Sign in to follow this  
Blessed

Dadnimo - Somali

Recommended Posts

Blessed   

Salaams,

 

This is a great poem by a brother appropriately known as ‘Nabad Doon.’

It's a part of a long and on going poetic chain entitled 'Dood Wanaag' which was central to Hadrawi's Peace March last year.

 

Apologies for the non-Somali readers. I would translate had I the time; but it already takes me long enough to read Somali.

 

 

The rest of the poems can be found at http://www.aftahan.com/gabayo/doodwanaag .

 

NB: This topic is posted in Politics rather than poetry because the chain deals with political climent of Somalia.

 

 

Ninka dawanka ruxayee

Dareenkeyga kiciyee

Suugaanta daabacan

Maansadeeda dahabkaa

Soo diray akhbaartoow,

Inkastoon daldalan iyo

Doodaha ka gaabsado

Xaq difaac markay tahay

Duullaankiisa kama haro

Docdii aniga lay diro

Inuu daad ka soo galo

Dabcigaygu ma ogola,

Darmaanteydu waa taas

Koorihii dusheediyo

Qalabkii dagaalkaba

Mar horaan diyaarshee

Dariiqeen mareynaa?

Dadka kee is leedahay

Daacad iyo wax garad iyo

Damiir baa ku haray weli?

Deelley dhasheediyo

Doodwanaag ma tirinnaa?

Danyar ma u hibeynaa?

Dulman ma ugu baaqnaa?

Kama taagna doodduye

Xaggee diirad saarnaa?

Docdee uga haggaagnaa?

Maxaa dumay maxaa diday?

Maxaa daqarro gaareen?

Maxaa daafac naga raba?

Daneystaha la sheegiyo

Dabadhilifku waa kee?

Dambigana ayaa galay?

 

Su'aalahan is daba yaal

Anigoo an kugu deeyn

Asxaabtana u kala dirin

Aan jawaab u doonee

Mid mid iigu soo daa.

 

Waxaa dumay dalkeennii

Midkii dawladnimo iyo

Mabda’ kala danbeyn iyo

Dadweyniyo xukuumiyo

Iskuul loo dareeriyo

Dugsiyada culuuntiyo

Danab iyo kumaandoos

Mashaa’ iikh duceysiyo

Mar lahaa dad maamula!!

 

Saylac dacaladeediyo

Awdal daafaheediyo

Hargeysadaa dusheediyo

Deegaankii Berbera iyo

Burco dooxadeediyo

Durukhsiyo Afweyn iyo

Dusha Golis silsiladdii

Ceeragaabo daankaas

Laasqoray deggeediyo

Laascaano dayr baa

Dusha looga meershoo

Qolaa tiri anaa degey

Qaran dummayna yeelkii

Qolaa diiddan taasoo

Iga durug iddaa iyo

Damdam aan dhammaan iyo

Doodaa ka jira weli!

 

Doonyaha rugtoodiyo

Darka Beyla iyo Eyl

Boosaaso lagu daray

Qardho iyo Dangorayiyo

Dooxadii Nugaal iyo

Dusha Gaalkacyood iyo

Degmadii Goldogob iyo

Dalka bari kawada xiga

Qolaa deyr ku ooddoo

Nagu tiri anaa degey

Qaran dummayna yeelkii

Qolaa diiddan taasoo

Iga durug iddaa iyo

Damdam aan dhammaan iyo

Doodaa ka jira weli!

Docda Garacad hoosiyo

Deegaankii Hobyoodoo

Taariikho duuga leh

Cadaadiyo Dagaariyo

Dareemihiyo cawskiyo

Dhulka geelu daaqee

Gallinsoor ku soo dega

Dabaroow kolay tahay

Derri iyo dhul Ceelbuur

Qolaa deyr ku ooddoo

Nagu tiri anaa degey

Qaran dummayna yeelkii

Qolaa diiddan taasoo

Iga durug iddaa iyo

Damdam aan dhammaan iyo

Doodaa ka jira weli!

 

Beledweyn kusii durug

Degga bari kasii aad

Ha ku daahin Buulaay

Deexdiyo Maxaas iyo

Jalalaqsi duleedkiyo

Buurane dariiqii

Qolaa dayr ku oodoo

Nagu tiri anaa degey

Qaran dummayna yeelkii

Qolaa diiddan taasoo

Iga durug iddaa iyo

Damdam aan dhammaan iyo

Doodaa ka jira weli!

