Sign in to follow this  
Baashi

Hal-ku dhegyo/hal-qabsi

Recommended Posts

Wuxuu weliba ahaa nin dadka ka horeeya oo xiligan imika aynu noolnahay waagaas noolaa ,,, i think inuu weli noolyahay ,,, body giisii keliyaa inaga maqan laakiin ruuxdiisu way inala joogtaa ,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya

Amraniyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge

Isku-dare xiriiriye falkaab, eryadeenii ah

Ebyaniyo haddaan magac-u-yaal, ku arkay joornaalka

Mar haddii afkaygii la qoray, Aabe iyo Hooyo....

 

 

By: Allaha u naxariistee Cabdulle Raage markii Af-Soomaaliga la qoray!

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Baashi wrote:

Labadii qofee igaga hadhay qaafadii dumarka

Tii qurux badnaydiba haday Cali la qooqayso

Tana qaado Naagaba ragbay qaac u shidataaye

Mahadsanid Baashi.Kani wuxuu ka mid yahay gabayada naadirka ah. Marka waxay ila noqotay inaan gabayga oo kaamil aha dhajiyo. Marka hore se waxyar oo taariikh ah.

 

Gabaygan waxaa tiriyey Xusseen-Dhiqle oo ahaa afhayeenkii Sayidka. asaga iyo Naado Buraale(xaaskii Sayidka) iyo Jammaad Cabdille(Sayidka walaashii) iyo dadka kale ayyaa carra caruusaad u qaxay. Waxay isu dhiibeen oo magangeliyey Suldaankii Caruusada Cali Daadhi. Naado oo quruxbadneyd buu Cali markiiba isha geliyey. Wuuna guursadey illeen waa dad qax ah oo aan waxba diidi karine! Maalmo ka dib baa waxaa Jammaad u soo dhigtey Nuux Daadhi oo dhaxaltooyada saldanada caruusaad lahaa. Xusseen oo bililaqada lagu hayyo aad uga xun, ogna inuusan maanta wax diidi karin baa Jammaad la weydiistay. Tallo baa ku caddaatay. Gabaygan qayb-libaax la baxay buuna Nuux Daadhi u marshay! Wuxuu yiri:

 

Qayaashow Libaax baa dhurwaa qeybi yiri soore

Wuxuu yiri hilbaha jeex bal qabo qoom dhan baa nahaye

Markaasuu qabbaa-bilihii qoonsadoo dilaye

Dharbaaxuu il kaga qaaday oo hoor ka soo qubaye

Af-qushuushle goortuu dhintuu sii qataabsadeye

Qanburuursi iyo oohinbuu ku qunuunacaye

 

Dawacuu kolkaa soo qabsaday sida qisaaseede

Iyadoo qar-qari buu ilkaha qoorqabkii xoqaye

Wuxuu yiri qanjaafallo xumeey tali qaddaarkaaga

Adder gacalle qaar iyo dalool qaaxo iyo feero

Qumud iyo badhiyo leg iyo qawdho iyo kuruska

Kuuwada qorsheeyeye islow neefka wada qaado

 

Markaasuu wixii qaday qabsaday qoobab kadafley’e

Wax layiri qabiil maleh dayoy qaylliyaha aare

Annagoo quruun dhana maxaa qado inoo diiday?

Qacdii hore haddaan dayey kobtii weerku sii qururay

Bar baa kuu qismaa waa wuxuu eeday qaaryare’e

Aniguna qudhaas baan ahoo lay qul-qulateeye

Duqii noo qabweynaa wakaa qooqa loo dilaye’e

Qaddarkii Ilaah iyo Rabbaan quud ka sugayaaye

Qudhaydaan u yaabaye warmiyaan idin qasaateeyey!

Warmaanoon qudraba haynin baa qirish ka soo waaqsan?

 

Anna qeyb libaax weeye taad igu qasbaysaane

Dadkaa igu qoslaayiyo kobtaan ka qalbi-diidaayo

Qadayeey! Adduunyo uma socon waad I qaxarteene

Qarankii dhariiqiyo haddaan qamirindii waayey

Labadii qofoo nagaga haray qaafadii dumarka

Tii quruxda roonay haddey Cali la qooqayso

Qudhoo kaliya baa nagu hartoo qarafku noo yiile

Tanna qaata Naadoba rag bay qaac u shidataaye!

