Sign in to follow this  
Sophist

Urgent News; The Imprisonment of the Sultan Buurmadow

Recommended Posts

Sophist   

War Deg deg ah: Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow)Oo Xabsiga Hargaysa loo taxaabay

 

Hargaysa(Radiolaascaanood) war hada na soo gaadhay baa waxuu sheegay in Xabsiga dhexe la dhigay Boqor Cismaan Aw maxamuud (Buurmadoow) Oday dhaqameedkaas oo ka soo jeeda beesha **** sababta loo xidhay ay tahay colaada uu wado riyaale

 

Uu hor istaagay, kuna yidhi Riyaale colaad dadkayaga lagu barakiciyo doonimayno, isagoo Boqor Buurmadoow ka soo jeedo Degaanka Ceel afweyn ee Galbeedka sanaag. waxuu noo sheegay nin ka mid ah maamulka Riyaale magaciisana doonayn in la sheego ayaa waxuu noo sheegay saldhiga Boliska ee ku yaal bangiga agtiisa ee Qeybta boliska. Boqorka la keenay laguna yidhi waad xidhan tahay ,markuu yidhi maxaa la igu xidhanayna uu u shegay Ninka Booliska haysta ee la yidhaa Maxamed Cige Cilmi

 

waxaad la kulmi doontaa Wasiirka Arimaha gudaha ninka lagu magaacbo Ismaaciil Yare, waxaana boqorka loo shegay in lagu sii deyndoono Damiin hadii Odayaal damiinta la helo, loona haysto Qaran Dumis waa sida hadalka uu u dhigay waa Ninka wasiirka arimaha Gudaha ah, ilaa hada Boqorku waxuu ku jiraa Xabsiga dhexe ee jeelka markii la waayey Oday damiinta maadaama

 

Xili habeen ah Gurgiisa lagala soo baxay xiligaasna la soo jeedin cidina damiinan karin..Afadiisa oo ka hadashay sida Boqorka loo jajuubay kuna tilmaantey wax dhaqanka Soomaalida ka baxsan gaadhi weyn baa dalaq lagu siiyey bay hadalka sii raacisay isagoo sii qeylinaya waa nalaga ka xaystey waa siday hadalka u dhigtay Afadiisu, waxaa ber yahanba jiray maamulka isku magacaabay Somaliland inay xidh xidhayeen dadka wax garadka ah oo fikir ahaan diidan kala go'a somaliya tana uguma horeyso, in falkan oo kale lagu kaco waxii war ah ee ka soo kordha xaalka Boqor Buurmadoow waan idiin soo gudbin doonaa

 

 

 

Radiolasscanood

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Boqor Cismaan Buurmadow Oo La Xidhay

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 27 January, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

 

Hargeysa -- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa xalay abaaro 10:30 laga qabtay hotelka uu degganaa ee Hargeisa Club, magaalada Hargeysa, xabsigana loo taxaabay.

 

Xadhigga Boqor Cismaan waxa fuliyey ciidan uu horkacayey Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Cige, waxana uu ka dambeeyey waraysi uu bixiyey Boqorku oo shalay lagu daabacay Wargeyska Jamhuuriya iyo waraysi kaas la mid ah oo xalay laga sii daayey Telefishanka Somaliland.

 

Boqorka oo intii aan la xidhin uu telefoon kula hadlay Tifatiraha Jamhuuriya waxa uu sheegay in waqtigaa qolkii uu degganaa ay boolisku baadhayeen, isagana loo sheegay in uu xidhan yahay. Looma sheegin Boqorka sababta xadhiggiisa iyo cidda uu ka soo fuley midna.

 

Hase yeeshee, abbaaro 10:00 markii uu dhammaaday waraysiga laga siidaayey Telefishan oo aan Boqorka ugu tegey Hotelka waxa goobtaas yimi Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland mudane Ismaaciil Aadan Cismaan oo watey dhawr askari waxaana la dareemay inuu u socdey inuu xidho Boqorka, laakiin rag odayaal ah ayaa la hadlay wasiirka oo ku qanciyey in uu ka noqdo tallaabadaas uu damacsanaa. Waxa kale oo uu Boqorku iisheegay in taliyaha ciidanka Boolisku uu u soo diray Askari, balse uu u sheegay in aanu raacayn ee uu qoraal ka soo qaado.

 

Boqorka waxa la filayaa in loo gudbiyey xabsiga, mana jiro war rasmi ah oo ku saabsan xadhigiisa oo ilaa iyo hadda so baxay.