 

Degmadeeda Cadaliyo

Jawhar degelladeediyo

Balcad daafaheediyo

Daayniilihii kore

Xamar daya dhammaanteed

Waa ley dardaarmoo

Anaa deyr ku ootoo

Qolaa tiri anaa degey

Qaran dummayna yeelkii

Qolaa diiddan taasoo

Iga durug iddaa iyo

Damdam aan dhammaan iyo

Doodaa ka jira weli!

 

Dalkii beeraleydiyo

Degmadii Afgooyiyo

Daamaha Shabeelliyo

Dihintii Qoryooleey

Dalagyadii baxaayiyo

Daldalaaddii muuskii

Digirtiyo galleydii

Daruurigii la cunijirey

Qolaa deyr ku ooddoo

Faliddii u diiddoo

Nagu tiri anaa degay

Qaran dummayna yeelkii

Qolaa diiddan taasoo

Iga durug iddaa iyo

Damdam aan dhammaan iyo

Doodaa ka jira weli!

 

Buurkaba dalsamideed

Durdurkii Ishii Baay

Xudur duunyadeedii

Dambarkii Tiyeegloow

Illaa hawdka Diinsoor

Qolaa dayr ku ooddoo

Nagu tiri anaa degey

Qaran dumayna yeelkii

Qolaa diiddan taasoo

Iga durug iddaa iyo

Damdam aan dhammaan iyo

Doodaa ka jira weli!

 

 

Doolow ka soo gudub

U durduri dhankaa Luuq

Dibu soo majiiroo

Garbahaarrey daaqeed

Baladxaawo deriskeed

Baardheeriyo dabaashii

Jubba dacalladiisii

Qolaa deyr ku ooddoo

Nagu tiri anaa degey

Qaran dummayna yeelkii

Qolaa diiddan taasoo

Iga durug iddaa iyo

Damdam aan dhammaan iyo

Doodaa ka jira weli!

 

Degmadii Bu’aaliyo

Dajuumiyo Sablaaliyo

Dif halkeey ku taaliyo

Dugaagiyo ugaadhii

Duunyada la maaliyo

Lo’da daaqsinkeedii

Qolaa deyr ku ooddoo

Nagu tiri anaa degey!

Qaran dummayna yeelkii

Qolaa diiddan taasoo

Iga durug iddaa iyo

Damdam aan dhammaan iyo

Doodaa ka jira weli!

 

Dekeddii Kismaayiyo

Dalxiiskeedii Waamiyo

Dooshii Jammaamiyo

Dalkaloo an dhaafoo

Danyartiisu badantahay

Qolaa deyr ku ooddoo

Nagu tiri anaa degey

Qaran dummayna yeelkii

Qolaa diiddan taasoo

Iga durug iddaa iyo

Damdam aan dhammaan iyo

Doodaa ka jira weli!

 

Dulucdiyo ujeeddada

Waxaan uga dan leeyahay

Dalkii waa burburay oo

Degma kasta qabiil baa

Ka sameystay doqoshyoo

Ku dahaaray xeyndaab,

Dabbaabaad wax guba iyo

Hubna loo dalbaayoo

Duul kale masruufaan

Maatada dayacan iyo

Deriskana u xoog weyn.

 

Waxa taa ka sii daran

Dal galbeed xorayn iyo

Diridhaba la sheegtiyo

NFD-ii warkeed daa

Gabbal baa u sii dumay,

Halkay door u hiilliya

Dadaal kale sugaayeen

Duufaantiyo dhibaatadu

Docdeenneyba uga timid

Danna seeto weeyee

Darxumada aqbale oo

Gumeystihii dilaayeey

Kuba sii durkaayaan!!

 

*****************

Waxaa diday dadkeennii

Da’yartiyo barbaartii

Duqeydiyo waxgaradkii

Dumarkiyo caruurtii

Wax diyaarad qaaddiyo

Wax dabaal badaha maray

Ama doonni lagu guray

Dabadeedna laga rogay

Lagu daadshay halisoo

Dib dambana an loo arag

 

 

 

 

 

Dalandoolka qaarbaa

Saxaraha ku daaloo

Dirgix socodka gabayoo

Dad usoo gurmada iyo

Wax daneeya waayoo

Dabadeed dhurwaa cunay

Ama oon la dabargo’ay

 

Badhna dalal shisheeyiyo

Kuwi ina dabaayee

Dacdarada nabaday baa

Iska daabulanayoo

Ugu deeqay gogol iyo

Doolar quutulyoonoo

Dameeraha sidoodii

Ama dibi bal loo dhigay

Wayska daaqayaanoo

Maba digigaxanayaan.

 

Darka haree gudaha jira

Dabley bay u badanyiin

Dayday iyo dadqalatiyo

Duqa amarka siiyee

U dirsada colaadiyo

Mid ku daba dugaaloo

Marna daa an oran karin

Dockayeer munaafaqa.

