Sign in to follow this  
nuune

Another peace deal signed, is this the Caravan!!

Recommended Posts

nuune   

Mogadisho 27- 10 - SHAACIYE

 

HIRGELINTA HSHIISKA JABUUTI:- JOOJINTA COLAADDA HUBEYSAN

 

26 OKTOOBAR 2008-10-26

 

HOR DHAC:

 

Iyadoo la raacaayo Heshiiskii Jabuuti ee 19-ka Agoosto 2008, laga billaabo 26-ka Oktoobar 2008, dhinacyada, TFG iyo ARS waxay go'aansadeen:-

 

1)- joojinta colaadda iyo kor u qaadista wacyiga dadka

 

A- inay joojiyaan abaabulka colaadda, iyadoo la adeegsanaayo warbaahinta dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba

 

 

 

B- waxay ugu baaqayaan taageerayaasha labada dhinac iyo dadka Soomaaliyeedba in ay u hogaansamaan, taageeraanna joojinta colaadda hubeysan, si loogu daneeyo maslaxadda Soomaaliya.

 

2)- Xabad joojin.

 

A- laga bilaabo 26-ka Oktoobar 2008, waxaa lagu dhawaaqay dhowris xabbad joojin, waxayna hirgeleysaa laga billaabo 5-ta November 2008.

 

B- Ciidanka hordhaca ah ee soo celinta nabadda iyo amniga magaalada Muqdisho iyo meelaha kaleba wuxuu diyaar ku noqonayaa muddo 45 cisho gudahood, oo dib loo cusbooneysiin karo, kana billaabaneysa 10-ka November 2008.

 

3)- Guuritaanka ciidamada Itoobiya

 

A)- laga bilaabo 21-ka November 2008, ciidamada Itoobiya waxay ka guurayaan goobaha ay dadweynuhu deggenyihiin ee magaalooyinka Beledweyne iyo Muqdisho sida, Towfiiq Garoonka Ciyaaraha, Warshadda Baastada, Xayle Bariise iyo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

 

B)- Nabadgelyada goobaha ay baneeyaan ciidamada Itoobiya waxaa marka hore la wareegaya mas'uuliyadooda Ciidamada AMISOM oo kaashanaya Ciidamada TFG-da iyo Ciidamada ARS-ta, inta dalka la keenaayo ciidamada Nabad Illaalinta ee Qarramada midoobay.

 

C)- Wejiga labaad ee bixitaanka ciidamad Itoobiya waa inuu ku gebagaboobaa 120 maalmood gudahood, sida uu qabo Heshiiskii Jabuuti ee 19-kii Agoosto 2008.

 

Mas'uuliyadda

 

A) Wejiga hore, TFG iyo ARS waxay diyaarinayaan ciidamo Boolis oo tiradoodu dhantahay 10.000, si ay u ilaaliyaan ammaanka iyo nabadgelyada Muqdisho iyo Gobboladda kale.

 

B)- UNPOS waxaa laga codsanayaa inay dab.oosho baahida dahqaale ee ciidanka laga billaabo 5-ta November 2008.

 

C)- Laga bilaabo 10-ka November 2008, laguna daro 15 maalmood, Guddiga Wada-jirka ah ee Arrimaha Nabadgelyada iyo Guddi hoosaadyadiisa waxay ku shaqeynayaan Soomaaliya, si ay u hirgeliyaan xabad joojinta guud.

 

D)- Gudiga Wada-jirka ah ee arrimaha Nabadgelyada wuxuu u howlgalayaa badbaadada kaalmada Bani'aadaminom iyo gaarsiinteedaba.

 

E)- Tafaasiisha farsamada MIlateriga ee heshiiskani waxaa lagu diyaarinayaa muddo 10 cisho gudahood ah oo ka bilaabaneysa marka la saxiixo Ducomentigan.

 

Dowladda federaalka KMG Soomaaliya­________ isbaheysiga dib u xoreynta n Soomaaliya

 

Goob-joogeyaal

 

Q/midoobay _______________________________Midowga Africa

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

3)- Guuritaanka ciidamada Itoobiya

 

A)- laga bilaabo 21-ka November 2008, ciidamada Itoobiya waxay ka guurayaan goobaha ay dadweynuhu deggenyihiin ee magaalooyinka Beledweyne iyo Muqdisho sida, Towfiiq Garoonka Ciyaaraha, Warshadda Baastada, Xayle Bariise iyo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

 

B)- Nabadgelyada goobaha ay baneeyaan ciidamada Itoobiya waxaa marka hore la wareegaya mas'uuliyadooda Ciidamada AMISOM oo kaashanaya Ciidamada TFG-da iyo Ciidamada ARS-ta, inta dalka la keenaayo ciidamada Nabad Illaalinta ee Qarramada midoobay.

 

C)- Wejiga labaad ee bixitaanka ciidamad Itoobiya waa inuu ku gebagaboobaa 120 maalmood gudahood, sida uu qabo Heshiiskii Jabuuti ee 19-kii Agoosto 2008.

Qodobka "A" ee Heshiiskan waxa uu dhigayaa in ciidmada Itoobiya ka guuraan goobaha dadweynaha ay daganyihiin laga bilaabo 21ka November, balse qodobkan ma cadeyn mana sheegin halka ay u guurayaan ciidamadu.

