Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland forces say attack on mosque foiled

Recommended Posts

Security forces in Somalia’s northern breakaway enclave of Somaliland said on Saturday they had foiled an attack on a mosque in Hargeisa where the imam had spoken out against militant suicide bombings.

 

Somaliland prides itself on its relative stability, unlike southern parts of the failed Horn of Africa state, where hardline rebels from the al Shabaab group control large swaths of territory and are battling a weak Western-backed government.

 

But al Shabaab, which Washington says is al Qaeda’s proxy in Somalia, wants to extend its influence north into Somaliland and neighbouring, semi-autonomous pro-government Puntland.

 

Mohamed Saqadi Dubbad, the commander of Somaliland’s security forces, said six rockets and two mortar bombs were recovered from Imam Sheikh Aden Sira’s mosque after a local woman saw a suspected bomber carrying the explosives in a jacket.

 

“She thought he had stolen what he was carrying and ran to grab him,” Dubbad told reporters. “The man could not free himself, but he threatened the woman, saying: ‘I will blow you up with me if you do not release me,’ so she released him.”

 

Imam Sira had been critical of suicide bombings carried out by al Shabaab insurgents in southern Somalia, and officials said he had received death threats from the militants.

 

Al Shabaab hit Somaliland and Puntland with synchronised suicide blasts that killed at least 24 people in October 2008.

 

A court in Hargeisa has sentenced five men to death in absentia for the bombings, which struck the Ethiopian embassy, the local president’s office and a U.N. building. It said they were on the run in other parts of Somalia.

 

Somaliland, which has long sought international recognition as sovereign state, declared itself indepedent in 1991.

 

 

Source: Reuters

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax Lala Maaganaa Masaajid Hargeysa Ku Yaala oo Fashilmay

 

 

Hargeysa (Somalilandpress)- Qarax la magaanaa in lala beegsado masaajid ku yaala Xaafadda Xawaadle ee Degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa oo uu Iimaam ka yahay Sheekha Caanka ah ee Aadan Siiro ayaa fashilmay, ka dib markii goor dhawayd gacanta lagu dhigay oo la helay walxaha qarxa iyo hub faro badan. Hubkan iyo Walxahan oo noocyadoodu isugu jireen 8 nooc ayaa waxa la dhigay Qiblada hore ee Masaajidka, waxaana sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno dadkii goob joogka ahaa ee jaarka la ahaa Masaajidku noo xaqiijiyeen dhigay hubkan oo laga soo dhigay xashiish oo kale, Nin jinsiyadiisa lagu sheegay Oromo..

 

Hubka markii masaajidka la hor dhigay waxaa isha ku dhuftay oo aragtay gabadh ka mid ah dadka degan Xaafadda Xawaadle ee la jaarka ah Masaajidka, kadibna gabadha ayaa gacanta ku dhigtay ninkaasi oo kaladhka ku dhagtay, balse ninka ayaa gabadha ugu hanjabay sida la sheegay hadii ay sii dayn weydo in uu isku qarixin doono, taasinas waxay sababtay in gabadh ay sii dayso.

 

Hase-yeeshee waxaa markiiba lala xidhiidhay Rugta booliska xaafadaasi oo aan ka fogayn Masaajidka, ninka ayaa ilaa hada lagu raad joogo qabashadiisii oo fakaday, inkastoo la qabtay nin kale oo hubka meesha kala baxay intii ay gabadha isku jeedeen ninkii fakaday, balse ay baadhis ku socoto.

 

Taliyaha Qaybta Saldhiga Daloodho Cornayl Mahdi Nuur Maxamed (Lixle), oo aanu wax ka weydiinay dhacdadan ayaa noo sheegay in ay hayaan sideed qaybood oo uu ka koobaan hubka maanta la dhigay masaajidka Sh. Aadan Siiro Iimaamka ka yahay.

 

Taliyaha ayaa intaas noogu daray in la rabay in masaajika loogu burburiyo idil ahaantii, hase ahaatee uu fashilay qoraxaasi Hubkan ayaa hada waxaa lagu wareejiyey qaybta baadhista miinooyinka iyo walxaha qarax oo hada gacanta ku haya isla markaan ku wada baadhis.

 

Waa markii ugu horaysay ee masaajid ku yaala magaalada Hargeysa la damco in lagu qarxiyo noocyada kala duwan ee hubka.

