Sign in to follow this  
Suldaanka

Local Gov't starts collecting tax in Laaska and Electoral officials sworn in

Recommended Posts

Canshuurta Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood oo maanta ka bilaabatay magaalada.

Warkii 09-Mar-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

 

Waxaa maanta ay Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood ay bilowday canshuurtii ay ka qaadi lahayd shirkada,xawaaladaha iyo waliba ganacsatada waa wayn ee magaalada Laascaanood canshuurtaas oo ahayd mid aan hore loo qaadi jirin.

 

Waxaa saaka dhex marayay wadooyinka magaalada Laascaanood baabuur ay saaran yihiin ciidamada ku shaqada leh canshuur uruurinta iyo waliba masuuliyiinta Dawlada hoose ee magaalada laascaanood kuwaas oo marayay dhamaanba xarumaha shirkada,xawaaladaha iyo waliba ganacsatada waa wayn ee shirkadaha kuleh magalaada.

 

Canshuurtan maanta laga qaadayay ganacsatada iyo shirkadaha magaalada ayaa waxa ay ahayd mid ay hore ugu heshiin waa waayeen saamiga loogu talo galay in laga qaado iyadoo Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood iyo ganacsatadu ay arimahaasi soo afjareen maalmihii laso dhaafay.

 

Waxaa maalinimadii arbacadii ee 05/03/2008 ay isugu yimaadeen Ganacsatada Gobolka Sool iyo masuuliyiinta Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood hoolka shirarka ee magaalada iyadoo ay halkaasi dood dheer kadib ay isku afgarteen in la qaado canshuurta.

 

Hadaba maanta mar ay shabakada afnugaal.com wax ka waydiisay Gudoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe aw Daahir sida ay u bilaabeen cabnshuurta saaka iyo inay ka hor yimaadeen wax caqabado ah ayaa waxa uu shabakada u xaqiijiyay inay ubilaabatay si habsami ah aysana ka hor imaan wax caqabd ah taas oo horay looga sii wada hadalay ayuu yiri.

Share this post


Link to post
Share on other sites

akom2.JPG

 

Gudida Komishinka Somaliland ee Gobolka Sool oo maanta la dhaariyay.

 

Warkii 09-Mar-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

 

Iyadoo isbuucii lasoo dhaafay la magacaabay Gudida Komishinka Gobolka Sool kadib markii magaalada Laascaanood uu soo gaadhay Gudoomiye Ku xigeen Kumishinka Somaliland iyo wafdi uu hogaaminyo isagoo Komishinka Gobolka mgacaabay intii uu joogay Gobolka.

 

Tan iyo waqtigii la magacaabay Gudida Komishinka Gobolka ee Somaliland ayaa waxaa ka taagnaa khilaaf ku aadan qabkii loo magacaabay iyadoo qaar kamid ah shacabka magaaladu ay ku eedeeyeen in loo magacaabay qaab aan waafaq sanayn dastuurka Komishinka Somaliland ayna samayn wax la tashiyo ah oo ku adan qaabka loo dooranayo gudidan.

 

Gudidan ayaa waxa ay ahayd in isla waqtigasi la dhariyo si ay u hawl galaan laakiin sababo dhanka Odayash deegaanka ayaa waxa ay keentay inuu ku yimado dib dhac kaas oo ilaa hadda umuuqda inaan loo helin xal kama danbays ah oo ay diidan yihiin shacabka magaalada Lscaanood qaabka wax loo maamulay.

