Sign in to follow this  
RedSea

Banabax kadhacay Toronto.

Recommended Posts

Also banaanbaxyo ayaa ka dhacay Mareykanka [Washington DC] iyo Norway this weekend as well. Wararkeeda iyo sawiradii laga soo qaaday waa soo guurin doonaa mar dhow.

 

Also Jimcadda soo socoto banaanbaxaan ayaa ka dhici doono Iswiserlaan.

 

SWITZERLAND

 

Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool wadankaan Switzerland waxaa lagu wargelinayaa in uu dhici doono banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa iyo faragalinta ciidmada shisheeyuhu ay ku hayaan wadanka Soomaaliya. Hadaba waxaa dadwaynaha laga codsanayaa in ay kasoo qaybgalaan banaanbaxaas oo dhici doona

 

Maalinta: Jimacaha ee 23/11/07

Waqtiga: 2:00pm duhurnimo

Goobta: Kasoo horjeedka Xaqunta Qaramada Midoobay ee GENEVE, barxada weyn kadibna waxaa socod lagu tegi doonaa xaafiiska UN.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaaanbax ka dhacay wadanka Finland caasimadiisa Helsinki oo looga soo horjeedo Xasuuqa waxshinimada ah ee ciidamada Itoobiya ay Ku hayaan qowmiyada soomaaliyeed meelkasta ooy joogto

 

find7.jpg

 

find16.jpg

 

find2.jpg

 

Jimcadii oo ay bisha November ahayd 16 ayaa waxaa ka dhacay caasimada wadanka Finland banaanbax aad u balaaran oo lagaga soo horjeedo xasuuqa, barakicinta iyo qabsashada ay xabashidu qabsatey wadanka soomaaliya. Banaanbaxaas oo ay soo qabanqaabisey jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka Finland ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan qofood oo muwaadiniin soomaaliyeed ee degan wadanka Finland caasimiadiisa Helsinki, muujiyeyna dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan xasuuqa iyo barakicinta dadka soomaaliyeed ee loogu yimid guryahooda.

 

Muwaadiniintaas banaanbaxaas ka soo qayb galay oo isugu jirey dhalinyaro, dumar, aqoonyahano, culimaudiin, iyo weliba muwaadiniin Finlandes ah oo ayagu la qaybsanayey murugada lasoo deristey bulsho weynta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, ayaa waxa ay aad ugu qaylinayeen ereyo ay ku dheehan tahay qiiro aad u weyn iyagoo qaarkood ilmeynayey sida; DOONIMAYNO ETHIOPEAN, DOONIMAYNO DAWLAD AAN U NAXAYN SHACABKEEDA, ZENAWI AAD GURIGAAGA, BUSH BEDEL SIYAASADAAD MADOW EE KU WAJAHAN DILKA IYO XASUUQA SHACABKA SOOMAALIYEED, SOOMAALIYA SOOMAALIBA LEH, WAA LALA XISAABTAMI KUWA SHEEGANAYA MAANTA MASUULIYADA SHACABKA SOOMAALIYEED iyo ereyo kale oo badan. Waxaa sidoo kale barbar socdey heeso wadani ah iyo guubaabo ku soo xasuusinaya waqtiyadii la baadigoobayey gobanimada Soomaaliyeed.

 