Dumar iyo caruur iyo

Duqoowshiin fariistiyo

In yaroo damiir liyo

Xoogaa diinta weli raba

Meelkastana dab loo suray

Lagu didiyey ********

Iyaguna ducfiga galay

Nafta dooji mooyee

Iska daayey hawl iyo

Qaran dihashadiisii.

 

Sida doontii socotee

Dusha kuwii ka saarraa

Markey biyo u diideen

Hoosta qaar daloosheen

Oon daaya lagu oran

Illaa idil la wada degay,

Dockastood ka eegtaba

Dadkii qarankan baylahay

Midkii dibadda aadiyo

Midkii daakhilkii jiray

Dumar iyo raggiisii

Duqey iyo saqiirriyo

Digtoor iyo askari iyo

Dublamaasi koley tahay

Dawakh baa ka muuqdoo

Daqarraa ku yaalloo

Dubbaa madaxa uga dhacay

Dhiigna waa ka da'ayaa

Ee yaa dambiga galay

Ooy diyo u haystaan?!!

 

*****************

Dadkii qaranka dhaliyoo

Isku daranka keenoo

Dastuur lagu heshiiyiyo

Xeer kala dabaaliyo

Aan dhigin diiwaan qaran

Diintana an nagu hagin

Miyaa galay danbiga weyn?

 

Ma duqii kacaankiyo

Dawladduu xukumayee

Digdigtiyo sawaxankii

Diktaatoor u heeskii

Qabiil duugistiisii

Dad u sacab tummeenoo

Daacad runa u qaateen

Kuwii xume ku diidee

Dariiq saxa tilmaamee

War ka daa yiraahdiyo

Culumaa' u diinkii

Daldalaadi loo qoray

Danbi laga kasbaday baa

Dib ka soo butaacoo

Ina baday darxumadaan?

 

Baladii la duugiyo

Digo hoos ka nooleyd

Daacuunay dhaleen iyo

Dawdowle saaqida

Dabadhilif hargaantiya

Dayday aan wax reebeyn

Duub aan xishooniyo

Oday dibad ka yimidoo

Ilmihiina daabulay

Isaguna ku daba jira

Ismadooriyaalkaas

Miyaa galay danbiga weyn?

 

Digtoorkiyo sargaalkii

Ducufada waxeediyo

Ku dallacay canshuurtee

Qabay deymahoodee

La lahaa duruufaha

Marku xaalku daranyahay

Duruustii la siiyaa

Xoogaa ku soo duxin

Oo way nadaba qaban

Iyaguna dufooboo

Duuflaale yaashiyo

Ma damqadaha liitiyo

Dullaal iyo mallaal iyo

Darbi jiif u kala baxay

Miyaa galay danbiga weyn?

 

Culimada dagaagtee

Iska diiday samahee

Dadka aan dhexgalinee

Ganacsiga ka door biday

Ama inay dawaafaan

Dubaay iyo Khaliijkee

Dukaanada camirayee

Ragga duubka waaweyn

Shaariqa la degay qaar

Dalkoodiina daayacay

Miyaa galay danbiga weyn?.

 

Mise Diin naceybkiyo

Xil daneyn la’ aantiyo

Sako diid an baraniyo

Duudsiga kan liitiyo

Dadweynaha xaqiisiyo

Iska doogso maalkiyo

Dalxiis kama dhargaankiyo

Dulmi wixii arlada yiil

Dadka qaar ku faanee

Qaarna diidi karinoo

Dantu aamus ay tiri

Ayaa dumiyey qarankoo

Dambigaba u aabbaa?!!!

 

*******************

Damqadaye dhulkaygow

Kheyraadka dihin iyo

Nimcadii dushaadee

Daa’in kugu manneystee

Doqon ruux ah mooyee!

Aan laga dayoobeyn,

Dadkaagiina uu yahay

Mid ku diirtay oo cunay

Dubaaxdiyo jirkaagii

Mid ku deyrshay oon arag

Diihaalka kugu yaal

Iska diiday gobannimo

Dulligana ku qaanacay

Kuma deyn karaayoo

Mana daahsan karayoo

Waqti bay dirqinayee

Dawadaadu waa maxay

Sideen kugu dabiibaa?!

 

******************

Bal waxaan deydayayaa

Geesi maanta duubtoo

Karti Rabbi ku deeqiyo

Mid damiir ku harayoon

Daxaleysan laabtoon

Qabiil duugin araggoon

Iimaanka laga dedin !.

