Sign in to follow this  
Sky

Strengthening Puntland - Minnesota relations on the Education field

Recommended Posts

Sky   

Diakonia-Somalia Education Officer in an important meeting in Minnesota

 

Waxaa booqasho ku yimid gobolka Minnesota Sahra Saciid Nur oo ah madaxa waxbarashada hay'ada Diakonia Sweden ee saldhigeedu yahay magaalo madaxda DGPL ee Garowe.

 

1123568597.bmp

 

Sahra ayaa waxay ka qayb gashay shirar badan oo ka dhacay gobalka Minnesota halkaas oo ay uga Warbixisay xaladda guud ee dalka Somaliya dhanka arimaha bini-adanimo, gaar ahaan waxay Sahra bayanisay arimaha waxbarashadda heerka sare ee Puntland.

 

diakonia.jpg

 

Shirarkii ay ka qayb gashay Sahra Saciid Nuur waxaa ka mid ahaa shir ka dhacay Minneapolis Community and Technical College shirkaas oo uu soo qaban-qaabiyay madaxa 'college" Minneapolis Community and Technical College, Phil Davis kuna casuumay Sahra Saciid Nuur in ay u faah-faah-hiso macaliimiinta, shaqaalaha iyo dadka saaxiibka la ah Minneapolis Community and Technical College xaaladda guud ee Puntland State University oo hada si buuxda ula mataanowday Minneapolis Community and Technical College.

 

madax.jpg

 

Shirkaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa furay Reede Webster, Minneapolis Community and Technical Collge Foundation Director ayaa si kooban u furay shirka sheegayna in shirkaan uu lahaa sadex u jeedo, xiriirka MCTC iyo PSU, in lacag loogu ururiyo 30 arday in laga bixiyo jaamadda PSU iyo in lagu soo dhoweeyo Sahra Saciid Nuur.

 

mail.jpg

 

Intaa kadib ayuu ku soo dhoweeyay Phil Davis, Minneapolis Community and Technical College President. Phil Davis ayaa si faah-faahsan oo Kooban uga waramay sababta uu u qabtay iyo ujeedada shirkaan. Phil Davis wuxuu sheegay in Minneapolis Community and Technical College ay go-aan ku gaartay in ay xiriir qota dheer la yeelato Puntland State University oo laga hirgeliyey magaaladda Garowe,Puntland,Somalia.

 

Wuxuu kale uu sheegay si ay arinkaan u mira dhasho waxaan siinaynaa scholarship arday dhan 30 oo aan ka bixin-doonaa lacagta ay ku aadayan college mudo dhan afar sano. Arimaha kale uu balanqaday madaxa Community and Technical College ka Minneapolis, waxaa ka mid ahaa in ay doonayaan in ay bilaabaan sidii ardayda iyo macaliimiin la isu way daarsan-lahaa (students and faculty exchange).

 

Wuxuu yiri madaxa college waxaan rajeynayaa in uu xiriirkaan noqdo mid sii jira. Intii uusan akhrin taariikh nololeedka Zahra Said Nur ayuu dadka u sheegay in uu aad iyo aad ugu farax-san-yahay in uu xafladaan u dhigo oo uu ku soo dhoweeyo Zahra Said Nur.

 

Phil Davis, Minneapolis Community and Technical College president ayaa akhriyay Sahra Saciid Nuur taariikhdeedda,wuxuuna Phil sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xafladan u sameeyo Sahra wuxuuna intaas kadib ku soo dhoweeyay Sahra Siciid Nuur codbaahiyaha. Sahra ayaa si kooban u dulmartay Diakonia iyo waxa ay ka qabatay dalka Soomaaliya mudadii tobanka sanno ahayd.

 

Waxayna faah-faahin ka bixisay Puntland State Universtiy iyo Puntland State University College of Education meesha xaaladoodu marayso. Waxay kaloo sheegtay in hay'ada Diakonia ay u dhistay guryo dadka danyarta ah, 30 iskuul oo ay qaarna dhiseen, qaarna dayac tireen. Waxay kaloo sameeyeen olole dadka waaweyn wax lagu barayo.

 

Waxay kaloo dhiseen Puntland Community and Technical College iyo Teacher Training College. Waxay kaloo Sahra sheegtay in la furayo Puntland State University College of Education horaanta bisha sagaalaad ee sannadkan 2005. Warbixintii Sahra Saciid Nur ayaa gelisay dadkii meesha joogay yididiilo fiican.

 

Waxay ifisay in dalku ay ka jiraan wax qabad fiican oo aysan Soomaaliya ahayn meel aan waxba ka jirin, sida dadbadani uhaystaan. Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen dad badan ayaan waxaan ka xusaynaa:

  • 1.Community and Technical College foundation board of director vice president
  • 2.Minneapolis Community and Technical College, vice president
  • 3.Gen. Mohamed Abshir Muse 4.Mohamed Hassan Aw-osman, founder of Confederation of Somali Community of Minnesota
  • 5.Ron Eibensteiner, Minnesota Republican Part chair
  • 6.Mineapolis Community and Technical College faculty president
  • 7.Iyo dhamaan Somali Family Service board of directors Shirkaan oo ujeedadii markii horeba loo qabtay ay ahayd saddex arimood oo kala ahaa:
  • - In Sarha lagu casumo lagana dhagaysto warbixin ku saabsan wax qabadka ay dalka ka wadaan
  • - In dhaqaale loogu uruursho arday Soomaalieed oo galaya ama bilaabaya jaamicada cusub ee dalka laga hirgaliyey gaar ahaan Puntland State University ee Garoowe iyo joogtayn xiriirka Jaamacada iyo jaaliyadda Somaliyeed ee ku nool waqooyiga Ameerika, gaar ahaan dalka Maraykanka gobolka Minnesota oo ay ku nool yihiin tiro badan oo jaaliyada ah iyo waliba sidii jaaliydada loogu baraarujin lahaa inay gacan weyn iyaguna ka gaystaan mashaariicda horumarinta ee dalkii ka socda ee aysan ku halayn oo qura ururada samafalka ee dalka ka hawlgala sida kan hada ay Sahro ka socoto oo ay inooga warbixisayba.

