Sign in to follow this  
nuune

Maahmaahya xaqiraya dumarka

Recommended Posts

nuune   

Waxaa jira maahmaahooyin aad u xun ama iska noqdey wax mar kasta la isticmaalo, balse dhaqanka iyo dadnimada iyo diinta wax u dhimayo,

 

 

Bal halkan aan ku soo qorno wax allaala wixii maahmaah aad u maleeso iney waxyeelo gaarsiineyso bulshada ama wax u dhimeyso,

 

 

Aan ku bilaabo maahmaahooyinkan xun ee ah:

 

 

"Naag ama ha ku dhasho ama ha kuu dhaxdo"

 

“Naag been baa lagu soo xera geliyaa runa waa lagu dhaqaa”

 

“Naag iyo xoolo hadba waa kii reerka u horeeya”

 

“Naag ninkii xariir u gogla xanan bay u gogoshaa”, ninkii xanan ogoglana xariir

bay u gogoshaa”

 

“Naag waa balaayo loo baahan yahay”

 

“Naag waa dhallaan raad weyn”

 

“Naagi nin ay taqaan nin ma moodo”

 

“Naagi nin qaawiyey kama quusato”

 

“Naagi waa miro geed saaran”

 

“Naago abaal ha ugelin amaahse ha udiidin”

 

“Naag ama u sabir ama ka sabir”

 

“Naago geel ka baxsaday nabastooday ka dayaan”

 

“Naago hiil ha ka sugin”

 

“Naago iyo riyo toona looma dhutiyo”

 

“Naag galow Naar galow waaye”

 

 

PS: Alla muxuu dhaqanka Soomaaliyeed ka eexday dumarkeena

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Naagi nin qaawiyey kama quusato”

:D:D:D

 

Qaarkood maahmaahyada dhab waaye, laakiin. Kuwa kale oo kasii xun oo caan ah ka tagtay, sida tan ah naag la furay fadhi uma yaal.

 

Kuwa nimankaba maloo naxariisan haddaa fiirisid. Laakiinse kuwa nimanka waxee ugu duwantahay nimanka kaligood ma quseyso ee lab iyo dhadigba wey quseysaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cara.   

Meeshan waxaan mooday in Somali lagu hadlo laakiin waaxaaga waa af-carabi Nuunoow :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

the worst one I have heard so far has to be:

 

naag ninkii ***** nabeegada eh

 

this one is wrong even from the Diin side of things !

 

EDIT: :D @ MMA erayga meesha ka maqan waxa ila qumanaatay inaan self-censorship ku sameeyo lakin maa daama aad shaacisay maahmada sidaan ku maqlay "ninkii Dhabaa"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

'Gabar guri hakaaga jirto ama god' :mad: :mad: :mad:

 

Balo god idin galisay dheh wixii waxaas ku hadlay...

 

MMA, walee inaa qooqday adiguna...

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Cara:

Meeshan waxaan mooday in Somali lagu hadlo laakiin waaxaaga waa af-carabi Nuunoow
:D

lol Cara, soo adigan Af Soomaaligaagina la bakheelay oon laguguba aragba meeshan, af carabigaas ayaan iska qooshaneenaa(qasaneenaa) si kaloo la yeelaa ma jirto smile.gif

 

 

Akhyaarta, waa maxay dhawida ama dhabida, Najjaynaa,

 

 

Ayaan dhaweed waxaan maqlayay Odey Soomaaliyeed oo lahaa, "waligey indhaha maan saarin luqad ka af xumo badan luqadeena Soomaaliga", markaas baan ku irir adeer maxaad saas u leedahay luqadeena waaba mid hodan ku ah dhaqanka iyo suugaanta, markaas buu yiri hadaan sababta aan saas u iri kuu sheego dhowr maalmood bey igu qaadan, mar kaas baan ku iri dhowrkaas maalmood waan kula joogi ee wax iiga sheeg, intuu iga cararey buu yiri marduuf qaadaan raadsaniyee halkana caanaan kasoo iibsaniyee ee maalin hebel aan ballano.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cabdow   

Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan.

 

There could be some truth to ^ No?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Sxb, maahmaahyadaas aan soo sheegay waxa lagu nasakhey maahmaahya kale, waa lagu nagate gareeyey smile.gif

 

 

Inshaa Allaah, anaa keeni doono maahmaahyada kuwaa lagu nasakhey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this