Sign in to follow this  
General Duke

Puntland arrests an Ethiopian spy...

Recommended Posts

Madhabaa in Sirdoon ka tirsan dawladda Itoobiya ciidamadeeda Sirdoonka ay Puntland Xabsiyadeda mid ka mid ah ku hayso....Warbixin...

 

Posted to the MOL November 10, 2009, 6:46 am

 

 

Bosaso - APL ayaa xog baaris xoog leh ku samaysay sida ay wax uga jiraan warka sheegaya in Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dawladda Itoobiya ee dhinaca Sirdoonka hada lugu hayo xabsiyada Puntland, mid ka mid ah, isla markaasna ladoonayo dhawaan in la horgeeyo Maxkamad si loogu qaado dambiga waqtigan loo haysto.

 

APL ayaa la xariirtay Aqalka Madaxtooyada Puntland, Wasaaraddaha Mataanaha ee Arrimaha gudaha iyo Amniga Puntland & waliba Saraakiisha gacanta ku haysa xabsiyada Puntland, waxa ayna qireen jiritaanka warkaas, isla markaasna waxa ayba si hoose ugu sheegeen APL in ay wali wadan ugaarsashada qaar ka mid ah Saraakiishaas oo hada ku sugan deegaanada Puntland, isla markaasna ka dhuumanaya ciidamada dawladda Puntland.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Madaxtooyada ayaa usheegay APL in ay hayaan qaar ka mid ah Wardoonka Itoobiya, oo doonayay in ay falal guracan ka fuliyaan Puntland, kuwaas oo hada ku jira gacanta dawladda Puntland, isla markaasna ay ku hayaan baaritaan dheeraad ah oo ku aadan sababaha kalifay arrimahaasi.

 

Saraakiisha Xabsiyad Puntland ayaa qiray sidoo kale jiritaanka warkan, waxa ayna shegeen in ay dawladda Itoobiya sirdoon badan ujoogaan Puntland, kuwaas oo ka baxsan Sarkaal ay og tahay dawladda Puntland ee jooga magaalada Garowe, kaas oo howshiisu tahay la socodka xiriirka labada dhinac iyo howlaha Safaarada.

 

Puntland ayaa horay ugu eedaysay dawladda Itoobiya in ay jabinayso heshiisyadii horay loo gaaray, isla markaasna Puntland waxa ay sheegtay in dagaalka ka socda Bariga Itoobiya, ay doonayaan dhinacyada ku dagaalamaya in ay usoo weeciyaan gudaha Puntland oo horumar markan gaartay.

 

" Itoobiya & ONLF labaduba waxa ay ku balameen burburinta Puntland, balse cidna kama yeelayno, ONLF dad dagaalkaas usoo dirsatay ayan qabanay, Itoobiyana waan ka qabanay, hal qof oo amaan la'aan keenaya Puntland sharci adag ayuu cagihiisa ku soo raadsaday, waana lugu qaadayaa sida aad og tihiina, hada Xabsiyadeena waxaa ku jira ONLF rag ka tirsan iyo Sirdoonka Itoobiya dad ka tirsan oo Soomaali ah, labadaba talaabo isku mid ah ayaan ka qaadaynaa" Ayuu yiri Sarkaal ka gaabsaday Magaciisa.

 

Aqalka Madaxtooyada ee Puntland ayaa APL ay ka soo xigatay in ay dawladda Itoobiya ka soo codsatay dawladda Puntland in gacanta loosoo galiyo rag ay ku sheegtay, in ay ka tirsan yihiin ONLF, oo lugu hayo Xabsiyada Puntland, isla markaasna ay dooneyso Itoobiya in ay rageeda ka tirsan Sirdoonkeda ee lugu hayo Xabsiyada Puntland ay ka dhigto in ay yihiin ONLF oo sidaas kula baxdo, laakiin Hogaanka sarre ee Puntland ayaa ka biyo diiday arrintaasi.

 

Waqtigan la joogo dawladda Puntland ayaa gobaladedu ay ku sugan yihiin xaalado qatar ah oo dhanka amaanka ah, taasina waxa ay keentay in ay dawladda Puntland ay xirto oo ay sharciga horkeento cid kasta oo ay lugu tuhmayo ka shaqeynta amaan la'aanta Puntland, waxaana dawladdu ay qaaday todobaadkii ugu dambeeyey howlgalkii ugu xooga badnaa kaas oo ay hada maamulayso, waxana ciidan badan la dhigay magaalada Bosaso oo halka ay ka taagan yihiin xiisadahan.

 

Dhamaadkii Sannadkii 2008-dii ayaa sidan oo kale ay ka dhacday gobalada Puntland, taasina waxa ay keentay in dawladdii Puntland ee waqtigaas ay faraha ka qaaday talaabooyin badan oo ay maanta qaaday dawladda Madaxweyne Faroole, waxaana dawladdan ay ka adag tahay dawladdii hore marka loo fiiriyo dhinaca go'aan qaadashada, Madaxweyne Cadde Muuse ayaa sannadkii 2008-dii Wariyaasha ugu sheegay Bosaso in ay amaanka magaaladaasi kala shaqeynayaan dadka rayidka ah, laakiin taasi waxaa ka biyo diiday waqtigan Madaxweyne Faroole iyo kuxigeenkiisa Jeneral Cabdi-Samad Cali Shire, waxa ayna sheegeen in dadku ay yihiin bixiyaal Canshuureed, isla markaasna sugida amaanka ay tahay howshooda, aysan dhag-jalaq usiin doonin hadalada ka imaanaya Odayaasha dhaqanka iyo dadka ay ku sheegeen kuwa fidnimada ugargaaraya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Castro:

quote:Puntland arrests an Ethiopian spy...

Faroole?
^^ :D

 

A transparent attempt to blunt the potential blow coming from the ONLF and its followers. Create fake stories that you're arresting Ethiopian gov't agents. ONLF sympathizers have many areas of the Horn where they can cause pain for reer Puntland (i.e. Kilil 5, Kenya, etc.)

 

Adkeyso, saaxiib ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

This doesn't make sense. If you arrest a spy that works for the Ethiopian government I'm sure you will be ordered to free him at once. This however looks like a damage limitation exercise, a silly PR campaign to gain some positive news. Thats the above article in a nutshell.. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No one orders the state lads, lets not get confused here its Shankaroon that will never even try to arrest an Ethiopian.

 

Good news indeed, no ONLF, no Amhara spies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Adeer this is no joke, and the whole place is not run by Ethiopians but by locals who have managed against all odds to run their own affairs.

 

Ethiopia is a third world country only Somali's like you make it something "special" with influance.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Dabshid:

This is a joke, the whole place is run by Ethiopians, Is this the face saving tactic? Sounds similar to the story AT&T posted
smile.gif

I agree with you, Dabshid, the whole place is under Xabashi control. Anybody that denies that is either in a deep sleep or totally ignorant of how things are done in the Somali peninsula.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Madaxtooyada ayaa usheegay APL in ay hayaan qaar ka mid ah Wardoonka Itoobiya, oo doonayay in ay falal guracan ka fuliyaan Puntland,

waxa ayna shegeen in ay dawladda Itoobiya sirdoon badan ujoogaan Puntland, kuwaas oo ka baxsan Sarkaal ay og tahay dawladda Puntland ee jooga magaalada Garowe

Itoobiya & ONLF labaduba waxa ay ku balameen burburinta Puntland,

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Again no joke lads, Puntland is an indpendent Somali entity ruled by it's unity loving population. The rest is just hate on your part may Allah cleanse your souls of such evil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this