Sign in to follow this  
nuune

International Relations in Af Soomaali

Recommended Posts

nuune   

Challenges - Caqabad/Loolan/Hardan

Collective - Kooxeed/Urureed/Wadareed

Conceptual frame work - Gadaan-fikradeed/Aasaas fikri

Constructive - Wax dhisid/Dhismo-gal

Conventional Wisdom - Xikmad soo jireen ah

Corruption - Musuq-maasuq/Laaluush.

Dilemma - Laba daran mid dooro

Diversity - Kala duwanaan/Kala gedisnaan

Encouraging - Dhiiri-galin/Geesinimo galin

Fundamental - Asal/Aasaasi

Identification - Tilmaamid/Baadi sooc/Aqoonsi

Individual Contribution. - Gacan ka geysi qofnimo/In qof biiri

Infrastructure - Dhismo-hooseed.

Input - Wax galin

Insight. - Aragti Maskaxeed

Inspiration - Maan-godlin/Ra’yi fiican helid

Interaction - Isdhex-gal/isla fal-gal/Isku dhafmid

Judgement - Xukun/Go’aan

Land Use Malaise - Aafada dhul boobka/Dhul ku habsa

Multipurpose - Ujeeddo badan/Ujeedooyin kala du

Output - Wax ka soo saarid

Potential Candidate - Musharax dihin/Musharax iman kara

Pre-training- Tababar horaad/Tababar hortiis

Priority - Mudnaan

Problem Solver - Furdaamiye/Xaliye dhib

Proficiency - Xirfad Hanasho/Aqoon sare u leh

Public - Guud

Public Sector - Qaybta Guud

Public Service - Adeeg guud

Regulation - Xeer Hoosaad

Self Governance - Isxukumid

Self Introduction - Is-sheegid/Is-tilmaamid

Self study - Isbarid

Self Assessment - Isqiyaasid/Isqiimeyn

Shrinking Resources - Khayraadka sii yaranaya

Technical - Farsamo/Farsamayn

Training needs - Baahi tababar

 

Absolute Poverty - Saboolnimo

Absolute - Gebi-ahaan/Buuxda

Application Commitments - Nidar-gal/Daba-qaad ballan

Bureaucracies - Biroqraadiyad/Xafiisyad Dawladda oo

shaqadoodu gaabis tahay

Caution - Taxadar/Digniin

Density - Cufnaan/Jirmiga shega

Environmental Degradation - Hoos u dhac degaan/Hoos u dhac

xaaladda degaanka

Equilibrium - Dheeli-tir/Is-le’eg

Hawker - Ha is wareerin/Dadka badeecada naadiya

Implication - Maldahnaan/Hadal aan dhab loo muujin

laakiin laga fahmi karo wajiga qofka

Jurisdiction. - Haya’addaha Garsoorka

Legal Requirement. - Baahida Sharciyeed

Legislation - Xeer Degin

Legitimate - Sharci ahaan/Qaanuun ahaan

Matchmaker - Isku aadiye wax isku habboon

Misinterpretation - Fasiraad xumo/Fasiraad qaldan

Off-spring - Farac

Optimistic - Samo-filasho/Samo arag/Dhanka

Wanaagsan ka eeg

Partnership - Wadaag/Wada lahaansho

Pessimistic - Xumo arag/Xuma filasho/Dhanka xun ka eeg

Phenomena - Ifafaalayaal

Professional - Xirfadle/Xeel-dheeri

Recycle - Sameyn celin/Dib u nacfi galin

Rules - Qawaaniin/Xeer

Status Quo - Xaalad taagan

Stimulation - Xiiso galin/Fi-fircooni galin

To Wear Different Hats - Xilqaad badnaan/Kaalimokala duwan qaa

Water Pollution - Dikhaw Biyood/Wasakhaw Biyood/Dhiiq

Facilitator - Fududeeye

Financier - Masuul Maaliyadeed

Negotiator - Wada hadal siiye

Overseer - Korjooge

Policy Maker - Siyaasad dejiye

Power Broker - Awood wax ku Qabte

Institution Builder - Haya’ad dhise

 

Accountability - Xisaabtan/Xilkaa Saaran yahay

Action plan - Qorshe hawleed/Wax-qabad hawleed

Active Listening - Dhegaysi Mug leh/Dhegaysi feejigan/Dhegaysi Darban

Alternative - Kala Doorasho/Wax bedeli kara wax kale

 

Assessment - Qiyaasid/Qiimayn

Authority - Suldada/Awood xukun

Awareness - Wacyi-galin/Ka war qab

Basic Education - Wax-barasho Asaasi ah.

Beneficiary - Dan ku Qabe/Ka faa’iidayste

Capacity Building - Kobcin wax Qabad/Awood dhisid

Case Study - Daraasad Xaaladeed

Check list - Liis Hubineed

Collaboration - Gacan siin/Wada shaqayn/Is Caawimid

Committee - Guddi

Communicator - Gaarsiiye/Isgaadhsiiye

Community - Beel/Jaaliyad

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Waa kheyr, illeen SOL siyaasiga saxda ah ee arrimaha caalamka ku takhasusey waa un kaligaa smile.gif

 

Waan soo wadaa in intaas ka badan sagaaashan jeer Inshaa Allaah, halaga faaiideesto iyo mowduucyo kale haduu Eebbe waqtiga ii saamaxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Good stuff Nuune. Horta ma NGOs iyo UNtaad u turjuntaa their reports?