 

Bal waxaan daydayayaa

Mid dalkiisa jecel oo

Mid dadkiisa raba oo

Mid dayuuska neceb oo

Dabka kuwa afuufiyo

Midka dira diraha wada

Beelaheenna kala dila

Dabadhilifka aan siin

Doolar uu ku hawl galo!

 

Bal waxaan daydayayaa

Aqoon yahan dahsoonoo

Dagaalkii sokeeyiyo

Dabkii ehelka lagu shiday

Damintiisa kara oo

Dadku aaminaanoo

Dar Ilaaheey noo haga.

 

Bal waxaan deydayayaa

Sarkaal daacadoo weli

Dalkiisii ku weynyahay

Darajaduu lahaan jiray

Dib usii gocanayoo

Dagaal uu u galo iyo

Aan ka daalin kheyrkoo

U diyaara qarannimo.

 

******************

Balse waxaan ka digayaa

Qofkii dawladnimo iyo

Dadnimiyo wanaag raba

Waa inuusan daah iyo

Dib ugurasho laasimin

Dangiigsina ku sheekeyn

Dad kalana ka sugin hawl

 

Waxaan kaloo ka digayaa

Deg deg iyo xawaariyo

Qorshe lagu daneystiyo

Damdamliyo Afmiinshaar

Danta guud ka door bida

Danihiisa gaarka ah.

 

Kaba daali maayee

Waxa iga dardaarana

Dooddana kusoo xiray

Midkii ciil diloodow

Waxan soo dareershiyo

Dhaxalkaa daneeyow

Dullinnimo ka kacayow

Daacaddoy ku soo durug,

Ninkii diida yeelkiis

Dabadhilifku yuu iman

***** daaman weyn iyo

Maangaab dan haw gelin

Hayska debed wareegee.

 

Intaas waxaan ku darayaa

Dad islaama baan nahay

Ilaah baa na daabacay

Isagaa na dilayoo

Dibna noo unkamayee

Waa inaan dadaal iyo

Daacadnimo ogaannaa

 

Waa inaan ducada badan

Rabbi ugu dadaalnaa

Wixii naga dahsoon iyo

Wixii naga dambeeyee

Dadku aysan weli arag

Cilmi qeybka loo degin

Loona daayo Mowlaha.

 

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.

 

Mansha Allah ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Waa gabay wanaagsan! waxase lgarabey in aad inoo jilcisid kistoo yar iyo inaad usso postgareeysid :D kistoo kistoo, haddi kale waa lagu wareere. waak kumahatsantyahy gabeyga

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faheema.   

^^^ naa heedhe do you know how long it took me to read that? :eek: It was worth it though :D Nice piece of poetry.

 

Originally posted by
Ameenah:

 

Bal waxaan deydayayaa

Geesi maanta duubtoo

Karti Rabbi ku deeqiyo

Mid damiir ku harayoon

Daxaleysan laabtoon

Qabiil duugin araggoon

Iimaanka laga dedin !.

 

Bal waxaan daydayayaa

Mid dalkiisa jecel oo

Mid dadkiisa raba oo

Mid dayuuska neceb oo

Dabka kuwa afuufiyo

Midka dira diraha wada

Beelaheenna kala dila

Dabadhilifka aan siin

Doolar uu ku hawl galo!

 

Bal waxaan daydayayaa

Aqoon yahan dahsoonoo

Dagaalkii sokeeyiyo

Dabkii ehelka lagu shiday

Damintiisa kara oo

Dadku aaminaanoo

Dar Ilaaheey noo haga.

 

Bal waxaan deydayayaa

Sarkaal daacadoo weli

Dalkiisii ku weynyahay

Darajaduu lahaan jiray

Dib usii gocanayoo

Dagaal uu u galo iyo

Aan ka daalin kheyrkoo

U diyaara qarannimo.

Ana intan baan ku dari lahaa

 

Bal waxaan daydayayaa

Mid dulqaad badan

Mid damiir leh

Mid dabeecad wanaagsan

Mid diinta ku dhaqma

Oo aan qabiil ku daan daansan dadka

Mid kula dadaala sii dalka iyo dadka loo dajin lahaa

Dib u socodku waanka ina dumiyee

Ilahy ha ina soo daweeyo

 

Amiin smile.gif

 

*** Wonders why the sudden urge to rhyme :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Wonderfull! Thnx Ameenah for posting.

 

Shayma, good try :D

 

 

Nabadoon! what a name! Here is another quote from the same geeraar:

 

Dulucdiyo ujeeddada

Waxaan uga dan leeyahay

Dalkii waa burburay oo

Degma kasta qabiil baa

Ka sameystay doqoshyoo

Ku dahaaray xeyndaab,

Dabbaabaad wax guba iyo

Hubna loo dalbaayoo

Duul kale masruufaan

Maatada dayacan iyo

Deriskana u xoog weyn.

