabsadeen fariisimooyin dhowr ah oo xarakada Al-Shabaab horay u joogeen, iyadoo ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay haatan ku sugan yihiin suuqa caanaha oo ka tirsan nawaaxiga suuqa Bakaaraha.

 

Magaalada Muqdisho ayaa saakay laga maqlayay daryanka madaafiic aan waayadaan la ridin oo ay heystaan ciidamada AMISOM, waxaana madaafiicdaasi oo dadku ay u yaqaanaan Fooriyaha la sheegay inay ku dhacayeen goobo aad uga fog halka ay dagaaladu ka socdeen.

 

Al-shabaab ayaa saakay dagaallada billowday, inkastoo maalmihii ka horreeyay uu dagaalku ahaa mid ay weerarkiisa lahaayeen ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM, waxayna Ciidamada Dowladda KMG ah oo garabsanaaya kuwa Ahlu Sunna iyo kuwa AMISOM ay yihiin kuwo ku hareeraysan Suuqa Bakaaraha.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

AMISOM oo sheegtay in dagaaladii beryahan ka dhacayey Muqdisho ay ku dileen saraakiil ka tirsan xarakada Al Shabaab

 

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalo culus oo 3-dii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayna ku dileen saraakiil isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ka barbar dagaalamayey Xarakada Al Shabaab.

 

Qoraal ay ka soo saareen magaalada Muqdisho oo ku saxiixnaa taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Nathan Mugisha ayaa ciidamada AMISOM waxay sheegeen in dagaalada ka socday degmooyinka hodan iyo H/wadaag ay ku dileen laba dagaal-yahan oo u dhashay dalka Bakistaan kuwasoo magacyadoda ay ku kala sheegeen Xuseen Cabbaas iyo C/llaahi Yalb, waxayna sheegeen in lagu aasay meel ku dhow isbitaalka Dayniile.

 

Sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa qoraalkooda ku sheegay in saraaakiisha ay ka dileen Al shabaab uu ka mid ahaa taliyihii ciidamada Al shabaab ee suuqa Bakaaraha oo magaciisa ay ku sheegeen C/fitaax Maxamed, waxaana sidoo kale lagu dilay dagaaladaas sida ay AMISOM sheegtay dhowr sarkaal oo uu ka mid ahaa C/wahaab Shiikh Doole.

 

Ciidamada AMISOM ayaa qoraalkooda ku sheegay in dagaalka looga dilay dhinacooda labo sarkaal oo mid ka mid ah meydkiisa ay Al shabaab qaateen kuna soo bandhigeen magaalada Muqdisho, waxayna xuseen iney horumar la taaban karo ka gaareen dagaalada ayna ku dhow yihiin Suuqa Bakaaraha, iyagoo ka codsaday shacabka soomaalida iney ka fogaadaan goobaha ay al shabaab kala wareegeen Qatar soo food saari karta awgeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this