 

Xubnaha Komishinka Gobolka loo magacaabay:-

 

C/laahi Maxmed Shire Gudoomiye

Maxamed Farax Cali G/kuxigeen

Cabdi Bile Diini Xoghaye

 

Xubnaha Komishinka ee Degmada loo magacaabay:-

 

Cismaan Xuseen Cabdi Gudoomiye

Cismaan Saleebaan Bootaan G/kuxigeen

Shucayb Maxamed Saalax Xoghaye

Faarax Cali Salaax Hubiye

Cali Axmed Faarax Tiriye

Xuseen Fu'aad Aadan Tiriye

 

 

Hadaba waxaa saaka Guriga Gobolka ee magaalada Lascaanood isugu tagay xubihii loo magacaabay Komishinka iyo muuliyiin kale iyadoo halkaasi lagu dhaariyay 7ba kamid ah xubnihii loo doorty Komshinka halka labo aysan goobta imaan iydooo aan la ogayn sababta keentay inay halkasi soo xaadiri waayaan sii loo dhariyo guud ahaan sagaalka loo doorty Gobolka Sool.

 

Ibraahim Axmed Muse oo ah Gudoomiyha Maxakamada Degmada Lascaanood ayaa waxa uu halkaasi ku dhaariyay dhamanba xubnhii soo xadiray iyadoo dib looga balamay xubnihii aan halkaasi imaan iyadoo xubnah hadda la dhaariyay ay hawshood sii wadan doonaan.

 

Ugu danbayntii ayaa wxaa halkaasi hadal baraarujin ah uga soo jeediyay Gudida Komishinka Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Sandule oo ku baraarujiyay inay hawshood si habsami ah u qabsadaan isagoo usheegay inay sugayso hawl baaxad leh oo u baahn in karti looga baxo

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems as though everything is on schedule.

 

Four months ago this was a city where armed men would roam around the city streets with their loaded guns. Today, thanks to the Police and the local Courts that have been established, the streets are free from armed men and the crime has dropped dramatically that now Lascaanood ranks as one of the most peaceful cities in Somaliland.

 

The tax collection regime and the swearing in of the NEC members is just another progress towards strengthening the recent gains towards peace and democracy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Somaliland oo ku fashilantay siyaasad ay ku hanato Gobolka Sool

March 7th, 2008 [News] |

 

Hargeysa (Somaliland.org) - Warbiximo laga jeediyey labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ayaa muujiyey in xukuumaddu ku fashilantay inay la timaaddo siyaasad mug leh oo lagaga hawlgalo gobolka Sool iyo deegaamada la xidhiidhi oo muddo 4 bilood iyo badh ah gacanta ugu jirey Somaliland. Waxayna ka digeen in haddii xaaladdu sidaa ku sii socoto in dadka gobolkaasi ay sii fogaanayaan.

 

Labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, Guurtida iyo Wakiillada oo kalfadhiyadooda caadiga ah ay ku jiraan ajandahooda warbiximo ku saabsan xaaladda dalka, ayaa lagu dhegeystey warbiximo ku saabsan xaaladda gobolada Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle oo ay golayaashaas hortooda ka jeediyeen xildhibaanno ka soo jeeda gobolka Sool, isla markaana ka mid ahaa weftigii golayaasha qaranka ee hawlgalka u tegey magaalada Laascaanood. Waxayna xildhibaanadu warbiximahooda isku raaceen in aanay jirin wax siyaasad ah oo barbar-socota tallaabadii ciidanka Qaranku kula wareegey gacan ku haynta magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, si loo kasbado dadka reer gobolkaas iyo in aanu jirin wax ilaa iyo hadda loo qabtay dadka deegaankaas.

 

Xildhibaan Cabdulqaaddir Maxamed Xasan (Indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida, kana mid ahaa weftiguu ugu horreeyey ee tegey magaalada Laascaanood, waxyar kadib markii ciidanka Somaliland ka saareen ciidan iyo maamulkii Puntland ee ka talinayey magaaladaas muddo 5 sannadood ah ayaa warbixin uu ka jeediyey Golaha Guurtida dhowaan waxa uu sheegay in markii ay magaalada tageen ay ahayd magaaladu meel cidlo ah oo badiba dadku ka qaxay, waddooyinkana ay yaalleen dhagaxaan iyo kaabado lagu kala xidhay, balse ay ku guuleysteen inay dadka dejiyaan, waddooyinkana furaan.

