Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Odoyaasha_Dhaqanka_Wasiirka_Amninga_9.JP

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta loo diiday inay dalka ka dhoofaan ay doonayeen inay si sharci daro dalka uga baxaan.

 

Isagoo caawa wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu si cad ah u sheegay in isaga uu amray in Xildhibaanada la celiyo, maadaama uu sheegay in socdaalkooda ahaa mid aan waafaqsaneyn nidaamka dowliga iyo shuruucda sida uu hadalka u dhigay.

 

"Wasaarada Arrimaha Gudaha oo aan anigoo wasiirka ugu horeeyo ayaa si amar ah ugu wargelinayay Ciidamada Ammaanka inay u joojiyaan Xildhibaanada aanay ka dhoofi karin Garoonka"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

C/shakiir ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay xor u yihiin inay dalka ka dhoofaan, hase ahaatee ujeedkooda uu ahaa Xildhibaano Gudi sheeganayay oo doonayay inay dalka si sharci daro uga baxaan.

 

"Gudi aan la ansixin oo aan shuruucda la waafajin sida Gudiyada kale ee Dastuurka iyo nidaamka Dowliga loo ansixiyay ayaan joojinay anaga, kuwaas sharci darada Gudigooda ahaa ayaan dib u celinay"ayuu lahjad kulul ku yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

 

Wasiirka ayaa xusay in cid kasta oo gaar ah oo shacab iyo Dowladda ka tirsan ay si sharci ah dalka uga dhoofi karaan, hase ahaatee tallaabadii maanta ayuu sheegay inay aheyd mid gaar ah oo lagu hor istaagay Gudi sharci daro ahaa.

 

Ilaa 40-meeyo Xildhibaan ayaa maanta is-hortaag lagu sameeyay, kuwaas oo ahaa Gudiga Doorashooyinka Baarlamaanka ee uu dhowaan magacaabay Shariif Xasan, waxaana is hor taagaas ka dhashay buuq iyo gacan ka hadal dhex maray Xildhibaanada iyo Ciidamada Ammaanka.

 

Arrintan ayaa ah mid sii horseedeysa khilaafka ka taagan Hey'adaha Dowladda, iyadoo tallaabada Wasaarada Arrimaha Gudaha qaaday ay tahay mid xasaasiyadeeda yeelan karta, taasi oo keeni karta inay dhacaan qalaan qal siyaasadeed iyo mid midi ku taag hor leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Liban;717928 wrote:
This thread needs to be removed

One can learn allot from this thread. Not sure who you are lad, but you need to chill a little...

While I disagree with this admin and Sharif Hotel, this thread is a positive thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;717952 wrote:
Odoyaasha_Dhaqanka_Wasiirka_Amninga_9.JP

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta loo diiday inay dalka ka dhoofaan ay doonayeen inay si sharci daro dalka uga baxaan..

shaqada wad dadka soomaali diidka ah ha u istaajin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Grazie signori! :D

--------------

 

Somali women and the pending presidential election

Dear Associated Press Editor,

 

There has been much ado in the Press lately about the pending elections in Somalia, for example, the Associated Press article of April 14, "Somali government rejects UN efforts to hold elections", and from Reuters on April 21, "Somalia government postpones vote to 2012 amid security crisis". I should be grateful for the opportunity to express my views. I was recently elected Chairwoman of the Somali National Women's Association, formally and by democratic vote in Mogadishu, and confirmed in late 2010, at a peace-building initiative network meeting called by the Regional Minister of Women and Family affairs in Punt land. Through this venue, Somali women are able to come together and express their views about peace and country infrastructure under the slogan, 'United Somali Women without Borders'.

 

The meeting in 2010 represented 130 Somali women, both expat and those living in Somalia, who were ambassadors, academics, medical professionals, educators, and artists. At this meeting, we dedicated October 25th of each year to stand as "Somali Women's Peace Day". When we met in March 2011, we agreed to create a structured network that would aim to include several thousand women, who are willing to take part in the peace-building process.

