Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: New Government Says Will Open Talks with SSC

Recommended Posts

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii Ugu Horeysay Shaaca Ka Qaaday In Ay Wada Hadal La Gelidoonto Jabhada SSC

 

 

Hargeysa (HWN) Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in ay xukuumada cusub ee Madaxweynaha dhawaan la doortay Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu wada hadal la furi doono jabhada hubaysan ee SSC.

 

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu ka dhawaajiyay dadka u dhaqan deegamada Sool iyo Sanaag ay ka qadeen wax ka noqoshada maamulkii xukuumada Madaxweyneha xilka ka sii degaya ee Daahir Rayaale Kaahin.

 

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu magaalada Hargeysa ugu waramayay warbaahinta, waxaanu tilmaamay in dagaal lala galo jabhadaasi aanu ahayn mid lagu gaadhi karo nabad balse wada hadal uu yahay waxa keliya ee lagu badbaadin karo qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

 

“Xidhiidho ayaanu la samaynay waanan u balan qaadnay in xaalka wada hadal lagu dhameeyo marka ay dawlada cusub dhisanto ayaanu ku balanay in wada hadal la furo oo marka lagu dayo in xaalka wada hadal lagu dhameeyo waayo maanta dagaal iyo colaadi wax ay soo kordhinayaan ma jirto, laakiin guusha waxa lagu gaadhayaa waa wada hadal iyo is faham yimaada, marka la isu yimaado” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha wakiilada Somaliland.

 

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in dadka deegaamada ay hada kooxda falaagada ahi ka tisqaaqay ay tabanayaan waxyaabo badan oo ay ugu horeeyaan in laga qayb geliyo dhinaca maamulka waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Marka uu wada hadalku noo furmo dadku wax ayuun bay tabanayaan oo maamulkii hore umay dedaalin, dadka sool iyo sanaag degan dawladii hore waxba kamay siinin waad ogtihiin oo dhaqaale umuu tagin, maamulkii hore ee jirayna waa laga bedelay mid cusub oo u tagayna ma jiro, waanad ogtihiin ma jiro xafiis qudha oo nin reer sool ahi uu ka yahay agaasime ama hay’ad ay haystaan, markaa cabashooyin badan ayaa jira” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha wakiilada Mud. Baashe Maxamed Faarax.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Lol, waxaa la yiri nin aan shantaada kaa reebin, SL needed in indho kulul la tuso. good job SSC. since no one in SSC beleives so called British Somaliland. SL will have 2 options either take your three towns or come back to the union.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Interesting but I don’t think Somaliland should negotiate with Terrorist

Xaaji afka hagaajiso dooxato waa kuwa dad iyo dhul aysan shaqo kulahayn ku soo dulay and that is who this term aad ku waalatay defines.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A khadar Dadka shacabka argagax ku riida wa argagixso shacabka bariga somaliland idinka xabbad la so dhex galay oo mar ba xabbad yar meesha ka riida markana dhuunta , wa argagax sxb

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

It seems the SSC attack has scare the regional government into trying to negotiate. It's a shame it took so long, little will change unless SSC regions are allowed to apply for high government position.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duufaan the only thing that will be discussed on the negotiation table is how the ssc faction will be disarmed , that is if it comes to Negotiations which i doubt very much

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Originally posted by Thankful:

It seems the SSC attack has scare the regional government into trying to negotiate. It's a shame it took so long, little will change unless SSC regions are allowed to apply for high government position.

It is not about positions. we do have different political vision. They are pro-colinal and separist. we are pro idepedent and nationalist.

 

Beside We can have our own regional goverment

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is no such thing as pro colonial or anti-colonial in 2010 because there aren’t colonialist in Somaliland or Somalia , Somaliland is very independent you are anti-Independence anti nationalist even from a Somaliweyn point of view you draw fake letters on the Somali flag , that’s not nationalism the cayn province didn’t even exist in the former Somalia , there for your pro tribilist

You have your own regional government Where?? so now your part of the pirate state :D when ever it suits you icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

you are pro-colonial. You do not beleive you can survive without outside support. Yesterday, you were british protected tribes and now receive benefits and protection by Malazawi and others. Right now Your very busy to get benefit by T card.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this