Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeybgalay Munaasabad lagula wareegayay Iskuul loogu magac daray Marxuum Waayeel+Sawiro

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare kula wareegeysay Iskool loogu magacdaraty Allaaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Axmed Cabdillaahi Waayeel kaas oo oo laga hirgeliyay xaafadda Jaziira oo ku taala Duleedka Degmda Wadajir ee Gobolka Banaadir.

 

Munaasabadan ay maanta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaliya kula wareegeysay Dugsi cusub oo lagu magacaabo Dugsiga hoose iyo Dhexe ee Waayeel islamarkaasna lagu qabtay xarunta Dugsigaasi ee Jaziira ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Farmaajo, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Dr. C/nuur Sh. Maxamed, Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Muuse Faarax Xeyd, Afheyeenka Xukuumadda ahna la taliyaha R/wasaaraha ee xagga Warfafinta Eng. C/raxmaan Yariisow iyo saraakiil ka socotay AMISOM.

 

Ugu horreyntii ayaa waxaa munaasabadda hadal ka jeedisay Caasho Cumar Axmed oo ka mid ah dadkii gacanta ku hayay Dugsigaasi oo ay wax ku bartaan Caruurta ay dhaleen Ciidamada Xoogga dalka Soomalaiya ayaa faahfaahin ka bixisay marxaladihii uu so maray dugsiga, iyadoo tilmaantay in Dugsigaasi ay markii hore aas aaseen Ciidamada AMISOM Bishii Ramadaan ee sanadkii hore islmarkasana ay maanta farxad u tahay inay ku wareejiyaan Dowladda Soomalaiya.

 

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomalaiya Dr C/nuur Sh. Maxamed oo hadal ka jeediyay xaflada ayaa sheegay inay fursad qaali ah tahay inay dowladda la wareegto dugsigaasi waxa uuna sidoo kale shaaciyay inay jiraan dugsiyo kale oo ay Dowladda gacanta ku hayso uuna ka mid yahay dugsi isna loogu magac daray Dugsiga Prof. Ibraahim Xasan Caddow Wasiirkii hore ee Hiddaha iyo Tacliinta Sare kaas oo ka mid ahaa dadkii naftooda ku waayay Qaraxii Hotelka Shaamow 3-dii December sanadkii 2009-ka.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah Mudane Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo oo jeediyay Khudbaddii ugu dambeysay ee Munaasabadda ayaa sheegay in dugsigani uu yahay dugsigii labaad ee ay la wareegto Dowladda, waxa uuna xusay R/wasaaruhu inay arintaasi qeyb ka tahay dadaallaad lagu soo celinayo adeegyada Bulshada Soomalaiyeed.

 

R/wasaraha Soomalaiya iyo Xubnihii la socday ayaa soo kormeeray dhammaan qeybha kala duwan ee fasallada ,si ay ugu kuurgalaan xaalaadda waxbarasho ee Dugsiga, waxa uuna R/wasaare Farmaajo mid mid u salaamay caruurtii wax ka baraneysay Dugsiga hoose iyo Dhexe ee Waaayeel kuwaas oo ay dhaleen

Ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed.

 

iskuulka-waayel_1.jpg

 

iskuulka-waayel_2.jpg

 

iskuulka-waayel_5.jpg

 

iskuulka-waayel_6.jpg

 

iskuulka-waayel_7.jpg

 

iskuulka-waayel_3.jpg

 

Dhowaan ayeey aheyd markii ay dowladda Xukuumadu si rasmi ah ula wareegtay Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Maxamuud Mire kaas oo ay ballaan qaaday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare inay si lacag la’aan ah wax uga baran doonaan ardayda Soomaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bannaanbax lagu taageeray dilkii Usaama Bin Laden iyo guulaha DKMG ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

 

Arbaco, May 04, 2011 (HOL) – Bannaanbax ay ka qaybgaleen boqlaal qof oo lagu taageerayay dilkii loo gaystay Usaama Bin Laden ayaa maanta ka dhacay barxadda ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho, banaanbaxayaasha ayaa waxay sidoo kale ku muujiyeen dibadbaxooda sida ay u taageersan yihiin horumarka ay ciidamada DKMG ah ka sameeyeen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka kala dhacay gobolka Gedo iyo magaalada Muqdisho.

 

Dadweynaha dibadbaxa ka qaybgalayay ayaa waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii muddo ku filan loo siin lahaa xukuumadda KMG ah si ay u dhamaystirato howlaha ku saabsan amniga, lana tixgeliyo codsigeeda ah in dib loo dhigo doorashada muddo hal sano ah.

 

Mas’uuliyiintii dadweynaha hortooda ka hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Muxyadiin Xasan Afrax isagoo halkaa ka aqriyay bayaan kasoo baxay bannaan-baxayaasha.

 

Bayaanka ayaa wuxuu u qornaa sidan:

 

1- Waxay ururrada bulshada rayidka ah ee isugu soo baxay banaanbaxan ay si weyn u soo dhaweenayaan dilkii Usaama Bin Laden iyagoo u arka inuu khatar ku ahaa ammaanka iyo nabadda Soomaaliya, waxayna dowladda Maraykanka ugu hambalyeynayaan guushaas iyo bulshada kale ee caalamka ee gacanta ku siisay.

