Sign in to follow this  
General Duke

Minister Barre Hiiraale: Will support Parliment decesion regarding troop deployment

Recommended Posts

Barre Hiiraale Oo Taageeray in Ciidamo Safka Hore ah Dalka la Keeno

 

Barre Aadan Shire "Hiiraale" ayaa sheegay in aanu waxba ka qabin in ciidammo ka socda dalalka dariska la ah Soomaaliya oo ay ku jiraan ciidammo itoobiyaan ah la keeno dalka Somalia. Barre Hiiraale oo ka hadlayay magaalada Kismaayo ee uu ka arrimiyo waxa uu sheegay in

 

keenista ciidamadaasi,aysan waxba u dhimi doonin dagganaansha iyo madaxbannaanida Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhgay.

 

Hiiraale waxa uu sheegay in shacbiga soomaaliyeed ay ka daaleen dagaallo sokeeye iyo is dil aan kala go’ lahayn tan iyo markii ay dhacday dowladdii milatariga ee dalka ka arrimin jirtay,sidaasi daraaddeedna ay lagama maarmaan tahay ayuu yiri in la helo dowlad soo celisa dagganaanshihii iyo nidaamkii lumay,taas oo uu sheegay in hadda la soo dhisay ,laakiin aan ammaanka dalka hanan karin haddii aanay hellin ciidan xooggan oo arrintaa ku gacan siiya.

 

Waa markii ugu horraysay oo Barre Hiiraale uu ka dhawaajiyo in aanu waxba ka qabin in ciidammada safka hore oo Itoobiyana ay ku jirto ay ka mid noqdaan ciidamada la keenayo dalka somalia ,iyadoo indhaha laga laabanayao cabashada dad waynaha iyo hoggaamiyayaasha xoogga ku leh magaalada Muqdiisho oo mowqif adag oo diidmo ah iska taagan in ciidamo dalalka dariska ah ka socda la keeno dlaka somalia,iyagoo walibana ku hanjabay in ay dowladda isaga bixin doonaan haddii arintaasi baarlamaanku u codeeyo.

 

Lama oga waxa bedelay mowqifka Hiiraale oo isagu horay dhowrjeer u diiday in Ciidamo Itoobiya ka socda dalka la keeno. Ilaa iyo haatan wax war ah kama soo bixin kooxaha isbahaysiga ay kawada tirsanyihiin.

 

Liibaan Cabdi Cali

hayaan_8@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bare Hiiraale ayaa cadeeyey baarlamaanka Soomaaliya haddii uu ansixiyo ciidamada safka hore in la keeno dalka uu aqbali doono.

 

March 12, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Wasiirka dibu dhiska iyo dibu dajinta dowladda federaalka Soomaaliya Bare Aadan Shire “Bare Hiiraale†ayaa sheegay markii ugu horeysay haddii Baarlamaanka la keeno qorshaha ciidamo ka socda dalalka dariska la ah Soomaaliya oo ay ku jirto Itoobiya baarlamaankuna isku raaco,uu isagana la shaqeyn doono maadaama dowlada iyo baarlamaanka uu ka mid yahay, balse dhanka kale waxa uu sheegay in isagu aanu jecleyn in xiligan dalka yimaadaan ciidamo ka socda wadamada safka hore.

 

Bare Aadan Shire “Bare Hiiraale†ayaa xaley isagoo ku sugan magaalada Kismaayo khadka Taleefanka uga qeyb qaadanayey dood aad u kulul oo ka socotay barnaamijka “Dood Wadaag†ee Idaacadda iyo TV-ga HornAfrik oo ay kala qeyb qaadanayeen siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Maxamed Cumar “Maxamed Dheere†oo ah Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe, Sheekh Yuusuf Siyaad "Indha Cade" oo ah Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose, Faarax Cadow Sendiko, Warsame Cabdi Shirwac “Seefta Banaanka†oo isagu ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga ee maamul goboleedka Puntland.

 

Bare Hiiraale waxa uu sheegay isagoo ka hadlaya aragtiisa ku aadan ciidamada shisheeye ee la doonayo in dalka la keeno in aanu isagu marnaba raali ka aheyn ciidamadaasi in la keeno gudaha Somaaliya balse ay tahay mid uu ku khasban yahay hadii uu golaha Baarlamaanka ansixiyo.