 

Waxa uu sheegay in ay Madaxweynaha ka soo dalbadeen in uu u soo diro Laascaanood wefti xukuumadda ah oo aan ahayn xubnaha beesha u dhashay. Sidaas darteedna uu u soo diray Wasiirro, kuwaas oo qiimayn ku sameeyey dhismaha laamihii wasaaradahooda ee gobolka iyo xafiisyadoodii. Waxana uu sheegay in 4 Wasaaradood oo keliya ay dhiseen xafiisyadoodii, balse, wasaaradihii kale aanay dib ugu noqon. Waxa kale oo uu xusay qaadhaankii dhaqaale ee loogu yaboohay dib u dhiska gobolkaas, kaas oo uu sheegay inuu ahaa mid aad u dhiirrigeliyey iyo sidoo kale raashin xukuumaddu ugu deeqday dadka gobolka.

 

“Bishii hore waxaad moodeysey in hawshu xawli ku soconeysey,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdilqaaddir.

 

Balse, waxa uu sheegay in bishii u horreysey kadib uu xawligaasi gaabiyey, isaga oo xusay in ciidankii iyo maamulkii Puntland ee laga saaray magaaladu ay fadhiyaan meel la yidhaahdo Tukaraq oo 60 km u jirta Laascaanood.

 

“Runtii waxaad moodeysey in siyaasaddii hoggaamin lahayd ka maqan tahay ciidanka,” ayuu yidhi Xildhibaanku. Waxaana uu sheegay in loo baahan yahay xilligan hawlgal qaran oo siyaasi ah, maadaama ciidanku uu ku guuleystey hanashada gobolkaas.

 

Xildhibaanku waxa uu xusay in dhammaan Isimadii beeshu ay maqan yihiin oo ay ka soo horjeedaan Somaliland, loona baahan yahay in laga dabatago, isaga oo isla markaana si gaar ah ugu tirtirsiyey Golaha Guurtida inay kaalintaa qaataan oo ay soo qanciyaan Isimada.

 

“Gabadh dudday ayaaba laga daba tagaa, ee waa in Guurtidu hawshaa gasho,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdilqaaddir Indho.

 

Sidoo kale, Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Gobolka Sool ayaa isaguna warbixin uu toddobaadkan ka jeediyey Golaha Wakiillada hortiisa ku sheegay in gobolka Sool uu u baahan yahay hawlgal miisaan leh oo siyaasadeed, dadkana la tuso waxqabad ay kaga raystaan maamulkii hore ee gobolkaa haystey.

 

“Waxaa dhegta dadka aad looga maqashiiyey inay jirto 2%, xukuumadduna soo jeedisey, Goluhuna halkan ku ansixiyey iyo lacagayow badan oo dadweynaha Somaliland oo dhami ururiyeen oo la gaadhsiiyey iskuuladda iyo wax noocaas ah ilaa xadkaa, weli lacagtaa mawqif siyaasi ah ama mawqif cad iyo qaab ilaa iyo hadda loo jiheeyey dadku ma maqal annaga iyo masuuliyiintuna ma maqal,” ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan.

 

“Waxaanad mooddaa in waxoogaa wakhtigeedii daba dheeraaday, dadkuna ay leeyihiin waar maxaa ku dhacay,” ayuu raaciyey.

 

Waxana uu soo jeediyey in lacagtaas cad oo dadku ku qanco loo soo bandhigo, loona jiheeyo.

 

Waxa kale oo uu sheegay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore in ay haboon tahay in si buuxda oo miisaan leh loo dul tago gobolkaas si loo dhaqaajiyo dhammaan hay’adaha dowladda, maadaama gobolkaasi muddo dheer uu ku jirey gacanta maamul kale. Waxana uu tusaale u soo qaatay dagaaladii sokeeye kadib sidii looga hawlgalay Gobolka Togdheer oo uu sheegay in muddo Lix bilood ah uu fadhiyey Burco Madaxweynaha xilligan Daahir Riyaale Kaahin oo markaa ahaa Madaxweynekuxigeen iyo sidoo kale, Guddi wasiirro ah oo uu hoggaaminayey Axmed Siilaanyo oo iyaguna fadhiyey Burco muddo 4 bilood ah.