 

2- Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxay ka codsanayaan dowladda Maraykanka iyo caalamka intiisa kale khaasatan dowladaha ciidamadooda joogaan Soomaaliya inay taageero ciidan, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale siiyaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya si ay uga takhalusto ama u ciribtirto Al-shabaab, ajaanibta la socda iyo gogaamiyahooda si dalku amni iyo nabad u helo.

 

3- In xukuumadda lagu taageero dadaalka ay ugu jirto nabadaynta magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, isla markaasna la siiyo waqti ku fillan oo ay howlaheeda shaqo ku dhamaystirato, lana tixgeliyo codsigeeda ah dib-u-dhigidda doorashada halka sanno ah.

 

4- In la joojiyo dacaayadaha abuuri kara kala fogaansho iyo qalalaase siyaasadeed isla markaana kala dhantaali karta abaabulka ciidan ee ku wajahan Al-Shabaab meel kasta oo ay Soomaaliya ka joogaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif oo u balanqaaday Ciidamada Dowladda inay heli doonaan darajooyin

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan aagaga dagaalka ayaa waxaa uu ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan difaacida dalka.

 

Kulanka ayuu sheegay Madaxweynaha inuu isaga si gaar ah u dalbaday, si ay fadhi isku arkaan, maadaama intii uu booqanayay aagaga dagaalka ay deg deg ku aheyd, isla markaana aanu fursad u helin inuu kulamo la qaato saraakiisha.

 

"Kulankan anigaa si gaar ah u dalbaday, maadaama markii aan isku arkeynay aagaga dagaalka uu socdaalkeena ahaa mid deg deg ah"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay kulanka.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay waxa ka dhiman Ciidamada Dowladda iyo saraakiishooda inay ku kordhiyaan, isagoo soo qaatay sida lagama maarmaan u tahay in la dhameystiro qaab dhismeedka Ciidamada xooga dalka.

 

"In la dar dar geliyo, maamulka ciidamadana la hagaajiyo, markaa guuleysatiin darajada koree u soconee, marka waxaa la idinka doonayaa inaad ka soo baxdaan waajibaadkiina oo aadan gadaal u soo socon, waxa idinka dhiman in la idinku kordhiyo diyaar ayaa u ahay"ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka uu bur buray markii ay bur bureen Ciidamadii xooga, isagoo sheegay in dal kasta uu Ciidan bad baadiyo, waxaana uu soo qaatay Ciidamadii dalalka Tunisia iyo Masar oo uu sheegay in dalkooda bad baadiyeen, waxaana uu ugu baaqay Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowladda inay dhameystiraan howsha dib u dhiska Ciidamada.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale xusay in Dowladda ay u taagan tahay dib u dhisida Ciidamada iyo tayeyntooda, isagoo ku wargeliyay in askari walba iyo sarkaal kasta uu heli doono darajooyin.

 

"Waxaa la idinka rabaa inaad horay u socotaan, waxaa laga yaabaa inaad qaarkiin dooneysaa darajooyin, xilligan ayay guusha dhow dahay, ciidan soo jabaya gadaal u socda darajo lama siin karo, ciidan guuleysanaya ayaa darajo la siin karaa, xilligeeda waa la joogaa, waxaa la idinka rabaa inaad horay u socotiin"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 

Waxaa uu ka hadlay dagaalada ka socda Gobolada, isagoo tilmaamay inay meel wanaagsan marayaan, isagoo ka dalbaday Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM inay xoojiyaan howl galada Muqdisho, oo aanay gadaal u fiirin kuwa Gobolada oo uu tilmaamay inay soo socdaan.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa Madaxweynaha waxaa uu kormeero ku tagayay jiidaha dagaalka iyo fariisimaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin aagaga, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin in booqashooyinka Madaxweynaha ay saldhig u aheyd sidii uu u dhiira gelin lahaa Ciidamada Dowladda KMG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay qaar ka mid ah Cisbitaallada dalka

 

Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta deeq Dawo ah gaarsiisay Cisbitaaladda ka howlgala magaalada Muqdisho iyo Gobolada ee dalka.

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Aadan xaaji Ibraahin Daa’uud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradaasi ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadku ay deeq Dawo ah oo ka timid dalka isutagga Imaaradda Carabta ay gaarsiisay Cisbitaallada ka howlgala magaalada Muqdisho, iyo Gobollada Gedo, Galgaduud iyo Mudug.

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowadaasi ay u kala qorsheeyeen sida ay cisbitaaladu u kala baahi badanyihiin, si loo *****lo baahdida Dawo ee Cisbitaaladaasi.

 

Dawadani ay wasaaraddu gaarsiisay Cisbitaaladaasi ayaa ah mid ay baahi weyn u qabaan ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka, iyadoo arintani ay qeyb ka tahay dadaaladda ay wasaarddu ku dooneeyso in ay dib ugu soo nooleeyso adeegyadii caafimaadka ee dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somalia urgently needs help of global partners to consolidate gains – UN report

UN_News_Centre.gif

 

Wednesday, May 04, 2011

 

 

 

Despite the gains achieved by Somalia’s interim Government, the country urgently needs more help from its international partners to tackle a host of challenges and achieve greater stability and peace, says a new United Nations report released today.