 

Bare Aadan Shire ayaa ku tilmaamay nasiib daro in dowladu ilaa iyo markii la dhisay ay imaan weyso gudaha dalka iyadoo shacabka dalka uu si weyn ugu ooman yahay, waxaana uu ku sheegay sababaha ilaa iyo haatan dowladu ay uga shaqeyn la dahay gudaha dalka kalsooni daro ku kala dhex jirta mas’uuliyiinta sare ee ka wada tirsan labada gole ee dowladda Federaalka, wuxuuna xusay in haddii ay arrintu sidaa ku sii socoto suurta gal aheyn in xitaa bilaha soo socota ay dowladu dalka timaado.

 

Dhinaca kale, Warsame Cabdi Shirwac “Seefta Banaanka†oo isagu ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in maamuladii la dhisay wixii ka dambeeyey burburkii Xukuumadii Maxamed Siyaad ay ku baaba’een awood xumo, wuxuuna qeexay in markan la adeegsado wax waliba oo suuragal ka dhigi kara iney shaqeyso dowladda cusub, wuxuuna sheegay in ciidamada dalka la keenayo aaney aheyn Amxaaro, balse ay yihiin ciidamo ka soo jeeda qabaa’ilka Tigreega oo uu xusay iney Amxaarada dhaqan ahaan ka duwan yihiin.

 

Faarax Weheliye Cadow Sendiko oo ka mid ah musharaxiinta isu soo taagtey xilka madaxweynenimada Soomaaliya islamarkaana ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda magaalada Muqdisho, ayaa isaguna ku dooday in talaabo waliba ay Xukuumada ku dhaqaaqeyso ay ku haboon tahay in laga wada tashado, maadaama ay tahay dowladda mid dibu heshiisiin ku dhisan.

 

Faarax Sendiko oo ka hadlayey shirkii ay dhowaan siyaasiyiinta beesha ****** ku yeesheen magaalada Nairobi, ayaa sheegay in maadaama dowladda lagu dhisay nidaamka awood qeybsiga ee 4.5-ga haddii ay ka waayaan siyaasiyiinta beesha ****** mudnaantii ay arrintaasi ku lahaayeen iney xaq tahay iney si KMG ah dowlada uga baxaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barre Hiraaleâ€Waxaan ahay Wasiir ka tirsan Xukuumadda haddii Baarlamaanka ogolaado in dalka la keeno Ciidamo ka socda Itoobiya waxaa ku qasbanahay inaan sharciga ilaaliyo Maxaa yeelayâ€

 

Wasiirka Dib u dhiska Dowladda KMG ah Barre Aadan Shire (Barre Hiraale) ayaa iska fogeeyay inuu ka mid yahay caqabadooyin dowladda KMG ah hortaagan, isagoo meesha ka saaray warar sheegayay in sababta uu Nairobi u tagi waayay ay tahay isagoo diidan qaab dhismeedka Dowladda KMG ah,wuxuuna caddeeyay inuu xilligan Magaalada Kismaayo ka wado howsha Dowladda KMG ah.

 

“Aniga waxaa ka mid ahay Golaha Wasiirada Haddii Baarlamaanka Ansaxiixo in dalka soomaaliya la keeno ciidamo ka socda IGAD, gaar ahaan kuwa Itoobiya waa inaan Sharciga ilaaliya, maxaa yeelay meeshii loo bato ayaa raacayaâ€ayuu yiri Col Barre Hiraale oo Madax u ah Maamulka Isbaheysiga Dooxada Jubba ee ka taliya Gobolada Jubbooyinka.

 

“haatan waxaa magaalada Kismaayo ka wadaa howsha Dowladda KMG ah,waxaa ila jooga Xildhibaan Jen Axmed Warsame, haddaan jooga Kismaayo ma dowladda ayaa Mucaarad ku ahay miyaa,taas waa mayaâ€ayuu yiri Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dejinta Dowladda KMG ah,waana wasiirka keliya ee dalka iska jooga tan iyo markii la magacabay.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiiraale Oo Taageeray in Ciidamo Safka Hore ah Dalka la Keeno

That's a blatant lie!

