Sign in to follow this  
General Duke

Somaliland so much for free press..

Recommended Posts

Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa xukun xadhig iyo ganaax lacageed isugu jira ku xuntay masuuliyiinta wargeyska Haatuf oo muddo laba bilood ku dhow ku xidhnaa xabsiga Mandheera, isla markaana waxay maxkamadu soo saartay amar iridaha loogu xidhayo wargeyskaas.

 

hadhwanaag 2007-03-04 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-

Si ay ay shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen weriyaal iyo hawlwadeeno sar sare oo ka tirsan wargeyska Maalin laha ah ee Haatuf, maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa ayaa saaka xukun iyo qaraar ka gaadhay dacwada loo haysto Gudoomiyaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, Tafatiraha wargeyskaasi Cali Cabdi Diini, iyo wariyaha wargeyska uga soo warama Gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh oo loo hastay inay baahiyeen eedeymo musuqmaasuq oo ka dhan ah qoyska madaxtooyada.

 

Maxkamadu waxay saaka xabsiga mandheera kaga dhawaaqday xukun kala duwan oo ay ku riday suxufiyiinta wargeyskaas.

Waxaanu xukunkii maxkamadu u dhacay sida:

 

1.Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxay maxkamadu ku xukuntay 2-sanno oo xadhiga

2. Tafatirihii wargeyska Cali Cabdi Diini waxa lagu xukumay xadhig dhan laba sano iyo badh

3. Maxamed Cumar Sheekh weriyihii Gobolka Awdal ee Wargeyska Haatuf waxa isna lagu xukumay laba sano iyo Badh xadhiga.

 

Sidoo kale waxay maxkamada Gobolku masuuliyiinta wargeyska Haatuf ku xukuntay 5,000,000 Sl sh (Shan malyan oo shilinka Somaliland ah), waxa kale oo ay maxkamadu amar ku bixisay in iridaha loo xidho wargeyska Haatuf.

 

Dhinaca kale Xukunkan ka soo baxay maxkamada Gobolka Hargeysa waxa uu ku soo beegmay iyadoo maalinta beriya Golaha wakiiladu cod u qaadayo mooshin xukuumada lagaga dalbanayo dhaqangelinta xeerka Saxaafada iyo joojinta waxay ku tilmaameen cabudhinta saxaafada Xorta ah

 

Sidoo Maxamed Aamin oo ka tirsan wariyaasha wargeyska Haatuf oo aanu saaka wax ka weydiinay sida uu u arko xukunka maxkamada gobolka ee ka dhanka ah masuuliyiintooda ayaa sheegay inay u arkaan xukun sharci daro ah oo bilow u ah cabudhinta saxaafada madaxa banana.

Maxamed Aamin waxa intaasi ku daray inaanay marnaba aqbalayn xukunkasta oo sharci daro ah.

 

 

Weriye, Mustafe-janaale

Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa

E-mail, janaale94@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xabsi Dheer Iyo Ganaax Lacageed Ku Xukuntay Afar Suxufi, Wargeyska Haatufna La Xayiro

 

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 4 March, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

Mandheera (Somaliland.org) – Afar suxufi oo ka tirsan wargeyska Madaxa bannaan ee Haatuf oo saddex ka mid ahi ay xidhan yihiin ayaa lagu xukumay maanta xabsi kala duwan oo ah 2 sannadood iyo 2 sannadood iyo badh. Isla markaana waxa ruqsaddii lagala noqday wargeyska Haatuf.

 

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo dacwadda suxufiyiinta Haatuf ku dhegeysnaysey Xabsiga ay ku xidhan yihiin ee Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka suxufiyiintaas.

 

Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah Guddoomiyaha Shabakadda Haatuf oo lagu eedeeyey is hortaag ciidan ayaa lagu xukumay 2 sannadood oo xadhig ah, halka, Cali Cabdi Diini oo ahaa tifatiraha Wargeyska Haatuf, Maxamed Cumar Sheekh oo ahaa weriyaha Wargeyska Haatuf ee Gobolka Awdal iyo Maxamedrashiid Muxumad Faarax iyagana midkiiba lagu xukumay 2 sannadood oo xadhig ah. Waxa kale oo ay maxkamaddu xukuntay in la xayiro soo saarista Wargeyska Haatuf iyo ganaax lacageed oo dhan 5 Milyan oo SL.shs ah.

 

Saddexda suxufi oo laba ka mid ahi xidhan yihiin, waxa lagu eedeeyey waxyaabo ku soo baxay wargeyska oo Xeer Ilaalintu ku tilmaantay inay yihiin Aflagaaddo Madaxweyne, kicin, falal iska horkeenaya bulshada, inay faafiyeen arrimaha ciidanka iyo waxyaabo la mid ah.

