Sign in to follow this  
Suldaanka

Laascaanood oo markii ugu horeeysay la ciiday magaalooyinka Somaliland

Recommended Posts

Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo maanta laga xusay xuska 18ka may ee gooni isu taaga SL.

Warkii 18-May-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

Waxaa maanta markii ugu horaysay laga xusay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool xuskii 18ka may ee gooni isu taaga Somaliland iyadoo xuskani ay soo qaban qaabiyeen masuuliyiinta kala duwan ee heer Gobol iyo mid Degmo ee Gobnolka Sool ee Somaliland.

 

 

Xuskan ayaa waxa uu ku bilowmay jawi aad udagan waxaana ka qayb qaatay dadwayne aad ufara badan kuwaas oo watay baabuur iyo calamada Somaliland iyo waliba astaamo ay ku muujinayaan halku dhigyo ay ku taageerayaan gooni isutaaga Somaliland iyo mawqifka ay ka qabaan kuwaas oo hadaldaaaasi ay kamida haayeen ‘waa muqadas gooni isu taaga Somaliland iyo hadalo kale’.

 

 

 

Shacabkii ka qayb qaatay munaasibadan ayaa waxa ay socod ku mareen wadad dheer ee dhexmarta bartamaha magaalada Laascaanood waxaana ay socod kooda ka qaadeen dhinaca Galbeed ee magaalada oo ay ku yaaliin inta badan xafiisyada Dawlada Somaliland ayna ku tageen dhanka Barri gaar ahaana Hotel Xamdi.

 

 

 

Dadkii maanta ka qayb qaatay munaasibadaasi sida wayn looga xusay Gobolka ayaa waxa ay dib ugu soo laabteen dhanka Galbeed ee magaalada gaar ahaana xarunta guriga Gobolka halkaas oo laga soo jeediyay khudbado kal gedisan oo ay soo jeediyeen masuuliyiinta Somaliland una jeedinayeen shacabka reer laascaanood.

 

 

 

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay xildhibaan kamid ah Golaha Guurtida laguna magacaabo c/qaadir Indho indho waxaana uu si wayn uga mahad naqay sida wayn ee loo soo agaasimay munaasibadan quruxda leh ee lagu xusayo sanad guuradii 17aad ee gooni isu taiga Somaliland.

 

 

 

Sidoo kale maayarka magaalada Laascaanood Canbaashe aw daahir ayaa halkaasi waxa uu ka jeediyay khudbad uu ku xusayo sanadguurada 17aad ee gooni isu taaga Somaliland waxaana uu yiri ‘waxaan aad ugu faraxsanahay sida wayn ee reer Laascaanood ay uga qayb qaateen xuskan sida wayn looga xusay dhamaanba Gobolada Somaliland waxaana halkan aad ku muujiseen sida aad utihiin shacab Somalilandres ah taas oo keenaysa isdhexgalka reer Somaliland’.

 

 

 

Ugu danbayntii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed waxaana uu ugu horayn qudbadiisii ku bilaabay amaan uu usoo jeediyay dadka shacabka waxaana uu sidoo kale uu hadaladiisii kamid ahaa in dhalinyarda reer Laascaanood ay dugsiyada sare iyo Jaamacad ay ku dhigan doonaan bilaash isagoo dhan kalena xusay in Xisbiyada Kulmiye iyo UCID aysan kasoo qayb galin munaasibadan iyadoo inta badan shacabkii halkaasi kasoo qayb galay ay siteen calaamado ugaar ah xisbiga UDUB taas oo muujinaysa sida ay uaageersan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^WHat is so funny??

 

How much was the pay off in the end ya Suldaan?? On a serious note, were these people representative of LA as a whole or just some that SL admin paid off in the last few months?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Isseh^^ I've seen the pictures, and unless you are telling me photoshop; I saw some old faces. Come grow out of the cheap shots waalalo smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Oh you haven't seen Somali ruwaayada where the character for youthful lovers are acted out by 50 year olds? They are called wiilka iyo gabadha smile.gif . Atiriisho iyo Atoore!

