Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Munaasabad ku saabsan maalinta Caafimaadka Aduunka oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabadaan lagu maamuusayey maalinta caafimaadka Aduunka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, dhaqaatiir, howlwadeenada caafimaadka ee Isbitaalada Muqdiho iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaasi ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

 

Hadal uu ugu horeyn halkaasi ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Dr Aadan Xaaji Ibraahim Daa’uud ayuu kaga waramay taariikhda maalinta Caafimaadka iyo sida aduunka looga xuso sanadkasta, isagoo intaa ku daray in kan Wasaarad ahaan ay ku dadaali doonaan sidii bulshada Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad.

 

Sidoo kale munaasabadaasi waxaa hadal ka jeedisay Wasiirka Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Marwo Maryan Qaasim Axmed ayaa ku boorisay shacabka in ay qataan talooyinka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka fogaadaan daawooyinka ay jidadka ka iibsanayaan, iyadoo dhaqaatiirta Soomaaliyeed ka codsatay in bulshadu ay wacyigelin badan siiyaan si aysan u dhicin in dadku ay si qaldan u isticmaalaan daawooyinka aan dhaqaatiirtu u soo qorin.

 

Musaabadaasi ayaa waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyey saraakiisha Caafimaadka ee Gobolka Banaadir ku nool kuwaasi oo ballan qaaday in ay ku dadaallayaan sidii ay bulshada u gaarsiin lahaayeen baraarujin caafimaad.

 

Munaasabadaan ayaa ku soo idlaatay jawi wanaagsan.

Sequence-04ooooo1-150x150.jpg

Sequence-04.jpg

 

Sequence-071.jpg

Sequence-07o.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Mr Armus Baeta : Xiriir Diblomaasiyadeed Baanu La Yeelaneynaa Dawlada Kmg Ah...

 

Xukumada wadanka Estooniya ayaa markii ugu horeysey sheegtey inay xiriir diblomaasiiyadeed ka sameynayso dawlada kmg ha ee soomaaliya si ay ula dagaalanto kooxaha burcad badeeda soomaalida ah ee dhibaatada ku haya maraakiibta caalamka u kala gooshta.

 

Urmas Baet oo ah Wasiirka arrimaha dibedda dawlada Estooniya ayaa tibaaxay inay dawladiisu diyaar u tahay inay dawlada kmg ah ee soomaaliya la sameyso xiriir wanaagsan oo dhaxal gal ah,waxaana uu sheegey inuu xiiriirkaasi ku saleysnaan doono sidii burcad badeeda soomaaliyeed dagaal loola gali lahaa isla markaasna loo yareyn lahaa dhibaatada ay geystaan.

 

Waxaa arrintan lagu sheegey Warsaxafadeed maanta ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha dibedda wadanka Estonia waxaa warsaxafadeedkaasi si toos ah loogu sheegey inay dawladoodu damacsan tahay inay xiriir wanaagsan la sameyso dawlada kmg ah ee soomaaliya isla markaasna qayb ka noqoto Barnaamijka loo yaqaano Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda soomaaliyeed.

 

Wasiir Armus Baet waxa uu sheegey in xiriirkaasi ay dawlada dalka soomaaliya ula sameyn doonaan sida ugu macquulsan isla markaasna meel looga soo wada jeesan doono kooxaha burcad badeeda soomaalida,waxaana uu *****lka ka qaadey in burcad badeedu dhibaato xoog leh ku hayaan caalamka. Waxaana uu xusay inay xiriir kaasi oo kale ah la yeelan doonaan wadamo kale oo arrimahaasi iyana ka shaqeeya.

 

Si kastey ahaataba waxaa hadalkan ka soo baxay wasarada arrimaha dibedda dalka Estonia ku soo beegmayaa xilli ay Ciidamo badan oo midawga yurub ahi ay ku sugan yihiin xeebaha soomaaliya isla markaasna sheegaan inay wax ka qabanayaan arrimaha burcad badeeda soomaaliya balse uma eka kuwo ku guuleystey arrimahaasi. Waana markii ugu horeysey ee wadanka Estonia oo sheego inuu xiriir la sameynayo dawlada soomaaliya wixii ka dambeyey intii dawladii dhexe ee soomaaliya dhacday.