 

Supporting Ethiopian troops in Somalia or supporting whatever decision the parliament reaches are two different things.

 

 

“Aniga waxaa ka mid ahay Golaha Wasiirada Haddii Baarlamaanka Ansaxiixo in dalka soomaaliya la keeno ciidamo ka socda IGAD, gaar ahaan kuwa Itoobiya waa inaan Sharciga ilaaliya, maxaa yeelay meeshii loo bato ayaa raacayaâ€ayuu yiri Col Barre Hiraale oo Madax u ah Maamulka Isbaheysiga Dooxada Jubba ee ka taliya Gobolada Jubbooyinka.

That should tell you Duke that no one is against this transitional government, although a sizable number of people hold reservations about Col Yey (you got this name stuck on me Wind :D ) heading it.

 

Some might be using Ethiopians as a reason for opposition, but a majority of folks are genuinely concerned about legitimately bringing in Ethio soldiers into the Somali Republic. Do you know what kind of precedent that will set? Most people want a central government, they realize that it's now or never, and they hope for a reinstallment of the state and proudly calling Somalia a country again. For someone to judge our wish for peace on whether we are pro/con on the Ethio "peace-keepers" is ludicris! That speaks plain ignorance and doqonimo ina adeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

HornAfrique, the 4.5 principle is often a lead to parliamentary consensus, therefore if 1 out of the 4.5 vote against Peace keeping forces, they would be considered minority.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ If even the 1 hold together when the debate starts.

 

Horn what are you talking about regarding being gainst the government he stated clearly that he is a minister of the government headed by Geedi and Yey. So thats not the issue. ;)

 

Hiiraale, has in principle agreed to going with the parliment decesion, thats not the same as some MP's who have recently stated that there should be no debate concerning frontline troop deployment.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

therefore if 1 out of the 4.5 vote against Peace keeping forces, they would be considered minority.

And pray how did you come to that conclusion :confused: If you had conducted a foolproof, acreditied, and accepted survey, I would be more then happy to look at it.

 

Sure that 1.0 has been the most vocal in their opposition to neighboring soldiers, but do not make the mistake of saying that anti-Ethio soldiers camp is limited them only.

 

 

Good stuff as usual Duke

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Horn sxb things has been change. Mr Hiiraale is in cricle know he has to share the pawore of accopaing kismaayo with jaamac dheer ;)

 

To me i beilve it doesn't count what ever he says weather the ephio to came or not. since the city is diveded in to two powerfull warleader.

 

That makes him (hiraale) less than .0001%

 

And also the peace agreement between Morgan and him is not finish yet( faanoole fare kama qodna ;)

 

Therefor I don't beilve Hiraal main point it is weather he will say anthing about these government.

 

where he has no dout that his seedi oo shax u soo dheelaayo Lets not gorget that) :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Duke_Valantino:

Hiiraale, has in principle agreed to going with the parliment decesion, thats not the same as some MP's who have recently stated that there should be no debate concerning frontline troop deployment.

Duke sxb you are a blatent liar oo aan weliba xishoniin. Just cause Horn pointed your mis-information, you have spinned around the phrase. Saxiibo labada mid in aad adigu tahey wax-magarad ama in aad dadka SOL uu qadatey in ay yihiin dad dhohaan.

And about your equation weight the opposition in terms of 'tayo' not 'tiro' and then consider whether adeer Yeey will be able to capture for you Xamar.

As Qanyare said if those in Mogadishu did not want the government to come to Jowhar and Baydhabo they would have certainly made sure it did not come. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

No one is in the mind of Barre Hiiraale and certainly none of us can talk about his intensions. He said in many occasions that he supports the TFS and is working towards establishing the Government in Kismaayo in the surrounding areas.

 

Barre Hiiraale is influential but also is Jaamac Dheere so none of us should stand up for someone because we suppose to know them because they're from our clan.

 

Bro Horn Afrique the same person you support now can turn against you. Stop hating and move one.

 

You're very sensitive person this whole Politics Section isn't suitalbe for you.May I suggest you look for other sections. Politics is hard business no time for emotions especially current Somali Politics which is for Loosers and something you guys should't be involved in. I'am not suggesting that Horn is a minor but this goes for the children, young adolscent in this section.