 

Nuux sidii buu Jammaad isaga daayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

War ninyahoow xiinfaniin bal xiinfaniin farskii ahaa akhyaarta bal uga sheekee. Soo ma ahayn faraskii Inna Cabdille Xassan yarada kala bakheylay ee uu Islaanku ninkii ergada uu u soo direy yiri Sayid faraska Islaanku ku weydiiseytey bixi! :D Awoowe bal innoga taariikhee oo gabaygaa soo raadi fadlan.

 

Abwaan Soomaaliya ka tiiraanyeeysan oo inta gartay tabarta iyo lixaadkiisu inaan waxba ka qaban karin markaa afka ka fatahmey umal daraadii. Waa gabay aad u qiimo badan oo la yiraahdo waa wax ula jeedo.

 

Waqtigii yimaadaba xilligu waayo soo curiye,

Walbahaarku waa ii egyahay inaan walaacaaye,

Kol hadaan wabigaa fatahay, waabin kari heynin,

Oo aan waaxyaha kabeyn cududahaa wiiqmey,

Nafta waxaan ku maaweeliyaa samirkii taag waaye,

Mar haduu wadajirkeedii lumoo, wacadkii beenoobey,

Oo geedka kii waab la yidhi, weel ku kala qeybshay,

Wadaantaan nin-tooxsiga ah, iyo waa kumaa darane,

Waji baa far lagu meyrayaa, beesha wadi meyso!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Gabaygii Xiin-Finiin: This is for Baashi

 

Nimanka taariikhda weriyaa say sheegeen sayid maxamed baa doonay Faadumo Islaan Aadan oo la dhalatay islaan Faarax Aadan oo madaxda degmada Mudug . ka mid ahaa.Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey,xurmo iyo xididtinimo wanaagsanna waa muujiyey.Hase yeeshee,dhugi geel dhaantay,dhex socotana dhul dhaantaye,hadallaa Sayidkii iyo Islaan Faarax loo kala geeyey Xididtinnimadaas Sayid Maxamed wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan farax iyo dadkiisa uga helo si uu jahaadku u xoogooba.Sida xeerka Soomaalidu u badan yahay ninkii gabar laga guursadaa wuxuuna buu cubtamaa, Sayidkuna wuxuu gabay ku Yidhi

 

Wax walba wow hurayaa ninkii ii walaal noqone

dabadeed,Islaan faarx wuxuu Sayidkii weydiistey faraskii Xiin Finiin sayidkuna aad buu u jeclaa,hase ahatee, sidii loo yiri,dhegtaa kaa war dheer ishaaduna waa kula fil, xaashidii Islaanku soo diray hadday bixiyo si aan loo xaman. Dabadeedna,isagoo xil iska reebaya faraskana xarragadiisa u dhammeeyey ayuu ninkii loo soo diray gacanta ka saaray kadibna markii gabaygaan soo socda qaybsiiyey waxuu yidhi:-

Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye

Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyihayne

Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye

 

Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye

Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni

Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye

 

Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane

Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye

Markaad Xiin Finiin damacday baa,n kaa xanuunsadaye

 

Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye

Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye

Nin kalaan xafiilaba adaan, xaaydda kaa rogaye

 

Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto

Xayow iyo qayuumeey haddii, la igu xoodaansho

Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye

 

Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone

Xawaariyo kabti iyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag

Xaggii loo eryaba waa Gammaan, xulashadiisiye

 

Xubna-toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e

Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne

Waxaan xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheere

 

Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule

Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge

Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe

 

Xayskaa da'aayaan lahaa, Xallin ka dooyeeye

Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye

Meesha iyo xeebtaan lahaa xiito ka eryoode

 

Xujey-reebta reer Hagar anaan, xabashyadii ruubin

Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan

Xaaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin

 

Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane

Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise

Wuxuun bay xushleeyan sidii,xabashi ******e

 

Aniguna xogtaydaan ka baqi inay xumeeyaane

Xashaa-liillahiye nin goba xamasho waw ceebe

Goorteer anoo xaajiyaan,xinif awoodaaye

 

Intii aniga lay xaman lahaa xil iga soo meerye

Aduu galabta kuu xoolo yahay xamarkii dheeraaye

Waa Xiin Finiin neefka aad xadhigga haysaaye

 

Xayawaanka oo idil naftey kala xaroodaane

Mar hadduu suldaan igu xil lihi igaga xayddaantay

Xariggiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene.

By: Ahmed H Aden (Shaxda.com)

 

 

----------

 

Isagoo Maqal Ah: Xiin Finiin - Sayid Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Xariggiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene.

 

Wiil dheh. Muad iyo xiin waa mahadsan tihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this