Sign in to follow this  
Aaliyyah

SSC waa Hanaqaaday hanbalyo yaanu leenahay - Saado Cali Warsame

Recommended Posts

Liibaan   

Originally posted by A_Khadar:

Libaan, iga daa event fliers-kii hore ee get more on pics from the events around the globe.

 

I will post more from Boston, Seattle, Ohio and San Jose CA communities when have few minutes to spare later insha'alah..

Khadar where is pictures you promised to post???

 

Anuu waxaan heli karay waan soo dhajinayaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Aaliya, Khadar, iyo Liibaan waad ku mahadsantihiin dhamaan wararkii, maqaaladii, sawiradii, videoskii aad nala wadaagteen

 

Waa wax Allah weyn loogu mahadiyo sida wanaagsan shacabkii SSC u mideysanyahay gude iyo dabadba, iyo ee diyaar ugu yihiin xoreynta deegaankii ee dhasheen.

 

Guul iyo Gobanimo SSC iyo Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Originally posted by A_Khadar:

I partially attended one of these cermonies and an speaker from Awdal said in there "We are with you not with S/L.." For his statement was re-assuring that Awdalities are with union rather successionist..

 

Job well done.

Khadar waa runtaa reer Awdal waa dad gob ah, oo garanaya qiimaha ee leedahay wadaniyadu iyo midnimada soomaaliyeed, markaa wax badan bey SSC iyo Awdal wadaagaan. sidii midnimo soomaaliyeed loo heli lahaa iyo Qarankii Soomaaliyeed baa laga wada sshaqeen karaa.

 

Shacabka Awdal waa u hanbalyeeyeen Shacabka SSC meelee joogaanba, markaa SSC waa soo dhoweenayaan taageerada Awdal

 

 

HAMBALYO-AWDAL11.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Thanks Liban.. You covered me up.. I was side tracked by work and later travelled..

 

Nice videos..

 

Thanks for all the support to unity of Somali.. May allah bring our nation back to its sanity.. Peace and love to all somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by A_Khadar:

By far, ssc community of Emarts presented the best song for this celebration.. Love it..

 

True the best songs were presented by SSC Community of UAE and SSC Community of Sweden

 

 

SSC Event in Sweden: (SSC waa Hanaqaaday hanbalyo yaanu leenahay - Saado Cali Warsame)

 

SSC Event in UAE: sanadguuradiii Sool iyo sanaag....cayn sooma billlannnnnnnn. saan saan nabdeed sarmawayn da,diyo sagal baa curtaye buuhodle so sare loma kicin.... sabarada nuugal seraha xalmed lascaniyo so eg taleex

 

 

I think the SSC Event in UK was the biggest, but all of them were great masha allah

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Jaaliyadda SSC ee Mozambique oo Xustay Sanad guuradii SSC, Hogaan Jaaliyadeedna Doortay

 

 

iidle2-1024x680.jpg

ssc-mosbek1-1024x680.jpg

iidle51-300x199.jpg

 

Jaaliyadda SSC ee wadanka Muusabiik ee ku yaala Koonfurta Afrika ayaa waxay isugu yimaadeen shir weyn, Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Jaaliyada SSC ee dalkaasi ku dhaqan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan.

 

Shirkan oo lagu qabtay magaalada Shimoon ee gobolka Munica ayaa waxaa soo Agaasimey iskuna soo dubaridey dhalinyarada SSC ee dalkaas ku dhaqan. Waxaana ay halkaas ku soo bandhigeen xog waraysi iyo weliba sidii ay u muujin laahaayeen Midnimo isku xidhnaan iyo weliba in si dhab ah loogu hawlgalo taageerida Hogaanka SSC ee gudaha ka shaqeenaya.