Ugu dambayntiina shirkii wuxuu ku soo gebageboobay jawi heer sare ah.

 

abdurashed.ali@puntlandstateuniversity.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Garage full of Books and Medical equipment sent to Garoowe hospital and Education centres in Bacaadweyn and Jariiban in Mudug

 

Waxaa taariikhdu markay ahayd 7/29/2005 ka bakhoolay magaaladda St.Paul bakhaar ku yaal qalab caafimaad iyo buugaag loogu talagay Cisbitaalka Magaalo Madaxda DGPL ee Garowe iyo Xarumo waxbarasho ee ku yaal Bacadwayn iyo Jariiban.

 

1123656094.bmp

 

Qalabkaan ayaa wuxuu ka kooban-yahay qalab muuhimad wayn u leh howlaha Isbitaalka iyo buug ka kooban kuwa lagu barto heerar kala duwan ee waxbarshada sida: (science, math, iyo English).

 

resized_buug3.bmp

 

Qalabkaan caafimaadka ayaa waxaa ka mid ahaa, Sariiro, Daawooyin, qalabka qaliinka, qalabka kabidda lafaha, qalabka neefta, qalabka wadnaha lagu fiiriyo, qalabka dadka lagu duro, qalabka dadka aan gaari-karin musqulaha, qalabka dadka curyaanka iyo wixii la mid ah.

 

 

Qalabkaan dirristiisa ayaa waxaa iska kaashaday, Somali Family Services, Rotary Medical Hospital Supplies, Counterpart International iyo Books For Africa.

 

Intii aysan bixin alaabtaan ayaa waxaa booqasho ku tagey bakhaarkaan Zahra Said Nur, oo booqasho gaaban ku joogtay Minnesota oo uga mahad-celisay dadkii howshaan soo qabtay.

 

 

 

Alaabtaan oo cadadkeedu ahaa hal Kontaynar oo 40 fiid ah ayaa waxaa ku jiray qalab anfici-doona Isbitaalka Guud ee Magaalo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo ardada wax ka barata xarumaha waxbarsho ee Bacaadwayn iyo Jiriiban ayaa noqon doonta mid daboosha baahiyaha goobahaa ka jira.

 

Waxaa kaloo qayb libaax ka qaatay alaabtaan raris-teedda dad u dhashay Somaliya gaar ahaan Puntland. Waxaan lama ilaawaan ah qaybta firfircoon oo ay ka qaateen dad ah reer Minnesota, Kuuriya iyo Itoopiya.

 

abdurashed.ali@puntlandstateuniversity.com

Garoweonline-Puntland/Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Meeting between the NGOs and the ministries of planning and education in Garoowe

 

Kulan ay ka qayb qadanayan hay’adaha Samafalka ee ka hawl-gala Goboladda Puntland iyo Laba Wasaradod oo kala ah Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga iyo Wasaradda Waxbarashada ayaa maanta ka furmay Xarunta PSU ee Magalada Garowe.

 

1123652494.pjpeg

New hotel in Garoowe under construction

 

Shirkan oo looga hadlayey Waxbarashada, Biyaha iyo dhibaatooyinka dsbiiciga ah sidii looga hortagi lahaa ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas'uliyinta Hay’adaha Samafalka iyo Madaxda Dawlada gaar ahaan labadan wasaaradood.

 

Kulankaan oo gogol xaar u ah kulan la filayo in uu ka dhaco shan iyo tobanka Bishan Magaaladda Garowe loogana hadlayo arrimaha aan kor ku soo sheegnay ayaa waxaa maanta si weyn uga hadlay Mr: Nuradiin oo ah Maareyaha Hay’ada Hadma oo maamulka Puntland u qaabilsan ka hortaga Masiiboyinka dabiiciga ah isagoo sheegay in kulankaan laga soo saari doono qoraal lagu magacaabo (CAP) oo ka hadla bahiyaha loo bahan yahay in wax laga qabto ahna midda looga hadlayo kulankaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ay ka wada qayb galaan Hay’adaha iyo Wasaaradaha oo lagu qabto Magalada Garowe, Waxaana la filayaa in natiijada ugu dambaysay ee ka soo baxda kulankaas ay wax weyn u qaban doonto bulshada ku waxyeelooba Masiibooyinkii ka dhaca dalka.

 

Axmad Maxamad

Radio Garowe-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

It would be better to build new hospitals instead of hotels. Since the people who are building these hotels are bussinessmen who are only in it for the profits, why don't think about the long term. I am sure hospitals will make a lot more money in the long term than hotels will. Never-the-less, hor umarka waa loo baahanyahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

^^ True, but the hotel is not the topic. Its about Minnesota's support for Puntland's Education and Medical centres.

 

Puntland is a state not a country, therefore Puntland actively seeks equal partners in other states such as Minnesota (USA), Emilia Romagna (Italy), Sharjah (UAE) to have exceptionally friendly ties with. Establishing ties with nations is the job of the Somali Federal government. Even the Universities operate in the same way, Bossaso's EAU East Africa University is tied to the LaTrobe University in Melbourne, Australia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this