Sign in to follow this  
Suldaanka

Laascaanood oo markii ugu horeeysay la ciiday magaalooyinka Somaliland

Recommended Posts

Laascaanood oo ay saaka xaaladeedu kacsan tahay

 

{Laascaanood}18-5-08xaalada magaalada laascaanood ayaa saaka aad u kacsan iyadoo wado kasta oo magaalada ahna ay xidhan tahay taas oo ay sii dheertahay iyadoo rasaastu ay aad uga dhacayso..........................

 

Magaalada laascaanood saaka waxay ku jirtaa mid kamid ah maalmihii ugu darnaa ee ay soo marto iyadoo xaaladeedu ay aad ukacsan tahay amaan daro xoogana ay kajirto.

 

waxaa xidhan inta badan wadooyinka magaalada oo ay ugu horayso wadada halbowlaha u ah ee laamiga waxaa lagubayaa taayiro waa weyn waxaana lagu goynayaa wadooyinka dhalooyin iyadoo ay isbaacsanayaan dhalinyaro gadoodsan iyo ciidamada labaxay somaliland.

 

sidoo kale waxay ciidamadu albaabadu isugu dhufteen dhamaan iskuulada iyadoo ay ardayduna arintaasi ka biyo diideen.

 

iskuulka sare ee magaalada laascaanood ayaa waxaa yimi aroor yadii hore ee saaka askar ku gaashaaman baabuurta tiknikada ah waxayna ardayda iyo macalimiinta ku amreen inay albaabada isugu dhuftaan oo ay kasoo qayb galaan si khasab ah maalin ay somalidiidku ugu yaadhaan wax ku magacaabaan gooni isutaag .

 

waxaa kale oo ay askartu xidh xidhay dhalinyaro iskood isku soo abaabulay oo wadooyinka magaalada kanadiifinayay qqashinka isla markaana banaynayay wadooyinka xidhan iyadoo ay ugu dabaal degeyeen maalinta qashin gurista ssc ee 18-ka may.

 

majiraan ilaayo hadeer cid wax ku noqotay rasaasta xooga leh ee ay sooridayaan askarta waxaase wali jira xaalad kacsanaan ah.

 

WIdhwidh Online News Desk..Media Center
Banaanbax.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allsanaag

[5/18/2008] Mudaharaad ka dhan ah Gooni isu taaga S/land 18ka may oo laascaano ka dhaca

 

Maalinta 18ka may waa maalin ay Maamulka la magaxbaxay S/land ay u aqoonsadeen Maalinta gooni isu taaga Maamulkaasi iyadoo Gobolada sscayn la isu yiraahdo ee sool sanaag iyo cayna u ah Maalinta Qashin ururinta.

 

 

Hadaba maalintaas oo ku beegnayd Maanta ayaa waxaa Magaalada Laascanood ka dhacay isku dhac dhexmaray qaarka mida Taageerayaasha Maamulka S/land iyo shacabka Magaalada laascaanood ka dib Markii ay Masuuliyiin hoostaga Maamulkaasi isku dayeen in ay Xusaan Maalintaasi Halka dadka reer Laascaanoodna ay ka horyimaadeen in Magaalada laascaanood laga Xuso maalintaasi oo ah Maalinta qashinka ee Goboladaasi waxaana ay sheegeen dadkaasi in ay diidan yihiin in Soomaaliya la kala gooyo.

 

 

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa lagu dhex arki karayey dadwayne Aruurinaya Qashinka Magaalada dhexyaala isla Markaasna Banaanka uga saaraya Magaalada Iyo kuwo u dabaal degaya Maalinta 18ka May ee S/land u ah Maalinta gooni isu taaga.

 

 

dad caraysan oo ka soo horjeeda Xusitaanka Maalintan ayaa waxay Magaalada dhexdhigeen DHagxaan iyo Taayiro lagubay iyagoo diiday in la dhexmaro laamiga magaalada Laascaanood oo ay si Xoog ah imika ku haystaan Maamulka daahir riyaale ee Hargaysa looga arimiyo.

 

 

Ciidamada Maamulka lamagac Baxay S/land ayaa damcay in ay Xasuuq u gaystaan dadkaasi shacabka ah ee diidanaa kala qay qaybinta Soomaaliya ayaa waxaa hakad geliyey qaar ka mida Masuuliyiinta kasoo jeedo Magaalada Laascaanood iyagoo u sheegay in aan shacabka wax dhibaato ah loo gaysan.

 

 

shacabka ku dhaqan magaalada laascaanood ayaa iyagu si wayn uga soo horjeeda oo diidan qabsashada S/land ee Gobolka sool waxaana la orankaraa in Maamulka la magacbaxay S/land uu wado isku tolid dhinaca shacabka ah oo ay khasbanayaan.