 

In recent months, the Transitional Federal Government (TFG) and its allies, with the support of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), have gained ground against Al-Shabaab militants, Secretary-General Ban Ki-moon notes in his latest report to the Security Council on Somalia.

The TFG has undertaken efforts to expand its area of control in the capital, Mogadishu, to enhance security for its people, and has also opened new fronts in south-central Somalia and taken control of major towns.

 

“Now that there has been progress on the security track, the Transitional Federal Government, with the support of its partners, must deliver on the political and development tracks to sustain and consolidate the hard-won gains,” Mr. Ban writes.

 

He says the Horn of Africa nation faces levels of violence, damaging weather conditions and insecurity that would “shake even stable countries,” and the TFG and AMISOM need additional support.

 

“The international community must keep its end of the bargain,” he states. “The Transitional Federal Government urgently needs assistance for Mogadishu’s stabilization, recovery and reconstruction.

 

“If we reinforce the military gains, provide humanitarian relief and achieve political progress, we can set Somalia on course to greater stability and peace. If we fail, we risk a growing humanitarian crisis, a deteriorating security situation and a worsening threat to regional peace and stability.”

 

The number of people in Somalia needing humanitarian assistance and livelihood support has reached 2.4 million, an increase of 20 per cent over the previous six months, according to the report. Somalis have been adversely affected by continued civil insecurity, displacement and food insecurity.

 

Drought and conflict have been the main reasons for new displacements, the report adds, noting that nearly 55,000 people have been displaced owing to drought since December. In addition, almost 16,000 people were displaced in Mogadishu in the first two months of the year owing to heavy fighting.

 

Mr. Ban also states that the current disagreement among the transitional federal institutions over the extension of the transitional period distracts from the urgency of the manifold tasks that are before them, including providing basic services, recovery and reconstruction, and humanitarian aid.

 

In February, Somalia’s interim Parliament voted to extend its mandate by three years beyond the August deadline by which it was to enact a new constitution ahead of general elections. The move drew criticism from UN officials, who said the decision was made in haste and without the required consultations.

 

Mr. Ban cites the need for effective leadership to complete the priority transitional tasks, chief among them being the constitution-making process. Other tasks to be completed include political reconciliation and building civilian and security institutions.

 

The development of the Somali security sector institutions is crucial, as is speeding up the deployment of additional troops for AMISOM. “A stronger AMISOM would help the Transitional Federal Government to bring and sustain more territory under its control and to begin delivering services to the Somali people,” he states.

 

Source: UN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay oo calaamka ugu baaqay in la taageero dowladda Soomaaliya

 

Khamiis, May 05, 2011 (HOL) – Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa ku sheegay warbixin uu kaga hadlay Soomaaliya in beesha caalamka looga baahan yahay inay gacan kusiiso DKMG ah sidii ay ammaanka Soomaaliya u soo celin lahayd.

 

"Bilihii lasoo dhaafay ciidamada DKMG ah iyo isbahaysigooda AMISOM waxay qabsadeen deegaanno ay horay uga talin jirtay Xarrakada Al-Shabaab," ayuu ku yiri warbixintan oo Arbacadii shalay uu ka hor akhriyay golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay.

 

Sidoo kale, warbixinta ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay magaalada Muqdisho oo dhan dib ugu qabsan lahayd si ay ugu soo celiso ammaan. Sidoo kalena waxay ka furtay gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya aagag cusub oo dagaal, iyadoo qabsatay dhowr degmo.

 

"Hadda waxaa jira horumar dhinaca ammaanka ah oo ay ku tallaabsatay DKMG ah, iyadoo kaashanaysa kuwa xiriirka la leh," ayuu yiri Ki-Moon oo walaac ka muujiyay in horumarka ay dowladdu ku tallaabsatay ay dhaawacaan khilaafaadka siyaasadda ku saleysan ee ka dhex taagan hay'adaha dowladda Soomaaliya.

 

Xoghayaha guud ee ayaa intaas ku daray in qalalaasaha ka taagan Soomaaliya uu khatar ku yahay dalalka dariska la ah, isagoo yiri: "Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo AMISOM waxay u baahan yihiin taageero dheeraad ah."

 

"Beesha Caalamku waa inay dhaqaale wanaagsan siiso dowladda KMG ah," ayuu hadalkiisa ku daray. "Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga taageero sidii ay ammaanka Muqdisho u soo celin lahayd ayna dib ugu dhisi lahayd."

 

"Guulaha dowladda KMG ah ay ka gaartay dagaallada ay ku jirto waxay taasi sabab u noqon kartaa in gargaarka bani'aadamnimo la gaarsiiyo dadka u baahan, waana lagama maarmaan in laga qaybqaato dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya. Haddii aan taas ku guuldareysanno waxaa sare u sii kacaya xaaladaha bani'aadamnimo ee xilligan taagan, waxaana lumaya rajooyinka nabadda lagu soo celinayo, taasoo caqabad ku noqonaysa nabadda iyo ammaanka dalalka ku yaalla Bariga Afrika," ayuu Ban Ki-Moon hadalkiisa raaciyay.