Hadaba waxaa xusid mudan in dadkaasi sameeyey dibadbaxaasi ay lug dheer kusoo mareen inta badan wadooyinka centerka Helsinki, ayagoo ku hakaday dhowr meelood oo ay u gudbiyeen fariin qoraal ah ee ku aadan cabashadooda. Goobahaasi ayaa waxaa ka mid ahaa hoyga iyo xafiiska madaxweynaha Finland, xafiiska European Unionka ee Helsinki iyo ugu dambayntii isugu soo ururay aqalka looga arimiyo wadankan Finland ee Golaha baarlamaanka. Waxaa dabadeed halkaasi ka soo jeediyey khudbado qaar kamid ah masuuliyiinta qabanqaabisey dibedbaxaasi. Waxaa xusid mudan in mar qura ay soo istaageen masraxa sadex xubin baarlamaan ee ka kala socda sadexda xisbi ee ugu waa weyn wadankan ee kala ah; (Social democratic party, National coalition party and the Green leugue). Wax a ay sadexdaasi masuul si buuxda ugu dhawaaqeen ineysan ka aamusi doonin waxa ka dhacaya soomaaliya oo ay cadaadis ku saari doonaan baarlamaanka Europe iyo beesha caalamkaba in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo xadgudubka aan waafaqsaneyn qawaaniinta caalamiga ee ciidamada Itoobiya ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxa uu si gaar ah u sheegay masuulka xisbiga SDP Mr. Kimmo Kiljunen in ay wadankan degan yihiin kumanaan Soomaali ah oo haysta dhalashada Finland oo ah muwaadiniin Finlandes ah masuuliyadooduna na saaran tahay iyaga iyo dareenkooda ku aadan wadankoodii hooyo ee soomaaliyaba. Sidoo kale in loo daayo aayaha soomaaliya shacabka soomaaliyeed oo quwadaha shisheeye ay kala baxaan faragelintooda. Waxaa sidoo kale hadalkii intaa ka sii wadey Heidi Hautala iyo kaikkonen Antti Samuli.

 

Intaa kadib ayaa waxaa sii socdey khudbooyinkii Culuma'udiinka, indheergaratada Finland, guubaabooyinkii dhanka suugaanta soomaaliyeed oo runtii mudan in la xuso muxaadaro gaaban oo uu sheikh sugule dadka kula dardaarmay, iyo wiilyar oo sidoo kale qiiro geliyey dadkii halkaas isugu yimid dhamaantoo ka dibna buraanbur aad u qiimo badan oo halkaasi ay ka soo jeedisey gabadh Soomaaliyeed, heeso, iwm.

 

Waxaa sidoo kale soo afjarmay oo ay reer Finland ku guuleysteen in ay baajiyaan booqashadii lahadal hayey baryahan in uu ku yimaado wadankan Finland Gudoomiyaha baarlamaanka Embageti Aden Madoobe
. Taasi oo tusaale cad u noqonaysa in cid kasta oo sheeganaysa masuuliyada shacabweynaha Soomaaliyeed aysan soo haweysan booqashooyin Europe iyo America, lagana hortagi doono inta ay taageersan yihiin barakicinta iyo xasuuqa shacabkooda.

 

Isku soo wada duuboo waxaa sidoo kale ka dhacaya inta badan caasimadaha Europe, magaalooyin fara badan ee Maraykanka iyo Canada banaanbaxyo looga soo horjeedo xasuuqa iyo faragelinta ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

 

-----------

 

Reer Finland aad ayee u mahadsanyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaaharaad si weyn la isugu soo baxay oo ka dhacey Minneapolis, Minnesota

 

mpls4.jpg

 

mpls1.jpg

 

mpls6.jpg

 

Nofeembar 17, 2007 - Miniyaabolis - Dad ka tirsan ururadii soo qabanqaabiyey banaanbaxa oo lagu kala magacaabo, Somali Institute for Peace and Justice & United Somali Diaspora, ayaa ku qiyaasey dadka isu soo baxay ilaa kun qofood. Halka isu soo baxay uu ka dhacey ku taal bartamaha magaalooyinka mataanaha ee gobolka Minnesota.

 

Dadka isu soo baxay ayaa ka cabanayey wax ay ku tilmaameen xasuuq ciidamada Ethiopia ee iminka ka taliya wadanka Soomaaliya u geysteen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo madaxda, Mogadishu. Dadka ayaa watey boorar ay ka muuqanayeen masawiro gacmeedyo muujinaya dhib aad u baaxad weyn oo loo geystey shacab badan oo aan waxba galabsan. Boorarka qaar ayay waxay ku cabirayeen sida ay uga soo horjeedaan xariga loo geystey afhayeen golaha midnimada beelaha ****** oo labo isbuuc iminka u xiran dowlada Ethiopia. Waxay sidoo kale siteen masawir ay ka muuqdeen wariyayaal dhawaan lagu diley Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen milkiilihii HornAfrik, Ali Sharmarke, Mahad Elmi & Bashir Nur. Erayadii dadka isu soo baxay ay ku dhawaaqayeen ayaa waxaa ka mid ahaa, “Soomaaliya Soomaali baa leh”, “Arimaha Somaliya waa in Soomali loo daayo”, “Ethiopia ha baxdo” “Bush & Zanawiba oo argagixiso” iyo kuwa kale oo faro badan.