 

God Bless Somalia, Amiin.

Please Forgive me Brothers and Sisters if I've managed to upset and hurt some of your feelings. 100% it wasn't intendent.

 

Wabillahi Towfiiq,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Bro Horn Afrique the same person you support now can turn against you.
Stop hating and move one.

:confused: :confused: :confused:

 

 

You're very sensitive person this whole Politics Section isn't suitalbe for you.May I suggest you look for other sections. Politics is hard business no time for emotions especially current Somali Politics which is for Loosers and something you guys should't be involved in. I'am not suggesting that Horn is a minor but this goes for the children, young adolscent in this section.

:D:D:D The whole reason Somalia is where it's at is because of a lack of sensitivity, leading to a lack of common sense.

 

I don't equate sensitivity to the crying, sniffling type, but of being man enough to admit the truth.

 

 

Horn sxb things has been change. Mr Hiiraale is in cricle know he has to share the pawore of accopaing kismaayo with jaamac dheer

Things have changed for whom? Sxb Jamac Dhere was looking for name recognition, and he has been reprimanded for that. Don't keep biting after the dust.

 

I'm not going to lie to you here and say Barre Hiirale doesn't occupy Kismayo. He does and he wrangled it from Gen Morgan by force, but what you probably won't admit is that the there hasn't been a level of peace and security in the whole Jubba Regions since before the government was overthrown.

 

NOT that I looking at you to admit anything.

 

 

Duke sxb you are a blatent liar oo aan weliba xishoniin. Just cause Horn pointed your mis-information, you have spinned around the phrase. Saxiibo labada mid in aad adigu tahey wax-magarad ama in aad dadka SOL uu qadatey in ay yihiin dad dhohaan.

Jumatatu waa in laiga qabto noomaadyaal. Ever jaanis aad heshid HornAfrique wax baad ka raadinaysaa.. :D

 

Sidaan awal kuu sheegay, showga adi iyo ina abtigaa Duke na iga daxeesa kuma jidhi. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

SHEIK MUHAMMAD BIN AWAD -

 

Please, for the love of religion, dignity and integrity, drop the name 'Sheik' from your

screen name. Your words and the honorable title you've reserved for yourself are far apart. I suppose this is what's wrong with our Islam of today.

 

ANYWHO,

 

Originally posted by HornAfrique:

That should tell you Duke that no one is against this transitional government, although a sizable number of people hold reservations about Col Yey (you got this name stuck on me Wind
:D
) heading it.

LOL Horn Col Yeey (the Jackal) is a creature like no other. No reason to honor him with a name like 'Yusuf' :D

 

I'm with Mohamed Dheere on the troop deployment issue because the guy told the truth. He said the places where 'protests' against foreign troops happened are occupied areas in southern Somalia, namedly Shabeelaha Hoose and W/Muqdisho. I believe Barre Hiiraale's assertion that he respects the 'law' is similar to Education Minister Cosoble (from Hiiraan Region) - who said that he doesn't relate to this so-called private USC meeting in Nairobi who agreed to 30 clauses. Read Salad Xiis' analysis on Hiiraan Online - quite impressive. He simply asks: "HOGAAMIYEYAASHI KU HESHIIN WAAYAY 9 QODOB MAKU HESHIIN KARAAN 30 QODOB?" And the term he uses to describe Somalia's political flip-floppers - "jileyaal" - is right on target.

 

http://www.hiiraan.org/2005/mar/wararka_maanta12.htm

 

Its seems the 'Col Yeey is coming for revenge' train is getting emptier by the minute. By the time that train stops, political failures such as Sudi Calasow Cimrow Yalaxow (or whatever the hell he calls himself) and Cismaan the Short and Fat will the loners left on board. I know for sure when it comes to crunch time, Aideed Jr and Qanyare (the ultimate flip-floppers) will join the train that'll deliver them to a better destiny.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn.

Things have changed for whom? Sxb Jamac Dhere was looking for name recognition, and he has been reprimanded for that. Don't keep biting after the dust.

