Xhevahire

Nomads
  • Content Count

    7
  • Joined

  • Last visited

  1. Dadkeena walaahi masiibo oo weligeed la arag oo la maqal aa na heesato! Meel kasto waa nagala soo nacey. Kenya intey maryooleey karaahiyeesteen ey key arkaanbo jailka isaga xooraayaan, South Africa reer san ka dhuudhi intey cadaanka iska celin waayeen ey waxii ganacsataa ahaayeen ey beerka iyo wadnaha ka siibanaayaan. Yemen waxii xun oo wadankooda ka dhacoba Somaalidaa farta lagu fiiqaa oo cadaabtii la ogaa ey marsiinaayaan, Sacuudi Arabiya tarxiil iyo iney sida xoolaha camal noo gowracaan ey shaqo ka dhigteen...wax naga cadoow badanba aduunka ma joogo aan u maleen Ilaahoow cadowga naga jabi, oo dadkeena meel kasto ey aduunka ka joogaan ku bad baadi, balaayo aaba na dabo dhigatee. Macbuudkoow! :rolleyes:
  2. War ileen anagaa wax aragney!.... After 45 Su'aalo and this is the jawaab i get? What Famous Leader Are You? personality tests by similarminds.com Sadaam Xuseen waaba la gartee, bal odeygaan qaabka daran maxaa i dabo dhigey, meel aan ka galo aanba la'ahee...5 times aan ku noqey ka waran and i would still get the same ol' answer...cajiib!
  3. Mr. Bad Gaduudoow, waa ka cabsadey! intaas oo gabey, raadintooda meeqo sano ey ka qaadatey? Ani horta kii gabey ahaa saas isaguma fiicni, as a matter of fact... jinigeyga aaba neceb. Kaaley sheeg waxii igu direy!....lakiin habeen dhaxdaas aan halkoo gabey oo dardaaran/calaacal ah aan meel inta ah ka heley. Bal indhaha isaga nuurso adiga iyo baandadaada. Gabeygaan waxaa qorey odeygoo Yusuf Bare la dhahi jirey, oo lafahii hore ahaa. Adi calaakulixaal, waxuu u ekaa nin wax badan lasoo gubey, oo soo gamaarey.Iska fiiri lee wadaayoow, adaa wax arki doonee. lolz... Guur Aan Ka La'aado Gurey iyo Darooroow arrini weygu gabileeye Wax I galayba waanuun galgalan gu' iyo jiilaale Garana weyde meeshaan qalbiga ugu gufaacoone Galmi dhabadka waxa iigu wacan hal igu gaaraaye Guddigayga caawaba maqloo galiya laabtiina Oo wada guntada xaajadaa odaygu soo guurshay Gaargaarka waa lagu lumaa gole ka fuulkaase Ha guddoonsan waatii caqligu gaarka ku ahaaye Guri bila ninkii doonayee nacaya goonbaarta Ee guur u jeedoow I maqal waan ku garansiine Guduud looma raacoo haween gobolba waa cayne Bidhaan gabi ka laadlaada waa lagu gulaalmaaye Isu gaadhay gabadhaad tidhaa meel uun baa go'ane Gaboodlayda gaashadu ku taal labada goonyoodba Ee maradu gayn-gaynman tahay guur aan ka laaado Gambadh lagu fariistiyo midaan gaadha fidinaynin Ganuunka iyo xeedhada midaan goor Allaba dhiibin Gar caddaayadii reer tolkay taan u gogol haynin Een geedka laga naadin hayn guur aan ka laaado Gaar gaarka awrtiyo nirgaha geela laga reebay Guri jooga xoolaha midaan goosanka u diidin Een garanin soo dheellan ee guriga uun joogta Gudbantaan halkayguba galayn guur aan ka laaado Allow garawo giirkiyo afkiyo ganafka taagaysa Oo qoolka uun kula galdii magac waxay gaadho Gandihii miduu wada nacee gacal ka fiigaysa Gool boodadii laga samree gooysay ubadkeeda Intay dhiig isoo galin lahayd guur aan ka laaado Geediga hayaanka ah midaan gaadhin waligeedba Ee gabanta loo sido sidii goodir noo curatay Waa geeri naagtaan ratiga kuu gadh qabanayne Reerkoo gawaan degey dadkoo gibiladii waabtay Anoo galancalciyo oon la tuban furayna gaadiidka Geedaha haddii lala dhex galo gudimo oodeedka Galoon badhax ah uma dhaamin karo geedatadan jaanee Guul iyo cidlay igu wadaa goox aan yuururo'e Gosha laga cabsoodiyo xidhkay gooshu ka adeegi Gaadiyo intay bahal isiin lahayd guur aan ka laaado Midda gaaban ee garabka iyo guudku wada joogo Ee socodka uma gaatisee gininif laynaysa Ee guro ma laacdee ratiga juu ku ganac goysa Janbadh gibin ah een golos lahayn guur aan ka laaado Carmalkii hortay guursatee geedo soo shidatay Ee iga gu' wayn oo taqaan gaadmo iyo dhuudmo waxay gogosha ii saxartirtoo ilaxir goysaaba Dhawr habayn markii lala golyee gaax lakala maalo Gadaal bay la soo bixi dabarro horay ugu gaaraaye Intay galab I aynabi lahayd guur aan ka laaado Midaan cawska soo guran aqoon garab ku boodhlayda Galgalin jiifta bacadka uun galgalan gu iyo jiilaalba Ee golaha qoyskiyo minkuba leexadu is gooysay Ee giiryar baa cunay I odhan guur aan ka la'aado Galbashada dharaartii midaan gaadhka iga haynin Een garanin goortiyo wakhtiga anan gafayn reerka Een guurahaygii