Sign in to follow this  
Haatu

General Mukhtaar on the march!!!

Recommended Posts

Haatu   

Ciidamo fara badan oo uu horkacayo Jen. Mukhtaar oo soo dhaafay deegaanka Yasooman oo 40Km dhanka bari ka xigta Buulo Burde, kuna soo dhow Halgan.

(31-07-2009)

 

 

Ciidamo fara badan oo uu horkacayo Jen Mukhtaar Xuseen Afrxa oo dhowaan dowlada u xil-saartay howl galo laga fulinayo Gobolka Hiiraa si gacanta dowladda loogu soo celiyo ayaa Xalay soo dhaafay deegaanka Yasooman oo qiyaastii 40Km dhanka bari ka xigta Magaalada Buulo Burde oo ciidamadu ay ku wajahan yihiin.

 

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo qoryo casri ah oo ah kuwa lagu rakibo gaadiidka dagaalka balse ay u isticmaalayaan qaab efendari ahaan ayaa xalay waxaa ay ku hakadeen deegaankaas,iyagoo saanadooda wata.

 

Jen. Mukhtaar oo dib u habeyn ku sameeyay ciidamada dowladda oo qaarkood lagu soo tababaray Itoobiya ayaa waxaa kaloo ciidamadaasi qeyb ka ah kuwii maxkamadaha ee ka tirsanaa maamulkii maxkamadaha ee bur buray,kuwaasoo haatan u xuub siibtey ciidan dowladeed.

 

Ma cada ciidamadan inay weerar ku yihiin Buulo Burde ,hase ahaatee qorshayaasha ugu weyn ee Saraakiisha dowladda ee ku sugan B/weyn damacsan yihiin ayaa qeyb ka ah in gacanta lagu dhigo Buulo Burde oo ay ku qul qulayaan gurmadyo ka tirsan kooxaha mucaaradka si ay u difaacdaan deegaankaas.

 

Qorshayaasha dagaal ee la dajiyay ayaa waxaa uu yahay mid dagaalka la doonayo in qaab istiraatiijiyadeed loo galo,waxaana suura gal ah in weeraro laba jiho ka imaanaya lagu soo qaado Buulo Burde, sida aan ka helnay sarkaal dowladda ka tirsan.

 

Magaalada Buulo Burde ayaa waxaa xoog badan ku jooga Xarakatu Al-Shabab oo si weyn u doonaya in ay magaaladaasi difaacdaan, iyagoo beryihii ugu dambeeyey halkaasi ku daabulayey gawaari dagaal iyo maleeshiyaad fara badan oo laga keenay gobollada ay maamulaan.

 

Ciidamadaan dowladda ku abtirsada ee ku soo qulqulaya Buulo burde ayaan hore looga baran dagaal fool ka fool ah oo ay la galaan Xoogagga Alshabab oo iyagu dagaallada u gala si aan kala har lahayn, lama ogaan karo sida ay xaaladdu noqon doonto marka foodda leys daro.

 

Dalkanews.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

A proof that the Shariif administration is doing something about the precarious security situation in the country no matter how much it's critics deny it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Warlords or not the most important thing right now is to liberate the country from these monsters. Impunity shall be addressed when there is peace and the nation is ready for it. General Mukhtaar is a general in Xooga Dalka Soomaaliyeed and a military man. Plus in the face of the enemy he does not replace is uniform with a jilbaab and indha-shareer like your leaders. His masculinity is not in question but i have doubts for ina Godane :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Dowlada Mareykanka oo taageero Military u sameyneysa Somalia

 

Dowladda Maraykanka oo shaacisay inay taageero Milliteri oo dheeraad ah siinayaan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya si ay isaga difaacdo Kooxaha Mukhaawamadda ee ka soo horjeeda Jiritaankeeda.

 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, John Karson, ayaa hadalkaasi Saxaafadda ugu sheegay magaalladda Washington, wuxuuna tilmaamay inay Dowladiisa sida ugu dhaqsaha badan Taageero Milliter oo dheeraad ah u soo gudbin doonaan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya si ay ugu adeegsato Soo-celinta Degaanaanshaha dalka Soomaaliya.

