Sign in to follow this  
Gabbal

Ethiopia troops 'leave Mogadishu'

Recommended Posts

Munaasibad lagu sagootinayo ciidamada Ethiopia oo maanta lagu qabtay hoyga uu Ra’iisul wasaare Nuur Cadde ka degan yahay magaalada Muqdisho.(Daawo Sawirada

 

Ethi%205.jpg

 

 

Ethi%207.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabelle: MUQDISHO

Xaflad lagu sagootinayo ciidamada Ethiopia oo la sheegay in ay ka baxayaan dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay hoyga uu Ra’iisul wasaare Nuur Cadde ka degan yahay magaalada Muqdisho.

 

 

 

Kadib xaflad loogu magacdaray sagootinta ciidamada Ethiopia oo mudo ku dhawaad 2-sano siinayay dowlada kmg Soomaaliya taageero ayaa waxaa ay maanta ka dhacday guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde.

 

 

 

Ra’iisul wasaare Nuur Cadde oo munaasibadaasi ka hadlayay ayaa sheegay in ay dowlada Ethiopia iyo ciidamada Ethiopia ka dhabeeyeen meel marinta heshiiskii Jabuuti ay kuwada gaareen dowlada kmg iyo Xoogaga Mucaradka.

 

 

 

Nuur Cadde ayaa si gaar ah waxaa uu ugu mahad celiyay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Messe Senawi iyo Taliyaha ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya ku sugan general Yohanis waxana uu sheegay in ay dhaqan galiyen oo ay qeyb ka qaateen hirgalinta heshiikii Jabuuti ay kuwada gaareen dowalada iyo xoogaga mucaaradka.

 

 

 

Mar uu Ra’iisul wasare Nuur Cadde ha kadlayay arimaha doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in aysan habooneeyn xiligan in madaxweyne la doorto iyadoo aan la mideyn baarlamaanka labada dhinac.

 

 

 

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca aminiga ee isbeheysiga dib u xoreynta Xuseen Siyaad Qoor Gaab oo isna ka hadlay madasha ay xafladaasi ka dheceeyay ayaa waxaa uu sheegay in dowlada Ethiopia ay u dhaga nuglaatay ka mira dhalinta heshiikii Jabuuti,waxana uu dhinacyada Muqaawamada ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dagaalo ku dhex mara goobaha ay baneeyaan ciidamada Ethiopia.

 

 

 

Taliyaha ciidamada Ethiopia eek u sugan gudaha dalka Soomaaliya General Yohannes Abete ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay markii hore dalka Soomaaliya u soo gashay iyadoo caawineeysa dowlada kmg oo ay sheegeen in ay taagdareeyd xiligaasi hadana ay baxayaan marba hadii ay heshiiyeen dhinacyada dowlada kmg iyo mucaaradka.

 

 

 

Taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM oo isna ka hadlayay munaasibadaasi ayaa ku dheeraaday ka hadlida ahmiyada ay dalka Soomaaliya u yimaadeen,waxaana uu sheegay in ay sii wadayaan sugida ammaanka dowlada kmg Soomaaliya oo ay sheegeen in ciidamada Ethiopia ay qeyb ka qaadan jiraan difaaca dowlada kmg Soomaaliya.

 

 

 

Xafladani lagu qabtay hoyga Ra’iisul wasaaraha dowalada kmg Soomaaliya Nuur Cadde ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka mid ah xildhibaanada golaha wasiirada saraakiisha ciidamada dowlada kmg iyo odaydhaqameedyo Soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

DAAWO SAWIRADA GAROONKA ISTAADYUM MUQDISHO OO AY SAAKA KA BAXEEN CIIDAMADA ITOOBYA

 

isbartiibo8.jpg

 

isbartiibo9.jpg

 

isbartiibo10.jpg

 

isbartiibo6.jpg

 

isbartiibo.jpgDuke's friend. :D

 

isbartiibo3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this