mulshiyin aar gudaan ahaye Anoo lugo gorgoray taagnidii gogosha oo laaban Intaan ciil la gow odhan gaada iga haysa Amaan goor xun day dayan lahaa guur aan ka laaado Maradaan u gaday khaylidaan gugakan soo iibshay Garbasaar haddaan ugu dariyo boqoro giirgiiran Gol ma xidhato ganaca uun banayn guur aan ka laaado Galoolkiyo cawskiyo badhkood guno ka goostaane Garbadhuubantaan laga dayayn gole inay duubto Waxay hooyadeed garab dagtoo la I gargaaraaba Markii aan ka guurana haday baydna garan weydo Gabaad kob aan lahayn kuma gam'ee guur aan ka laaado Dumaal gaban leh gaayaa tufley waa mas geed galaye Hadaan wiilka guul guulo wey igu guhaadoone Waa gool dhashii haysatee guur aan ka laaado Gabdhahoo cayaar tuman ragoo yare dul goocaaca Golostay u jeedeen hadday guluca soo saarto Waxay guuntu boodoo cayaar daba gablaysaaba Goobtii midii lagula hadhay geedka dhiniciisa Gadhaclayda geelada irmaan guur aan ka laaado Gool wayn midii loo qalay iyo ??????? la soo dhoobay Gab haday tidhaahdoo martidu igu dul gowdiido Nin guraar guntii loo dhigay gobi la yaabtaaye Intaan ciil la gow odhan lahaa guur aan ka laaado Talaabada midaan gow ka siin gooray soconayso Oon gola baxayn oon xarago gacanta tuuraynin Oon dumarka gaasirin gidigi guur aan ka la laaado Allow gaaridii loo xishiyo gabadha loo aayo Raaliyo garaad badan midaan iga guhaadaynin Adaan gacanta kuu hoorsadee hay gefsiin caawa. Tan oo kale waa tii daangada loosoo duban jirey, koobkaaga qaxwaha lee meesha kasoo dhoweysey..wax badan kursiga waad ku rakibnaan doontaa.
  4. Sheekadaas wax soconaayo ey u ekeed, lakiin meel oo lagu kala qaxey aad noo dirtey. Title-ka sheekada aaba i diley..."Murugada jaceylka iyo dhibka chattingka"..tabeelahaas aad u culus yahey, lakiin horaaba loo sheegey nooh qof aad dhalo dhaxdeeda ka baratey, ala ba'ayeeeey inuu kaa yeersiiyo maa'hinee, kuma nasteexeysid. Saas baa BBC-da laga weriye. :cool:
  5. Horta maryooleey iyo qabiil maxaa leyska siiyaa?..cudurkaas baas aaba sheydaanka ibtilo ugu dhigey. Cashirkooda ma bartaan, siduu dadkeena iyo wadankeena u burburiye uma jeedaan tii baa weli u cad. Hadane dhinaca shukaansiga uuba weerar xoog leh ku haayaa, madfaca iyo gantaalada ka dhacaayo kaaley arag oo labadii qof oo is rabtey iney isku yimaadaan ey mustaqbal wada yeeshan uuba hapinesskooda meesha ku burburiye..sida wiilka topicga qorey oo kale. Geedkaas magaca xun leh, faceenii wuu naga reebey, dadkeenii badankooda qabuuraha aan geyney, kii wadan ahaane...iskaba daa ba....niyada uunbaan ku dhisaneynaa mooyee, meesha wax nooguma horeeyo. Walee saas uun haloo daadihiyo qabiil, adinkane mardhow buuga tariikhda aduunka waa la idinka tirtiri doonaa. "Somaaliya ma aragtey, ma arkin dheh" aa ka dhici doonto...hadaan wax leyskula harin.
  6. Maskiin Macruuf, Af somaaligaaga aan ka qeyliye nin yahow...hore maa macalin usoo eheed waa la yaabee? anaaba jiiro i gelisey!..wah Intaas kalmood aa soo taxdey oo dhanba hal xabo kama fahmin, intee wax ka bilaawdaa aan ku jiraa. Cashirkaan inkastoo aan aad ugu soo daahey, waxaan iska rabi lahaa inuu weli meeshiisa kasii socdo waa hadaa (tabar u leedahey inaa dhameestirtid) ane markaas aan qalinkey iyo buugey lasoo boodaa. Haye hee macalinka, adaan ka warsugaa inaa ila soo socod siisid goortaa cashirkaas sii wadi doontid iyo waqtiga homeworka la qeybinaayo...miriqdaada lee yaan la waynin!
  7. Wadan kasto luqadiisa uu booska ugu horeeyo geliya, lakiin hadaan maryooleey nahey afkeena hooyo kabta hoosteeda eyba ku taala oo waxeyba "ilbaxnimada" ku jirtaa aa la yiri inaan af ajnabi isku kooleyno oo har iyo habeenba saas luqad aan luqadeena eheen saas u xusno sida inuu awoowgeena dhaxal noogu tagey oo kale. :rolleyes: Yaabka yaabkiis! Bal anagoo isku wadan ka wada nimid oo isku luqadiine isla wadaagno, sidee ku dhacdey inaan af dadoow ku wada sheekeysano? taas horta waanba garan la'ahey waxa ugu wacan..weligeyne uma maleenaayo inaan jawaabo rasmi ah ka heli doono dadka sidaa u dhaqmo. Horta, awalba meesha wadan kuma heynin, luqadiine hadaan sii duugno oo af ajnabi u sacab tuno, magaca Somaaline waa inaan suuqa geynaa oo si fiican loo soo qiimo tiraa ileen ilbaxnimada la sheegayo oo dhanba waa af Somaaliga oo laga cararo....soo saas maaha ciyaal "Fish & Chips" iyo ciyaal "Americanized"? :rolleyes: