Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Mogadishu: Muna Hotel massacre five MP's gunned down over 30 people dead inside Job

Recommended Posts

War Deg Deg ah:Xildhibaano & Shacab lagu laayey midkamid ah Hotelada Muqdisho.

 

24. august 2010

 

Muqdisho:(Allpuntland)-Koox hubaysan ayaa goordhaweyd gudaha u gashay Hotelka Muna ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay deganaayeen Wasiiro,Xildhibaano & Siyaasiyiin kale oo ka tirsan dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

 

Kooxdan ooo dhowr qof ka kooban ayaa ku labisnaa Dareyska ciidamada dawlada Kumeel gaarka ah,waxaana ay Rasaas ku fureen waardiyeyaashii & Ilaalada Hotelka & Xildhibaanada,waxaana ay sidoo kale Baaritaan kusameeyey Qolalka Hotelka halkaas oo ay qaarkood ku jireen Xildhibaano katirsan Dawlada Kumeel gaarka ah.

 

Ciidamo badan oo katirsan Kuwa dawlada ayaa imika ku Wareegsan hotelkan la weeraray,waxaana wararkii udanbeeyey oo lagahelayo Hoterl Muna ay sheegayaan in Kooxdani ay dileen Tiro aanan weli la shaacin oo katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka & Madax kale oo halkaas ku sugnaa.

 

Weli majiro Wax war ah oo Sugan oo laga heyo Hotelka saaka laweeraray,Waxaana weli Hotel muna & agagaarkiisa ka dhacaysa Rasaas Culus oo ay dhinacyadu is huwinayaan.

 

Wixii War ah oo kasoo kordha weerarkan kala soco APL.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax iyo weerar ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen Xildhibaano DKMG ah.

 

Sida ay ku waramayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho caasimada Dalka waxaa goor barqadii maanta qarax lala eegtay hotel ka mid ah hoteelada ay degaan xildhibaanada Baarlamanka ay ku dhinteen tiro badan oo xildhibaano dowlada Ka tirsanaa ah.

 

Waxaa ay wararku intaasi ku darayaan in mudane yaasha baarlaanka ee halkaasi ku sugnaa ay dhamaayeen 60 xildhibaan aana ilaa iyo haatan la xaqiijin Karin meel iyo jaan iyo cirib dhigeen inkastoo ay wararka qaar sheegayaan in xildhibaano 15 dhan ay ku dhinteen qaraxaasi, inkastoo aan la xaqiijin karin

 

Wararkale ayaa ku waramayaa in xildhibaanada badankood ay ku geeriyoodeen rasaas ay fureen rag ku labisnaa dresska ciidanka Dowlada KMG ah oo gudaha u galay Hotelka Muna oo ka mid ay xildhibaanadaasi degenaayeen.

 

Qaraxa oo ahaa nooc ismiidaamin ah oo siweyn looga maqlay magaalada ayaa ka dib waxaa saxaafada muqdisho qaarkood la hadlay afhayeenka Ururka Alshabaab Sh Cali Dheeere isagoo sheegtay qaraxa dhacay islamarkaana ay ku laayeen xubno badan oo Baarlamaka DKMG ah ka tirsan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Waxay tani qeyb ka tahay dagaal maalintii labaad si xoogan uga soconaya magaalada Muqdisho iyadoo wararka ugu dambeeya ee muqdisho naga soo gaarayana ay sheegayaan in dagaal xoogan uu ka soconayo deegaanada waqooyiga Magaalada iyadoo ay dhacayaan duqeymo xoogleh oo ay labada dhinac isweydaarsanaya .

 

Sidoo kale madaafiic ayaa lagu weeraray Hotelka Naasahablood oo ka mid ah isla hotelada ay degen yihiin qaarkood masuuliyiinta Dowlada KMG ah ee SOomaaliya lamana xaqiijin karo ilaa iyo hada wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana wixii warar ah ee ku soo kordha wararkaasi dhamaantood aad kala socondoontaan wararkayaga dambe.