 

Qudbado faro badan, gabayo iyo waliba baraanburo aan kala go’ laheyn ayaa iyagana halkaa laga soo jeedshey. Shaqsiyaadkii mudaaharaadka ka hadley oo aad badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Sh. Hassan Jamici oo wax ka dhiga Jaamacada shirciyada ee William Mitchel Law, Hassan Kornel oo ahaan jirey Kornel ciidamadii booliskii Soomaliyeed, Mohamed Abdullahi (Tiiceey) & Abwaan Cali Xasan oo caan ku ah filmkii flight 13. Waxaa sidaas oo kale halkaa sugaano kale duwan ka soo jeediyey Faadumo Kaahiye, Maryan Axmed Diiriye & gabdho kale oo fara badan.

 

Waxyaabihii dadku ka hadleen oo iyaga oo dhan ku wajahnaa ahmiyada midnimadu u leedahey ummada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ahaa “waxa in Ethiopian xamar ku xasuuqo walaaleheena Soomaaliyeed keeney waa isku duubni la’aanteen” oo uu yiri Sh. Hassan. Sh. Hassan ayaa sidaas oo kale ku canaantey dadka magaalooyinkan dagan ee aan ka soo qayb galin mudaaharaadka ineysan ahayn kuwa qiil u heysta maqnaanshahooda. Shiiqa ayaa ku celceliyey “ku kaalmeeya walaalihiina dhibaateysan codkiina, maalinkiina iyo maskaxdiina … ogaada aaqiro waa la is su’aalayaa qof kasta arintan wuxuu ka geystey”. Mohamed Abdullahi (tiiceey) oo ka mid ah isku dubaridayaashii mudaaharaadka ayaa isna dadkii isu soo baxay ku booriyey in ay iyagu donahooda u istaagan oo aysan dhowrin caalamka. Waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “waxaa muuqata in cid waxa xamar ka dhahayaa ay dhibaysaa oo aan adinka aheyni jirin, aduunka ayaa ka hadlin, Islaamka ayaa waxba ka qaban, afrikana daa warkeeda … hadii aydaan idinku wax isu qaban cid wax idiin qabaneysaa ma jirto… Soomaaliyey dantaada garo”. Col. Hassan Korneyl oo isna halkaa qudbad dheer ka soo jeediyey ayaa wuxuu carabka ku adkeeyey in isu soo baxa la badiyo iyo in laga shaqeeyo sidii wadan dib loogu xoreynlahaa dib loo dhisi lahaa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiiqa ayaa ku celceliyey “ku kaalmeeya walaalihiina dhibaateysan codkiina, maalinkiina iyo maskaxdiina

 

Seems the Sheikh choose the COD only . Maybe he should start practicing what he is preaching and start helping the orphans and sick. Unfortunately these sheikhs think their only duty is to bury you when you are dead.

Share this post


Link to post
Share on other sites

alas! u cant put down a good! good job ole-mnan... beat the drum of freedom and let the amxaar azz kissers be restless 4 sure.

 

where ar kk, m&m, and layzie in here! lool..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbixii ugu weynaa Qaarada Yurub oo maanta Ka Dhacay Magaalada Stockholm

 

S.jpg

 

S4.jpg

 

S5.jpg

 

Maan oo taariikhdu ku beegneyd 19/11/2007 [isniintii] Ayaa waxaa dalkan Sweden Caasimadiisa Stockholm ka dhacay isu soo bixii ugu balaarnaa ee ka dhaca qaarada Yurub Loogana soo horjeedo Xasuuqa ka dhacay/dhacaya Somalia ee ay geeysanayaan Ciidamada Cadowga ah ee Itoobiya. Waxaa ka soo qaybgalay dad lugu qayaasay 900 oo ruux Soomali ah kuwaas oo watay Hal kudhigyo muujinaya Tacadiyo loo geysanayo dadka aan waxba galabsan ee ah shacbiga Soomaaliyeed.