 

“Way u baahan tahay Sool haddii aanu tagnay dad xooggan iyo guddi xooggan oo isugu jirta mid siyaasadeed iyo mid farsamo oo Somaliland ah oo wakhti fadhida aaad iyo aad bay u haboonaan lahayd,” ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan.

 

Waxana uu sheegay in loo baahan yahay inay guddidaasi ka hawlgasho dhismaha maamulka iyo dhinaca siyaasaddaba, isaga oo xusay inay jiraan caqabado badan oo u baahan in la wajaho.

 

“Sool iyo dhibta jirta iyo abaaraha ka jira wax Mucaarid iyo Muxaafid wakhtigan lagaga hadli karo maaha, waa arrin qaran oo taagan oo lagu xallili karo in si wadajir ah oo buuxda gacanta la isu qabsado,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

Labada xildhibaanba waxay si weyn uga hadleen dhibaatada dhaqaale ee gobolkaas ay ku hayso lacagta Shilin Somaliga been abuurka ah ee lagu daabaco magaalooyinka Puntland iyo abaaraha iyo biyo la’aanta xilligan ka jirta gobolka, inkasta oo ay sheegeen in duruufahani ay yihiin kuwo ay la wadaagaan gobolada kale ee Somaliland qaar ka mid ah.

 

Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo reer Sool ah ayaa waxay is weydiinayaan ujeeddada xukuumadda Somaliland ka lahayd gacan ku dhigista Laascaanood, kadib markii ay waayeen siyaasad firfircoon iyo dedaal ay xukuumaddu ku kasbanayso dadka gobolkaas oo waxqabad ah. Dadka qaarkood ayaa u arka in xukuumaddu aanay marka horeba raalli ka ahayn gaadhista Laascaanood, balse, ay ahayd arrin ay wadatey cid kale.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

 

 

Somaliland.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^What is burning you awoowe?

 

Hadii dadka Rer Laaska for the first time in 17 years ay ku noolyiin sharci iyo kala danbayn, isn't that something you should be proud about?

 

 

Naxar,

It is a democracy my friend. It is the job of the opposition to find out all the short-comings of the current administration and capitalise politcally on those shortcomings.

 

It is good that the opposition parties are following up on current issues less the government sleeps on the wheel. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar Nugaleed,

 

Somaliland and its incompetent leadership has managed to do in 4 and 1/2 short weeks what the city did not have for the last 5 years. If you had relatives in that city, as some of us, you would be happy nobody is getting hit by stray bullets, and there is no clan revenge murders anymore. Then again, you will never see anything good. Gaal dil gartiisana sii. There is more that needs to be done in Sool, there more to be seen, but please don't be foolish to down play law and order.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

What makes SL administration cherish low-intensity actions that might build itself up into a full-blown conflict? Not only that but they also have this policy direction to destabilize Somalia.

 

Why are you people blind of your tribal aggression and putting in a subordinate role a whole nation as though they are incapable of implementing a taxation system?

 

Dahar and many other cities in Sanaag/Makhir has this taxation system and they don't have political association that puts subordinate to their political aspiration. They wish others would behave in a manner that serves our best interest as a nation. Forcing your secessionist struggles upon a society that refuses to join the bandwagon leaves your “government” open to mockery and contempt.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caamir, tribal, clanist, destablization is all attributes that fit the TFG squarely. I don't see how collecting taxes and adminstering law and order is destablizing Somalia. If anything the TFG entity that collaborates with the ETHIOPIAN OCCUPATION that is reaking havoc in Somalia would be your first priority if you indeed want what is best for Somalia. Instead of commending Somaliland's acheivements regardless how miniscule, you are here slinging mud just because you see things through a clanish prism. Take off the blinkers. Somaliland will march on with its progress, 5 percenter or not. I guess yapping on the interenet is your last refuge. Knock yourself out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this