 

SBC International Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: 6 Xildhibaan oo ku dhintey weerar

 

24 Aug 24, 2010 - 2:18:49 AM

 

Kadib markii dagaalo ba'an oo dad badan ku hoobteen ka dhaceen shaley iyo maanta 24.08.2010 magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka koox dabley ah is-miidaamisay gashey Hotel la yiraahdo Muna kaasoo ku yaala duleedka Villa Somalia.

 

Wararka kasoo baxaya goobtaas oo weli yar ayaa sheegaya in weerarkaas ay geysteen koox dabley ah oo sidata dharka Tuutaha ciidamada Somalia kuwaasoo markii gudaha u galeen Hotel Muna rasaas la beegsadey dadkii halkaas daganaa oo u badan xildhibano.

 

Xoggohaan oo weli la xaqiijin ayaa ayaa sheegaya in weerarkas ku dhinteen dad gaaraya 31 qof oo ay ku jiraan kooxdii dagaalkaan is-miidaaminta ah soo qaadey iyadoo ay jirto in gudaha Hotel Muna oo ku yaala halkii loo aqoon jirey Ceelgaabta qarax xoogan ka dhacey.

 

Xildhibaanada halkaas ku dhintey ayaa wararku sheegayaan iney gaarayaan 6 qof halka dadka kale yihiin shaqaalaha Hotelka iyo askarta ciidamada oo tiradooda dhantahay 4.

 

Sarkaal diidey magaciisa ayaa Garowe Online u sheegey in Hotelka gudihiisa dhamaan dadkii ku jirey waxna dhinteen halka kuwa kale tiro aan la aqoon dhawacmeen iyadoo ciidamada amniga isku gadaameen halkaas.

 

Talaabadaan ayaa timid kadib markii shaley galab iyo xaley dagaalo balaaran oo ka dhacey Muqdisho ku dhinteen 30 qof halka dhaawacyadu gaarayaan 90 qof kuwaasoo u badnaa rayid.

 

Magalada Muqdisho ayaa maanta 23.08.2010 waxaa ka socda dagaalo culus kuwaasoo ay weheliyaan duqeymo iyadoo wararku sheegayan in suuqa Bakaraha xiran yahay.

 

Weeraradaan ayaa ciidamada Dowlada iyo AMISOM waxaa ku soo qaadey ururka Al-shabaab kuwaasoo dhowaan iclaamiyey in dagaalo aan kala go' laheyn ku qaadi doonaan xoogaga dowlada.

 

Warsidaha GO ayaa fahansan in ururka A-shabaab dhowaan ka heley saanad iyo hub dalka Eritrea kuwaasoo kasoo dagey garoonka Baydhabo

 

Ururka al-shabaab ayaan weli qiran weerarka loo gaystey Hotel Muna iyadoo warar qaar sheegayaan in halkaas daganaayeen inta badan Xildhibaanada kasoo jeedaPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin: Weerarkii Al-shabaab ku qaadey Hotel Muna, Qaraxa waxaa fuliyey Nin iyo Haweyney, 9 xildhibaan oo dhintey

 

Posted by admin on August 24th, 2010

 

Muqdisho(Puntlandi.com)Ugu yaraan 9 xildhibaan ayaa ku dhintey Hotel Muna, Qaraxa waxaa fuliyey Nin iyo Haweeney, Xildhibaanada dhintey ilaa hada waa 9, labo waxey kasoo jeedaan somaliland, Sadixna Puntland.

 

Dhimashada Xildhibaanada intaas waa ka badnaan kartaa sida uu noo sheegey askari ka tirsan ciidanka, Warar waxaa jira sheegaya in Xildhibaanada dhintey ay badankoodu Hotelka soo degeen Xaley. 33 qof ayaa ku dhintey ay ku jiraan kuwii weerarka soo qaadey iyo 5 askari

 

Nin iyo qof dumar ah ayaa isku qarxiyey Hotelka, midkii sadixaad oo ah nin waxaa lasheegayaa inay usuura gali waydey inuu isqarxiyo balse uu qol iskusoo xirey, sida ay sheegayaan wararka ugu dambeeya ee aan heleyno.

