Sign in to follow this  
Nationalist

Tacsi: Beldaje Haji Abdullahi of Bosaso

Recommended Posts

MARXUUM BEELDAAJE XAAJI C/LAAHI BEELDAAJE MAXAMED BEELDAAJE ISMAACIIL OO KU GEERIYOODAY MAGAALADA LONDON, 19-KII BISHATAN. WAXAANU ILLAAHAY UGA BARYAYNAA MARXUUMKA INUU JANADII KA WARAABIYO, INTII UU KA TEGAYNA SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO.

 

 

Bismilaahi Rahmani Rahiim

 

 

Taariikh Nololeedka Beeldaaje Xaaji Abdullahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil

 

 

 

 

 

beeldaaje_cllaahi.jpg

Muuqaalkii ugu dambeeyay ee Beelaadajaha

 

Beeldaaje Xaaji Abdullahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil waxa uu ku dhashay tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala, kuna taal dhulbuureedka sare, sanadkii 1910.

 

 

 

Aabihiis Beeldaaje Maxamed Ismaaciil waxa uu ahaa Beeldaajaha Cali Saleemaan, kaasoo ka dhaxlay Aabihiis Ismaaciil, ka ab, ka ab, iyagoo sida la ogyahay todoba (7) qarni ahaa Beeldaaje, dawlad kasta oo timaada oo isticmaari ah awood uma laheyn iney faragashato.

 

 

 

Beeldaaje Xaaji C/laahi waxa la dhashay a) Cali Beeldaaje oo ka weynaa, b) Xasan Beeldaaje, c) Maxamuud Beeldaeje. Cali oo ahaa curadkii dhaxalka lahaa markuu hanaqaad noqon lahaa ayuu geeriyooday, halkaas ayuu Xaaji C/laahi ku noqday (Waliyal Cahdi), saas daraadeed markuu aabihiis geeriyooday sanadkii 1926 dii, Xaaji C/laahi waxa uu noqday Beeldaajihii todobaad (7) ee Beesha Cali Saleemaan.

 

 

 

Xaaji C/laahi wuxuu yaraantiisii nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardaydii ugu horeysay ee Xaaji Maxamuud “Dharasâ€, kaasoo ah dugsi magaalda Qanadala caan ka ahaa. Sidoo kale Xaaji C/laahi wuxuu waxbarasho iyo safaraba u aaday Xamar iyo Yemen sanadadii 1930-35 kii.

 

 

beldaje.JPG

 

beel1.jpg

Dhalinyaranimadii Beeldaajaha

 

Markii ay dowladii Fashiistiga ee Benito Musselini qabsatay ******teeniya, waxaa dhacay dagaal culus oo badda iyo bariga laga duqeeyey deegaanadaas, sida la ogyahay Beeldaaje Xaaji C/laahi iyo adeeradiis, Xaaji Cartan Ismaaciil iyo Siciid Ismaaciil waxa lagu eedeeyey in ay amarkii Governerka ka hor yimaadeen, dabadeedna waxa loo musaafuriyey xabsi ku yaal Xaafuun, oo markaas aheyd magaalada Soomaaliya ugu horumarsan, halkaasna waxa ay ku xiraayeen sanad.

 

 

 

1937-41 dagaalkii labaad ee dunida Beeldaajaha iyo Ugaas Yaasiin C/raxmaan, waxa ay ku howlanaayeen wax ka qabadka (xaaladaha deg dega oo Ingiriiska ku soo rogay Soomaaliya ee beegida raashinka), oo cunta la`aanta saameysey noloshii dadka.

 

 

 

1943-49 waxa uu ka mid ahaa Guddiyadii Ururka Leegada, S.Y.L.

 

1950, markii UN ku Talyaaniga soo cesheen, waxa uu ka mid ahaa Isimadii diidanaa ee doonaayey watayna figrada “Great Somalia†Soomaali in la isku daro. Isla sanadkaas 1950 waxaa la casriyeyey warshada kalluunka ee Qandala taas oo uu door weyn ka qaatay furideeda.

 

 

 

Beeldaaje Xaaji C/laahi wuxuu ahaa oday dhaqanka Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ku dheer. Waxaana lagu tilmaami jiray Isimada Gobolka ugu dhaqan adag.

 

 

 

1959 waxa uu ka mid noqday xildhibaanadii Soomaaliyeed ee la doortay, galayna baarlamaankii ugu horeeyey (Assemblea Nazionale Somala), waxaana laga doortay degmada Qandala. Wuxuu mar labaad soo galay baarlamanka 1964-69, halkaasna wuxuu siyaasada ku jirey toban (10) sano.

 

 

 

Wuxuu safaro badan ku aaday dalalka Yemen, Sucuudi Carabia, Kuweit, Bangaladesh, Shiinaha, Ruushka. Mareykanka, Yurub iyo Beitul Qudus intii ay gacanta ku heysey Urdun.

 

 

 

Wuxuu ka sheekeeyay in uu joogay Dallas (USA) maalintii la dilay John Kennedy madaxwaynihii maraykanka 23kii September 1963, halkaas oo uu u joogay wafdi ahaan.

 

 

 

Madax badan oo aduunka ayuu la kulmay,wuxuuna aaminsanaa midnimada Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.

 

 

 

Mudaddii burburka 1991-2004 wuxuu joogay oo ku noolaa dalka Imaaraadka halkaas oo shaqo badan ka qabtay, dadwaynaha Soomaaliyeedna guud ahaan iyo gobolka Bari uu si gaar ah wax ugu raadin jiray. Waxa uu ka mid ahaa isaga iyo ugaas Yaasiin odayaashii aaday dalka Holland oo biyo galinta Boosaaso loo soo ogalaaday, soona saxiixay sanadkii 1994. Waxa uu ka mid ahaa Issimadii ( boqor Maxamuud iyo ugaas Yaasiin ) ee ka dhameeyay sheekha Sharja Al-qasim, garoonka Boosaaso in la dhiso.

 

 

 

Waxa uu ahaa nin nasiib badan oo waxa uu damco u hirgalaan. Waxa uu ka tegay 11 rag ah iyo 7 dumar ah iyo 3 ooryo Allaha u naxariisto Beeldaaje Xaaji C/laahi Beeldaaje Maxamed Beldaaje Ismaaciil.

 

 

 

F.G. Marxuumka waxaa lagu duugi doonaa magaalada Boosaaso ama degmada Carmo

 

 

 

 

Laga soo xigtay: Dr Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje

 

Qormadii Maxamed Farah Beeldaje

 

 

ugas1.jpg Ugas Yasin Ugas Abdirahman, another respected Rer Bosaso traditional clan leader who died few years ago will be remembered at the Beldaje's burial in Bosaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicun, ilaahay ha u naxariiistu marxum Xaji Abdullahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, eheladii u ka tagayna samir iyo imaan ha ka siiyo, gaar ahaan reer Beeldaaje iyo Somalida oo dhan. Janadii fardowsana ka waraabiyo.

 

Amiin Amiin Amiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this