 

PS: You need a balance. You can't have the whole place celebrating, 'cause that would be boring, innit?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ardayda Magaalada Laascaanood Oo Saaka U Dareeray Maalintii Qashinka Gurka 18ka May Iyo Kuwa U Adeega Maamulka Hargeysa Oo Iska Hor Imaad Dhexmaray

 

May 18, 2008 By:Jidbaale.com

Laascaanood (Jidbaale.com) Saaka subaxnimadii qiyaastii markii ay ahayd ilaa 7:30 subaxnimo dhamaan ardayda dugsiyada magaalada Laascaanood waxay u dareereen xusitaanka maalintii qashin gurka ee 18ka May, oo sannad walba la go'aansaday in maalintaasi si weyn looga xuso, meelaha nadaafad daradu ka jirtana ay shacabku xoogooda u hibeeyaan.

 

 

Hadaba markii ay arrintaasi ka war helleen kuwa u adeega maamulka Hargeysa ee iskii u ildaran, ayaa waxay bilaabeen inay is hor taagaana xoogna ku muquuniyaan, balse taasi umay suura galin maleeshiyaadka u adeegayey Maamulka Hargeysa, waxaanay ardaydii oo ay iskaashanayaan shacabka degan magaaladu ay ku adkaysteen sidii ay wadooyinka uga nadiifin lahaayeen qashinkan sida xad dhaafka ah u yaalla.

 

Kuwa u adeega maamulka Hargeysa oo iyagu og in aysan marna shacabka xalaasha ah ee reer Laascaanood aysan doonaynin diyaarna u ahayn in ay aqbalaan maamulkaasi Hargeysa, isku daygoodii ahaa inay shacabka iyo ardayda is hortaagaan wuxuu noqday mid ay ku fashilmeen.

 

Waxaanay ardaydu ku dhawaaqayeen waa maalintii qashin gurka iyo nadiifinta magaalada, hase ahaatee erayadaasi waxay noqdeen kuwo damqay kuwii u adeegayey maamulka Hargeysa ee isagu haatan foodda iskula jira.

 

Jidbaale.com

 

Laascaanood Soomaaliya

18.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuwa U Adeegaya Maamulka Hargeysa Ee Ku Sugan Magaalada Laascaanood Oo Dumar Iyo Dhallinyaro U Xidhxidhay Maxaad Magaalada U Nadiifinaysaan

 

May 18, 2008 By:Jidbaale.com

Laascaanood (Jidbaale.com) Markii ay ardayda dugsiyadu u soo dareereen xuska maalintii qashin gurka ee 18ka May, kuwa u adeegaya maamulka Hargeysa waxay isku dayeen inay cudud malateri u adeegsadaan sidii ay isu hor taagi lahaayeen kacdoonka ay shacabka magaalada iyo ardayda dugsiyaduba ay ku doonayeen inay maalinta qashin gurka, inay ku nadiifiyaan wadooyinka magaalada qaarkood, hase ahaatee kuwa u adeegaya maamulka Hargeysa markii ay awoodi kari waayeen inay is hor taagaan waxay miciin bideen inay dumarkii iyo carruurtii xidhxidhaan.

 

 

Sida la rumaysan yahay ilaa hada waxay xidheen sagaal qof oo isugu jira dumar iyo dhallinyaradii iyagu iskood isu abaabulay, isla markaasina doonayeen inay maalintaasi si weyn u xusaan, magaaladana intii itaalkood ah ay ka nadiifiyaan qashinka, hase ahaatee arrintani waxay argagax iyo quusba ku riday kuwa deegaanka u dhashay ee iyagu doonayey inay maamulka Hargeysa iskaga iibiyaan cabudhinta shacabkooda.....

 

Tallaabadan ay shacabka ugu xooga sheeganayaan waxay cadaynaysaa sida aan maamullkaasi looga rabin magaalada Laascaanood, sidaasi waxaa yidhi 'Mid ka mid ah kuwa u adeegaya maamulka Hargeysa, balse u dhashay deegaanka'....

 

Waxaa kaloo ay wararku intaasi ku darayaan in ay ilaa haatan doonayaan inay soo qabqabtaan kuwii iyagu hawshan abaabulkeeda iyo isku dubaridkeeda iska lahaa, waxaana ila hadaa muuqanaya dareeno ka dhashay is hor taagan iyo cabudhinta lagu la kacay shacabka isu xilqaamay nadiifinta magaaladooda...

 

Wixii hadba ka soo kordha kala socda jidbaale.com

 

Jidbaale.com
18ka.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this