 

My letter today expresses support for delaying the Presidential elections, but for reasons that go beyond those already reported in the global news. At present, Somalia does not have the means to support viable Presidential elections before the Somali Constitution has been ratified. And most importantly, ratification of the new Constitution cannot take place without first creating necessary stability within the country's infrastructure. The Rights of Somali citizens should first be defined and implemented. These include, among others, the Rights of women and children, which should be granted in equal and relative measure to those of men, as well as the Right to life for all Somali citizens. This includes entitlement to education, health care, and legal identity across the country and without concern for regional or tribal distinctions. All Somali citizens must be granted and ensured the Right to live in peace and freedom without continual threat of war and insecurity, but they should also be granted the Right to vote democratically for their leaders. The latter should go hand-in-hand with ensuring the security-based concerns already expressed.

 

Here, I attempt with all dignity as a Somali woman, to write about our problems with the practical, and yet firm, wisdom of a mother. Somalia is now in a state of infancy, and our country is in the process of creating developments that will carry us into the future as a strong and productive member of the global scene. However, Somalia needs first to repair the heavy losses we have incurred over the past 20+ years, due to civil unrest and war that has unjustifiably raged and rampaged through our lives. Further, we again face drought in many parts of the country, and people are again dying or being driven away due to natural disaster (and not only due to war and political conflict).

 

Nevertheless, our traditional means to overcome drought, for example, are disrupted by conflicted tribal boundaries and people are simply not able to safely cross into drought-free areas to find food and sustainability. Against this tide, we therefore we need time to nurture the development of our political initiatives that will effectively generate the necessary infrastructure stability.

 

We Somalis recognize that stability takes many forms, and thus, within our current democratic Government, we are in the process of addressing all facets of an operational Constitution. Doing so affords us the opportunity to learn from our past mistakes, as well as the mistakes of other African nations; we first and foremost need to eradicate corruption and lack of accountability in the way potential future leaders might conceptualize a leadership organization. To place pressure on having a Presidential election before its time has purposefully evolved, can potentially serve nothing more than to reinforce our already existing problems. For example, even our definition of "Federal Government" needs to be established.

 

That there presently exists an individual with the title of "President" for each region within Somalia may not only be misleading, but may also undermine the bipartisan spirit of the federal identity. It is on matters such as this that I take great courage in the futuristic sight of our present, albiet transitional, political leaders, especially the Prime Minister, which is toward the horizon. I ask that the West not inadvertently force us into short-term thinking, which will only provide an inaccurate appearance of stability.

 

Thus, the current democratic Government and Parliament are working together in cooperation for the first time in decades. Initiatives that positively affect the lives of Somali men, women and children are currently in development. I respectfully ask the western nations, as well as the United Nations, to take notice of our efforts and to give us positive credit for this momentum underway. From an insider perspective, such as mine, a premature election might place us once again into a situation where newly elected political players, having newly designed political agendas, will only serve to disrupt the current positive flow. Must we "reinvent the wheel" so early in this process?

 

On behalf of the women of Somalia, I kindly ask for recognition of our efforts to effect real stability within Somalia, so that our current leaders can continue to solve our internal problems, as well as those resulting from the diaspora. Then, we can hope to ensure a proper platform for holding Somali Presidential elections within our own borders.

 

Respectfully,

Asha Omar Geesdiir

Malmö, Sweden

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Maxamed Cabdulahi Farmajo Raisul wasaraha dowlada Somaliya ayaa isagoo kusugan magalada Newyork ee wadanka Mareykanka waxaa uu kulamo gooni gooni ah laqaatay madaxda qaarkamida wadamda Afrika gaar ahaan madaxweynaha dalka Koofur Afrika Jacob Zuma iyo qaar kale.

 

Wargeyska Washington post oo soo xiganayay raisul wasaraha Somaliya Farmajo ayaa sheegay in uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha dalka koofur Afrika Jacob Zuma isagoo kalahadlay arimaha ku saabsan xariirka labada wadan gaar ahaan balan qaadkii ku aadanaa in South Afrika ciidamo ay usoo diri doonto wadanka Somaliya iyo waliba xaaladaha cakiran ee soo wajahaya qoxootiga Somalida ee ku nool wadanka Koofur Afrika oo kamida dalalka ay ku badanyihiin dadka Somalida ee ka haajiray colaadaha ka holcaya wadanka Somaliya.