 

Kaaliyaha waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladiisa taageero buuxda siinayaan DFKMGS, Ururka Midowga Afrika iyo Hawlgalka Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM, isla markaana ay culayska saari doonaan sidii Ammaanka loogu soo celin lahaa Goballadda Koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Mar wax laga weydiiyey Kulanka lagu wado inay Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somaaliya , Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka maalinta Arbacadda ee soo socta ku yeeshaan magaalladda Nairobi, waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Kulankaasi yahay mid muhiim ah oo ay Dowladda Maraykanka ka dhegeysan doonto Madaxweyne Shariif qaabka ay Dowladiisa qorsheynayso si Nabad iyo deganaansho loogu soo celiyo dalka Soomaaliya.

 

“Waxaan Madaxweyne Shariif siinaynaa Fursadiisa Koowaad, si aan uga maqalno rajadda ku aadan Nabadda Soomaaliya, waxaana u aragnaa inuu Kulankaasi yahay mid muhiim u ah dalka Soomaaliya” ayuu yiri Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykana ugu qaabilsan arrimaha Qaaradda Afrika, John Carson.

 

Dhinaca kale, Kaaliyaha waxa uu mar kale ugu baaqay Dowladda Eritrea inay joojiso Taageeradda Milliteri iyo dhaqaale ee ay u gudbinayso Kooxaha ka soo horjeeda DFKMGS, wuxuuna si cad carrabka ugu dhuftay inay Dowladda Eritrea joojiso taageeradda ay siinayso waxa uu ugu yeeray Qas-wadayaasha ku sugan dalka Soomaaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Maraykanka ayaa u muuqata inay kordhinayso Taageeradda Milliteri ee ay ugu yaboohayso DFKMGS, Ururka Midowga Afrika iyo Ciiddamadda AMISOM, iyadoo ay Dowladda Maraykanka horey ugu deeqday Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Saanad Milliteri oo culayskeedu dhamaa 40-tan, taasi oo ay Ciiddamadda Dowladdsa KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM u adeegsanayaan dagaalladda sii socda ee ay kula jiraan Kooxaha Mukhaawamadda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Originally posted by Jaanjumow:

Warlords or not
the most important thing right now is to liberate the country from these monsters.

Easy for you to say from your comfort, yacni," warlords or not". Ever thought if the people of Southern Somalia wan't to be liberated by the lovely, Somali nationalist warlords, huh? Did you ask if they want to go back to checkpoints, ****** and thuggery?Secondly, if these warlords never brought peace for 2o frikkin years, how can they do it now? Damn, Somalis are fickle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Fabgregas,

 

Warlords (including the extremists and religious pretenders) are indeed not the way forward.

 

Their downfall would surely benefit Somalia.

 

Hiiraan will stay in turmoil as long as warlords of different shapes and colours roam freely.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

^^ I'll only agree if you add your beloved ahlul summ-ah wal habash and muqdisho society to the list of warlords. otherwise; holier than thou stuff and nonsense as ever. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

The warlords now take their orders from the government. Your forgetting it was not general Mukhtaar who set out to liberate Hiiraan, but was appointed by the government. As for the checkpoints, have you heard anything suggesting that the government troops in Beledweyn are robbing the people of their money on the roads. Your mind is still set in the era of the lawless 90s when there was no government. But now, there is a functioning government although not completely inclusive and powerful, it is still a government.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Originally posted by Fabregas:

^^ I'll only agree if you add your beloved ahlul summ-ah wal habash and muqdisho society to the list of warlords. otherwise; holier than thou stuff and nonsense as ever.
;)

ahlu Sunnah are part of the new trend of religious warlordism.

 

As for professors, students, women organizations, elders and religious leaders, those cannot be warlords.

 

Do not get blinded by your support to warlords (religious form).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

When did ahlul summah become warlords. I thought you said they were mujahideen? he he. as for moq society, the people, religous scholars and elders have all supported or at least rooted for particular factions, so don't be actin like they saints.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warku waa kutir kuteen

 

 

kolba meeshay ethiopianku ku daba jiraan ayeey aadan, hadeey tigreegu ka baxaan kala beryka, beledweyne maalin cad beey ka dhaqaaqi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mukhtaaradaan wey bateen.

 

kolba meeshay ethiopianku ku daba jiraan ayeey aadan, hadeey tigreegu ka baxaan kala beryka, beledweyne maalin cad beey ka dhaqaaqi.

Fair enough. Maxee Xabashada ugu cararaan dadkaan halyeeyga ismoodo markee Soomaalida la dagaalamaayaan, but the moment alleged Xabashi magacooda maqlaan inay usoo dhowyihiin cagaha wax ka daayaan. Why?

 

Aawey "jihaadka" ee maalin walba ku haayaan, mise jihaadka dhiigga Soomaaliyeed ee Muslimka bas u furanyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this