Sign in to follow this  
Johnny B

Godane weydiiya !!

Recommended Posts

Johnny B   

- Haddii aad jahaad dhab ah gashoo, gadatay dhiiggaaga

- Oon guri qurxooniyo adduun, gacalo kaa haynin,

- Wax gafuurka laga duubahaa, Godane weydiiya?

 

 

- Dadku gobannimada waa horuu, geesiyaw huraye,

- Guushii Ilaah siiyay bay, calan ku gaaraane,

- Go’ madow siduu uga gadmaa, Godane weydiiya?

 

 

- Abtir aan la garan iyo wuxuu goomanka u sheegtay,

- Uuna godobta uga galay, dad baa soo gardaadiyaye,

- Aabihiina uga geeddi yahay, Godane weydiiya?

 

 

- Nin dagaal guhaaddiis badshiyo, gaaddo lagu faano,

- Oo diinta geed lagu koriyo, talis ku goobaaya,

- Ma guul buu islaamka u wadaa, Godane weydiiya?

 

 

- Waa tanoo waa wiil toban gu’ jira, culimo gaaleeyne,

- Oo gaban hub qaadiyo jahligu, geedo-laac wado’e,

- Gacan dhiig leh suu Sheekh ku yahay, Godane weydiiya?

 

 

- kii yiri kitaabkaan u go’ay, inaan gargaaraaye,

- Muslimiin madaxyada ka gura, galin dharaareede,

- Gardarriyo xaq tuu korinayaa, Godane weydiiya?

 

 

- Go’aamadii Hargeysiyo inuu go’idda taageero,

- Uuna gaardis ugu jiro, inuu hadaf ku guuleysto,

- Xamashadu marbay nala gashoo, Godane weydiiya?

 

 

- Ma-gafoo allaa inagaga dhigay, goyn naftaanada’e,

- Gabal baa qaar buu uga hadli’o, aayad gooniyahe,

- Midkii geysta waa tii cadaab loogu gooddiyaye,

- Isagoo jihaad lagu go’iyo gacalo moodaaye,

- Inuu ruux sidii maro gashtee, bam isku googooyo,

- Halka ay ka soo guuriyeen, Godane weydiiya?

 

 

- Gaajada watiga barakiciyo, oomanka iska gaaray,

- Gacmo iyo dad lugahooda bay, seef ku gurayeene,

- Ummaddaa garsoorkii xakumay, Godane weydiiya?

-

- Gudcur dumay habeeniyo, dadkaan galab la leynaayo,

- Mujrim gani, ku qaadanahayiyo, ganacsi mooyaane,

- Wallaan gacan Ilaahay ka baqin, lagu gumaadeyne,

- Meydkoo waddaada gegan, kolkuu shacabku soo gaaro,

- Gablan hooyadii noqotay, iyo gabadhii oydaaba,

- Xaggiisay habaarka u gantee, Godane weydiiya?

 

 

- Islaannimada gaariyo, wuxuu goonida u sheegtay,

- Maslaxadu ka guudhiya, misana daamanka u giijay,

- Inta kalana gaalo uga dhigay, Godane weydiiya?

 

 

- Nin jahaad ku gooddinahayoo, qori la gaammaaya,

- Mu’miniina gowracahayoo, gala masaajiidda,

- Guryahana u dhaca oo dafay, gudaya leylkiiya,

- Garna qaadanoo, maatidiyo gacal ka yaabeynin,

- Gaaladana ka cararoo, dagaal galow u yeeleynin,

- Dadku sidey u garab-siin karaan, Godane weydiiya?

 

 

- Hadday geel ku taalliyo, hadday geedo socotaabe,

- Gabaahiirta joogtiyo, middii guulo huraddaaba,

- Darajadii garba-cad wada sugtaa waa gafane une,

- Kursigaa guclaha loo yihiyo, gunnidda caynaanka,

- Oo qalinka lagu gaariyo, garashada maan doogtay,

- Inay gumac ku raadinahayaan, Godane weydiiya?

 

 

- Goobta saxan ma tiigsado addoon galin wareeraaye,

- Isagoo galbeed doonayoo, bari u geybtaaye,

- Markaabuu gawaan ku ambadaa, goon libaax badane,

- Qabuurahan la galay, meytadan gama’a loo diiday,

- Oo garweyntaa, iyo faagiddiyo gawda lagu haayo,

- Iyaguna waxay galabsadeen, Godane weydiiya,

 

 

- Garba siman Axmaaradu markay, galab u soo duushay,

- Shacabkii dagaallada galee, libin ku geegaaray,

- Guul-darriyo wuxuu ciil u baday, Godane weydiiya?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ina Godane wax bi'i isma lahayne'e siday ka noqotay, marka ruuxa ay xammaasadi dhex marto, oo ficil iyo rag iska celi uu jajuub u galo wuxuu kusoo baxaa sida Ina Godane, Mukhtaar Roobow iyo ragga la jaalka kusoo baxeen: rag fitnaysan oo badweyn dhiig ah dhex dabaalanayya

 

celceliska intii warlordsku dileen inku dhow maanta waa dilaan iyagoo magac islaam huwan, oo weliba bil barakaysan oo dadku ilaahood u afxiranyihiin lagu jiro ayey ku baaqeen dagaallo muslim badan oon waxba galabsan ku hoobtay welina ku hoobanayo

 

allow hanuuni, waad awoodaaye'e

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xinow Shariifkana adigoo tufay waan ku ogaa, Alshabaabkana waad utirisay, hada yaad reerka ku ogtahay?

 

Mase waad isdhiibtayoo hala ducaysto ayaad warka kusoo koobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

awoowe bishii ramadan maalin agoon ah baa ka hartay, xafladii lagu sakootin lahaa baan qabanqaabadeeda ku jirnaa, marka saasaa warkaygu waayadan duco ugu batay

 

waxaan runta ka fogeyn in soomaaliya maanta loo yaabay oo cid ur u bixisa aan lahayn, shariif iyo rashiid na ay fashil ku suganyihiin oo dawladnimadii ka bashiishtay,

 

wax ninweyni taageero meesha kama muuqdaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

God madow markii loogu tegey ee la isku gaalgaalay

markay madaafiicda goobtiyo naabaal gosha loo geliyay

markii gantaalihii dhacay shacab ku garaacay

gadhmadoobiyo caruur markii maalin la gumaaday

Inay Somaliland gooni tahay guri barwaaqaysan

oon cidina gafi karin Godane waydiiya ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

Ina Godane wax bi'i isma lahayne'e siday ka noqotay, marka ruuxa ay xammaasadi dhex marto, oo ficil iyo rag iska celi uu jajuub u galo wuxuu kusoo baxaa sida Ina Godane, Mukhtaar Roobow iyo ragga la jaalka kusoo baxeen: rag fitnaysan oo badweyn dhiig ah dhex dabaalanayya

Faraskii Sayidkow, haday Godane, Mukhtaar Roobow iyo ragga la jaalka ah dhiig dhex dabaalanayaan tolow Sayidku muxuu kaga duwan yahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this