 

Thabo Imbeki ayaa soo dhoweyay dadaalada raisulwasaraha uu wado isagoo sheegay in dowlada South Afrika ay maanka ku heysto sidii ay uga qeybgalilahyd howlgalka AMISOM.

 

waxaan diyaarinay dhamaan tirada iyo waxyaabihii loo baahnaa ee dhaqaale ahaa taasoo aan u gudbinay mar hore golaha amaanka ee qaramada midobay ayuu yiri Jacob Zuma.

 

Farmaajo ayaa lafilayaa in sidoo kale kulamo uu la qaato galinka dambe ee maanta hogaamiyayaasha wadamada Qadar, Faransiiska iyo masuuliyiin ay kamidyihiin xogyaha guud ee golaha amaanka qaramda midobay Bankii Moon iyo masuuliyiinkale.

 

Kulanka kafurmayo magaalada Newyork ee dalka Mareykaka ayaa kusoo beegmaya waqti kalaguur ah oo dowlada Somaliya uu waqtigeedu sii dhamaanaya iyadoona madaxda wadamada caalamku ay walaac ka muujinayaan sawirada naxdinta leh ee laga dheehanayo wadanka Somaliya in kabadan 20 sanadood.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

PM Takes Part in UNSC Meeting

 

New York — The prime minister of Somali transitional federal government is still in New York in the US attending United Nations Security Council meeting on Somalia situation.

 

Mohammed Abdullahi Mohammed better known as Farmajo, the premier of Somalia held different separate meetings with representatives from Russia, India, Germany, China and others states giving briefings about the current security and humanitarian situation of Somalia.

 

The prime minister of TFG is trying to persuade the United Nations Security Council to accept one year term extension for all Somali governmental institutions to warp up the transitional tasks, the completion of the draft constitution, according to Eng. Abdurrahman Omar Osman Yarisow, the information advisor of Somali premier.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Eeyo iyo Saraakiil soomali ah oo loo tababary inay Miinooyinka baaraan oo maanta Muqdisho lagu soo bandhigey.

 

Eeyahaan oo ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa labo kuwaas oo la sheegay in ay baarayaan Miinoyinka dhulka lagu aaso ayaa maantay waxaa soo banadhay hay’aad laga leeyahay dalka Maraykanka lakiin xarun ku leh wadanka Soud africa.

 

Mid ka mida saraakiisha hay’adaasi oo lahadlay arbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Eeyahaan ay ku warejinayaan Dowladda KMG mudona uu tababar uga socday magaalada Kambaala ee caasimada wadanka Ugaandha,iyaga iyo saraakiil soomali ah oo gaaraya 13- sarkaal oo la doonayay in loo tabababaro sida loola shaqeeyo Eeyaha balse saraakiishasi laba qof oo kali ah ay soo guuleesteen.

 

Eeyahaan maantay la soo bandhigay ayaa waxay ay kusoo aadaynaa xili dadka soomaliyeed gaar ahaan kuwa ka dhoofaya garoonka iyo kuwa kasoo dagaya ay dhib xoogan ay ku qabaan ciidmada shisheeye oo baaritaan aad ah.

 

Waxaana Eeyahaan maantay lasoo bandhigay sidoo kale ay yihiin kuwa ladaryeelayo meelo wanaagsan oo jiiftaan leh dhaqaatiir dawaysa leh hadii ay xanuunsadaan loo diyaariyay balse waxaa xusid mudan in ciidamada Dowladda aysan adegaasi haysan ee dagaalka kala soo horeeya ciidamada shisheeye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Maanta shir gaar ah ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya iyo Ra’isul wasaare Farmajo oo sheegay…

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelanaya arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan muranka ka dhex-oogaan goleyaasha dowladda KMG Soomaaliya dhexdeeda, waxaana shirkaas qudbado kala duwan ka jeedin doona wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