 

Weriye Maxamedrashiid Muxumad Faarax oo isagu ahaa ninka qoray taxane soo bandhigay xogo caddaymo wata oo ku saabsan musuqmaasuqa qoyska Madaxweyne Riyaale, kaas oo sababay xadhiga suxufiyiinta Haatuf ayaa la xukumay isaga oo dibad joog ah, kadib markii uu ka baxsaday qabashadii booliska.

 

Garyaqaanka u doodayey suxufiyiintaas, Maxamed Carab Cabdi ayaa ku tilmaamay maxkamadda xukunkan gaadhey maxkamad gaar ah oo aan sharci ahayn.

 

Waxa kale oo cambaareeyey xukunka Maxkamadda, ururka Suxufiyiinta SOLJA iyo ururrada xuquuqul Insaanka Somaliland.

 

Inkasta oo Maxkamaddu saaka ku dhawaaqday go’aankeeda ah in albaabada loo xidho Wargeyska Haatuf, haddana, xarunta wargeyska oo aan galabta tegey ayaa shaqadu si caadi ah uga socotaa, iyada oo ay suxufiyiintu diyaarinayeen caddadkii wargeyska ee berrito soo baxaya.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Four Somali journalists sentenced for defamation

(Reuters)

 

4 March 2007

 

HARGEISA - A Somaliland court sentenced four journalists on Sunday to jail terms ranging from two to two-and-a half years for defaming the country’s president and revoked the licence of the paper that employed them.

 

 

Three of them had been detained since January while the fourth was sentenced in absentia. They worked for the local daily HAATUF and were accused of defaming Somaliland’s President Dahir Rayale Kahin.

 

The regional court in Hargeisa also fined the newspaper 5 million Somaliland shillings and revoked its licence, drawing criticism from a rights groups accusing Somaliland of muzzling the press.

 

The East and Horn of Africa Human Rights Defenders Network, a little-known group, said the journalists had not received a fair trial. It said the 5 million Somaliland shillings was equivalent to $800.

 

‘The international community needs to speak out on the conduct of justice in Somaliland,’ it said in a statement.

 

‘I call upon the government to lift the ban on HAATUF’s publication and allow the media to flourish as part of an ongoing democratisation process,’ it quoted its chairman Hassan Shire Shaikh as saying.

 

Despite its relative stability compared to the rest of Somalia, so far the world has withheld recognition of Somaliland, preferring the old colonial borders to avoid opening a Pandora’s box of secession conflicts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dear world: Since when did you care about Somaliland!

 

As I write this article, many news makers are copy pasting from

Somaliland's media that four journalists have been sentenced for

"insulting" the first lady. Despite this unhappy ending, I congratulate

Somaliland's media for reaching this high level of controversy and I thank

everyone helping Somaliland to finally reach the paramount of freedom of

speech. Having that said, I like to focus on the most ironic scene of this

sad catastrophe which no one has noticed.

 

Have you wondered why the news of sentencing journalists in democratic

Somaliland is mentioned in newspapers like al Khaleej from UAE, a country

where all media is owned or controlled by the government? I also wonder

since when did the world care about Somaliland? How dare they ask us to be

fully democratic, free and respect human rights when the world does not

respect the freedom and the human rights of Somaliland by denying its

existence and quest for international recognition?

 

Riyale has jailed four men; sure that is a sad development. However, what

about putting 4 million people in the jail of being ignored and

unrepresented? Somaliland has everything any nation has and more for quite

number of years now. So, If you are journalist, we don’t want you to care

about those in the small jail, I sure you it’s the same outside. At least

now there are recognized internationally as the poor journalists!

 

Finally I conclude this message advising the Somaliland government to

cancel all elections, kill these four so called journalists, sell drugs to

ships who cross the international Gulf of Aden, welcome terrorism and

build centers for children sexual exploration. If we are not welcomed in

the right world and got sentenced for nothing but being ourselves, lets

move on to the other world where Osama bin laden and Israel will welcome

us with open arms.

 

 

Somaliland.org

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

^^^If there is a union between Somalia and Somaliland guess who is gonna lose the most? Think about that for a minute!

 

Mogadishu and Hargeisa are more connected than you can imagine. If I were you, I wouldn't wish for such thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think this issue is quite important in that it portrays the level of press censorship in somaliland. i havent heard the full story yet but if riyaale objected to what was being said about him he could have a case of 'libel' against the haatuf newspaper but this has gone in a different direction in that he seems to want say that nothing like this can be written about him. so the issue needs further clarification for us to understand exactly what the journalists were convicted off and how rightly or wrongly their conviction was.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this