 

Keynaan Xirsi Xaashi

 

Gedonet.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Estonia to Forge Diplomatic Ties with Somalia

 

by Steve Roman

Friday, April 08, 2011

 

At its weekly meeting on April 7, the government decided to support a proposal by Foreign Minister Urmas Paet to open diplomatic relations with Somalia.

 

"Establishment of diplomatic relations with Somalia is directly connected to Estonia's participation in Atalanta, the European Union military operation for protecting ships in the vicinity of Somalia from pirate attacks," Paet said in a Foreign Ministry press release.

 

He noted that Estonian teams working on ATALANTA have to interact with ships sailing under the Somali flag, a process that would be made easier by formal diplomatic relations.

 

Paet added that establishing diplomatic relations with as many countries as possible would provide better protection for Estonian citizens and better represent the country.

 

Estonia currently has diplomatic relations with 168 states, the most recent additions to the list being Haiti and the Indian Ocean island nation of Comoros, which were added last year.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Isniin, Abriil 11, 2011 (HOL) – Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa maanta la wareegay xilkiisa, kaddib xaflad ka dhacday dugsiga sare ee booliiska, isagoo sheegay in ciidamada booliiska looga baahan yahay inay nabadda Muqdisho soo celiyaan.

 

Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo xilkan loo magacaabay horraantii bishan ayaa xalfadda uu xilka kula wareegayay waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro ka tirsan DKMG ah iy xildhibaanno, kuwaasoo hadallo ay ka jeediyeen xafladda kaga hadlay shirka ka dhacaya Nairobi, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay shirqool lagu kala jarayo Soomaaliya.

 

"Ciidanka booliiska waxaa saaran waajib muqadas ah oo ah inay nabadda Muqdisho soo celiyaan, ayna ka hortagaan kuwa amaan-darrada ka wada caasimadda," ayuu yiri Jen. Maye oo ka hadlay xafladda.

 

Taliyaha cusub ee booliiska oo salaan sharaf ka qaatay boqolaal ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya oo uu tababar uga socday Iskoolka booliiska ayaa tacsi u diray askar ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo Xarrakatul Shabaab ay bishii hore la beegsatay askar tababar ku qaadanayay saldhigga Sarandi ee degmada Xamar-jajab.

 

"Mar haddaan danta Qaranka ka shaqeynayno dhaawac iyo dhimasho waa lagama maarmaan inay yimaadaan, balse muhiimaddu waa in wax laga qabto ammaanka Muqdisho, waayo dadku waxay u baahan yihiin inay helaan nabad ay ku shaqeystaan," ayuu yiri taliyaha cusub ee booliiska Soomaaliya.

 

Jen. Shariif Maye ayaa ka mid ahaa taliyeyaal uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay ciidanka booliiska iyo milateriga Soomaaliya, lamana oga sida uu wax uga qaban karo ammaanka Muqdisho oo taliyeyaashii ka horreeyay ay wax ka qaban waayeen.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

In ka badan 100 haween oo Seminaar Muqdisho loogu qabtay

 

haween%20(2).JPG

haween%20(1).JPG

haween%20(5).JPG

 

Isniin, Abriil 11, 2011 (HOL) – Hay'adda Uinted Youth Somali (UYS) ayaa maanta siminaar ku saabsan sida looga bad-baadin karo ubadka adeegsiga dagaalada iyo guurka qasabka ah ugu qabatay 100 haween ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka socday qaybaha bulshada.

 

Siminaarkan oo diiradda lagu saarayay xaaladda dalka uu ku jiro iyo sidii haweenka ay door muuqda uga qaadan lahaayeen ka hortagida caqadabaha taagan ee ugu weyn caruurta loo adeegsaday dagaallada iyo guurka qasabka ah.