 

Sida warku sheegayo xubnaha Golaha Ammaanka ayaa loo qeybin doonaa warbixin bil kasta ay Qaramada Midoobay ka diyaariso arrimaha Soomaaliya, waxaana dhinaca kale halkaasi galangal xoogan ka wada Ra’isul wasaaraha dowladda KMG iyo wafdi uu hogaaminayo, kuwaas oo labadii maalmood ee tagtay kulamo kala duwan la lahaa xubnaha Golaha Ammaanka, kuwaas oo intooda badan si goonigooni ah ula kulmay, kalana hadlay arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Ra’isul wasaare Farmaajo ayaa dedaal dheer ugu jira sidii uu xubnaha Golaha Ammaanka uga dhaadhicin lahaa sidoo loo taageeri lahaa go’aankii ay Xukuumaddiisa muddada sanadka ah ugu korarsatay, si buu yiri ay gudato howlo culus oo Xukuumaddiisa horyaala, mana cadda in Goluhu ay isku raaci doonaan qorshaha uu doonayo Ra’isul wasaare Farmaajo.

 

La taliyaha Ra’isul wasaaraha dhinaca warbaahinta ahna afhayeenka Xukuumadda Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan {Yariisow} ayaa sheegay in Ra’isul wasaaruhu uu la kulmay inta badan xubnaha Golaha Ammaanka, uuna ku rajo weynyahay in codsigooda la qaato.

 

Golaha Ammaanka ayaa dhowr jeer oo hore kulamo gaar ahaar ah ka yeeshay arrimaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo aysan illaa iyo hadda waxba ka soo bixin kulamadaasi, marka laga reebo baaqyo aan dhaafin miiska korkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumada Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyaha Baarlamanka

 

War saxaafadeed ka soo baxay Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa jawaab looga bixiyay hadal shalay ka soo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo war saxaafadeedkan uu ku soo beegmay xilli uu cirka isku shareeray khilaafka Hey'adaha Dastuuriga.

 

Hadaba War saxaafadeedkan oo ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul wasaaraha oo nuqul ka mid ah uu ina soo gaaray ayaa u qornaa sidan:-

 

Warsaxaafadeed

 

Arbaco, Muqdisho, May 11.2011

 

Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadalkii shalay 10-kii May 2011 uu siiyay warbaahinta Guddoomiyaha Baarlamaanka kaasoo ahaa in Xukuumada FKMG ah aaney u soo gudbin Guddoonka Baarlamaanka wax qorsha ah oo uu ka doodo.

 

Xukuumadda waxey barlamaanka u gudbisay mudadii lasoo dhaafay hishiisyo kala duwan oo lala soo galay dawladaha Turkiga, Iran, Sudan, Indonesia iyo dawlada kale, waxey sidoo kale u gudbisay Gudoonka Barlamaanka qorshe howleedka Xukuumada iyo Agandaheeda ku aadan marxaladda kala guurka ah.

 

Xukuumadu waxay warbaahinta u soo gudbineysaa tallaabooyinkii ay sameysay si ay ugu gudbiso Guddoonka Baarlamaanka qorshe howleedka xukuumada iyo kulamo gaar ah ay ka codsatay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu soo qaban qaabiyo si aragti midaysan looga gaaro qorshaha ku aadan marxaladda kala guurka ah.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah wuxuu u gudbiyay Gudoomiyaha Barlamaanka go’aankii Golaha Wasiirada oo ku taariikhaysnaa 17.02.2011, kaasoo ay Wasiirada soo jeediyeen in muddo kordhin wadajir ah la sameeyo.

 

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu u qoray Gudoomiyaha go’aankii Golaha Wasiirada oo ku taariikhaysnaa 28.03.2011 oo ay Golaha Wasiirada kusoo jeediyeen in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici lahayd August 2011 dib loogu dhigo August 2012.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu qoray warqad taariikhdu markay aheyd 21.04.2011 taasoo uu kaga codsanayay Guddoomiyaha Baarlamaanka inay kulan wada tashi ah ay isku arkaan guddi ka socda Gudoonka barlamaanka oo ay wehliyaan Gudoomiyayasha Gudiyada iyo mid ka socda Golaha Wasiirada si ay u wada hadlaan aragti midaysanna kasoo gaaraan farqiyada u dhaxeeya hay’adaha dastuuriga ah.