 

kala soco Puntlandi.com wararka soo kordha

Puntlandi.com

 

Breaking News/SMS Center

 

Muqdisho/Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaao lagu laayey Hotel Muna oo ku yaala Degmada X/weyne ee Magaalada Muqdisho

 

Posted to the Web Aug 24, 09:04

 

Muqdisho:- Wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xoog ku galeen Hotel ku yaalay Degmada X/weyne ee Magaalada Muqdisho ka dibna ay dileen qaar ka mid ah Xildhibaanada DFKM.

 

 

Hotelka ayaa waxaa magaciisa la yiraahdaa Muna waxaana deganaa qaar k mid ah Xildhibaanaa DFKM Kooxda dilka geysatay ayaa ku labisnaa dareyska ciidanka Booliska ee DFKM waxaana ay markii danbe isku qarxiyeen 3 ka mid ah Hotelka.

 

Dhaawaca iyo Dhimashada ayaa haatan lagurayaa waxaana ka jira Hotelka isku dhex yaac tiro badan.

 

 

Wark oo faahfaahsan waan idiin so gudbin doonaa iyo sawirada hadii alle idmo oo ay suuro gasha.

 

A/Cawale

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaano iyo Dad Rayid Ah oo Lagu Xasuuqey Hotel Muna Muqdisho [uPDATED]

 

August 24, 20101 comment| leave your own!

Share

 

Hotelka Muna oo ay deganaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa galay qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa, kadib waxa uu isku dhexqarxiyey hotelka gudihiisa, xili dagaal ka socdo magaalada Muqdisho.

 

Dhegayso Waraysi aan la yeelanay Xildhibaan Saleebaan Ibrahim Axmed oo ka agdhawaa halka weerarku ka dhacay

 

 

Podcast: Play in new window | Download

 

War ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laba nin oo dabley ah kuwaas oo isu ekeysiiyey Ciidanka Dawladdu in ay gudaha u galeen Hotel Muna waxayna dileen 31 qof oo isugu jira shaqaalihii Hotelka iyo xildhibaano deganaa halkaas.

 

Warka ka soo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka dhintey ay ka mid ahaayeen 5 askeri oo ka tirsan ciidanka Dawladda, waxaana ugu danbeyntii labada nin ee Hotelka soo galay ay isku qarxiyeen Hotelka gudihiisa.

 

Wakaaladaha wararka qaarkood ayaa sheegaya in 6 xildhibaan ay ku dhinteeen qaraxaas ismiidaaminta ah, Wasiirka warfaafinta Dawladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa warbaahinta reauters u sheegay in saddexdii nin ee weerarka sooq aadey mid kamid ah la qabtey.

 

Xildhibaan Saleebaan Ibraahim Axmed oo kamid ah mudaneyaasha Baarlamaanka Dawladda Federaalka kana mid ahaa dadkii deganaa hoteelka ayaa Horseed Media u sheegay in qaraxaas uu ka dhashey khasaaro kala duwan.

 

Wuxuuna sheegay in dabley hubeysan oo watay lebiska ciidanka Dawladda ay gudaha usoo galeen hoteelka ayna dileen dadkii ku sugnaa gudaha iyo dibada.

 

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in Ciidamada Dawladda iyo ragaas uu dhexmaray israsaasayn,isagoo sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen in ay qaar kamid ah raggaas gacanta ku dhigaan halka kuwa kale ay dileen.

 

Mid kamid ah raggi ayuu sheegay inuu isku dhexqarxiyey hoteelka,iyadoo xilliga ula hadlaayay warbaahinta Horseed Media la kala guuraayay dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay.

 

Mudane Saleebaan Ibraahim ayaa ku baaqay Xukuumada Dawladda Federaalka ay iscasisho,kuna eedeyey in ay masuul ka noqon wayday amniga shaqaalaheeda.

 

Dhanka kale Xildhibaan Marwo Saynab Qayaad oo iyadoo murugaysan si kooban la hadashay Horseed Media ayaa sheegtay in xildhibaano gaaraya 6-xildhibaan ku geeriyoodeen weerarkaas ismidaaminta,iyadoo ay kamid ahayd Xildhibaanadii ay badbaadiyeen Ciidamada Dawladda Federaalka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Shabaab Oo Sheegatay Qaraxii Lala Beegsaday Hotel Muna Ee Muqdisho

 

August 24, 20101 comment| leave your own!