 

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So Ghelle’s plan is well on course, eh? Unbelievable! What was the old saying “Ama Afkaaga hayso, Ama Riyaale Raac” That truly depicts a rather ghastly scenario - the worse that one could possibly hear in this day and age. Reflections of the old Egal days of rounding up traditional elders for voicing up their opinions. What is next? Torching up their houses!

 

Will the people rightly revolt against these travesties and violation of personal liberties, and finally dislodge Riyaale, or will he be given another lease of live to serve his mentor to the detriment of the vulnerable Somalis?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Like i said in a previous post, all those politico's that ever chewed the fat with siyaad, have got some major cases of amnesisa, that unfortunatley keeps them from learning and applying the new dispensation is all somalia, namely justice and democratic rights such as free-speech e.t.c

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Reflections of the old Egal days of rounding up traditional elders for voicing up their opinions.

Let's hope Riyaale doesn't reach the likes of beer-laawe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Revered traditional elder arrested in Hargeisa

- Tuesday, January 27, 2004 at 17:05

 

Hargeisa (AllPuntland) – Reports coming out of Hargeisa in northwest Somalia (Somaliland) confirm the arrest of Boqor Osman Aw Mohamoud “Burmadow” last night at 10:30pm local time.

 

 

Reports indicate that Boqor Osman, a highly revered elder in Somalia was arrested in his hotel room at Hargeisa Club where he was staying with his wife when a flock of police officers lead by the Chief of Police, Mohamed Ige came to his room placing him under arrest. His arrest is believed to be linked to an interview he had given to one of the local newspapers, Jamhuriya in which Boqor Osman talked about government policy towards the conflict in Sool, Sanag & Ayn criticising President Riyaale and his government for dishonesty, and plans to destroy Somaliland and its people.

 

 

Allowed to make a phone call before his arrest while his room was being ransacked, Boqor Osman gave detailed information about his arrest to the chief editor of Jamhuriya. He was not informed as to the reasoning for his arrest. However, it is believed that his arrest is to do with an agreeably mediation efforts between Puntland and Somaliland over the Sool, Sanag & Ayn conflict that he and other traditional elders had been engaged in. It is not the first time that the Riyaale government has arrested or threatened traditional elders in engaging peaceful mediations.

 

 

Earlier before his arrest, the Minister of Interior, Isma’il Adam Osman with a group of police officers was reported to have visited Boqor Osman with the intention of placing him under arrest. However, traditional elders on the scene learnt about orders to have Boqor Osman arrested, and intervened convincing the Interior Minister not to act upon those orders. It is also being reported that the Minister did not carry proper warranty for the arrest.

 

 

“He was thrown in at the back of a truck. The action of the government to arrest my husband is uncustomary and improper” said Boqor Osman’s wife while speaking to the local media in the wake of Boqor Osman Aw Mohamoud’s arrest.

 

 

It is very unlikely Boqor Osman will have secured bail as no guarantor was available at the time of his arrest.

 

 

Old painful memories when civilians were taken out of their homes in the middle of the night in the Siyad Barre era are what is being replayed here in today’s Somaliland under President Dahir Riyaale Kahin – a former colonel in the notorious National Somali Security (NSS) - a man alleged to have committed crimes against humanity with unmatched expertise in the art of persecution and torturing of innocent civilians.

 

 

Boqor Osman is one of many traditional elders from northwest regions of Somalia who had been voicing their disagreement with government’s policy and handling of the issue concerning Sool, Sanag & Ayn.

 

 

Traditional elders in Puntland State and in Somaliland proposed peaceful resolution to the conflict while urging both administrations to seek other means to end the conflict.

 

 

AllPuntland News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is an interesting story which highlights the situation of the Riyaale regime...........................

 

 

Taliyaha Qaybtu waxa uu I weydiiyay sow ma tihid wasiir Puntland ah, yaa aad u soo sheegtay imaatinkaaga”

 

Hargeysa (Jam)- Mr. Baashe Cali Jaamac, oo mar Wasiir ka ahaa Somaliland, ayaa sheegay in Ciidanka Booliisku qabteen, isaga oo ka soo degay Madaarka Hargeysa, maalintii khamiistii, balse la sii daayay muddo laba saacadood ah kadib, markii uu ku xidhnaa Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Mr. Baashe, oo shalay xadhiggiisa uga waramayay Wargeysyada Jamhuuriya iyo Haatuf, waxa uu sheegay, in Ciidan Boolis ahi ugu yimaadeen Madaarka Hargeysa wakhti yar kadib, markii uu ka soo degay Diyaar uu ka soo raacay Dalka Imaaraadka Carabta, oo uu tilmaamay inuu muddo saddex bilood ah ku maqnaa, kuwaas oo uu sheegay in ay ku wargeliyeen in laga doonayo saldhigga Dhexe ee Booliska Hargeysa.

