Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

PICTURES FROM THE SOUTH

Recommended Posts

BN   

PICTURES OF BAIDOA, CAPITAL OF BAY REGION

 

 

somcb005b.jpg

 

somcb020b.jpg

 

somcb004b.jpg

 

Mvc-473s.jpg

Advertisement of a Private Laboratory in Baidoa

 

Mvc-332s.jpg

Ruins of Colonial "Italian College"

 

Mvc-458s.jpg

Aerial view of Baidoa

 

Mvc-457s.jpg

Aerial view of Baidoa

 

Mvc-474s.jpg

Image resized by Libaax-Sankataabte

 

[ February 24, 2004, 01:09 AM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

PICTURES OF JOWHAR, MIDDLE SHEBELLE REGION

 

 

Mvc-377s.jpg

Hospital in Jowhar

 

Mvc-420s.jpg

 

Mvc-421s.jpg

 

Mvc-432s.jpg

 

Mvc-437s.jpg

 

Mvc-434s.jpg

 

riso5.jpg[ February 24, 2004, 01:05 AM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

A beautiful country Ive been o Jowhar as a child and it had lots of sugar fams I still remember how green the place was. Wonderful, any pictures of the Juba regions and Beledweyn?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Little facts about Baydhabo Janaay and its vicinity before it became known as "City of Death" in early '90s.

 

  • Produced the only international renown Soomaali author, Nuuradiin Faarax
  • Its nearby town also produced one of the best Soomaali singers, Xasan Aadan Samatar, who was born in Diinsoor, Baay
  • Was mainly one of few multi-qabiil cities around Soomaaliya, only Muqdisho and Kismaayo surpassed in that category.
  • The only Soomaali city visited by a sitting or retired American president. George Bush Sr visited it briefly in 1992.
  • Visited by Mary Robinson, former President of the Republic of Ireland.
  • The gobol it located used to produce almost two-thirds of masago or maize in all Soomaali regions {ironically, with this natural food gift, I wonder how it even can became a city of starving}.

 

MVC-722Sbay0%20copy.jpg

Like Xamar, Baydhabo waala xumeeyi yaa xaal marinaayo.

 

Macsalaama.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice photos Walaahi especially those of Baydhabo, I've never seen the city or it's environs before but this is absolutely terrific. I hope peace and prosperity will reign in the Bay and Bakool regions.

 

Bari nomad nice job, man! great photos of Bay and Bakool. You can really see these Somalis have another subculture very Agriculturish!

Share this post


Link to post
Share on other sites

The photos of Muqdhisho are for many people from Muqdhisho very disturbing to see, because they feel it hides the fact how people are suffering in Muqdhisho. The photos are only of a small part of Muqdhisho wich has been build and where only Somali businessmen roam.

 

Thoso photos of Xamar are not representative for the city, because the city is still destroyed after 14 years.

 

taalo.jpg

 

bangi.jpg

 

bb5.jpg

 

bb3.jpg

 

bb8.jpg

 

bb7.jpg

 

bb4.jpg

 

This is a recent article of Hiiraan.com:

 

14 sano oo dowlad la’aan iyo bur bur ah kadib waa sidee muuqaalka faras magaalihii Muqdisho?

 

Isniin, February 23, 2004

 

Dabcan in badan oo ka mid ah dadka soomaaliyeed oo aan ku nooleyn gudaha dalka Soomaaliya marka lagu soo hadal qaado Muqdisho waxaa u sawirmaya in magaala madaxda dalka Soomaaliya oo beri ka mid noqotay kuwo ugu nabadgelyada badan caasimadaha dunida in ay haatan tahay mida ugu nabadgelyada xun oo ay aalaaba ka dhacaan falal lid ku ah bani’aadannimada sida dilka, kufsiga, af-duubka, dhaca IWM.

 

Run ahaantii sawirkaas laga heysto magaalada Muqdisho waa mid jira, falalkaas ka baxsan bani’aadannimada wey ka dhacaan, inkastoo maalmahaan ay soo yaraanayaan kadib markii ay dad waxgarad ah u sara istaageen la dagaalanka kooxaha burcadda ah ee ka dambeeya fal dambiyeedyadaas.

 

Haddaba si aan aqristaayeesha qiimaha leh aan u tusno sida uu yahay muuqaalka magaalada Muqdisho oo bur bur weyn ku dhacay ayaan haddii aan nahay bahda Hiiraan Online aan dhexda u xiranay sidii aan sawirro uga soo qaadi lahayn bur burka magaalada, gaar ahaan meelihii caanka ahaa.

 

Runtii ma ahan wax sahlan in aad si dhib la’aan ah sawirro uga qaadato bur burka magaalada Muqdisho waayo waxaa goobaha aad sawiradooda daawaneysaan gacanta ku haya maleeshiyooyin beeleedyo kala beel ah oo ilaa qabiil ka soo jeeda, kuwaasoo leh soohdimo yar yar oo aysan isaga tallaabi karin iyaga qudhooda.

 

Intii aan ku guda jiray sawiridda bur burka magaalada waxaa dhex socday meelo bilic ahaan aad qurux badnaa xiligii dowladda jirtay, balse haatan marka aad dhex mareyso aad baqeyso, waxaadna maqleysaa codka shimbiro deegaan ka sameystay geedo waa weyn oo ka baxay gudaha daaraha bur buray ee isugu jiray kuwo ay dowladdii lahayd iyo kuwo ay dad gaar ah lahaayeen.