 

Hadaba, Ra’’isal Wasaaraha kadib wuxuu u diray Gudoomiyaha Barlamnaanka taariikhdu markey ahayd 27.04.2011 warqad kale oo ku xusan tahay agendaha looga wada hadlayoo shirkaas maadaama uu gudoonka Barlamaanka soo codsaday inloo soo cadeeyo kulanka waxa uu ku saabsan yahay.

 

Dhammaan hawlahaan ma aysan noqonin kuwa mira dhal ah maadaama aanan jawaab ka helin Gudoonka Barlamaanka isla markaasna soo jeedimahayna aanan marnaba loo gaynin barlamaanka si xildhibaanada Barlamaanka ay uga doodaan ugana qaataan go’aan sharci ah.

 

Xukuumadda FKMG ah had iyo jeer waxey raadinaysaa wadda walba oo lagu gaari karo is faham, wada shaqeyn iyo aragti midaysan si looga gudbo marxaladda kala guurka ah iyadoo mid la yahay.

 

Ugu danbayn, waxaan ka codsanaynaa Gudoonka Barlamanka inuu horgeeyo Golaha Barlamaanka soo jeedimihiii Golaha Wasiirada isla markaana uu dar dar galiyo wada tashiyadii looga gol lahaa in is faham iyo aragti midaysan looga gaaro marxaladda kala guurka ah.

 

Xukuumadda Waxay ku hawlan tahay arrimaha amniga iyo xasillooni kusoo celinta nabad galyo waarta dalka, waxeyna ugu hanbalayaynaysaa ciidamada xoooga dalka soomaaliyeed oo maanta kasoo hooyay guulo wax ku ool ah dagaallo ay la gashay kooxaha nabad diidka ah kana qabsadeen qeybo badan oo ka tirsan Degmeda Hodan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shirkad Mareykanka ah oo Air Porka Muqdisho ku soo bandhigtay Eeyo iyo Saraakiil ka hortaga qaraxyada+Sawiro

 

eeyo-sarakil_1.jpg

eeyo-sarakil_2.jpg

eeyo-sarakil_3.jpg

eeyo-sarakil_4.jpg

eeyo-sarakil_5.jpg

eeyo-sarakil_6.jpg

eeyo-sarakil_7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Kibaki holds talks with Somali President

 

kbc.gif

 

Somali-kibaki.jpg

 

President Mwai Kibaki Friday at his Harambee House met and held discussions with the President of the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia, Sharif Sheikh Ahmed.

 

During the discussions President Sharif Ahmed briefed President Kibaki on the progress of political and security developments in Somalia.

 

Thanking President Kibaki for the continued support in the normalization process of the war ravaged country, President Sharif affirmed that the Transitional Government has so far taken control of over 70 per cent of Mogadishu.

 

He noted and appreciated that Kenya continued to host a very large number of Somali refugees who escaped hostilities in their country. Kenya currently hosts over 40,000 refugees from Somalia

 

The TFG President assured that local troops and those serving under AMISOM was making good progress in dealing with the insurgents.

 

He pointed out that there was need for enhanced bilateral ties between the two countries and continued support under the UN and AMISOM framework.

 

Noting that the Charter establishing the TFG was coming to an end in August this year, President Sharif supported extension of the Transitional Government by one year so as to address outstanding issues.

 

On his part President Kibaki commended the TFG for their achievements and assured that Kenya would continue to support Somalia so as to achieve long lasting peace and stability even in the region.

 

 

President Kibaki urged Transitional Government to hold an all inclusive process during the constitution making process so as to foster unity among stakeholders.

 

 

The Head of State advised that even Somalia citizens in the Diaspora should be invited to participate in the constitution making process and in the entire process of restoring peace and stability in the country.