 

Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ayaa sheegay in 2.4-milyan qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar aadamnimo oo deg-deg ah, isagoo xusay in haddii aanay gargaar helin ay tiradu ku darsoomi doonto 20% lixda bilood ee soo socda.

 

Ki-Moon ayaa warbixintiisa ku sheegay in dhibaatooyinka jira ay sabab u yihiin ammaan xumada ka jirta Soomaaliya, barakaca iyo weliba cunno yarida ay abaaruhu dhaliyeen. Isagoo intaas ku daray in 55,000 oo qof oo Soomaali ah ay abaaraha hadda jira ka barakaciyeen deegaannadoodii illaa bishii Desember ee sannadkii hore. 16,000 oo qof oo dheeraad ahna ay ka barakaceen labadii bilood ee sannadkan ugu horreysay magaalada Muqdisho.

 

Ban Ki-Moon ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda DKMG ah inay si dhaqso ah ku xalliyaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya, kaasoo ka dhashay muddo kororsi ay baarlamaanka iyo xukuumaddu siyaabo kala duwan ugu dhawaaqeen horraantii sannadkan, iyadoo weli uu khliaafku taagan yahay.

 

"Madaxda dowladda KMG ah waa inay khilaafkooda ku xalliyaan si waafaqsan Axdiga u dagsan, ayna si wadajir ah u dhameystiraan howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin sugidda ammaanka, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay'adaha siyaasadda iyo kuwa bulshada," ayuu yiri xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay.

 

Ugu dambeyn, Ban Ki-Moon wuxuu warbixintiisa ku sheegay in ciidamada AMISOM oo la xoojiyo ay sabab u noqonayso in dowladda Soomaaliya ay dalka oo dhan dib ugu soo celiso gacanteeda ayna si wanaagsan ugu shaqeyso bulshadeeda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shir ay yeesheen golaha wasiirrada oo lagu magaacabay taliyaha ciidanka Asluubta iyo agaasimayaal guud

 

Khamiis, May 05, 2011 (HOL) – Shirkii caadiga ahaa ee golaha wasiirada DKMG ah oo ay maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdisho ayaa lagu magacaabay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo laba agaasime wasaaradeed, waaxana kalankaas shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

 

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Haabiil Ducaale, iyadoo Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) isna loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha & amniga Qaranka iyo Ducaale Aadan Maxamed oo isagana loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka.

 

Kulanka ayaa intaas kaddib waxaa warbixin looga dhageystay wasiirka wasaaradda kalluumeysiga, kheyraadka badda iyo bay'adda Maxmaed Macallin Xasan oo dhawaan kasoo laabtay safar, waxaana wabixintiisa ay ku saabasanayd xadeynta badda Soomaaliya.

 

Wrabixintii wasiirka ayaa ahayd sidan:

 

Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta Golaha Wasiirada siiyey warbixin la xiriirta natiijadi iyo guushi ka soo hoyatay safarkeygii oo aheyd in aan keenay dokumenti qeexaaya xad badeedka Somaliya oo loo sameeyey si waafaqsan sharuucda caalamiga ah ee badaha ee Qaramada Midoobey (United Nations Convention on Law of Sea).

 

Dokumentigan ayaa loo gudbin doonaa Qaramada Midoobey taasoo lagu diiwaangelin doono xaqa ay Somaliya u leedahay in waxa loo yaqaano Xuduuda Dhaqaale ee u gaarka ah Somalia (Exculisive Economic Zone) ay tahay 200 nautical miles oo u dhiganta 370.4 km.

 

Dokumiintigan iyo khariidooyinka la socda waxaa lagu soo daabaci doonaa websiteyada QM iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah, sida FAO.

 

Kaddib makrii aan sharaxaad ka bixiyey sababaha keenay arrinkan ayaan u sheegay Golaha si waddanka uu si sharci ah ula xisaabtamo gaadiidka badda ee ku soo xadgudba xaduudan in loo baahanyahay in sharcigii badda ee u degsenaa Somaliya 1972dii la waafajiyo heshiiska caalamiga ah ee badaha, maadaama ay Somaliya saxiixday, ansixisayna heshiiskaas 1989kii. Arrinkan waxuu u suuragelinayaa Dowladda Somaliya in si sharciga adduunka waafaqsan uga hortagto dhammaan wax allaale iyo waxii xadgudubyo ah ee laga dhexsameynayo badweynta soomaaliyeed, sida kalluumeysiga sharci darada ah, daadinta sunta iyo burcad badeedaba.

 

Si hadaba ay taas u hirgasho waxaa khasab ku ah Somaliya inay dokumentigan u gudbiso Qaramada Midoobay. Ka dib warbixintaas iyo khariidadihii la socday oo muujinaya arrinkan ayaan ka codsaday Golaha Wasiirada inay ansixiyaan si warbixintaas loogu gudbiyo Qaramada Midoobey. Golaha Wasiiradda ayaa si aqlabiyad ah u asixiyey in warbixintan loo gudbiyo Qaramada Midoobey.