 

Waxaa dadkii halkaas hadalada qiimaha leh ka soo jeediyey ka mid ahaa Gudoomiyaha guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed mudane Aadan Xirsi Maxamed oo aad u amaanay shacabka SSC iyo qadiyadooda qaranimo u dirirka ah ee lagu yaqaanay weligood,

 

Waxaana ugu danbeyntii halkaas lagu dhisay Urur dhalinyaro oo ka shaqeeya arimaha SSC, kaasoo ka shaqayn doona isku xidhka guud ahaan Bulshada SSC ee dalkaas iyo Hogaanka SSC ee gudaha ku jira.

 

 

Waxaana Gudoomiyaha loo doortay, Mudane Maxamed Xassan X, Ibraahim iyo Mudane Faarax Iidle Cali, kuwaasoo balan qaaday in ay ka shaqayn doonaan sidii isugu xidhi lahaayeen jaaliyada SSC iyo gudaha Deeganada SSC. Si ay uga qayb qaataan hawlaha dibu xoreynta ee loogu jiro sidii looga kicin lahaa cadawga haysta mandaqada SSC.

 

Waxaa na soo gaadhsiiyey, Faarax Iidle Cali.

 

Mozambique

 

horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Jaaliyada SSC ee Australia oo xusay Sanadguurada SSC(Daawo Sawiro)

 

Sannad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay asaaskii maamulka Sool,Sanaag iyo Cayn SSC, oo ku beegnayd 16/10/2010 ayaa si wacan loogu dabbaal dagey dhamaan daafaha iyo dacalada aduuka. Waxaa ka mid ahay meelaha laga muujiyey farxadda iyo xusiida maamuuska maalintaa wadanka Australia gaar ahaan magaalada Brisbne ee gobolka Queenland. (Sawirada eeg)

 

Waxaa halkaa khudbad ka soo jeediyey af hayeenka Jaaliyadda SSC ee Queensland, Abdi Farah Goohe, oo isagu dadkii halkaa isugu yimi u faaqiday SSC waxay ay tahay, taariikhdeeda iyo ahdaafta ay damacsantahay mustaqbalka. Waxaa si wacan u soo camiray xafladdaas madax iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda wadanka, caaqillo iyo odayaal ka kala socda jaaliyadda Somalida, ururada haweenka iyo dhaliyaro fara badan oo halkaa ku soo bandhigay shacaa’ir fara badan.

 

Waxaa ka mid ahaa waxgaradkii ka qayb qaatay xafladdaas:

 

Dr Maxamed Darmaan,

 

Dr maxamuud Cali Darwiish

 

cali Gaagaale iyo

 

Xuseen cali axmed.

 

Xagga fanka waxaa si culus uga qayb qaatay fannaanka wey ee Australia iyo caalamkoodhan laga yaqaan ee abdinur ismaaciil balayax iyo Farxaan C/L (Ilka case). Waxaa halkaa lagu soo bandhigay ciyaaraha jaaliyadda SSC ay caanka ku tahay qaar ka mid ah sida jaandheerta.

 

Xagga qabanqaabada waxaa dhabarka u ritay

 

Abdisalaan m xandulle …. Salanoo

 

Axmed xassan xuseen – uurcadde

 

Mowliid Cabdilaahi Diiriye

 

Cabdi baaruud

 

Cabdi kariim – Suley

 

Aamina saleebaan dhaan-gowrac

 

Layla m Abuukar

 

Xaawo ciise dhalac

 

Saxarla maxadem Darmaan.

 

Jaaliyadda SSC ee Brisbane QLD waxay u mahad celinayaan dhammaan dadkii ka qayb qaatay samaynta xafladdaas gaar ahaan dadkii uga kala yimi gobolada fog fog ee wadanka Australia.

 

Waxayna Salaan u dirayaa dhamaan soomaali weyn hanbalyo gaar ahaanna shacabka SSC meel walba ha joogaane:

 

Sannad guura wacan

 

Samo iyo barwaaqo

 

Rabbi haynagu simo

 

 

SSC3.jpg

SSC2.jpg

SSC4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Thanks guys.... One question though, I watched the buraanburka from the lady in Boston event. Daa..roo.. d.ku ma quraysh buu galaa?.... Runtii way iga smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this