 

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Masuulka ugu sareeyay guddiga Qabamnqaabada Banaabaxan Drs Aamina Siciid (Xoriyo) oo halkaasi ka jeedisay qudbad iyo buraanbur ku aadan Xasuuqa Somalia ka socda isla markaana Jeedisay Qudbad Gumeysi diid ah.

 

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Xaghaya Arimaha Bulshada ee Ururka Dib U Xoreynta Iyo Dib U Soo Noolenta Somalia. Suldaan Garyare Oo sharaxaad dheer ka bixiyay Qaabka Gusmeysigu Somalia Ku soo galay Iyo Qaabka istaraatijiyad ee looga bixin karo Isla Markaana Wuxuu Muujiyay Kalsooni iyo Guul Deg deg ah.

 

Waxaa isna halkaa ka hadlay Halgamaa Sare Maxamed Cumar ( Axyaa Wadani) oo Sharaxaad Tayo leh ka bixiyay Sidii loola dagaalamay Gumeysigii , Kaalintii Shacabka ka qaatay Isagoo shacbiga Soomaaliyeed ugu Baaqay Midnimo Iyo Wax wada Qabsi Isla Markaana Xasuusiyay Dadweynaha in Gumeysigii Talyaaniga sababta Somalia uga Baxay ahayd Isku duubnidii Ay muujiyeen Dadka Soomaliyeed.

 

[sNIP]

 

Markii ugu horeysay ayay ahayd in manta la arkay dadka reer Sweden oo ka qaybgalay banaabax iyaga oo sheegay Ineey la Xanuunsanayaan Shacab aan waxba Galabsan ee Lagu garaacay Taangiyda Milatariga ee Ithiopia isla markaana loo diiday in la gaarsiiyo Gargaar bin adam-nimo.

( Dhab ahaantii Anigu Somali Waxan ka soo shaqeeyay 1984-1986 Waana dal aan jeclahay Maanta waxa ka socda ma ahan wax indhaha laga qarsan karo ) ayay tiri Bergeta oo ka mid ahayd shacabka reer Sweden ee ka Qaybqaatay Banaabaxan.

 

Iskusoo Wada duuboo Maanta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Sweden Guud Ahaan Waxa ay Muujiyeen ineey la xanuunsanayaan walaalahood soomaliyeed ee la xasuuqayo lagana barakinayo isla markaana aan heysan biyo iyo baad toona.

 

------------

 

Mahadsanidiin Reer Iswiidhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bannaanbax looga soo horjeeday xasuuqa iyo Barakicinta ay Ciidamada Gumeystaha Itoobiya kula kacayaan Ummada Soomaaliyeed oo ka dhacay Magaalada Geneve UN-ka hortiisa

 

dsc00077.jpg

 

dsc00072.jpg

 

dsc00085.jpg

 

dsc00075.jpg

 

[
Wiil daljecelnimo dhab ka tahay. Wiligaa jir, abti
]

 

Banaanbax aad u balaaran ay soo abaabuleen Ururada Dhalinyarada & bulshada ee Midowga jaaliyadaha Switzerland oo maanta 23.11.07 [Jimcadii], ka dhacay Magaalada Geneve ee cariga Switzerland.

 

Mudaharaadkaas oo looga soo horjeeday xasuuqa iyo Barakicinta baaxada leh ee ay Ciidamada Gumeystaha madoow ee xabashada kula kacayaan, dhamaan Ummada Soomaaliyeed si kala har aan lahayn ! qaasatan shacabka Muqdisho.

 

Dad tiradooda ay kor u dhaaftay ilaa iyo ku dhowaad 500 qof ayaa Jimcadii 23.11.2007 isugu soo baxay United Nations-ka, Geneve, Xarunta Qaramada Midoobey (UN-ka).

 

Isku soo baxaan oo loogu magacdaray (Ilintii Soomaaliya) ayaa ahaa mid ula jeedkiisu aheyd mid jaaliyadaha Somaliyeed ee ku dhaqan cariga Switzerland, sida ay uga xun yihiin, kagana ashtakoonayaan caalamka, dhibaatada baaxada leh, Xasuuqa aan loo meel dayan, barakicinta aan taariikhda aadanaha lagu arag, caburinta ay Gumeystaha madoow ee Xabashida ku hayaan Shacab weynaha Soomaaliyeed.