 

Tallaabadan ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatey shacabka soomaaliyeed, horseedi doontana in lala xisaabtamo gaaddiidka badda oo caadeystey inay si sharci darro ah uga kalluumeystaan ama ugu daadiyaan sun xaduuda dalka ee dhanka badda.

 

Mahadsanid Wasiir.

 

Golaha wasiirrada ayaa horay u magacaabay taliyeyaasha ciidamada Booliiska iyo milateriga Soomaaliya iyagoo maantana magacaabay taliyaha ciidanka Asluubta, waxaana weli aan la magacaabin taliyaha ciidanka nabadsugidda oo ka mid ahaa taliyeyaal uu mar qura xilalkii ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

The corrupt TFG is part of the problem, kick them out. Bring in some people that really care about the future of their country, not ppl that want American money.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maamuka G/Banaadir oo mamnuucay Gaadiidka aan Taargada laheyn

DSC040141.jpg

 

Maanta amar kama danbeys ah ka soo saaray gaadiidka an Laheyn Taargada iyo Darawallada aan heysan Laysinnada.

Xoghayaha guud ee maamulka G/Banaadir C/kaafi Hilowle ayaa saxaafadda u aqriyay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, taas oo lagu mamnuucayay gaadiidka aan Taargada laheyn iyo Wadayaasha aan heysan Leysinnada.

 

Amarkan ayaa la sheegay in uu yahay kii kama danbeysta ahaa, kaas oo daba jooga amarro ay hore u soo saaratay Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka, waxaana lagu sheegay Wareegtada in amarkani uu quseynayo cid kasta oo leh Gaadiid ama ah Wade.

 

Arintani ayaa qeyb ka ah dadaalada uu maamulka G/banaadir ku doonayaan soo celinta nidaamkii iyo kala danbeyntii Muqdisho, wuxuna amarkani qeyb ka qaadan karaa sugida amaanka Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Quraanka cadiima iyo qaadir baa cuskaday

 

Qalabka ciidamada sidaa loo ducaynayaa

Qasaaro aloow ka dhaawr qaaliyaasha qaran

Qalbigodiyo muraalkooda qayr ku beer

Qadirow ugu deeq quwad aan la loodin karin

Qaranka ciidamada u dhaarto u dhimanyow

Qayr ha idlaato qorshayaasha aad wadiin

Qaranka gaarsiiya giyigeena qaybihiis

 

Qasaarooyin bada kuwaa diiday qaranka yaga

Qaraxyada keenayo quuta dhiigayaga

Qalad ku sheegahaya calankeena qaaliga

 

Qaranka wiilasha u dhaartay ha quursanina

Qarash ku taageera qalinkiina iyo qibrado

Cuduud ku taageera caqligiina iyo cilmiga

Ciroole iyo caruur yaan cid qura ka harin

O-caalan ha loo suro halkay cagta soo galshaan

 

Dhamaan soomaali nabaday dhur sugahayaan

O-dhulkaan meeshay ka joogan dhibay qabaan

Waxaan lagusoo dhibtoon dheefta lagama helo

Dhaxalki waa lumaye waa inaan ka dhiidhinaa

 

Qumaati waa in loo socdaa-yo qilaafku haro

Qayrka lagu wada midoobo qilaafku haro

Qaranka loo wada midoobo qilaafu haro

Qaymaha nabadana la qaato qilaafku haro

Qaranka loo wada adeego Qabiilku haro

 

Inaan dar-dar galino bey dowladena tahay

Dan guud baan gaarayna daacad iyo midnimo

Dumarka iyo caruurta daleesha yaal

Dagaan bay helahayaan daacad iyo dar yeel

Difeetooyinki na gaara dawoobayaan

Duligi nagu raagay baa looga bixi dadaal

O-dalkeeni loo habuuna dib loo dhisaa

 

Ragaa taariiqda galay baan tilmaamayaa

Farmaajiyo Sheekh-Shariif fool horaadyadii

Cadaalad inay yihiin caad ma saarane

Cisay naga mudanyihiin caaqilenta culus

Ciishooyin badan waa inay caarad noo noqdaan :D

Caleema saarkii labaad baa codkaygu yahay

Cadowga ayagaa cirdeeyo cariga ka waday

Cimri dheer iyo aloow caafimaad u daa

Cadowgoodana casiisow cariiri gali

 

Halyeey Dhaga badan habaalyaan u dirahayaa

Horyaal lagu dhaarta weeyo naftii huraah

Hogaankenow hamigaa ha kuu hir galo

Hubkay kugu soo ridaana hawada ha maro

Hodanka rabiga sharo dhan ha kaa hakiyo

 

Qoonka habaabayo diinta horoor ka dhigay

Dadkana qalayaan qofkii gaala iyo islaam

Dunida kama dhicin danuumaadka ay galeen

Danbiyo duul soo galoo doolaal noogu yimi

Hadaa daba dhigato oo diin ka raadisen

Dadki nina aad disheen oo dakana qabtaan

O-daalimiin wada tihiin dhiig darduurateen

Diinta lagu dhuumana siima daahaysee

Marbaa dulmigay galeen daa-in soo afjari

O-danbiyadii ay galeen aa laso dul-dhigin

 

 

Masiibo inay yihiin maanku gaaban yahay

Mashaqooyinkay dhigeen meel ku sugahayaan

Markuu mawdku soo wajaho oo la maadan karin

Marada sanka lagu maraaya maxay tare?