 

Technical - Farsamo/Farsamayn

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Professor Nuune, smile.gif well done saxiib. Keep it expanding!

 

 

Originally posted by nuune:

Bureaucracies
- Biroqraadiyad/Xafiisyad Dawladda oo shaqadoodu gaabis tahay

Taas noo jilci. icon_razz.gif

 

Originally posted by nuune:
Policy Maker
- Siyaasad dejiye

Curiye, qorsheeye, agaasime, maareeye, habeeye iyo dejiye maxay ku kala duwan yihiin?

 

Dejiye maxaad ooga door biday?

 

Originally posted by nuune:
Communicator
- Gaarsiiye/Isgaadhsiiye

Xiriiriye, isku xire ama shir gudoomiye sow lama dhihi karo?

 

Originally posted by nuune:
Community
- Beel/Jaaliyad

Bulsho ka waran?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Nice stuff, sxb I think it would be a good idea if you drop a list of English words si aynu ugu badalno af soomaali, its like a xujo and to brush off both lingos. There was a moment I briefly thought of becoming a proffessional translator/interpreter, but it's not a lucrative field.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Curiye, qorsheeye, agaasime, maareeye, habeeye iyo dejiye maxay ku kala duwan yihiin?

 

Dejiye maxaad ooga door biday?

Isku micno ma wada aha ereyadaan.

 

Curiye = inventor

Qorsheeye = planner

Agaasime = executive

Maareeye = manager

Habeeye = editor/designer

Soosaare = director (waa ogahay liiska kuma jiro kan)

 

Dejiye inkastoo la dhihi karo 'planner,' haddana si kale waa loo isticmaali karaa.

 

Communicator - Gaarsiiye/Isgaadhsiiye

 

Xiriiriye, isku xire ama shir gudoomiye sow lama dhihi karo?

Ma'ogi in gaarsiiye loo isticmaali karo laakiin xiriiriye looma micneysan karo.

 

Xiriiriye = moderator. Badanaa saas loo micneeyaa.

Shirguddoomiye/miso = chairman/woman

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

 

Curiye = inventor

Qorsheeye = planner

Agaasime = executive

Maareeye = manager

Habeeye = editor/designer

Soosaare = director (waa ogahay liiska kuma jiro kan)

Waxaan odhan lahaa; Agaasime = Director, Soosaare = Producer

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Sax Ayoub, MMA meeshaa wuu khaldey Soosaare, producer ayaana sax ah ee ma ahan director, laakin agaasime waxey noqon kartaa director iyo exuctiveba, eray kale haduu jiro soo raadsha.

 

Shukran Ayoub

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ Saddexda qaybood ee awoodda dawladda marka af soomaali lagu tarjumo waa Fulinta, Xeer-dejinta iyo Garsoorka (Executive, Legislative and Judiciary). Executive President waa Madaxweyne Fuliye. Nin Budhcad-Baddeed la shaqeeya oo “Hawl Fuliye” (Operations Executive?) isu magacaabena waan arkay. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AYOUB:

quote:Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

 

Curiye = inventor

Qorsheeye = planner

Agaasime = executive

Maareeye = manager

Habeeye = editor/designer

Soosaare = director (waa ogahay liiska kuma jiro kan)

Waxaan odhan lahaa; Agaasime = Director, Soosaare = Producer
Soosaare dood yar waaka keeni kartaa laakiin agaasime maya. Agaasime waa 'executive.' Ani ha i aamininee qaamuusyada aad.

 

Soosaare shaqsi ahaanteydana waala dhihi karaa director, si kalena waa loo dhihi karaa 'producer.' Dadka qaarkood sameeye ama iskudabaride waaye dhahaan 'director.'

 

Waxee ku xirantahay hadba sida loo isticmaalo, yacni 'context' loo isticmaalaayo.

 

Agaasime shirkadeed ma maqashay? Haa, wey jirtaa. Mise agaasimaha shirkadaan iyo taas. Isla haddana waligaana dhagahaaga maku dhaceen 'fuliye shirkadeed?' Waa maya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Agaasime shirkadeed ma maqashay? Haa, wey jirtaa. Mise agaasimaha shirkadaan iyo taas. Isla haddana waligaana dhagahaaga maku dhaceen 'fuliye shirkadeed?' Waa maya.

"Agaasime shirkadeed" waa Company Director, "agaasimaha wasaaradda" waa Director of Ministry.

 

"Guddiga Fulinta" waa Executive Committee.

 

 

Sidaas bay ila tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Editor = Tafaftire

Executive = Guddoon

Director = Agaasime

Manager = Maareeye/Maamule

Producer = Soosaare

Coordinator = Isku-duwe

Secratery = Xoghaye

 

 

Anna saas bay ila tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this