 

 

In attendance were Defence Minister Yusuf Haji, Acting Foreign Affairs and Internal Security Minister Prof George Saitoti, Assistant Minister Foreign Affairs Richard Onyonka, Acting PS Foreign Affairs, Patrick Wamoto and other senior government officials.

 

 

On his part President Sharif was accompanied by Foreign Affairs Minister Mohamed Abdullahi Omaar, Information Minister Abdikarim Hassa Jama and other senior officials of the TFG.

 

Source: KBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Wasaarada Gaashaandhiga oo ka hadashay dagaaladii Muqdisho iyo fariisimo ay kula wareegeen

 

Wasaarada Gaashaandhiga Dowladda KMG ayaa ka warbixisay dagaalo saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka dhacayay qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo ay isku hor fadhiyeen dhinacyada iska soo horjeeda.

 

Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dagaaladii u dambeeyay ay kula wareegeen dhowr goobood, isla markaana Ciidamada Dowladda ay horay ugu siqeen goobo hor leh.

 

"Maalmahan waxay Ciidamada wadeen howl galo ay kooxaha nabad diidka ay uga sifeynayaan meelaha ay ku sugan yihiin sida Hodan iyo Howlwadaag, Ciidamada xooga dalka guulo ayayna ka soo hoyeen"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee isla socdeen ay u suura gashay inay la wareegeen Xero Ruush iyo Garoonka Ciyaaraha Horseed ee degmada Hodan sida uu hadalka u dhigay.

 

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa mar kale ugu baaqay dhalinyarada u dagaalanta Shabaab inay isu soo dhiibaan, isla markaana aanay naftooda ku qamaarin, isagoo sheegay in howl galada ay sii soconayaan ilaa dalka oo dhan laga saaro Shabaab.

 

Dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa ahaa kuwo geystay qasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalamayay, iyadoo ay guulo kala duwan ku kala sheegteen.

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Amisom & Dawlada Oo Weeraro Saf Balaaran Ah Ku Qaadey Xarakada Alshabaab...

 

Ciidamada dawlada soomaaliya oo barbar socda kuwa Amisom ayaa maanta dulaan saf balaaran ah ku qaadey degmooyink Hodan & Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho,waxaana la sheegayaa inuu dagaalkani yahay mid ay soo qorsheyeen ciidamada dawlada soomaaliya iyo kuwa Amisom.

 

Dagaalkan aaya ah mid ay saaka qorsheyeen labada ciidan ee isgarabsanaya,waxaana la sheegey inay doonayaan inay Xarakada Alshabaab kala wareegaan farisiimo hor leh,waxaana dagaaladaasi si xoogan uga soconayaan qaybo ka mid xaafadaha degmooyinkaasi.

 

Ciidamada dawlada soomaaliya ayaa hadda ka dagaalamaya xaafadaha Shanta Geed ilaa Farmashiga Tanaad waxaana ay ciidamada dawlada qaarkood ka dagaalamayaan isgoyska Hawlwadaag,waxaana ay doonayaan inay isgoyskaasi gacan ku hayntiisa la wareegaan.

 

Dhanka kale waxaa suuqa weyn ee bakaaraha laga maqlayaa madaafiic xoogan ee ay kooxaha dagaalamayaa isweydaarsanayaan,waxaana laga cabsi qabaa inay madaafiicdaas qaarkeed ay ku soo dhacdo gudaha suuqa oo xilligan mashquul isla markaasna ay dadku ka dukaameysanayaan.

 

Ugu dambeyntii dagaaladan ayaa ka socda qaybo badan oo ka mid ah labadaasi degmo,waxaana laga cabsi qabaa inay dagaaladaasi ku faafaan degaano kale oo xasiloon,waxaana ciidamada dawlada iyo Amisom maanta doonayaan inay degaano hor leh kala wareegaan Xarakada Alshabaab ee degmooyinka Hodan Iyo hawlwadaag qaybo ka mid ah ku sugan.

 

Ahmed Aadam Gacal

 

Muqdisho-Gedo-News

 

Gedonet.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this