 

 

Xasan faarax gudaal(Xasan Yare)

 

 

gudaal18@hotmail.c0om

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boocaame

Subax Nimadii Saaka oo ay Kuu Beegnayd 18 Bisha 5 ee May ayaa ahayd Maalin ay magaalada Laascaanoodi ahayd Mid Kacsan Halka Dadka Taageersan Maamulka Riyaale ay ayaamahanba u ololeynayeen Sidii ay Xaflad Balaadhan uga Dhigi Lahaayeen Sool LaascaanoodYadoo dhanka Kale'na shacabka badidiisu ay u diyaar garoobayeen Nadiifinta Gudaha Magaaladda Laascaanood oo ku Beegan 18 Isla Bisha May oo sanad walba laga xuso tan iyo inatii uu Maayarka ka ka ahaa C/rashiid barkhadle

 

 

hadaba waxaa ay maamulka Somaliland soo uruuriyeen dad aan Tiradoodu badnayn oo maskaxda Laga Xaday Iyo baabuur tikniko ah oo lagua daad shey Guud ahaan magaalada laascaanood wadooyinkeda

 

 

Ilaa iyo hada waxaa Xidhan wadada wayn ee Laamiga yadoo Quraarado(DHALOOYIN) lagu jajabiaayey Laguna Gubay Calanka SOMALILAND dhanka kale Wariyayaal Ka soo Jeeda Somaliland oo jeelka Loo taxaabay kadib markii ay sawiro ka qaadeen Calanka Somalidiidka Somaliland oo HOLCAYA

 

 

LAASCAANOOD

SOOL

SOMALIYA

418.jpgqashingur1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa markii ugu horeysey su wayn looga Xusay Laascaanood maanta sanad guurada 18 May ee Gooni isu taaga Jamhuriyada Somalialnd

 

Laascanood,(Qarannews)-Munaasabadan oo aad u balaadhan ay waxaa soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka iyo qaybaha Shacabka ee magaalada Laascaanood,xafladan ayaa waxay ka dhacday Guriga Gobolka halkaas oo ay indhahaygu qabanayeen Dhalinyaro,Dumar iyo Masuuliyiin ku labisan Calamka Somaliland iyo Astaamaha Qaranka.

 

Waa markii ugu horeysey oo laga xuso Gobolka Sool sanad guuradan gooni isu taga Jamhuriyada Somaliland,meelaha kale ee gobolka ka mid ah ee ay ka dhaceen Munaasabadan ayaa waxa ka mid ah Degmada Yagori,Degmada Kalabaydh,sida Dharkayn iyo meelo kale oo badan waloow xafladii ugu balaadhnayd ay ka dhacday Magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayna ku dhamaatay si habsami ah

 

Xaflada ayaa waxaa ka hadlay Masuuliyiin sarsare iyo Waxgaradka Gobolka Sool,ugu horayntiiba waxaa hadalka bilaabay Gudoomiyaha Mudane Cali Sandulle oo ka soo sheekeeyey ujeedada iyo Taariikhda 18 May,hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa waxaan aad ugu faraxsanahay in reer Laascaanood ay ka qaybqaataan Sanadguuradan 2008/05/18,Waxa kale oo isna ka hadlay Duqa Laascaanood Mudane Axmed Dahri iyo Xildhibaan Indho iyo Waxgarad kale oo badan.

 

Xafladahan loogu dabaal dagaayo 18'ka May ayaa ka dhacay dhamaan magaalooyinka Somalilnd, sida Hargysa oo uu madaxweyne Rayaale kala qayb galay dadweynaha reer Hargaysa iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee kala qayb qaatay dadweynaha reer Burco iyo gudoomiyaha xisbiga UCID oo isna la qaatay maanta xuska 18'ka May dadweynaha reer Boorama, sidoo kale waxa xaflad aad u balaadhan lagu qabtay magaalada Ceerigaabo iyo meelo aad u tiro badan oo ka baxsan Somaliland oo ay ku suganyihiin dadweyanahreer Somaliland.

 

Ugu dambayntii dadwaynihii ka soo qaybgalay Munaasabadan ayaa laamiga Magaalada lug ku soo maray iyaga oo mawqifkooda ku muujinaya iyo sida ay ugu faraxsanyihiin ka qaybgalka xafladan 18 may.

 

Dadka ayaa maanta lulaayay ama sitay calamada xisbiyadaqaranka ee Somaliland,UDUB,KULMIYE iyo UCID, waxa kale oo ay lulayeen ama ay siteen calanka Somaliland, iyo waliba caleemo qoyan, xafladna ayaa ahayd tii ugu balaadhnayd ee in mudo ah lagu qabto magaalda Laascanood taasi oo dadweynaha reer Laascanood ay kala sinaayeen magaalooyinka kale ee Somaliland.

 

Hadaba xafladan maanta ka dhacday magaalada Laascanood ma aha xaflada qudhaata ee loogu talo galay 18'ka May ee waxa jirtaxaflad aad u balaadhan oo caawa ka dhici doonta magaalada oo lagu xusaayo 18'la May, shabakda qarannews oo xafladaasi caawa ka qayb gali doonta maantana idiinka soo gudbisay xafladani kala soco wararka xaflada caawa.

 

 

 

Source Qarannews

Laascanood,Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

It is time to have a spine and stop this nonsense! We all know the hardcore SL flag wavers and bandana wearers aren't the natives of Laascaanood. Get over it and move on! Somebody with enough guts has to put a foot down and tell you that nobody is going to buy this.. ;) .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Ibtisam:

^^WHat is so funny??

 

How much was the pay off in the end ya Suldaan?? On a serious note, were these people representative of LA as a whole or just some that SL admin paid off in the last few months?

These people are part of the silent majority. Those who were fed the false propaganda for too long that they were being attacked by another clan and etc etc. But today, these people have seen it all through and through and they know the facts. And its b/c of those facts that these people have come out to join their fella Somalilanders accross the nation to celebrate this great day of ours.

 

As for those Garbage-Collectors, we look forward to the day they too, join the family and live peacefully happily ever after. :D

 

In any case, it is a good start for Laaska folks. Hopefully there is more in the offing for 26th of June celebrations. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this