Sign in to follow this  
Paragon

Murugada Jacaylka iyo Dhibka Chatting-ka

Recommended Posts

Paragon   

:D Beware, all you chat-romantics...

 

....markay muddo ku dhaw afar bilood sheekadoodu socotay oo aanay dhaafina walaltinimo iyo sheeko caadiya ayaa waxa dhanka Ahmed ka bilawday in uu la dhaco oo ku qanco wanaaga iyo habdhaqanka fiican ee ay leedahay Barwaaqo iyo wajigeed wanaagsan madama sawir uun la istusay, wuxuu aad uga helay dabeecadeeda wanagsan iyo siday diinta ugu adagtay iyadoo dadka europe jooga lagu xanto inaanay diinta ku wanaaagsanayn intooda badan dhalinyartu, Ahmed waxa ku bilawday inuu ka fakaro Barwaaqo isagoo ka warwara marka aanay la kulmin maalintaas oo habeenki oo dhan u tahay talaw maxa ku dhacay iyo sidee wax u jiraan, Ahmed wuxu garawsaday inay inantu tahay ta ugu wanagsan ee xiligan nolosha lala qaybsan karo isla markaana lagu aamini karo qalbiga oo aad u qaali ah iyo jacayl dhaba.

Continue reading this story... Murugada Jacaylka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekadaas wax soconaayo ey u ekeed, lakiin meel oo lagu kala qaxey aad noo dirtey.

 

 

Title-ka sheekada aaba i diley..."Murugada jaceylka iyo dhibka chattingka"..tabeelahaas aad u culus yahey, lakiin horaaba loo sheegey nooh qof aad dhalo dhaxdeeda ka baratey, ala ba'ayeeeey inuu kaa yeersiiyo maa'hinee, kuma nasteexeysid. Saas baa BBC-da laga weriye. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Sorry the link seems to be broken. Waxaa suurtagasha in websiteka dhamaantiiba dib-u-habayn lagu sameeyey!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Paragon, sheekaad noo keentay, waad nagu bargoysey, kolkaas baad na leedahay dib u habeyn baa lagu wada websiteka, adaa keenayee dhammeestir marka adoo tixraacaya sheekada bilowgeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Thanks nuune. Markaan soo gudbiyey sheekadan websiteku caadi ayuu ahaa balse goor dambe ayuu kharibmay. Aad baad ugu mahadsan tahay xiriirinta aad inoo sameysey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this