 

“Markii muddo laba saacadood ah, la igu hayay ayaan askartii meesha I keentay waxa aan su’aalay Dembiga la igu haysto, hase yeeshee, askartii waxay iigu jawaabeen madaxdii naga sarraysay ayaa imanaysa ee sug,” ayuu yidhi Baashe Cali Jaamac.

 

Isaga oo muujinaya in aanu fahamsanayn dembiga loo haysto ee uu galay, waxa uu intaas raaciyay; “Cabaar kadib, ayaa la taliyihii qaybtu soo galay saldhiggii, dabadeedna waa la ii geeyey, markaas ayuu waxa uu I waydiiyay sow ma tihid Wasiir Puntland ah, yaadse isu soo sheegtay imaatinkaaga Hargeysa? Hase yeeshee intii aanu jawaabin, ayaa waxa mar wada dhawaaqay Rag Xafiiska nagula jiray oo yidhi; “Waar waxa aad sheegayso waxba kama jiraan,” kadib, ayaa taliyuhu igu yidhi; “raali ahow waad naga fasaxan tahay, mar haddii aanu jirin warkaasi ciddii samaysayna annagaa dabagelayna?

 

Hase yeeshee, Baashe Cali Jaamac, waxa uu sheegay in abaara 9:00 Cawaysnimo ee isla maalintaa isaga oo soo hoyday Askar doonaysa ugu yimi Hudheelka uu ku soo degay, kuwaas oo uu sheegay in ay dib ugu celiyaan Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa.

 

“Waxaan halkaa ugu tegay taliyaha Qaybta ee Maalinimadii I sii daayay, oo igu sugaya. Waxa uu igu yidhi; “Waxa madaxda iga sarreysa igu amartay in lagu soo xidho, waadna xidhan tahay, ilaa iyagu ay kuu imanayaan, maarkaas ayaa Askartii waxa ay igu bilowday baadhis jidhkaygii iyo alaabtaydiiba, kadibna ii taxaabeen Qolka Xabsiga ee Saldhigga” ayuu yidhi Mr. Baashe, waxana uu intaas raaciyey; “Hase yeeshee muddo markii aan xidhnaa ayaa qolkii la iga soo saaray, waxaana la igeeyay xafiiska taliyaha oo ay fadhiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mr. Ismaaciil Yare, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland iyo rag kale oo odayaal dhinacayga ka socd ah, kadibna Wasiirka Daakhiliga ayaa ila hadlay oo igu yidhi; “Waad fasaxan tahay, laakiin, maalinta sabtida ha inoo ahaato,” sidaa ayaana la igu soo daayay.

 

Mr. Baashe Cali Jaamac, waxa uu sheegay in aanu haba yaraatee waxba ka ogayn sababta xadhiggiisa la xidhiidha iyo dembiga uu galay ee loo xidhay.

 

“Maadaama, aan si rasmi ah la iigu sheegin waxa la igu xidhay, anigu in aan micno u sameeyo ma aha, laakiin, marka aan ogaado xaqiiqada ayaan ka hadli doonaa” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Mr. Baashe Cali Jaamac.

 

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Md. Maxamed Cige Cilmi, oo aanu shalay wax ka weydiinay xadhigga Baashe Cali Jaamac, ayaa sheegay in aanu waxba ka ogeyn xadhigga ninkaas.

 

“Aniga ha i waydiinina waxba kalama socdo ee saldhigyada Booliiska weydiiya,” ayuu yidhi Taliyuhu.

 

Baashe Cali Jaamac, waxa uu Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ka ahaa Dowladdii Madaxweyne Cigaal, badhtamahii sagaashanaadkii, sida oo kale, waxa uu isu sharaxay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland sannadkii 1996kii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nasir   