 

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, mas'uuliyiin ka socday ururada haweenka iyo guddiga haweenka ee hay'adda UYS ayaa ka qaybgalay siminaarka, waxaana sidoo kale siminaarka ka qaybgalay haween ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee xuquuqul insaanka Xaawo C/llaahi Qayaad oo siminaarka furtay ayaa ugu horreyn ka hadashay dhibaatada dalka ka taagan, in caruurta iyo ubadka loogu adeegsado dagaalada, isla markaana la dareensiiyo fikrado qaldan, waxaana ay xustay in maskaxda qaldan ee lagu shubayo caruurta aanay ahayn mid laga leeyahay dano gaar ah.

 

Xildhibaanad Xaawo Qayaad ayaa xustay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyi-gelin caruurta, iyadoo kula dar-daarantay waalidiinta in caruurtooda ku ilaaliyaan waxbarashadooda iyo inay ku tarbiiyaan anshaxa wanaagsan si ay uga hortagaan in caruutooda loo adeegsado dagaallada.

 

Sidoo kale, xildhibaanad Raabaco Sheekh Maxamed oo iyadana siminaarka hadal ka jeedisay ayaa tilmaantay in loo baahan yahay in waalidka xil iska saaro caruurtiisa, isla markaana ku toosiyo wadada saxda ah, iyadoo dhibaatada hadda jirta ay tahay shaqo la'aan dhallinyarada loo sameeyo shaqo abuuris, si looga hortago in dagaalka loogu adeegsado.

Agaasimaha waaxda horumarinta haweenka Maryan Macallin ***** oo dul-martay lixda qodob ee ajandayaasha siminaarka ka mid ahaa ayaa soo qaadatay in qoyska looga baahan yahay inuu yeesho wada-shaqeyn dhab ah, iyadoo sheegtay in waalidku uu xaq u leeyhay in gabadhiisa uu u guuriyo qofka ay jeceshahay, iyadoo kasoo horjeestay in gabadha lagu guuriyo guur qasab ah sida ay hadalka u dhigtay.

 

Waxaa kaloo ka hadashay siminaarka guddoomiyaha degmada Wardhiigley ahna guddoomiyaha guddiga haweenka ee UYS marwo Deeqa C/qaadir Axmed oo uga mahad-celisay qabsoomida siminaarka hay'adda UYS oo sheegtay inay ku tallaab-satay suuro-gelinta isku keenidda haweenka qaybahooda kala duwan inay isku weydaarsadaan fikradahooda si ay u noqdaan kuwo wax lagu dhiso.

 

Marwo Deeqa C/qaadir ayaa intaa ku dartay in loo baahan yahay in waalidka uu door muuqda ka qaato abaabinta caruurta, isla markaana mar walba ku ilaaliyo waxbarashadiisa, si aanay u dhicin in caruurta ay jid qaldan maraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo Booqasho ku maraya dalka Rwanda

 

Kagame_Sharif.jpg

Xafiiska Madaxweynaha

Sunday, April 10, 2011

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalia Mudane Shariif Sheekh Axmed oo booqashu ku marayay beryahan Bariga iyo bartamaha Afrika ayaa maanta booqasho ku tagay Magaala madaxda dalka Ruwanda ee Kigali.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Marwo Louise Mushikiwabo, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Gen. James Kabarebe, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Musa Fazil Harerimana ,Abaandulaha Ciidamada Cesar Kayizari iyo Qonsulka Soomaaliya Sooyaan Cali Cumar.

Shariff_Sooyaan.jpg

Madaxweyne Sharif Sh. Axmed iyo Qonsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Rwanda Sooyaan Cali Cumar

 

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikareem Xassan Jamac iyo wasiirka dhalinyarada, isboortiska,, shaqada iyo shaqaalaha Mudane Cabdinuur Macalin Maxamed.

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxuu la shiray Madaxweynaha dalka Ruwanda Mudane Paul Kagame.