 

Waxa taa ka sii daran

Dal galbeed xorayn iyo

Diridhaba la sheegtiyo

NFD-ii warkeed daa

Gabbal baa u sii dumay,

Halkay door u hiilliya

Dadaal kale sugaayeen

Duufaantiyo dhibaatadu

Docdeenneyba uga timid

Danna seeto weeyee

Darxumada aqbale oo

Gumeystihii dilaayeey

Kuba sii durkaayaan!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Ameenah, thank you for posting the poem. I think the 'Dood-wanaag' thread is on-going. It is currently documented in Somalitalk website. A host of young composers are contributing to it. Its the Deelleey of our time.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

^^It's cool init?

 

Originally posted by Bakar:

Waa gabay wanaagsan! waxase lgarabey in aad inoo jilcisid kistoo yar iyo inaad usso postgareeysid
:D
kistoo kistoo, haddi kale waa lagu wareere. waak kumahatsantyahy gabeyga

lol@ Inatanu waa hordhicii threadka. Adna daal baad ka hadleysaa, damn. Madaama aad ka qeyliseen; indinku doonta hadaad rabtaan.

 

 

Shaymaay

 

LOL! Odeyaashii loo jibiinayey ;) tanaa ka danbeysay. :D

Ilahay hakaa aqbalo sis:)

 

Baashe

:D ohMYGod. Dare I say this is your dream poem. Had I known you were lurking around here.... icon_razz.gif

 

Pleasure all.. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

SHAYMA

Ana intan baan ku dari lahaa

 

Bal waxaan daydayayaa

Mid dulqaad badan

Mid damiir leh

Mid dabeecad wanaagsan

Mid diinta ku dhaqma

Oo aan qabiil ku daan daansan dadka

Mid kula dadaala sii dalka iyo dadka loo dajin lahaa

Dib u socodku waanka ina dumiyee

Ilahy ha ina soo daweeyo

 

Amiin

ana igu dar mandhay ;):D

 

aheey...

 

Miid aan isla duulduuli karno ;)

Miid aan daawashadiisa ka daalin

Miid daawo ii noqdoo ee qabliga ii dhiiso

Miid dareemo reerkiisa daryeelkooda

Miid daarti ilaahi iguu wanajiiyo

Miid dar ale uu dagenoo

dantisa garaanayo, diyaar uu ah

wada jir daa'in ah

dulqaad badanoo..dhulka hai dhigin

 

hadii kale waxaan lahaa..haye

 

xagee ka dayaa, dalmaroo

dhibka iyo qaxaarka aan kuuso marey

dan la'aanta ihaayeso

daraada aan uu dhuubtey/macaluuley

dhabanadii baa ii dumeen

dhabarkii baa ii jabaay

dareenkii baa iga tagey

miyiirkii baa iga duuley

sidii aan kugu dikrinaaye

ma dooni inaan kaa dabaordo?

mandhow waan kugu daale

soo dulwareego,

dhabta igu qaboo,ii daadihii ;):D

 

hope you enjoyed my crude version.

 

 

MEENAH-nice poem sis-thx :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faheema.   

LooL Raulaay ishaad ka tuurtay….waah waah smile.gif

 

laakin saancadaaluhu (in this case saan-madow) muxuu qabanayaa muu kuu soo gurmado, waadigan qalalee sidii geed haraadsane :D

 

Ameenaay Taa adigaan kugu haleenaayey ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

Thanks Ameenah smile.gif .

 

At the very least, this was a great achievement for myself- longest Somali poem that I have ever read.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Reading this poem gave me a serious headache, far too long (even though the subtle “beat†of the rhyme kept me going for a bit). As is usual with long Somali pieces I understood some of it but missed the meaning of most (seem to have got the general point though).

 

 

Sorry Raula and Shayma, I would have loved to comment on your funny (are they?) attempts at poetry but I didn’t read them. I’m poet-ed out for one day. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

waw - I'm speachless! thanks for sharing it sis Ameenah!

 

reading these kind of poems, and knowing there are men like brother NabadDoon out there - sometimes makes me want to just shut up and save my breath.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Originally posted by Ameenah:

Baashe

:D
ohMYGod. Dare I say this is your dream poem. Had I known you were lurking around here....
icon_razz.gif

 

Pleasure all..
smile.gif
[/QB]

Too late Ameenah icon_razz.gif , you've already made my day :D That was good one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this