 

Sheekha Iimaamka ka ah Masaajidkaasi la rabay in la qarxiyo sh. Aadan Siiro ayaa isagu caan ku ah ka hadalka xaqiiqooyinka dhabta ah ee ay ku doodaan ururada magaca Islaamka adeegsada ee ku talaabsada falalka axmaqnimada ah, iyada oo Sheekhan ay horu uga yimaadeen hanjabaado ay kula kaceen Al-shabaab oo ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland police foil attack on Islamic cleric: officials

 

 

Police in northern Somalia's breakaway region of Somaliland said they foiled an attack to assassinate a renowned Islamic cleric who is a critic of hardline Islamists' suicide tactics, officials and witnesses said Saturday.

 

Residents spotted two men trying to plant explosives close to the mosques in Hargeisa late Saturday and reported them to the police who arrested one of the suspects later on while the other escaped.

 

The attack aimed to get rid of the cleric was foiled by ordinary residents with the help of the police, Ibrahim Kodbur, a senior police officer, said adding that a woman caught one of the two men as he was hiding the explosives near the mosque and shouted out.

 

The police seized several rounds of mortar shells and two rocket grenades the suspects were trying to use to blow up the mosque, Mohamed Saleban, another police officer, told AFP by telephone.

 

The woman thought the man was hiding something he stole from the mosque but instead revealed a serious assassination attempt, Bare Abdulahi, a witness, said.

 

Witnesses told AFP that Sheik Ibrahim Siro who is the leader of the mosque was preaching against the ideas of the radical Al Qaeda-inspired Shebab group and the suicide tactics they use.

 

 

AFP

Share this post


Link to post
Share on other sites

Unlucky they didn't kill shaydan siro.

He is a ****** who took side in ceelbardale war.

nacallah kuu yaal!!

 

He does not have any business in ceelbardale but took side just out of cuqdadnimoo iyoo calool xumoo kuu ragtay...

 

such people exist in a land where dreams are made of khat

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Argagixiso ah Iyo Hub Uu Damacsanaa Inuu Isku-qarxiyo

 

 

Hargeysa(HWN):- Xaafadda Xawaadle ee Caasimadda Hargeysa ayay maanta Ciidamada Booliska Somaliland ku qabteen Hub Gantaalo, Hoobiyayaal iyo mid ka mid ah laba nin oo la sheegay inay damacsanaayeen inay isku-qarxiyaan Maddarasad ku taalla Xaafaddaas oo la yidhaahdo Al-Furqaan, kuwaasoo warar aan la xaqiijini sheegeen inay doonayeen inay isku Qarxiyaan Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro), sidoo kale waxa halkaa ka agdhaw Masaajid uu Jimcaha Khudbado Diiniya ka jeediyo Aadan-Siiro.

 

 

 

Sidaa waxa Warbaahinta u sheegay Taliyaha guud ee Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad, waxaanu intaa ku daray, inay Ciidamada Boolisku gacanta ku soo dhigeen nin ku talagalay inuu isqarxiyo iyo hub uu sitay, ka dib markii ay aragtay, isla markaana soo sheegtay Haweenay Muwaadinad ah oo Xaafaddaas degan. Taasoo intay qabatay Ninka hubka sitay, dabadeedna uu ugu hanjabay inuu isku qarxin doono haddii ay siidayn waydo.

 

 

 

Taliye Saqadhi Dubad, oo sii faahfaahinayay Hubka Boolisku qabteen iyo noocyadiisa, waxa uu sheegay in Hubkani isugu jiray lix Gantaal iyo Laba Hoobiye, waxaanu intaa ku daray in Lixda Gantaal yihiin 40 Millimitir.

 

 

 

Taliyaha Booliska Somaliland waxa kale oo uu tilmaamay in Ciidamadu soo qabteen ninkii Gabadhu qabatay, kaasoo ay aragtay isaga oo Jago bannaan oo aan guri ka dhisnayn ka qaadanaya Koodh uu Hubka ku qarinayay. Isla markaana waxa uu Taliyuhu u mahadceliyey Haweenayda ku guulaysatay inay fashiliso qorshihii uu ninkaas la qabtay watay.