Boqor cismaan buurmadow meel wayn ayuu ka dhacay, oo go'aankii somaliland dawladu labada marlamaanka iyo sadexda xisbi ay gadheen ayuu waxbayahay ka dhigay. Marlwabuu hadlana eeda wuxuu sarayey dawlada somaliland oo habayaratee wax khalada samayn. sidan wada ognay dawlada somaliland wakhtigii ay ciidankeeda gaysay sool wakhti badan ayaa ka danbeeyey walina wax weerar ah na may qaadin oo waxay doonaysay in si nabada wax ku xaliso, taasina hada way sura galiwayday, oo odayaashii ka soo jeeday besha sool ayey ku gacan dhirbaxeen ciidama puntland, markaas arintani waa fara laga qaad wax uu ka qaban karo buurmadow na majirto wax uu qaso moyee. Dawlada somalilandna ma aha kuwa xidhay ee go'aankaas gaadhay ee beeshu ka soo jeedo ayaa dawlada ka codsatay, shalayna shir jaraa'id ayey ka bixiyeen hargeisa oo kaga cabanayeen buurmadow.. markaas ha la joojiyo ciida laysku qasayo oo runta halala wada socdo walalayaal , ninkani dhib moyee wax nabada muu wadin, waxaa lagayabaa inuu cabdilahi yusuf secretary ba ama spokesman u ahaa lol :D

 

 

peace

god bring peace to somalia and somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqor Cismaan Buur Madow oo Xabsiga lagu tuuray-Waxaa uu ka odayeeyay arin aan u baahnayn in laga odayeeyo. Jan-27-04

 

HWN-Hargeysa:Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa xalay fiidkii loo taxaabay Xabsiga magaalada Hargeysa ka dib markii ay Ciidanka Booliska oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Jan.Maxamed Cige ay ugu yimadeen Huteelka oo dagan yahay ee Hargeysa Club isla markaan aay xubno Ciidanka Booliska ka mid ahi ku gareeceen albaabkii qolka uu ku nool yahay una sheegeen inay amar ku qabaan

in Xabsiga Loo taxaabo inkastoo aanay Ciidanka Boolisku intas u sii

dhaafin.

 

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa isagu ilaa hada wax tafaasiil ah ka bixin xadhiga Boqor Cismaan Buurdadow waxaase la rumaysan yahay in loo xidhay sababo la xidhiidha Boqorka oo sheegay inuu dhexdheexadinayo Somaliland iyo ******teeniya dawladaha jaarkana kala xaajooday arintaas isagoo aanu Boqorku ka hasyan wax fasax ah xukuumada Somaliland isla markaana ay dad

badan oo shacbiga Somaliland ka mid ahi ka biyo diideen talaabooyinka uu ku dhaqaaqayo Boqor Cismaan oo ay u arkaan inuu xidhiidh sokeeye la leeyahay Maamulka C/Laahi Yuusuf oo ay dadka reer Somaliland si aad ah u neceb yihiin.

 

Xadhigan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay ka dib markii ay shalay bayaan ay ku diidna yihiin ka soo sareen magaalada Hargeysa Maayor Ku Xigeenka Magaalada eerigaabo Aniis Saalax Xaaji iyo xubno kale oo beesha Boqorku madaxda u yahay ah kuwaasoo dhamaantood sheegay inuu Boqor Cismaanm bixinayo awaamiir dhan ka ah Go,aankii ay Xukuumada Somaliland,Shacbiga iyo Axsaabtu

ku gaadheen sugida xuduudaha dalka iyo ka hortaga weerarka C/Laahi Yuusuf ee qaawan ee uu ku soo qaaday Somaliland.

 

Xadhiga Boqor Cismaan Buurmadow ayaa dad badan oo ku dhaqan Somaliland ay u arkeen talaabo loo baahnaa wakhtigan waxaanay xuseen in cid kasta oo ka hortikaada mabaadiida guud ee qaranka aan loo tixgalin mansabka iyo magaca ay huwan yihiin,tanina waxay tusaale u tahay Madax Dhaqameedka qaarkood oo

 

 

Hadhwanaagnews Reporter:

 

Husein Ali Dhuuh

 

Hargeysa,Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Whatever happened to 'democracy' in Somaliland? Sounds to me like this Riyale regime is acting in the same manner as its next door neighbor, the Abdullahi Yusuf regime! Like someone above said, members of the old Barre regime will never forget the tactics of the founding father.

 

I hope the traditional elder can be released soon without any civil upheavals or disturbances!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hashim   

Originally posted by Nasir:

Dawlada somalilandna ma aha kuwa xidhay ee go'aankaas gaadhay ee beeshu ka soo jeedo ayaa dawlada ka codsatay,

Haddaba malaha C/lahi Yusuf baa odayga xiray :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Not a good move on the part of ina riyaale. Buurmadow is a good man. It seems Riyaale doesnt miss an opportunity to misstep. Opposition to his government is increasing, he seems to be out of touch with his people. Maybe I'm wrong, but Riyaale doesnt seem to have any vision, direction or goals for his government or would-be nation.

 

 

Just what is going through his head???

 

BN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this