 

Waxaan ka bilaabay taaladii Dal-jirka dahsoon oo sida aad sawirka ka arki arktaan bur burin loo geystay iyo weliba xaruntii baarlamaanka oo ilaa maanta bur burin lagu hayo, iyadoo ay dad wax ma garato ah kala baxayaan dhagxaan adag iyo biraha shubka ah oo ay dib u sii iib geysanayaan, waan ka sii gudbay waxaan dhinac maray aniga oo hareeraha eeg eegaya Hotel Shabeelle oo gebi ahaantiisba dhulka lala simay, waan ka sii gudbay waxaan qooraansaday gurigii Talyaaniga ee la oran jiray Casa Italia oo ay qaxooti dhex degan yihiin, kaliyana lagala baxay daliishadihii iyo albaabadii, waan ka sii socday waxaan dhexgalay kaniisiddii oo si ka duwan sida loo bur buriyay guryaha kale ee hareeraheeda ku yaala u bur bursan waayo sida la ii sheegay waxaa dhowr jeer bam ku xiray kooxo diimeedyo ka soo horjeeda in ay barteeda sii jirto, waxyaabihii aan la yaabay ee aan kaniisadda ku dhex arkayna waxaan ka mid ahaa lafo dad oo ku dhex jira ceel aan dheereyn oo guray, waxaana u qaatay in qofkaas inta la dilay meydkiisa ceelka lagu soo dhex riday.

 

Waxaan soo abaaray bangigii ganasiga iyo keydka Soomaaliyeed oo ay ku taalo busteejo laga raaco gaadiidka dadweynaha, waxayna meesha isbaaro u taalaa maleeshiyooyin lacag baad ah ka qaata gaadiidka laga raro busteejadaas, intii aanan soo gaarin oo aysan si fiican ii arkin maleeshiyooyinka hubeysan ee halkaas ku sugan ayaan sawir xatooyo ah ka qaatay wejiga hore ee bangiga, kadibna waxaan u sii gudbay Hote-lkii Curuba oo isaguna weliba bur burin lagu hayo.

 

Waxaa hoos fadhiya Hotel-ka oo isugu yimaada sida ii muuqatay kooxo xarfaan ah oo qaarkood meesha u yimaada in ay dhagaxa kala sii baxaan Hotel-ka iyo kuwo kale oo meesha ku gaadaya wax dagan oo ay horay u sii qaataan.

 

Aniga oo darridda Camerada ku haya nin buris ku garaacaya tiirarka hoose ee Hotelka ayaa waxaa si kedis hoosta iiga soo gelay seddex wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasoo meel dheer iga soo wiideystay, waxayna igu qabteen qori AK47 ah oo uu mid ka mid ah ku hubeysnaa, waxba isma waalin, mana argagixin waayo in badan ayaan u soo joogay dhacdooyin noocaan oo kale ah, midkii qoriga watay ayaa igu yiri “keen camerada, gadaalna u siko”, waan qaatay amarkaas aniga oo baraf ka qabow, dibna waan u sikaday, waxaa ii soo baxday arrin aan ka cabsanayay oo ahayd in aan la kulmayo arrin sidan oo kale ah waayo meesha aan wax ka sawirayay xitaa looma ogolaado in ay sawirro ka qaataan wariyayaasha ajnabiga ee ay la socdaan maleeshiyooyinka hubeysan, dhowr jeer ayayna meeshaas ka dhacday is-rasaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac.

 

Dood dheer kadib waxaan is-af-garanay mid ka mid ahaa wiilashii hubeysnaa oo aan si hoose ula hadlay, kadibna wuxuu igu yiri “aniga ayaa kuwan la hadlayee ma heysaa wax aan camerada uga fujino”, markaas ayaan jeebka si deg deg ah uga soo saaray lacag aan badneyn oo aan gaari raac ahaan u watay, kadibna sidaas ayay cameradii iigu soo noqotay iyaga oo weliba ii ogolaaday in aan qaato sawirro ii harsanaa, kadibna si dhaqsi ah ayaan uga laabtay goobihii beri ahaa faras magaalaha Muqdisho balse haatan aad nafsaddaada kala baqeysid.

 

Waxay ahayd arrin aan u bareeray si aan bur burka magaalada u tusno aqristayaasheena dibadaha ku nool ee aadka u daneynaya in arkayaan sida haatan tahay Muqdishadii ifeysay 14 sano ka hor, waxaana filayaa in ay dad badan oo yaqiinay daaraha haatan bur bursan ee aan soo sawirnay sida ay ahaan jireen xiligii dowladnimada ka jirtay Soomaaliya ay ilmo ka soo daadan doonto indhahooda bacdamaa muraayaddii dalka Soomaaliya uu sidan noqday nasiibkeeda.

 

Si kastaba, dadku wey nool yihiin weli, inkastoo ay daawanayaan maati dayacan, maleeshiyooyin degta qoriga ku wada sita, daaro bur bursan, waxayna badankood hadal hayaan in mar ay ahaataba dhibaatadaan laga bixi doono, Muqdishana uu dib ugu soo laaban doono muuqaalkeedii quruxda badnaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

saladxiis@yahoo.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

nice pics thanx all contributors especially Bari Nomad and MMA who remaind me the perfact time that i had when i was in Baydhabo Jinaay!

 

Mvc-332s.jpg

this is school i once attended.

 

pleace keep posting them you're doing very good job.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this