Sign in to follow this  
Gabbal

The Somali flag raised in the State of Ohio's seat of government, the State House.

Recommended Posts

Gabbal   

49 guuradii 1da Luuliyo oo lagu maamuusay calan saarid aqalka looga arrimiyo gobolka Ohio (Ohio State House)

 

Ahmed Hosh (Luuliyo) Columbus, Ohio: Calanka Soomaaliya ayaa si rasmin ah looga taagay aqalka looga arrimiyo gobolka Ohio ee looyaqaan Ohio State House. Calan saarida ayaa lagu maamuusayay maanta oo ku aadan maalintii xoriyada iyo midnimada ummada Soomaaliyeed ee 1da Luuliyo ama sanad guuradii 49 aad ee maalintaas ummada Soomaaliyeed qaaliga ku ah.

 

Waa markii ugu horeysay ee calanka ummada iyo dalka Soomaaliya si rasmi looga maamuuso ama xuso dalka dibadiisa, ayadoo si rasmi maalintaan qaaligaa uu uga ruxanayo rugta looga taliyo gobalkan Ohio oo ay Soomaali badani dagan tahay. Dadkii munaasabadaan ka soo qeyb-galay oo ay ka muuqatay farxad aad u saraysa ayaa muujiyay sida buuxda ee ay ugu mahad celinayaan dadkii iska xilqaamay ama suurto galiyay xuska maalintaan taariikhigaa iyo in calanka Soomaaliyeed laga garab lulo midka dalka Mareykanka iyo kan gobolka Ohio.

 

Hawshan qirada weyn ee sida buuxda ay u soo dhaweeyeen ummada Soomaaliyeed ayaa waxaa gacan weyn ka gaystay inay suurto gasho mudane Carlton Weddington oo ah mudane aqalka hoose ee gobolka Ohio laga soo doortay matalana degmada 27 aad oo ay u badan yihiin Soomaalida ku sugan gobolka Ohio. Waxaa sidoo kale gacan ka gaystay Eileen Y. Paley oo iyana xubin ka ah gollaha gobolka ee dowlada hoose.

 

Dhanka kale waxaa dadaal buuxa hawshan inay suurto gasho u galay guoodmiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Columbus, Xasan Cumar iyo madaxa hayda Helping Africans New Direction HAND isla markaana ahna tifaftiraha wargayska Somalilink Mudane Mahdi Taakilo. Waxaan sidoo kale kaalin muqadasa hawshaan ka qaatay dhalinyarada una badan ardayda jaamacda Soomaaliyeed ee gobolkan Ohio iyo shaqsiyaad dadaal dheeri ah hawshan ka gaystay oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

 

Si kastaba ha ahaatee ka soo qeyb-galayaashii munaasabadan ayaa ahaa kuwo fikirka calan saarida ee gobolkani ku maamusay ummada Soomaaliyeed aad ulla dhacsanaa. Ibrahim Xarfi oo kamid ah ardayda jaamcada OSU oo aan dareenkiisa waydiiyay waxaa uu iigu jawaabay ” dhab ahaantii waa arrin aad loogu farxo oo ka duwan wajigii hore ee Soomaalida looga bartay, waana arrin ku dayasho mudan”

 

Hooyooyinka iyo duqayda Soomaaliyeed ee halkaasi isugu soo baxay ayaa ayaguna muujiyay dareen farxadeed oo aad u sareeya. Waxayna dhamaan ka soo qeyb-galayaashu halkaasi ku wadaageen waqti aad qaali u ah oo farxadeed.

 

1da luuliyo ayaa ah maalin qaali ku ah ummada Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaanba, waa maalinta

 

midnimada iyo xoriyada Soomaaliyeed. Dalka Soomaaliya ayaa mudo aad u dheer waxaa ka aloosan colaado wajiyo badan oo aan joogsan. Taasina waxay keentay in malaayiin Soomaali ahi caalamka intiisa kale nolol ka samaystaan. Magaalda Columbus ee gobolka Ohio ayaa lagu tilmaamaa inay tahay magaalda ugu Soomaalida badan dalkan Mareykanka, waxaana ku nool ummada Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 45,000. Soomaalida reer Columbs gabi ahaan waxay u arkaan xuskan iyo calankooda ka babanaya magaalo madaxda gobolkay horumar aad u weyn. Luuliyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

The UK has marked the 1st of July by raising the blue flag over major town halls. including the one in my borough.

 

Such a sight and the one above sure revive the hope in us all.

 

May Allah bless Somalia and its people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Calm down Calm down guys, its just a peice of cloth, somalia is still somalia, bloodshed, terror, tahriib, piracy, and suffering, at the end of the day its people who have to turn this mess around not that peice of cloth, with respect to it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this