 

 

my bro i thought that you were better then this . comm man be relistic Ma hadaa keentay sheka islaamaha dharka gada.

" The man was looking for what a name."

 

sxb please don't cover the truth adeerkaa hiiraale dhiigkar baa ku dhiciraba he occopies only madax tooyada.

 

And Jaamac dheer powerfull man controls calanleey and the port comm. Lets just say they occopy half and half of the city. It will be like these untill their Seedi cames back for them smile.gif

 

look at these horn. You remembar Maxamed dheer Used to be finial advicer for ali mahdi and look where he is powerfull controls Jowhar.

 

Cumar finish used to be a patner with muuse look at him know controls part of madiina equal share of power. If you need more exsample Look at the RRA I am sure you remembar Shaatigaduud icon_razz.gif

can we say the same thing Hiiraale and Jaamac dheer. :confused:

 

I am sorry the truth hurt but is okey you will get over it. What can I do .......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke sxb you are a blatent liar oo aan weliba xishoniin

lol :D Juma, why you trying to make yourself sound foolish dear cousin?

 

Now the Duke writtes articles for websites in Somali ;)

 

For I posted articles from Somali website's regarding the statement Minister Hiiraale made. If anyone was lying or spinning it is either Hiiraale or the webmasters of those sites.

 

So stop with the crap son, either back up your chat as I do or keep quite lad.

 

Let me refresh your memory old man regarding the websites......

www.hornafrik.com

www.goobjoog.net – as you know both are well known President Yusuf supporters . :D

 

Juma you sound distressed and desperate, and this has had a somewhat negative effect on your reading and comprehension capabilities. Now let me reassure you I am here for you if you need help anytime, anyplace.

 

As for Hiiraale here is another Duke story enjoy :D

 

http://www.somaliweyn.com/pages/news/Mars05/13mars12.htm

 

Bare Hiiraale ayaa cadeeyey baarlamaanka Soomaaliya haddii uu ansixiyo ciidamada safka hore in la keeno dalka uu aqbali doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bare Hiiraale "Waan taageersanahay in ciidamo dariska ah la keeno Soomaaliya"

 

Kismaayo. 13 Mar 2005. Gudoomiyaha Is abahaysiga Dooxada Jubba ee haysta Kismaayo mudane Bare Shire Hiiraale ayaa sheegay in is bahaysigiisu ay taageersan yihiin in ciidamo safka hore ah la keeno Soomaaliya.

 

Barre Hiiraale wuxuu yidhi "Anigu waan ka soo horjeeday markii hore la keeno ciidamo ka socda dalalka dariska ah, laakiin hadda waan taageersanahay, sababtoo ah xal kale iima muuqdo"

 

"Saf hore iyo mid danbe uma baahnin ee waxaan u baahanahay xasilooni iyo kala danbayn" ayuu yidhi Hiiraale.

 

Bare Hiiraale oo is bahaysigiisu uu qayb ka yahay malayshiyada haysata magaalada Kismaayo ayaan la ogayn sababta rasmiga ah ee badashay mawqifkiisa. Qolayaha ay xulafada yihiin aad ayay uga soo hor jeedaan in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya.

 

Taageeradan Bare Hiiraale waxay ka danbaysay diidmo uu diiday ciidamada shisheeyaha ninka ay iskula jiraan is bahaysaiga ee la yidhaahdo Yuusuf Indha Cade oo shalay banaabax ka hadlay lagu qabtay Marka. Indha Cade wuxuu si kulul u canbaareeyay dadka u ololaynaya ciidamada ajbaniga ah isagoo sheegay inay ku jihaadi doonaan ciidan kasta oo la keeno Soomaaliya.

 

Arinkan waxaa loo qaadan karaa inay kala durkayso afkaarta Bare Hiiraale kooxdiisa iyo kooxaha saldhigoodu yahay Xamar.

 

Is bahaysigan dooxada Jubba oo kulmiya malayshiyooyin ka kooban beelaha ********* iyo Habar Gidir ayaa dabayaaqadii sanadkii tagay gubay magaalada Dhoobley iayagoo halkaas ka gaystay falal waxshinomo ah sida ay gubeen Masaajidyo, ceelal iwm.

 

SomaliTribune

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this