Sign in to follow this  
Baashi

Hal-ku dhegyo/hal-qabsi

Recommended Posts

Baashi   

On world politics:

Shanta qaaradood waxaa ka riday qayladiyo buuqa

Waxaa qamarka guudiyo hawada qaraxa loo saaray

Waa quud nin haystiyo mid raba inuu ka qaataaye

Ama qaab uu gumaytuhu bartiyo waa qoqoba riixe

 

On betrayal/rejection:

Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay

Meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco

Layskuma ridaan rido haddaan ruuxu ku arkaynin

 

On faith and prayers:

Sune kama ansaxo nimuu tagay faralkii saaraaye

 

On truth about loans:

Waxaadan lahayn wiilkaygoow laguma waynaado

Waxaad waaayo maashabaa nin laa weel isugu gaystay

 

On spies:

Gobonimada waad neceb tahay oo waad ka gubataaye

Geestaad ka joogtaa kufrigu guul ka dhaliyaaye

Kol haddaan gumaysiga aqaan gacan inaad siiso

Wallee gaal-la-joog yahoow anaan garab ku waydiisan

 

On miscalculations:

Labi' caanaheed iyo anoo labanka fuudaaya

Wiilal baa i looyaamiyoo ii lalabay fiide

Libinna yaana geyninee haaddaan kaa lug baxo manta

Walee aniga oo ladan Buslooy kuguma soo laabto

 

Lost love:

Labadii qofee igaga hadhay qaafadii dumarka

Tii qurux badnaydiba haday Cali la qooqayso

Tana qaado Naagaba ragbay qaac u shidataaye

 

On Marriage:

Isu gaadhay gabadhaad tidhaa meel unbaa go'ane

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Xaaji Baashi shall I add:

 

On Liberty

Hadaan Dhimano geeridu kolbay nolosha dhaantaayae

Dhaqashiyo marbey kaa yihiin dharagtu xaaraane

Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqashadeed maalye

Dhashaadeey sugtaa xaajadaad dhowrataa abid e'

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Malaaq Jamaal here are 2 more:

 

On causes of nomadic inter-clan wars

Meelay gooh ololleyso

Gaabanow sumaciiyo,

Gariireyso rasaastu,

Ragga haadku gigaayo,

Golxaaloow jabayeeyiyo,

Gaalayuus ka baxaayo,

Gabar layska dharbaaxiyo,

Gaban leyska uleeyayiyo,

Anagaa gob aheynee,

Gun-gunaafka hoosoow,

Nama gaadhi kartaaniyo,

Gasab baa u horeeyey!

 

On hopless and unnecessary rancor disputes

Laan dheere gob ahaa jidhay ooy gocashadii heyso,

Iyo kii ka gaabnaan jidhay oo haatan garab taagan,

Gedda kaa yahay yaa kan kale gaadh is leeyahaye,

Labadaa garaad ee gudboon yaw gar naqi doona?

 

NB: We got something in common brother: Somali literature. It is one of my intellectual hobbies. Glad to find nomads like you in the net. Many nomads I’ve seen in other circles associate this hobby of mine with reer baadiyanimo. The funny thing is they value Shakespeare and other poets! All the while they look down what our literature offer. Why oh why?

 

Keep them coming yaa shaacir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ I am glad brother. Our literature is our national asset and the craddle of our civilisation. Its somewhat illusionary and short-sight'dness if one dubs you with reer-baadiyanimo. Anyone one who does so lacks the mental ability to grasp the fact that there are other parallel civilisations to that of shakespeare! :D

 

PS: Nothing stimulates me intellectually than the wisdoms contained in Somali literature.

 

On lack of Patience

Shinbir duulis badan oo dhulkii, dagi aqoon waayey

Kol unbuu libaax labadii daan, dalaq yidhaahdaaye

Inay edebtu shay door ah tahay, baan isaga daayey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

War ileen tanoo kale, Soomali ayuun baan islahaa kobtan baad ka akhriye, laakiin hade hayaankeygii waxaad moodaa in kudeg degey. Baashi iyo raga lacaana maala, war hade toloow maad Soomaliga noogu noolaataan oo afka gaalka meehaan ka joojisaan.

 

Rag waa kii ilduufa, laakiin indheergarad waa kii kagarqaata ilduugkiisa.

 

Nabad

 

Sophist

Share this post


Link to post
Share on other sites

In Addition to This :

 

 

Mudanihii Afgaab waxaad tidhaa maalintaad aragto

Muddo aad ah buu kala maqnaa muhindiskeeniiye

Waxase igu maqaalo ah adaa meel gudoonshe ahe

Arrin murugtay oo labada dhinac laysku mari waayey

Kol hadaanad maarayn karayn maragna loo haysto

Macno malaha badhasaabkan aad maanta sidataaye

Waxaad tahay maqaarsaar la yidhi hay muftaaxyadane

Kuwa furinka miis miisayaa kaa martabad roone

Maamulkaad lahayd niman kalaa kaa maroorsadaye

Ku maaweeli naagaha Milgooy mayla socotaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye

Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede

Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar isdiidsiiso

Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin

Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo

Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo

Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo

Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye

Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin

Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye

Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago

Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye

Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda

Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa

Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

 

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye

Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye

Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe

Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

*** *** la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Kibirka iyo Islaweynaanta:

 

Hitler baa u weynaa wiil arlada galiya hawl weyne

isagaba meel haad ku cunay hubati loo waaye.

 

Ragoow kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado.

 

Siyaasad:

 

Ma mucaarad baan ahay hadaan xaqa ku maansoodo.

 

--

Bal Muxuu micneeyoo itaray ministerkaan doortey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fandhaal   

Socdaal/Tacabir

Nin saboolay iyo awrba way sahal dhaqaaqaane

Labadaba haddaan seeto celin socod ma daayaane

Anna sahayda inaan qaato iyo socodku waa daw e

Salaama iyo waa nabad galyee saas ha la ogaado

Cali-Nuur M. Gaas

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fandhaal   

Guurka aan xoolaha lahayn

 

Dib baa xaajo loo dhagaxguraa, tay u dhaadhiciye

Dhiiqay miskaha kuugu ridi, dheregta qaarkeede

Ragow hays dhabaan dhabin, adoon xeradu kuu kuu dhoobmin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabdhayahow sidee waaye

Ilbaxnimadu saas maaha

Hadba suf karkaro maaha

Sararaha bannee maaha

Qorqor suunniyaa maaha

Dhabanada sibbaaq maaha

Sanka oo la mudo maaha

Sakhrad iyo xashiish maaha

Sawir iyo riyaaq maaha

Filin iyo sarcaad maaha

Saxan reer galbeed maaha

Kabo sookal dheer maaha

Suuriyo durduro maaha

Salsalaw cid kale maaha

Qof silloon ku dayo maaha

Wax sawaaban noqo maaha

Sinta iyo lafaa duudka

Saddex goor jejebi maaha

Dhaqankaaga saydh maaha

Soomaali diid maaha

Sidaad doonto yeel maaha

Dhulka oon ku sidi waayin

Samadoo la koro maaha

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye

Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda

Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa

Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

 

Xikmad badanaa Inna Suldaan Timacade. Abdullaahi waxuu ahaa nin sal iyo baar u yaqaan Soomaalida laakiin qadiyadiisu ay ka sareeyso qoys, jifo, iyo qabiil oo ay gaarsiisan tahay qarran iyo diin. Alla yarxama.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this