Mush-tamacay laynayaan meel cidla ma dhalin

Marbaa la iska aari doona ma aminaan

Maxakamadii eebahay bay mutaysadeen

 

By: Sucaad – UK

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

muqdish.jpg

Photo:Reuters

 

Dilkii Usama Bin Laden oo noqday hadalhaynta ugu badan magaalada

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa ku batay magaalada Muqdisho hadal-haynta dilka hogaamiyihii ururka Al-Qacida Usama Bin Laden oo dhawaan ay ciidamo Mareykan ah ku dileen guri ku yaal magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan.

 

Dadka reer Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan u arka dilka hogaamiyahan, waxaana goobaha lagu qaxweeyo, biibitooyinka, goobaha ganacsiga, suuqyada iyo dhamaan meelaha ay dadku ku kulmaan hadal-haynta ugu badan noqotay qaabka iyo sida loo ilay Bin Laden.

 

Sidoo kale joornaalada Muqdisho ka soo baxaa ayaa iyana dhinacyadooda qoraaladooda ugu badan ahaayeen dilka Usama Bin Laden, iyagoona siyaabo kala duwan u sharxaya, sida loo dilay iyo qaabka looga war helay goobta uu ku noolaa.

 

muqdish1.jpgDhanka kale dadka qaar ayaa aaminsan in Usama Bin Laden barnaaminjkiisii ahaa mid Soomaaliya saameeyay, waxaana ay rumeysan yihiin in dhimashadiisa wax ka badaleyso marxaladda dalka Soomaaliya.

 

Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ku dhaqan koox la baxday Al-Shabaab kuwaas oo aaminsan mabaadii`da Usama Bin Laden, waxaana ay dhowr jeer cadeeyeen in ay ku mowqif yihiin isaga islamarkaana ay taageersan yihiin.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda soo dhaweysay dilka Usama, waxaana ay sheegtay in ay xoojisay amaanka goobaha ay gacanta ku hayso kadib dilka hogaamiyan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo howlgallo lagu sugayo amaanka ka sameeyay jidka Maka Al-Mukarama

 

Khamiis, May 05, 2011 (HOL) – Ciidamada DKMG ah ayaa maanta howgallo lagu sugayay ammaanka ka sameeyay jidka Maka Al-Mukarama kaasoo ah midka ugu mashquulka badan ee ay adeegsadaan madaxda iyo saraakiisha kale ee dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

 

Wadadaas aya waxaa markii saakay waagub baryay lagu arkay ciidamo fara badan iyo gaadiid dagaal oo ay wateen, kuwaasoo ku amrayay gaadiidka yaryar inaan la dhigan karin hareeraha waddadaas, iyadoo tallaabadan ay ku sheegeen saraakiisha dowladda KMG ah mid lagu sugayo ammaanka laguna hirgelinayo hadalkii shalay kasoo baxay xukuumadda ee ahaa in dalka oo dhan la geliyay heegan buuxa oo lagu sugayo ammaanka.

 

"Saraakiisheena ayaa nagu amray inaan ka hortagno gaadiidka la dhigto hareeraha waddada, waxaa la ogol yahay in la dhigto wadooyinka xaafadaha gala," ayuu yiri mid ka mid ah ciidamadii howshan fulinayay oo saxaafada la hadlay.

 

Askarigan, wuxuu sheegay in dadka iyo iyagu ay qaati kala joogaan maadamaa ay arintani tahay mid cusub, isagoo intaas ku daray in dadka gaadiidka wata ee ay amarka siinayaan ay weydiinayaan sababta ay gaadiidka ugu diidayaan waddada dhinaceeda.

 

"Waan ka taxadarnaa inaan dadka la murano waayo waxaa imaanaysa inaan dirirno taasna taliyeyaasheennu way naga hadleen, waxayna nagu yiraaheen dadka yaan lala dirin oo aan rasaas lagu ridin," ayuu yiri askari kale oo Nuur isku magacaabay.

 

Jidka Maka Al-mukarama ayaa wuxuu maanta ahaa mid ay dadku aad ula yaabeen isbdalka ku dhacay, iyadoo sidoo kalena aysan jirin ciidamo wadooyinka la maraya hub sidii lagu arki jiray maalmihii lasoo dhaafay.

 

Afhayeenka xukuumada KMG ah ee Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Ing. Yariisow) ayaa shalay sheegay in xukuumaddu ay go'aan ku gaartay in dalka la geliyo heegan buuxa, isagoo sheegay inaan loo dulqaadan doonin cid hub si sharci-darro ah u wadata.

 

Xukuumadda KMG ah ayaa sheegtay in xukunkan ay uga hortagayso in weerarro aargudasho ay Xarrkatul Shabaab ka fuliso Soomaaliya iyadoo u aargudaysa Sheekh Osama Bin Laden oo ahaa hoggaamiyaha Al-Qaacida ee ay ku xirnaayeen oo lagu dilay dalka Bakistaan habeennimadii Axadda.

 

G/sare C/llaahi Xasan Bariise oo isaguna ah afhayeenka Booliiska ayaa dhankiisa sheegay in xukunka ay dowladdu soo rogtay sidiisa lagu fulin doono, isla markaana aan loo dulqaadan doonin ciidamo hub iska sita iyo gaadiid magaalada dhex socda wixii ka dambeeya 9:00 habeennimo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Golaha Wasiirada Somaliya oo shalay Kulan Ujeedo Badan kuyeeshay Muqdisho

 

Shirka_golaha_Wasiirada_0.jpg

 

Kulankaani ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya oo uu shir gudoominayay Ra’iisul wasaraare Max’ed C/laahi Maxe’d (Farmaajo) ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin war bixin laga dhagaystay Wasiirka Kaluumaysiga qeeraadka Badda iyo bay’adda Max’ed Macalin Xasan kaasi oo ku saabasanaa xalinta badda Soomaaliya.

 

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo qeyraadka badda Max’ed Macalin Xasan ayaa markii uu soo gaba gaboobay kulankaasi waxa uu saxaafadda u sheegay in Golaha Wasiirada uu u gudbiyay Dikuminti ku aadan xalinta badda Soomaaliya kaasi oo uu sheeghay in Golaha Wasiirada si caqlabiyad leh ay u ansixiyeen.

 

Waxaa uu intaasi ku daray in waxyaabaha ku qoran Dikumintigaani ay yihiin in si sharci ah ay dowladda ula xisaabtanto gaadiidka badda ee kusoo xadgudba Xeebaha Soomaaliya iyo sharciga badda ee u dagsanaa Soomaaliya 1972-dii la waafajiyo hishiiskii Caalamiga ahaa ee Badaha maadama ay Soomaaliya saxiixday hishiiskaasi 1989-kii.

 

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo qeyraadka badda Max’ed Macalin Xasan ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in si ay arintaasi u hergasho ay qasab tahay in Soomaaliya Dikumintigaan ay u gudbiso Qaramada Midoobay.

 

Dhinaca kale Afhayeenka Xukuumadda KMG Injineer C/raxmaan Cusmaan (Yariisoow) oo isna la hadlay Saxaafadda ayaa waxaa uu shegay in Golaha Wasiirada maanta ay magcaabeen xubno ay ka mid yihiin Cabdi Max’ed Haabiye (Docaale) kaasi oo loo magcaabay in uu noqdo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya.

 

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga ayaa waxaa uu sheegay in Golaha Wasiirada ay u magacaabeen in uu noqdo Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiirgoobe), iyadoo ugu dambeyntii Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka loo magcaabey Mudane Ducaale Aadan Max’ed.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Wasaarada Sportiga DKMG oo Magacaawday La taliyaha Xiriirka Caalami ee dhalanyarada & Sportiga

 

Wasaarada Shaqada Arrimaha Bulshada Dhalinyarada iyo Sportiga, Dowlada KMG ee Soomaaliya Ayaa Magacaawday La taliyaha Wasiirka ee xiriirka caalamiga dhinaca dhalinyarada iyo isboortiga, iyadoona xilkaasi loo magacaabay Xoghayihii hore ee Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed Eng. Baana Cabdalla Cali.

 

Digreetada Magacaabista oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Shaqada Arrimaha Bulshada Dhalinyarada iyo Sportiga Dowlada KMG ee Soomaaliya Mudane Cabdi-Nuur Macalin Maxamuud Ayaa lagu xusay ka dib markii wasaarada ay aragtay baahida loo qabo wanaajinta xiriirka Dhanka Dibada ee dhalinyarada iyo Sportiga in xilkaasi loo magacaabay Eng. Baana Cabdalla Cali.

 

Eng. Baana Cabdalla Cali oo Haatan ah Gudoomiyaha suuqgeynta xiriirka caalimaga kubadda koleyga ee bariga qaarada Afrika, ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaana (FIBA Africa - Zone 5) ayaa magacaabista xilkaan u muuqata in wax weyn kusoo kardhin karto hor umarinta isbooortiga soomaaliyeed dhinacyadiisa kala duwan.

 

Mas,uulkaan la magacaabay intii uu ahaa xoghayaha XSKK ayaa lagu xasuustaa dadaalkii dheeraa oo uu u galay sidii loo hor marinlahaa isboortiga soomaaliyeed, gar ahaan kubada koleyga hadii ay noqon laheyd ka qeygalida tartamada iyo shirarka caalamiga kaasoo sharaf weyn u aheyd in calanka soomaaliya meel kasto ka muuqdo isla markaana sharftisa dib loo soo celiyo.

 

"Hadii aan nahey aqoon yahanada ku sugan qurbaha waxaa waajib nagu ah in aan wadankeena ku taageerno sidii uu ugu baxi lahaa dhibaatada maanta uu ku sugan yahey hadii ay noqoto arrin bulshada quseyso ama hadii ey tahey arrin sport, waxaana filayaa in aan waxaan awoodey hore ugu soo qabtey oo hadana aan diyaar u ahey in aan taas iyo mid ka badan u sameyn doono oo markaa aan ugu faaideyneyso fursadan qaaliga ah. waxaana aad iyo aad uga mahad celinayaa dhamaan shaqaalaha wasaarada, gaar ahaan wasiirka Mudane Abdinur" ayuu yiri Eng Baana, oo si weyn u soo dhaweeyay xilkaasi.

 

Ma aha markii ugu horeesay oo xil heer caalami dhanka Sportiga ah loo magacaabo Eng. Baana Cabdalla Cali iyadoona dhawaan Shirweynihii Wadamada Jaamacada Carabta ee Qahira uu ku guuleestay in loo Magacaabay Xubin ka tirsan Guddiga Kubada Koleyga Jaamacada Carabta taasoo noqotay shaqsigii ugu horeeyay ee soomaali ah oo xubin ka noqda Guddigaasi.

 

Bana_advisor.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Madax ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ka qeybgalay qorshaha mustaqbalaka SYAO ee Mogadishu

 

SYAO_Nairobi_Shir_13.JPG

 

Madax ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayey madaxda hay'ada SYAO laguna soo bandhigayey qorshayaasha mustaqbalka dhaw ee Muqdisho ay hay'ada ka fulin doono.

 

Munaasabadan oo ay ka qeybgaleen wasiiro , xildhibaano , gudoomiyaha G/Banaadir , haweenka qaranka , ururarada bulshada rayidka iyo boqolaal dhalinyaro ah ayaa loogu talagalay soo dhaweynta madaxda hay’ada SYAO oo maalma ka hor gaaray caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Munaasabada oo xambaarsaneyd dhawr ajande oo kala aheyd soo dhaweynta madaxda hay’ada SYAO , soo bandhigida waxqabadki labadadi sano ee ay ka sameysay hay’ada magaalada Nairobi iyo balanqaadyo ku aadanaa qorshayaasha ay SYAO ka qaban doonto magaalada Muqdisho.

 

Munaasabada ayaa waxaa lagu furay documunti soconayey saacad oo lagu daawaday filim ka hadlayey dhamaan waxqabadki hay’ada ee Nairobi oo ka koobnaa ugu yaraan 9-barnaamij oo isugu jiray isboorti , siminaaro , dood cilmiyeedyo , iyo munaasabado ay ka mid ahaayeen maalinta haweenka , maalinti qaraxi Shamo 15-may iyo munaasabado kale oo bulshada ku weyn.

 

Intaas kadib waxaa hadal ku furay munaasabada gudoomiyaha G/Banaadir Max’ud Tarzan oo sheegay in maamulkiisa soo dhaweynayo hay’ada SYAO , waxuuna ku amaanay waxqabadkeedi dalka Kenya inti ay hawlgaleysay .

 

Tarzan ayaa ka codsaday hay’ada SYAO iney wax ka badalaan wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo guud ahan dalka ayna keenaan qorshe toos loogu wacyigalinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si loola dagaalo afkaaraha qaldan ee kooxda Shabab ku shubeyso dhalinyarada.

 

Wasiirada macdanta biyaha iyo gaadiidka Cirka iyo dhulka oo iyagana munaasabada ka hadlay ayaa ku tilmaamay hawsha cusub ee lagu wado in hay’ada SYAO ay rabto iney Xamar ka bilawdo mid fursad u ah dhalinta Soomaaliyeed eek u nool caasimada Muqdisho.

 

Pro:Dalxa oo ahaa mar gudoomiye ku xigeenkii barlamaanka Soomaaliya hadana ah xildhibaan ayaa ka sheekeeyey dhinaciisa munaasabado uu kala qeybgalay SYAO Nairobi , waxuuna aad u amaanay hawsha sida loogu soo fidiyey Muqdisho.

 

Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay riwaayad ka hadleysay dhibaatada qaraxyada oo ay jilayeen fanaaniin iyo majaajilistayal ay ka mid ahaayeen Marshale , Ajakis , Ilkacase iyo Cali Hiiraan , waxaana ay soo bandhigen riwaayad ka sheekeyneysay sida dhalinyarada yar yar loogu adeegsado qaraxyada.

 

Gabagabadi ayaa waxaa munaasabada soo xiray gudoomiyaha SYAO Max’ed Ibrahim Cali Cajiib oo uga mahadceliyey madaxdi dawladda iyo ururada bulshada Muqdisho sida ay u soo dhaweeyeen SYAO iyo waxqabadkeeda cusub , waxaana uu dhinaciisa u balanqaaday dhalinyaradi ka soo qeybgashay munaasabada iyo madaxda dawladda in waqtiyo dhaw ay SYAO bilaabi doonto hawlo wax ku ool ah oo diirada lagu saari doono wacyigalinta dhalinyarada Muqddisho si meesha looga saaro afkaaraha qaldan ee laga soo minguuriyey dalal kale .

 

Mr:Cajiib ayaa sidoo kale balanqaaday in sanadaha soo socda ay hay’ada xooga saari doonto in aad looga shaqeysiiyo xafiiska Muqdisho.

 

SYAO_Nairobi_Shir_2.JPG

 

SYAO_Nairobi_Shir_7.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this