 

Jaaliyadaha Somaliyeed ee Switzerland, oo aad iyo aad ugu careysan aamusnaanta beesha caalamka, qaasatan UN-ka, (Qaramada Midoobay) ayaa sitay Boorar ku qoran halku dhegyo iyo sawiro taariikhdu xusi doonto, muujineysayna falalka arxan darada iyo Halaaga umada Somaliyeed loo geeystay, iyadoo loo adeegsanaayo, calooshood u shaqeystayaal iyo Dowlada fashistaha ah ee Itoobiya.

 

Waxaa halkaas ka hadlay, oo kasoo jeediyay qudbado xasaasi ah, Sheikh Cafif. Oo ka socday gudiyada Bern.

 

Waxaa xigsaday Axmed Dhicisow (Zurich), oo ah caaqiliinta Soomaaliyeed ee dalkana ku dhaqan, waxaa kaloo ka hadashay, goobtaas, Xaliima Sacdiya (Geneve) Mustaf Bashiir Goobdoon (Zurich), Qalimoow (Zurich), iyadoo uu soo qatimay qudbooyinka Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Bern (Dr Aadan Ibraahim).

 

Gudi ka kooban jaaliyadaha gobolada Switzerland ayaa u gudbiyay, xoghaynta Amniga iyo Xoghaynta Guud ee Qaramada Midoobay, warqad ay si wada jir ah u soo diyaariyeen, gudiga qabanqaabada iyo Jaaliyadaha Somaliyeey ee Switzerland, taasoo ay hoosta ugu xariiqeen, dacwad ka dhan ah, horjoogayaasha xasuuqa ba�an ee ciidamada gumeysiga xabashada ka wadaan dalka Somaliya iyo, ka kaalmo la i�da shacabka la barakiciyay ee beesha caalamka.

 

Waxaa kaloo daba socday, iyadoo mar walbaa uu ka soo baxo qof xafiiska qaramada midoobay, in dhalinyaro somalia ah ay gacanta kasaarayeen, warqad muujineysay xaalada murugada iyo nasiibdarada haysata somaliya.

 

Sharaxaad koobana ka bixineysay, Waxa mudaaharaadka ku saabsan yahay, Iyadoo sidoo kale la wargelinaayay, dad weynaha reer Geneve guud ahaan.

 

Ma ahan markii ugu horaysay ee Switzerland laga dhigo banaanbaxan oo kale, Waxa uuna daba socdaa, kuwa ka dhaca qaarada Yurub iyo Amerika Jaaliyadahana waxey balan ku qaadeen in ay wadayaan illaa iyo inta uu gumeysiga Ethiopia wadanka uu ka baxayo.

 

[With more pictures.]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Originally posted by Seekknowledge:

Aren't almost all on welfare in Geneve and Stockholm and most of them going to England pretending to be newcomers?. I see they are all well fed.

What's the mattter? They didn't have nice pics of Zenawi and Abdullahi Yusuf?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Even the kids...that is good to see saxibayaal thank you so much.

 

Dadka kasoo qayb galay oo roobka iyo dhaxanta marafka taagana Ilahay khayr hasiiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DIBADBAX BALAARAN OO AY KU MUUJINAYEEN DAREEnKOODA JAALIYADA SOOMAALIYED EE DAGAN DALKA IRELAND, KAAS OO AY UGA SOO HORJEEDAN FARAGALINTA QAAWAN EE AY ITOOBIYA OO AY DABADA KA RIIXAYSO DAWLADDA MARAYKANKU

 

ir71.jpg

 

ir61.jpg

 

ir7.jpg

 

ir1.jpg

 

Waxaa Sabtidii [Diseember 01] barqanimadii ka bilowdey Xarunta wadanka Ireland ee Dublin, isu soo bax balaaran oo ay ku mujinayen Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Ireland Shacuurtooda ku aadan "xasuqa dadban iyo kan tooska ah ee ay ku hayan Dawladaha Itoobiya iyo Mareykanka", kaas oo aan lookala abaa yelin Bulshada somaliyed ee lagu barakiciyey magaalada Muqdisho iyo nawaxigeeda.

