Sign in to follow this  
Juje

War Deg-Deg ah: Dagaal hadda ka bilowdey Kismaayo

Recommended Posts

Juje   

War Deg-Deg ah: Dagaal hadda ka bilowdey Kismaayo

 

KN: Dagaal culus ayaa fiidnimadan ka qarxay bartamaha magaalada Kismaayo, xabadu waa ay bilaabatay, waxayna u dhacaysaa si darandoori ah, dagaalkuna waa mid culus sida ay noo xaqiijiyeen madaxda Xisbul Islaam oo hadda aan la xariirney.

 

Waay xabadu ka dhaxaysaa xaafada Shiilkole iyo Siinaay oo ay kala joogaan labada dhinac.

 

Ma jirto wax faahfaahin ah hase yeeshee dagaalku waa mid la filayay saacadihii ugu dambeeyeykadib markii ay joogsadeen dhamaan wixii wadahdalo ahaa ee socdey.

 

Dagaalkani waxaa saakay iclaamiyey Sh. Xassan Yacquub afayeenka maamulkii magaalada ee dhanka Xarakatul Shababul Mujaahidiin.

 

wixii kasoo kordha kala soco KismaayoNews.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

The other irony Xiin is that the conflict will also start in Xaamr, Bay, Shabelleda Dhexe and all other areas these militants share.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo kacdoon sameeyey iyo xaalada Kismaayo oo kacsan

 

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadha magaalada istaraatijiga ah ee Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa gudaha magaalada Kismaayo ay hubkoodii tiiriyeen iyagoo si buuxda ugu gacan seydhay dhawaaqii ka soo yeedhay Sheekh Xasan Yacquub.

 

Ilo wareedyo xog ogaal ah oo u waramay warsidaheena ayaa sheegay in 40 ka mid ah ciidamada Al-shabaab ee ku sugnaa gudaha magaalada Kismaayo ay hubkoodii tiiriyeen kuna war geliyeen Sheekh Xasan Yacquub inaysan u dagaalameynin.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidankani uu kacdoonkan sameeyey ka dib markii saaka uu Yacquub iclaamiyey dagaal ka dhan ah Ururka Xisbul islaam.

 

kacdoonka ay sameeyeen afartkan nin ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii shalay ahayd ay ciidamada Xisbul islaam ku soo biireen 60 ka mid ahaa ciidmadii amniga ee maamulkii hore ee magaalada Kismaayo.

 

Isku soo duuboo waxaad moodaa in ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa gudaha Kismaayo ay soo wajahday kala daadasho ka dib markii ay ku qanci waayeen dagaalka la iclaamiyey ee la doonayo inay la galaan walaalahooda Xisbul islaam.

 

Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaan in qeybo ka mid ah shacaabka magaalada Kismaayo ay bilaabeen inay isaga baxaan magaalada iyagoo ka cararaya dagaal laga cabsi qabo inuu wakhti kasta ka qarxo gudaha magaalada Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This shows what a bunch of !diots these shabaabs are, they never learn from history, and Afghan mujahideen civil war is not far from us, no one can win thee sort of wars. But its good news for the caravan I guess.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabadh soomaaliyeed baa waxay ku maah maahday

meel aadan ka uunsan jirin hadaad ka uunsato, meel aadan ka guban jirin baad ka gubataa

 

Question is why would Ahmed Madoobe attack a peacefull city. Kismaayo has never been as peaceful as today. Madoobe will be responsible for any blood shed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ This is tragic news, but these militias have again proven how short sighted they are. This war if it is not stopped will cause mayhem in the deep south/central regions and we might get new factions that make the current leaders of Al Shabaab like Ghandi. The silly man who declared war this morning and the other ***** who thought. Bringing armed men into town was smart both bear responsability.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Ducaysane:

Gabadh soomaaliyeed baa waxay ku maah maahday

meel aadan ka uunsan jirin hadaad ka uunsato, meel aadan ka guban jirin baad ka gubataa

 

Question is why would Ahmed Madoobe attack a peacefull city. Kismaayo has never been as peaceful as today. Madoobe will be responsible for any blood shed.

I am afraid in aadan la socon sheekada dhan ama aad iska indha tirayso. Laakiin Axmed Madoobe simply stated that shabab have attempted a coup on the administration which was agreed earlier that it would be shared equally, and he went there only to enforce the terms of the condition.

 

Axmed madoobe is not responsible in any form, and he didn't attack the city as you would like us to believe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this