 

 

Xarakadda Al-Shabaab ayaa ka hadashay qarax ismidaamin ah oo saaka lala beegsaday mid kamid ah hoteelada ku yaalla magaaladda Muqdisho oo ay deganayeen Xildhibaano iyo masuuliyin ka tirsan Dawladda Federaalka.

 

Afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Dheere oo shir jiraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho saacado kadib markii uu qaraxu dhacay ayaa sheegay in qaraxaas ay fuliyeen guutada Kumaandooska ee Al-Shabaab,isla markaasna ay la beegsadeen hoteelka oo u sheegay in ay deganayeen Xildhibaano iyo Wasiiro.

 

…Maantey rag ka tirsan xarakada al-shabaab kuwaas oo ahaa kumandooska xarakada, ayaa fuliyey hawlgal culus, waxaana ay qarax la beegsadeen Hotel ay si weyn u camireen kuwa xildhibaanada isku sheega waxaana halkaas ku halaagsamay qaar badan oo kamid xildhibaano ku sheegi….” ayuu yiri Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

 

Cali Dheere ayaa sidoo kale amaan iyo duco u jeediyey kooxdii fulisey qaraxii Hotel Muna, waxaana uu sheegay in ay sii laba laabayaan qaraxyada iyo dagaalada ay wadaan

 

Wuxuu intaas ku daray in khasaaro badan uu ka dhashey weerarkaas isla markaasna mahadcelin gaar ah ujeediyey dadkii fuliyey.

 

Qaraxii ka dhacay Hoteel Muna ee ku yaalla degmada Xamar Jajab ayaa la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ilaa iyo hadda ka dhashey,inkastoo wararku ay sheegaayan in ay ku dhinteen Xildhibaano iyo dad kale oo hoteelka deganaa.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

What we know so far:

 

1.The report on the ground is five to six MP's dead after armed group raided the Hotel in which MP's lodged. Death toll over 30 now including civilians, raiders and the soldiers guarding the MP's lodge.

 

2.The gunned down MP's only arrived yesterday at their lodge/hotel.

 

3. The Hotel mainly house MP's, Ministers and Officers from Puntland.

 

4. So far the dead MP's three are from Puntland and two from Somaliland.

 

5. The hotel's security could not be impeached so easily as it is only 20 meter's away from Villa Somalia.

 

6. It is assumed that it was an inside job instigated from the Villa itself as the men who attacked and raided the hotel could not that easily break the security into the hotel/lodge of the MP's as it is only a short walk away from heavily fortified Villa Somalia.

 

7. Two men managed to get into the Hotel and kill and wound all the people inside after that one blew themselves up in a room.

 

8. Al Shabaab claim the attack as a suicide mission in which they managed to kill scores of MP's, 'Ministers' and 'Army Officers' (not verifiable yet).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarakada Al-Shabaab:Waxaan dilnay 60-Ruux oo isugu Jira Xildhibaano Wasiiro iyo Saraakiil

 

Muqdisho RBC Radio: Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa waxa ay ka hadleen xildhibaanada iyo saraakiisha ay maanta ku dileen Hutelka Muno ee Magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Xarakada Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere ayaa saxaafada goor dhow lahadlay waxa uuna ka warbixiyay Arintaan.

 

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in weerarkaan ay qaadeen cutubyo ka tirsan ciidamada Kumaandooska xarakada Al-Shabaab,waxa uuna sheegay in ay ku guuleesteen weerarkaasi.

 

Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere ayaa waxa uu sheeray in ay weerarkaasi ku dileen ilaa iyo 60-ruux oo isugu jira xildhibaano wasiiro iyo saraakiil.

 

Hadlka Afhayeenka ayaa waxa uu imaanayaa xili maanta xarakada Al-Shabaab ay dileen xildhibaano badan oo daganaa Hutelka Muno ee magaalada Muqdisho

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

AFhayeenka AMISOM oo Xaqiijiyey Geerida 15 Xildhibaan oo Ka Tirsanaa Barlamaanka Soomaaliya.