 

Dadka bannaanbaxayey waxay socod dheer ku soo mareen Safarada Maraykanka iyo tan Itoobiya, ugu danbayntiina ku soo aruureen aqalka Barlamanka halkaas oo ay wax garadka jaliyada Soomaaliyeed ee reer Ireland kula hadleen ayna ku soo bandhigeen khudbado xambarsanaa Qiiro iyo wadanino.

 

Dadwaynahaan oo ruxayey tabeelayaal ay ku xardhanyihiin sawirda hogamiyayasha sadexda dowladood iyo halku dhigyo ay ka mid ahaayen "ha dhaco Bush Iyo Sanawi iyo dabadhilifyada u shaqeeya, ha naga baxdo Itoobiya Dalka Soomaaliya si sharuud la'an ah hada."

 

Waxay gudigii soo qaban qabiyey banaanbaxaan u gudbiyeen waraaqo ku saababsan cabashadooda baarlamaanka dalkan Ireland iyo Safaarada Mareykanka.

 

Waxaa kale oo dadkii soo abaabuley mudaaharadka u qaybiyen farimo ay ku mujinayeen dhibaatada Itoobiya ay ku hayso Shacabka Soomaaliyeed.

 

Banaanbaxaan ayaa ugu dambeyntii ku soo gaba gaboobay si guul ah.

 

----------

 

Reer Ayrlaan waa mahadsantihiin, daljecelnimada iyo Soomaalinimada aa muujiseen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kumanaan kun oo Soomaali ah oo ku hor banaanbaxay xafiiska raisul wasaaraha Ingiriiska

 

Mudaharaad3.jpg

 

muda.jpg

 

Mudahaard1.jpg

 

Banaanbixii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeeda xusuuqa & gumaadka ciidamada gumeysiga Itoobiya ay ka wadaan gobolo ka mid ah Soomaaliya oo ay magaalada Muqdisho ku jirto ayaa maanta lagu qabtay guriga raisul wasaaraha Ingiriiska Golden Brown ee ku yaal wadddada downining street ee bartamaha London, waxaana dadkii banaanbaxaasi ka qeybgalay oo u badnaa hooyooyin, dhalinyaro rag & dumar isugu jira, siyaasiyiin, oday dhaqmeedyo, aqoonyahano, ganacsato, cuqaal & waxgarad kala duwan ay ku muujinayeen sida ay uga gilgilanayaan xusuuqo & barokaca aan loo aabo yeelin ee ay magaalada Muqdisho ka geysanaan ciidamada Itoobiya.

 

Dadka banaanbaxayey oo aad u qiireysnaa, ayaa ku qeylinayey hal ku dhigyo ay ka mid yihiin Itoobiya ha ka baxdo dalkeena, Mareykanka waxey doonayaan in ay Soomaaliya u gacma duubaan Itoobiya" "Dowladda Ingiriiska waa in ay muujisaa mowifkeeda ku aadan gumaadka shacabka Muqdisho" iyo hal ku dhigyo kale.

 

Cabdalla Nairobi oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay banaanbaxa ayaa sheegay in banaanbaxa maanta dhacay uu mid aad ugu ballaarnaa banaanbaxyadii ay horay u abaabuleen, uuna ku dhammaaday sidii loogu talogalay, shacabkii ka qeybgalayna ay si weyn uga dhiidhiinayeen xusuuqa Muqdisho

 

Itoobiya nama cawaansan laheyn oo caruurteena & hooyooyinkeena ma layn laheyn ee waxaa noo soo horkacay kuwo camiil ah oo doonaya in ay dalkii iibsadaan, laakiin waxey dalka ka carari doonaan iyagoo guuldarro badan qaba oo fashilmay, shacabka Muqdisho-na waa inuu garab istaagaa halgamayaasha xaq u dirirka ah, lana sabro" ayuu yiri Cabdalla Nairobi, wuxuuna xusay in ay diyaar la yihiin in ay wax walba u huraan sidii dalka looga xoreyn lahaa gumeysiga Itoobiya.

 

-----------

 

Banaanbaxa Sabtidii ayuu dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this