 

Shariff_Rwanda.jpg

 

Kagame_Sharif1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Farmaajo oo kulan dhowr saacadood laqaatay 250 xildhibaano codsina usoo jeediyay

 

far1.JPG

 

Ra'isul wasaare Farmaajo ayaa kulan dhowr saacadood ah la qaatay tiro 250 Xildhibaano ah, kulanka farmaajo iyo xildhibaanada ayaa diirada lagu saaray sida wadanka loogu soo dabaali lahay nabadgalyo isla mar ahaantan ay u wada shaqeyn la haayeen madaxda sar sare ee xukuumada iyo waliba Barlamaanka soomaaliya oo mudadanba is afgaran'waa xoogan soo kala dhex galay

 

Kulankaasi ayaa soo qaban qaabiyay Wasiiru dowlaha Xiriirka Barlamaanka iyo Xukuumada Mudane Maxamed Cabdi Xayir u Jeedka kulanka ayaa ahaa si ay isugu arkaan dhammaan masuuliyiinta Xukuumada iyo Barlamaanka oo idil iyadoo Farmaajo xildhibaanada kacodsaday in ay la shaqeeyan Xukuumada madaama wadanka uu marxalad culus ku jiro, Farmaajo ayaa xildhibaanada u sheegay in ay xukuumada qeybaha sar sare diyaar u yihiin in ay Golaha Barlamaanka la shaqeeyan maadama Barlamaanka ay xukuumada wax ka tabanaayan

 

Dhanka xiga Qaar ka tirsan xildhibaanada ayaa Hoolka shirka uu ka dhacaayay ka dhex sheegay in ay iskaa wax u qabso ku shaqeeyaan xildhibaanada maadama wadanka dhibaato xanuun badan ay ka jirto dowladana iyada dhaxdeeda isqabqabsi ku mashquulsan tahay waxa ayna xildhibaanadaasi Farmaajo ugu baaqeen in ay xukuumada la shaqeyso Barlamaanka si uu barlamaankana ula shaqeeyo xukuumada

 

far3.JPG

 

Ugu danbeyntii waxaa la hadlay Xildhibaanada Wasiiru Dowlaha Xiriirka Barlamaanka iyo Xukuumada Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uuna sheegay in kulamo ceynkaasi ah ay xukuumada qaban-qaabineyso si ay isugu arkaan madaxda sar sare ee xukuumada iyo waliba Barlamaanka isla mar ahaantana ugu wada hadlaan marxalada soomaaliya

 

Wariye: Anwar Bakhiit

 

Madaxa warbixinada dayniile.com

 

Ee qaarada Africa & Asia

 

Sudan-Khartoum

 

Email:- wararka@live.se

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Somali police: We are committed decimating al Shabaab from the capital

 

Read more: http://www.allheadlinenews.com/articles/90044361?Somali%20police%3A%20We%20are%20committed%20decimating%20al%20Shabaab%20from%20the%20capital#ixzz1JE3bgXHH

 

The police forces of Somalia’s interim federal government are committed to destroying al Qaeda’s surrogate al Shabaab from the Somali capital Mogadishu as quickly as possible, a Somali police chief said Monday.

clearpxl

 

Speaking to hundreds of police forces at a police academy in Mogadishu’s Hamar-jajab district, Sharif Sheikhuna Maye, the newly nominated Somali police chief, vowed police will not rest until the peace and security of Mogadishu are assured in short time.

 

“It is compulsory on us (police) take care of our society. Peace and tranquility can’t be restored until the terrorists are cleared out from the capital,” Maye stated.

 

“We have to face the live rounds of fire from al Shabaab, we have to sacrifice our lives to save tired and drought-affected people under shadows of trees and work on how they could be able to returned back to their homes after years of hardship, misery and affliction,” he noted.

 

The comments of the chief come as Mogadishu is divided into two parts. Its northern sections are under the control of the extremist militant group while the interim government dominates only small portions in southern Mogadishu.

 

Many Somali soldiers complain about non-payment of wages, and Maye promised that every policeman will receive his monthly pension at the correct time.

 

Late last month, Somalia’s top military and police chiefs were nominated after the beleaguered president fired four top security officers, including police, military and intelligence chiefs.

 

The fired officers were accused of not satisfactorily performing their duties. During their terms of service, a number of government officials were assassinated in TFG-controlled districts of Mogadishu.