 

MUQDISHO (RBC) Wararka ugu dambeeya ee ka soo baxaya weerarkii Al Shabaab ku qaaday hotelka MUNO ee magaalada Muqdisho oo ay deganaayeen mudanayaal barlamanka ka tirsan ayaa sheegaya in 15 xildhibaan ku dhinteen weerarka.

 

Afhayeenka ciidanka AMISOM oo goor dhoweyd la hadlay telefishanka Al Jazeera ayaa sheegay in Al Shabaab hotelka ku dileen 15 xildhibaan oo ka tirsanaa barlamanka kuwaasi oo deganaa hotelka MUNO.

 

Xoogaga Al Shabaab ayaa saaka ka dib dagaal xoogan oo ka qarxay magaalada waxay gudaha u galeen hotel MUNO oo qiyaastii 20meeyo mitir kaliya u jira xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.Waxayna la wareegeen hotelka oo dhan

 

Ilaalada hotelka ayaa la sheegay in Al Shabaab ay dileen ka hor intii aysan gudaha u galin dhismaha.

Afhayeenka Xarakada Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale goor dhoweyd u sheegay Al Jazeera in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan oo ay soo diyaariyeen, wuxuuna sheegay in faahfaahinta dib ka bixin doonaan.

 

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa goobta gaaray iyagoo dagaal adag la galay xoogaga Shabaab ee hotelka qabsaday.

 

WIXII SOO KORDHA DIB KALA SOCO RAXANREEB.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah faahin dheerad ah oo ka soo baxay weerarkii lagu xasuuqay Xildhibaanadii Beesha ******* ee ka tirsanaa Baarlamaanka FKMG ee Somalia iyo Al-Shabaab oo sheegtay weerarkaasi

 

Kooxo ku labisnaa dharka cusub ee Ciidamada bileyska dowlada FKMG,isla markaana ku hubeysan Jaakadaha la isku qarxiyo iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa weerar qorsheeysan oo laga soo abaabulay madaxtooyada ku qaaday Hotel Muuno oo ay dagan yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa u dhashay beelaha ******* iyo *****.

 

Kooxahaan subxii hore ee saaka weerarka la beegsaday Hotelka ay ku sugnaayeen xildhibaano tiro dhowr jeer oo here ay is qabteen Madaxweynaha dowlada FKMG ayaa si aan cabsi leheen ugu sugnaa mudo ka badan Halsaac gudaha hotelka aygoo markaan qol qol ugalay inta badan qolaalka Hotelka,isla markaana si arxan la aanha qolkasta oo ay galaan rasaasta la beegsanayay cidakasta oo ku jirta aygoo qof qof uga tooganayay madax.

 

Gacan ku dhiiglayaashasi weerarka qorsheeysan qaaday ayaa in kabadan halsac markay sidey doonanba ka yeelen dadkii ku sugnaa hotelka oo ay xasuuqeen intii loosoo diray ayey kadib isku qarxiyeen gudaha Hoteelka,si aan loo ogaan cida soo dirtay, mana jrin wax gurmad ah oo ay u fidiyeen ciidamo beeledka DFKMG ee barta kontarool utaalo Tiyaatarka hortiisa iyo kuwa ilaalada u ah Madaxweynaha ee ayagan saldhiga ku leh isgosyka madaxtooyada ee laamiga dheer dhinac celgaabta xigta oo ay umuuqto Hotel Muuno.

 

XafiiskaWarqabadka Shabakada Allidamaale Muqdisho Edition

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sakhar_The:

 

6. It is assumed that it was an inside job instigated from the Villa itself

Why would Shariif want to further weaken himself? I don't think Shariif is that mindless unless you are referring to other Informants among the Villa crowd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The intruders had an whole hour ravaging through the hotel compound!!! To go from room to room and pick out their targets and massacre the people in there without any aid or rescue coming for them. The Hotel is 20 meters away from the Villa.

 

The raiders had the new police dress on which underneath they wore suicide belts.

 

It's tragic event because the killed MP's are those opposed to Sharif Ahmed and exclusively from Puntland and Somaliland.

 

The merciless killing and attack was instigated from Villa Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this