Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

BREAKINGNEWS AL SHABAAB INVADES PARTS OF MUDUG PUNTLAND

Recommended Posts

::

Al-shabaab oo ku soo fool leh magaalada Gaalkacyo iyo Puntland.

Warkii 07-Dec-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

Gaalkacyo-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay jirto cabsi weyn oo la soo deristay dadka ku nool magaaladaas,iyadoo la isla dhexmarayo warar sheegaya inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan taageerayaasha ururka Alshabaab kadib qabshadii guud ahaan gobolka Galgaduud.

 

 

Ururka Islaamiga ah ee Al-shabaab ayaa wada weeraro ay kula wareegayaan gebi ahaanba Soomaaliya,iyagoo hada gacanta kuy haya gobolada Jubada hoose,Jubada Dhexe,Gedo,Bakool,Bay(oon Baydhabo ku jirin),Banaadir badankeeda,Shabeelada Hoose,Shabeelada Dhexe,Hiiraan,Galgaduud,iyo weliba qaybo ka mid ah gobolka Mudug,waxayna hada kaabiga u saaran yihiin magaalada Gaalkayo oo ku taala cirifka ugu shisheeya ee maamulkaas.

 

Magaaladaas ayaa xoogaga maxaakiimtu isku dayeen inay la wareegaan wakhtigii hore ee maxaakiimtu qabsadeen Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya badankeeda,taasoo keentay inay ka soo gaadhaan ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Gaalkacyo,waxaanse markan la hubin inay ciidamo Itoobiyaan ahi ka soo gaadhi doonaan iyo in kale,iyadoo ay yar tahay awooda ciidan oo ka jirta Soomaaliya oo hor istaagi kara xoogaga Alshabaab.

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa dadku hadal hayaan sida ay noqon doonto xaaladu hadii xoogagaas islaamiyiinta ahi soo gaadhaan magaalada,iyo in maamulka Puntland difaaci karo magaalada,iyo guud ahaanba Puntland.

 

Waxaa ilaa maanta laga dareemayaa sidoo kale is urursi ay samaynayaan ciidamada Puntland,iyadoo la arkayo tikniko la diyaarinayo,iyadoo ay jirto feejignaan weyn oo shacabku muujinayaan.

 

Xoogaga islaamiyiinta Al-Shabaab ayaa waxa ka go'an inay la wareegaan awooda Soomaaliya oo dhan,oo ay ku jiraan maamulada Somaliland iyo Puntland.

 

Waxaa dhowaan qaraxyo lala beegsaday hay'daha dawlada iyo xafiisyada Itoobiya ka dhaceen magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa,waxaana maamuladaasi ku eedeeyeen ururka Al-Shabaab inay ka danbeeyeen qaraxyadaas.

 

Ha fogaan wararkii ugu danbeeyey ee deegaanka iyo isbedela ka dici kara.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Xaaji Xayraanow,

adu xadhkihii lagu

xiri lahaa xusulada

aad ku sita,

 

xarkahaga sii sooho aa

lagu dhahay inta ay

xafadeena hargayso

ka soo qoraansan doonto.

 

Xasankoo aa shalay u

ducaynaasay aa xuska xaafadiina

ka gadaaleya kuugu jira is dhowr

ninyahow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Nimanku niman kaftamaya

maahan adna waad u

ducayne bal ka waran?

 

Redka adeerkii aa ku jira aa

la dhahay laakiin adi wax

kuu gala ma'aanan garan.

 

Xajiyow, bal aan ku xasuusiyee

nimankani inta ayna meesha isku

qarxin dee gabartii aad jeclayd

ee abtigeen kuugu maqnaa mesha

kala soo bood ninyow.

 

Sida kale, waxaygu

gabay ma aha ee ciid

wanagsan, duqa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

They will easily capture GalMudug , I have my doubts about Puntland - considering the enormous support they have in the former.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I hear the same news in 2006 and they didn't even come to Galkayo ,,,, from there they will be chased but the question is: BY WHO THIS TIME ?? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Waxani waa laab-la-kac aan natiija waarta keeni doonin ee maa laga joogo! Hadda maxaa Gaalkacyo yaalla oo weerar loogu qaadayaa? Maxaa keenay in ONLFta weerar iyaguna lagu qaado? Waa maxay istiritaajiyadda ka dambeysa waran-fudaydkani?

 

Things just don't add up; Al-Shabaab leadership must not repeat the same mistake the UIC has made!

Share this post


Link to post
Share on other sites

No but this time who is going to stop them

uncle sam More Ethiopian troops i dont think so.

2006 wala karbaashay because way hanjabbeen and they attacked baydhabo

laakin imika all of the south iyaka gacanta ku haya

 

cabdilahi yusuf inkaarqabe him self said wax dawladii kama jirto somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this