Sign in to follow this  
xiinfaniin

Keynaanka soo Caanbaxay

Recommended Posts

Keynaanka soo caanbixiyo calanka uu saaray

Eebahay cizeeyoow markuu caalamka uu dhiibey

Ee loo camiray goobta oow curadnimow heesay

Cuqdad iyo ninkii ciilqabaa cay la gooniyahe

Inta kale tahniyad caama iyo dira codkoodiiye

 

Caqligaa kabiir laga noqdaa oo la citibaaraaye

Waxaan caarid gelin baa jiroo laga cabsoonayne

Ciza sharefle weeyoo ninragi ku camaloodaaye

Cajamigu wakaa caashaqoo loo ciyaartumaye'e

 

Inkastooy cakirantahay dawladnimo oo ciirsantahay jeerkan

Waa calan jamhuuroo, dunida la citirafaaye'e

Caan weeye taariikhda uu caalamkan yimiye

Sayidkii cukaashaha ahaa markuu caabis diriraayey

Timacade codkiisii markuu calanka saaraayey

Ee uu kii kufriga caayey ee ciida gelinaayey

Cawaalihii sameeyeyiyo raggii caalamkan kifaaxay

Ee curiyey oo dhaliyeybaad ciriq wadaagtaane'e

 

Cimrigiis jiryow khaatimaan kuu codsanayaaye

Curudkii Magoolow eebahay ku callimi diinta

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is of Rhazes, waa muqadamaddii. Markaan soo noqdo haddaan wax meesha ka waayo, asna nafma leh baan qoroyaa :D

 

Ninkalaa wax lagu ciiliyaa oo lagu careeyaaye

Caynka gabay layguma cuzriyo oo caarif baan ahaye

Calankiisa anigaa hayyiyo celiyihiisiiye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

caroog .. k'naan .. fanaan caroog la dhaho noo raadi oo noo taageer adi markaad ka waynaatid hibhoobka oo qaraami noqotid ....

 

 

Snail-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cakuye gabay dhimay oo lagu calaalooye

curcuradana wuu ka jabay sida caruurtiiye

wuxuu cardaadiqaha noqday markuu xiin caarifaye

curadadii haloo dalbado cidhbatay maansaduye ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Keynaanka soo caanbaxee, calanka kor u qaaday

Cuqddaddii ka saar caruurihii, ceeb la fooraraye

 

Hadda kuraydaydii cid kasta waxay ku leeyihiin "you know Keynaan?...ya, that is our cousin." :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

mid halkan nala jooga ayaa K'naan jecel ,, nin walba oo reer xamar ahi wuxuu ku shukaansadaa inuu K'naan inaadeerkii yahay ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this