Sign in to follow this  
Meiji

C/laahi Xasan Cali: One of the Somali youngsters dies in Bosaso

Recommended Posts

Meiji   

Mid ka mid ahaa 5 nin oo uu maamulka Puntland ka qabtay Dekadda Boosaaso oo maanta geeriyooday

 

Nin ka mid ahaa 5 nin oo uu Maamulka Puntland ka qabtay Dekeda Magaalada Boosaaso kana yimid Dalka Yemen ayaa Maanta ku geeriyooday Xabsi uu ku xidhnaa waxaana ninkaa lagu magacaabi jiray C/laahi Xasan Cali.

 

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Somalimirror u sheegay in Ninka dhintay intii uu xanuunsanaa ay ciidankii hayay u diideen in la geeyo goob caafimaad , balse maanta markii ay xaaladiisu sii xumaatay ay ogolaadeen in la geeyo goob caafimaad si loo ogaado xanuunka haya.

 

 

 

Ila Wareedyadaasi waxa ay intaa ku dareen in Saaka ninkaas la geeyay Xarunta Caafimaadka ee Sadex Xidigood ayna dawooyin u qoreen kadibna uu sidaa ku geeriyooday.

 

 

 

Ilahaasi waxa ay intaa raaciyeen in dadkii dhaqay Maydka C/laahi aysan ku arag jidhkiisa wax nabar ah oo muuqan kara , waxaana duhurnimadii maanta lagu soo aasay qabuuraha Biyo kulule .

 

 

 

Wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in ciidankii goobta caafimaad geeyay C/laahi Xasan Cali ay sheegeen in uu meyd ahaa markii ay goobta caafimaad geeyeen taas oo shiki ka galineysa geeriyada ninkaas oo tibaaxaysa ma gacanta Maamulka ayuu ku dhintay mise intii xarunta la keenay walow warkaas aan la isku haleyn karin jiritaankiisa.

 

 

 

Maamulka Puntland ayaa bilowgii bishii tagtay ee October Dekedda Boosaaso ka qabtay 5 nin oo u dhalatay Gobolka Somaligalbeed (********iya) oo xiligaa ka yimid dhanka Yemen , wuxuuna Maamulka Puntland Xukuumada gumeysiga Itoobiya u gacan galiyay mid ka mid ah 5-taa nin taas oo tiradooda u kala qeybineysa mid Itoobiya loo gacan galiyay, mid dhintay , iyo Sadex wali ku jirta gacanta Maamulka Puntland.

 

 

 

Ma jiraan ilaa iyo hadda cid xaqiijineynsa sida uu ku bilowday xanuunka uu u geeriyooday C/laahi , sidoo kale ma jiraan wax maamulka ka tirsan oo ilaa iyo hadda ka hadlay geerida ninkaas.

 

 

 

Isku soo wada duuboo Maamulka Puntland mas’uuliyiin ka tirsan sida C/raxmaan Faroole iyo Maxamed Jaamac Ilka jiir ayaa waraysiyo ay biyeen ku sheegay in ay Itoobiya u gacan galinayaan cidii dambi sida ay sheegaan ka soo gasha ii timaada deegaanada hoos yimaaada Maamulkooda .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Illahay ah u naxaristo.

 

Its a dark day for Somalis everywhere. Somali people who are not even save in Somalia from Ethiopian puppets.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Whats the source? If you are too lazy to give us a link, I understand. Atleast show us the whole artice and don't purposely cut and paste the article so there is no indication where you got it from.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Meiji:

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Somalimirror u sheegay in Ninka dhintay intii uu xanuunsanaa ay ciidankii hayay u diideen in la geeyo goob caafimaad , balse maanta markii ay xaaladiisu sii xumaatay ay ogolaadeen in la geeyo goob caafimaad si loo ogaado xanuunka haya.

 

^^ I might be wrong but I would thought this bit told you what the source is. If still in doubt try www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ilaah ha u naxariisto, eheladiisana samir iyo iimaan Ilaah haka siiyo. Kuwa masuuliyedda lehna kolleey mar ay noqotaba waa lala xisaabtami.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Cabdulaahi Xasan Gali Inshalah Janadii Fardwasa ayuu ku danbeyn waayo Dal ama caro muslim dhexdeeda ayuu cadowgu ku dilay

 

Arintana waxay u talaa qofkasta oo islaam ah, waa ONLF inta la dhaho looga hari maayoo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Originally posted by Geel_jire:

Misleading title

 

Murdered in cold blood is a more accurate description

I think he was murdered too. Its sick that Somalis can do this to fellow Somalis in Somalia on behalf of abbysinians!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

haday nimaknai waxuun ama dhaqaale, ama taageero kale oo siyaasadeed Ethiopia kaga helayaan ma ciil baan qabi lahaa! All for nothing.

 

Ilka-dahable, I don't think it matters that much where you die. In Bosaso or in Wardheer. The whole notion was to save the lives of the boys. As long as they get same treatment in Bosasso, i reconkon it might even have been better to send them to Wardheer, si unbaa loo furdaamin lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this