 

Read more: http://www.allheadlinenews.com/articles/90044361?Somali%20police%3A%20We%20are%20committed%20decimating%20al%20Shabaab%20from%20the%20capital#ixzz1JE3g3iiq

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Govt Hires Lobbyists to Repair Image

 

New York — Somalia has retained a Washington lobbying firm at a cost of $20,000 per month to persuade the Obama administration to continue aiding a transitional government criticised as thoroughly corrupt and ineffective.

 

Park Strategies, headed by a former United States senator from New York, will try to gain State Department support for a one-year extension of the transitional federal government mandate due to expire in August, says John Zagame, a lobbyist with the firm.

 

"There's no way the US will support a three-year extension," Mr Zagame says.

 

The Somali Parliament has voted to give itself that long a lifespan -- a move condemned by Assistant Secretary of State for African Affairs Johnnie Carson.

 

Many analysts suggest that the US end its backing of the TFG because the transitional government has shown itself incapable of making progress.

 

Mr Zagame acknowledged that Mr Carson's recent criticisms of the TFG are "correct."

 

Mr Carson charged that the government is failing to provide citizens with basic services, to reach accords with groups opposed to the al Shabaab Islamist insurgency and to consolidate politically the gains made militarily in Mogadishu by the AU Mission in Somalia.

 

But the lobbyist argues that Somalia Prime Minister Mohamed Abdullahi Mohamed, in office for the past five months, is bringing a new "honesty and transparency" to the TFG's operations.

 

Mr Mohamed "offers a better chance that US money won't go down a rat hole of corruption," Mr Zagame declares.

 

It was Mr Mohamed's personal connection with a Park Strategies director that led the TFG to choose this firm as its first-ever representative in Washington.

 

Mr Mohamed deserves more time to make the improvements he has begun to initiate in Mogadishu, Mr Zagame says.

 

He notes that the TFG is engaged in a difficult two-front war against both al Shabaab and piracy while also coping with a drought that threatens famine in parts of the country.

Relevant Links

 

 

During a recent visit to Washington, Mr Mohamed was accompanied by Park Strategies representatives to meetings with two members of the US Congress.

 

They urged the American lawmakers to convene an inquiry in Congress on the need for increased US humanitarian aid to Somalia.

 

Park Strategies has also set itself the larger task of shifting US public opinion on Somalia.

 

"When Americans think of Somalia, they think of 'Black Hawk Down' and they think of terrorism," Mr Zagame said, referring to a Hollywood film depicting the real-life shoot-down of a US helicopter in Mogadishu during the Clinton administration's intervention in Somalia in the early 1990s.

 

"They don't think of someone from New York State who's trying to build up a country out of sand," Mr Zagame added.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasaaradda Gaadiidka DKMG ah oo qalab soo bandhigtay

Mishin%20(2).JPG

Muqdisho — Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee DKMG ah ayaa soo bandhigtay qalab casri ah oo howlaha Wasaaraddaasi horay u sii socod siinaya.

Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Maxamed Cismaan (Dhagaxtuur) ayaa qalabkan warbaahinta u soo bandhigay, waxaana ay ka koobnaayeen qalabka Taraafikada, iyo kuwa lagu sameeyo Taargooyinka ama Astaanta Baabuurta.

dhagaxtuur%20diini%20(3).JPG

 

 

Goobta qalabkan lagu soo bandhigay sidoo kale waxaa yiilay habka sharciga ah ee wadooyinka gaadiidka u mari lahaayeen.

“Qalabkan waxyaabo badan buu u fududeeyay wasaaradda, inta dhiman gaadiidleyda way qaadan doonaan Dikumintiyada Baabuurta” ayuu yiri Mr Dhagaxtuur.

Mishin.JPG

Ma ahan qalabkii ugu horreeyay oo casri ah ee Wasaarad kamid ah wasaaradaha Dowladda KMG ah ay soo bandhigto, waxaa jiray Wasaarado ay kamid tahay Wasaaradda Warfaafinta oo sidaasi oo kale qalabyo lagu soo kordhiyay soo bandhigay.

Mishin%20(11).JPG

Mishin%20(3).JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this