Sign in to follow this  
Juje

Maamul cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir + PICS

Recommended Posts

Juje   

Maamul cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir

 

gobolka1.jpg

Jimco, November 06, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa bedeshay maamulkii gobolka Banaadir ee uu guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, iyadoo maamul cusub oo KMG ah u magacawday Gobolka.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa maamulka cusub lagu magacaabay, iyadoo xafladdaasn ay ka qeybgaleen Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, Ku Simaha Ra’iisal Wasaaraha, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Prof. C/raxmaan Ibbi iyo Wasiirro iyo xildhibaanno.

 

gobolka3.jpg

Guddoomiyaha cusub ee maamulka G/Banaadir Inj. C/risaaq Nuunne

 

gobolka5.jpg

Madaxdii hore ee G/Banaadir Bidix:: Dhagaxtuur iyo Shaawey

 

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo xafladda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay isbedelka lagu sameeyay maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna caddeeyay in ay diyaar u yihiin in ay xilka ku wareejiyaan maamulka cusub, ayna la shaqeeyaan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/risaaq Maxamed Nuur Nuunne oo isna xafladda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore Dhagaxtuur sida qiimaha leh ee uu u soo dhaweeyay magacaabistiisa, wuxuuna caddeeyay in aysan kala maarmin maamulka cusub iyo midkii hore.

Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ahaa mid ay soo doorteen Gole deegaan oo u sameysnaa qaab Baarlamaan oo kale, waxaana dadaalka maamulkaas lagu sameeyay lahayd Xukuumaddii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), halka maamulkan uu yahay mid dikreeto lagu magacaabay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

gobolka2.jpg

Madaxda cusub ee gobolka Banaadir Midig: Min Guddoomiye, ku xigeenno ilaa Xoghayaha Guud

 

gobolka4.jpg

 

gobolka.jpg

 

 

Expect more fundemental changes - there are no untouchables.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Munaasabada lagu magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo maanta ka dhacday Xarunta Madaxtooyada

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo maanta ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayaa lagu magacaabay Maamul cusub oo uu yeesho Gobolka Banaadir, iyadoo Munaasabada lagu magacaabayay ay ka qeyb galeen Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Culumaa'udiin iyo marti sharaf kale.

Munaasabada magacaabista ayaa ka hor waxaa salaadii Jimcaha dadkii ka qeyb galay waxaa tujiyay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, iyadoo salaada Jimcaha kadib la guda galay xaflad magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Goobta ay ka dhaceysay Munaasabada oo ay ku sugnaayeen Madaxweyne Shariif, Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Ku simaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kaluumeysiga Prof. C/raxmaan Ibbi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Lacagta Eng, Yariisow.

Sidoo kale Gudoomiyaha Cusub Eng. C/risaaq Maxamed Nuur (Eng, Nuune) ayaa isna ku sugnaa goobta isagoo ay wehliyeen Kuxigeenadiisa cusub, waxaana sidoo kale dhinac fadhiyay Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir Gudoomiyihii hore Dhagaxtuur iyo C/fataax Shaaweeye.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ka hadlay Munaasabada ayaa ku amaanay Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir howlihii uu soo qabtay iyo sidii uu u soo dhabar adeegay.

Sidoo kale Ku simaha Ra'iisul Wasaaraha Prof. C/raxmaan Ibbi ayaa sheegay in Gudoomiye Dhagaxtuur iyo Kuxigeenkiisa C/fitaax Shaaweeye ay mudan yihiin in la siiyo Bilad Sharaf sida uu yiri dadaalkii ay sameeyeen.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Dhagaxtuur ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo is badalka cusub, isla markaana uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Gudoomiyaha cusub.

Gudoomiyaha Cusub Eng, Nuune ayaa sheegay in 20-ka cisho ee ugu soo horeeya Maamulkiisa uu la tacaalayo saboolnimada sidii uu uga hortagi lahaa, waxaana uu sheegay inuu ka shaqeynayo sidii Maamulkiisa wax qabad uu la imaan lahaa.

Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa ah mid KMG ah, kaasoo sii heynaya xilka, waxaana sida uu qabo Axdiga KMG ay noqoneysaa in la soo doorto Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo Maamulkii hore uu ahaa mid ay soo doorteen Gole Deegaan.

 

Ugu dambeyntii waxaa Munaasabada ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo la dar daarmay Maamulka cusub, isagoo ammaan u jeediyay Maamulkii hore, waxaana uu sheegay inuu aad uga faraxsan yahay sidii ay ugu soo dhabar adeegeen Howshooda Dhagaxtuur iyo Shaaweeye.

 

Noona.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallahi i feel sorry for Mr Shariif,,, he lives in Villa Somalia, he prays thre, not in at mosque even on fridayz and Eid prayers, his office is thre, he shits thre,he pizez thre, he baths, ma istiraahdeen ninku wallaahi malaa xabsi buuba ku jiraaye waanu ogsoonayn.

 

If that is what it takes to be president,,, wallaahi waa dhib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^He wanted the job, and has proven to be a total failure. Though his supporters will tell us he will get better. Nearly a year has gone and no progress hope things better.

 

As for the new admin, we have an Al Shabaab Mayor, Hizbul Ismaam mayor and now Sharif Hotel mayor. Who runs the city?

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

^^^^As for the old admin, we have had Al Shabaab Mayor, Ethiopia

mayor and TFG mayor. Who was coaching the city back then?

 

PLEAS TELL ME :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The old admin ran Mogadishu under Mohamed Dheere, if he was Ethiopian well so is Sharif Ahmed his cousin and these men named today. Adeer atleast try and make a valid point will ya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

^^Adeer I Hate to say it but finally i agree with you Sharif is A total failure redface.gifredface.gifredface.gif

 

CUZ Nearly a year has gone and no progress, I hoped things will get better. BUT NOTHING,

not a single thing

 

Sharif has not gone outside Villa Somalia, he prays there, not in at mosque even on fridays.

He has not gone to PUNTLAND or elsewhere in Somalia!

 

so F***** him and bring the next man :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

As for the new admin, we have an Al Shabaab Mayor, Hizbul Ismaam mayor and now Sharif Hotel mayor. Who runs the city? [/QB]

Who runs the city? The locals do, all the three men are from the same sub-sub-sub-subclan, who are generaly regarded as the natives of the city/region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

its not that bad sh dalxiis inta baddan wuu dhoofa mar uu qatar taggo mar shirrarka africa mar uu tago belgium iyo maraykan its not that bad.kolay maalin dhow shirkala jira oo wa dhoofaya :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

LOOL I thought everybody baths,shits, sleeps in their homes? Unless Garadbari uu bananada sidii baadiyaha u kaadi tago. ahahah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Muhammed:

LOOL I thought everybody baths,shits, sleeps in their homes? Unless Garadbari uu bananada sidii baadiyaha u kaadi tago. ahahah

lol...oo weliba Calan qaato dheh oo dhulka ka mudo to warn others that this territory is occupied...

 

Wax la sheegaa la waayey...kii 4ta sano ku dhammaystay, ummaddana itoobiyaan bireeya ama xarig ka soo laalaadiya u keenay si uu kursi ugu fadhiisto oo xitaa gaarigiisii gaari kale oo wax la qarxiyo ka buuxaan lagu dhuftay oo dadkii la socdeen ku dhinteen waxaa laga daba lahaa president oo dadkaa sanka laga gelin jirey Shariif miyuu ka liitaa kaas iyo kuwa la midka ah u malayn maayo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this