 

Si kastaba ha ahaatee, lama shaacin meesha ninka baxsaday iyo kan la qabtay ay ka yimaadeen ee laga soo diray iyo cidda ay u adeegeyeen midna. Mana aha markii ugu horeysay ee argagixiso sidan oo kale ah ay qabteen Ciidamada Ammaanku.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Aadan Siiro oo ka hadlay Qaraxa isaga Lala Rabay

 

 

Hargeysa(HWN):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray oo loo yaqaanno (Aadan-Siiro), isla markaana ka mid ah Culimada Somaliland ee bulshadu wax ka dhagaysato, ayaa markii u horeysay caawa ka hadlay fal is-qarxin ah oo isaga lala damacsanaa in lagu khaarajiyo oo maanta la fashiliyey, ka dib markii Ciidamada Booliska Hargeysa gacanta ku soo dhigeen Nin rabay inuu Sheekha isku qarxiyo sida la sheegay iyo Hub kala duwan oo uu sitay. Waxaanu in cidda waxaas ka dambaysay ahayd cid neceb isaga iyo Somaliland-ba oo cadaw ah.

 

“Waxaan u mahadnaqayaa Hooyada Carruurta yaryar haysatay ee qabatay, fashilisayna ninka doonayay inuu isqarxiyo. Goobta alaabta (Hubka) qarxaya laga helay waxa la jaar ah Madarasad (Furqaan) ay wax ku bartaan in ka badan Shan kun oo Carruur ah, Hooyadaa damqatay ee isku deyday inay qabato ninkaa rabay inuu ummadda aan waxba galabsan dhibaateeyo.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro oo caawa Shir Jaraa’id ku qabtay Gurigiisa Magaaladda Hargeysa.

 

Sheekh Aadan waxa uu sheegay in dawladda Somaliland tahay mid aan haysan Aqoonsi buuxa oo ay beesha caalamka ka heshay, isla markaana aanay haysan dhaqaale ay wax kaga qabato Argagixisada noocan oo kale ah. Sidaa daraadeedna waxa uu Ganacsatada iyo dadka dhinaca dhaqaalaha ka dhisan ugu baaqay inay dawladda kala qaybqaataan sugidda amniga. Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Dadka Hantida leh iyo Ganacsatada waxa haboon inay is abuulaan oo ay Ciidamada taakuleeyaan, si ammaanka dadka iyo dalka loo sugo.”

 

Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), waxa uu tilmaamay in Somaliland maanta uu haysto Shiishka kooxaha xagjirka ah ee jiritaankeeda necebi. “Maanta waxa ina haysta shiishka waayo waxa laga xun yahay nabada iyo horumarka aynu gaadhnay, dadka Somaliland necebi kolba midab ayay soo adeegsadaan. Anigu waxaan ku qanacsanahay in Somaliland lagu dhaqo shareecadda Islaamka iyadoo si heer heer ah loo gaadhayo oo macquul ah.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan.

 

Waxaanu Sheekh Aadan-Siiro oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi, "Waxaan leeyahay xukuumadda Somaliland idinka ayaa ka masuul ah ilaalinta nabadgelyada ummadda waayo idinkaa xilkii qaaday, waxa loo baahan yahay digtooni badan iyo daryeel badan oo la siiyo ciidamada ilaalinaya amniga, haddii ciidamada aminiga la daryeeli waayo oo wax ku filan la siin waayo, cashadooda iyo ilaalintooda la bixin waayo, oo ninka si wanaagsan wax u qabta abaal-gud la siin waayo waxay runtii taasi keenaysaa inuu niyad jab yimaado.” Sheekhu waxa uu dawladda u soo jeediyey inay daryeesho Hay’adaha Nabadgalyada dalka iyo guud ahaanba Ciidamada kala duwan ee Somaliland oo ay Mushaharka u kordhiso, si ammaan sugan bulshadu u hesho.

 

Sheekh Aadan-Siiro mar uu la hadlayay Madaxda Xukuumadda iyo Xisbiyada, waxa uu yidhi, “Waxaad fursad u hesheen in ummadu idiin doorato in aad ku tartantaan talladii dalka, khilaafka siyaasiga ah ee dhex mara axsaabta siyaasiga ah wuxuu raadaynayaa bulshadii oo dhan, in badan buu khilaafku fawdo inagu keenay markaa waxaan idin odhan lahaa isku tanaasula. Komishanka qaranku maanta waa siidhi walaha kala saaraya axsaabta Somaliland, waxa la idinla qaatay in iyada oo aanay sharci ahayn aad soo hormarisaan doorashadii madaxtooyada iyadoo ay ta dawladaha hoose horreysay haddana waa la idinla qaatay doorashada wakhtiga ugu haboon ee ugu deg dega badan in aad soo dedejisaan ayaan idinka codsan lahaa."