 

Qodobka "C" ee heshiiskan ma sheegin 120ka maalmood ee bixitaanka Itoobiya goorta uu bilaabanayo, mana la dhihi karo waxey ka bilaabanaysaa 21ka November maadaama ay tahay 21ka November halka ay ciidamada Itoobiya ka guurayaan goobaha ay dadweynaha daganyihiin balse aan la garanaynin halka ay ciidamadaasi qabanayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Yes nuune...wax bixitaan gebi ahaan ah oo ay Itoobiyaanku Soomaaliya ka baxayaan meesha loogama jeedo. Plus Ugandans-ka marka la fiiriyo dhaqankoodii bilaha uga dambeeyey maxay ka duwan yihiin Itoobiyaanka?

 

I think Soomaaliya IGAD ayaa waalaysey illaa 2002, awalse Itoobiya keliya ayey ahayd haddase way upgrade-gareysey dedaalkeedii inay dalkaan jahawareer ka abuurto oo IGAD wax la yiraa oo ay iyadu dominate-gareyso ay ku gafuur-tirato. Dadka Soomaaliyeed ma ahan kuwa caqli xun wayna u jeedaan qiyaanada Itoobiya damacsan tahay.

 

Although aan garabka casmara arrimo dhowr ah ku khilaafsanahay haddana I am afraid inay muuqato in heshiiska Shiikh Shariif uu sidaas u shaqayn doono, balse wixii dhici doona Ilaah baa og. Ma u malaynayo in muqaawammada oo idil ay Shiikh Shariif ka wada amarqaataan amase ku ra'yi yihiin.

 

I think in idaacad laga hadlaa uusan heshiis keenaynin balse markii aan arko Shiikh Shariif laftiisa iyo ragga aan ognahay inay inta badan dibedaha dalka ka tageen markii ay Soomaaliya tagaan qudhoodu in markaas ay rajo heshiis muuqan doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Waa war wanaagsan, laakin Su'aal baa ka taakan nimnkan heshiiska saxiixay, qiimaha ama saamayn ay ku samayn karaan waxa ka socda wadanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

I think someone should answer question raised. Where in (Mogadishu and Beledweyne)will the Ethio troop be withdrawn to? Why only Mogadishu and Beledweyne and not other places like Baidoa? Do the Ethios have to move out of the schools they've been moving into in the last few weeks ( probably in anticipation of the this agreement)? What happens if the Ethios do withdrawal from Mogadishu only to attack Kismaayo? WHEN IS THE 120 DAYS DEADLINE TO FULL WITHDRAWAL EXPECTED TO END? IF THEY DO WITHDRAWAL IN 120 DAYS, WHAT GUARANTEES THEY WON'T RETURN ANYTIME THEY WANT TO? IS THERE A CEASE FIRE IN PLACE?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nabadgelyada goobaha ay baneeyaan ciidamada Itoobiya waxaa marka hore la wareegaya mas'uuliyadooda Ciidamada AMISOM oo kaashanaya Ciidamada TFG-da iyo Ciidamada ARS-ta

This is the funniest part of the said heshiis ....

 

Imagine AMISOM - a command

 

TFG - Another command

 

ARS - with their independent command ,,

 

 

Haye ,,, yaa wax amraya marka yaase la amrayaa ??? .. or they will have different bases with their different commands ?? ,,,

 

and what is the difference if the Ethiopians evacuate from Garoonka ciyaaraha and move to kaaraan or Kasabalbalare ??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

I am afraid this peace deal will not change the reality on the ground until the likes of Abu-Mansur, Turki and the rest are influenced to come on board. Jug Jug Meeshada Joog comes to my mind.

 

Allah knows the best!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

This is the funniest part of the said heshiis ....

 

Imagine AMISOM - a command

 

TFG - Another command

 

ARS - with their independent command ,,

 

 

looooooooool..........dadka Soomaaliyeed baa lagu ciyaarayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

UNPOS waxaa laga codsanayaa inay dab.oosho baahida dahqaale ee ciidanka laga billaabo 5-ta November 2008

So the UN will go to each one and give their share of the dhaqaalaha ,,,, that means each one will come up with their own list competing the number of the militia they have in order to get the biggest part ,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Guys give peace a chance - those suffering violence in Mogadishu are not those that are fighting amid each other but innocent civilians who are caught in between. How long do you intend to measure the successes of the struggle on the number of dead innocent civilians.

This deal which you are skeptical about calls for , primarily, the withdrawal of the Xabashi forces and the unifying of the Islamic Courts militias and that of the TFG - and if you were looking for anything other than that then you certainly were not sincere in your heart.

Yes there are those who are armed and will resist this agreement but at the end of the day what matters and what will win is the interest of the people not the need and desire of few.

Give peace a chance please

Share this post


Link to post
Share on other sites

We are all talking about peace sxb ,, well, maybe except few members but i don't want people to celebrate for something that will cause even more fighting and -chaos.

 

Remember last time when the same agreement was signed and nothing has changed but more killing ??

 

The agreement is still vague sxb ,, and unless it is clarified then each side will have its own explanation to cover their ill-fated intentions and some will even argue that the agreement has not been yet signed ..........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Who was that man, who said in the current Somalia context, optimists are the worst criminals? I tend to agree. And who is this minnow Shariif who is confusing us with baloneys when the stage is set for a perpetuation of the occupation in Nairobi? While we may be dealing with genuine naivety here, it will be good to be prepared for the possiblity of a 'dwarfish thief in a gaint's ropes' analogy. Someone is feeling oversized. This Sharif!

 

No one hates peace, but people have reason to oppose shady deals that will only stretch the days of suffering for the Somali people. Meesha waxba kama soo naasa cada! Saying that isn't opposing peace!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this