 

Waxa kale, oo uu Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro), ka hadlay muranka maalmihii u dambeeyey ka dhex oognaa Golaha Guurtida Somaliland, kuwaasoo uu u soo jeediyey in ay ka dhab-sheegaan waxa ay Ummaddu ka sugayso oo isqabqabsi ka culus. “Inkastoo rag wanaagsan oo qiimo badnaa oo guurtida ku jiray ay dhinteen haddana waxaan idin odhan lahaa ummadu waxay idiinka fadhidaa in khilaafkiina joojisaan si doorashadii inoogu qabsoonto.” Sidaa ayuu yidhi Aadan-Siiro.

 

Sheekh Aadan Siiro markii uu dhameeyey hadalkiisa uu shirka Jaraa’id ka jeediyay, ka dib waxa su’aalo door ah oo mawduucyada sheekhu ka hadlay ku saabsan waydiiyey Wariyayaal ka kala socday qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, kuwaasoo uu dhammaantood Sheekhuna ka jawaabay. Waxaana ka mid ahaa Su’aalaha la waydiiyey Sheekh Aadan-Siiro iyo Jawaabaha uu ka bixiyey kuwan.

 

Mar la waydiiyey Sheekh Aadan-Siiro, inay jiraan dad badan oo aaminsan in Qaraxa maanta la fashiliyey lagu doonayay in isaga Aadan ahaan lagu dilo, sida ay wax uga jiraan iyo waxa uu ka odhan lahaa. Waxaanu su’aashaas kaga jawaabay Sheekh Aadan-Siiro oo uu yidhi, “Horta meesha qaraxa lala doonayay waxay u dhowdahay masaajidka aan wax ka akhriyo laakiin odhan maayo hadafku Aadan uun buu ahaa, waxaynu ka hadleynaa ummada ee qof kama hadleyno, xataa hadday u jeedeen wax aniga dareenkayga wax ka bedelaya maaha.”

 

Sidoo kale, waxa Sheekh Aadan la sii waydiiyey in muddo laba sano ka hor ah loo soo diray Waraaq qoraal ah oo loogu digayo iyo Taleefanno loogu hanjabayo, markaa digniinahaas hore iyo falkan maanta lagu doonayey in lagu dilo ma la odhan karaa meel ayey ka wada-socdaan ama cid kaliya ayaa wada wadda, waxa uu yidhyi, “Runta Illaahay baa og, laakiin Aniga Waraaq digniin ah iyo tilifoon la ii soo diro midna agteyda wax macno ah kama sameynayaan.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by djibsomali:

Unlucky they didn't kill shaydan siro.

He is a ****** who took side in ceelbardale war.

nacallah kuu yaal!!

 

He does not have any business in ceelbardale but took side just out of cuqdadnimoo iyoo calool xumoo kuu ragtay...

 

such people exist in a land where dreams are made of khat

ugu rida ugu rida ya ala wax siyee :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

quote:Originally posted by djibsomali:

Unlucky they didn't kill shaydan siro.

He is a ****** who took side in ceelbardale war.

nacallah kuu yaal!!

 

He does not have any business in ceelbardale but took side just out of cuqdadnimoo iyoo calool xumoo kuu ragtay...

 

such people exist in a land where dreams are made of khat

ugu rida ugu rida ya ala wax siyee
:D
nayaah xafajoo haga daga hadleen!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

rudy...it shows the ********* of the enemy...loool, and your admiration for them nothing else.

 

foiled by a lady sweeping her front porch, the the somaliland spirit.

 

our women, are stronger then alshabab saxib......bring it on !

 

little kids wearing hijabs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

[/qb]

This loser is still supporting al-shabaab. A rebel group who tried to murder this good sheikh.

A rebel group that has burned somalia's flag and replaced it with a black flagged [/QB]

ya need to obey the laws of this site and stop calling people names...otherwise, u be gone soon from here! Debate like a man and let us see what u got. Ok homie. peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this